SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA
Mwai Kibaki
DHAARINTA MADAXWEYNAHA CUSUB EE KENYA
Emilio Mwai Kibaki waa madaxweynaha 3aad ee Kenya
Waxaa soo af-jarmay 39 sano oo uu xisbiga KANU hayey talada dalka Kenya.

Kenya Latest News |NATIIJADII DOORASHADA

Xilwareejintii Madaxweynaha Kenya: Wararka ugu dambeeyey... GUJI 

ISNIIN DEC 30, 2002- Wararka saakay ka soo baxay magaalada caasimada u ah Kenya ee Nairobi ayaa sheegay in dad aad u tiro badan ay kusoo qulquleen  barxadda weyn ee lagu magcaabo Uhuru Park, halkaas oo lagu caleema saarayo madaxweynaha saddexaad ee Kenya Emilio Mwai Kibaki.

Waxaa wararku sheegayaan in dadweynuhu ay saakay waaberigii bilaabeen in ay isugu soo baxaan barxadaas si ay u daawadaan caleema saarka madaxweynohooda cusub ee sida nabad gelyada ah xukunka kula wareegaya.

Waxaa wararka ay baahisey saxaafada Kenya sheegeen in dhaarta madaxweynaha cusub ee Kenya ay noqon doonto maanta duhurkii , waxaana warka intaas ku daray in madaxweynaha la doortay Mwai Kibaki uu madaxsha dhaarta imana doono 11.40am halka madaxweyne Moi uu ka iman doono 11.45am. 

Xafladda dhaarinta madaxweynaha cusub, Kibaki, kabacdi ayaa madaxweynaha jagada ka degaya, Moi, waxa uu qada sharaftii ugu dambeysey kuqabanayaa guriga madaxtooyada qaranka ee State House, oo kuyaal Nairobi. Kaddib Moi waxa uu aadayaa gurigiisa oo kuyaal Kabarak, sidaas ayuuna guriga madaxtooyada ugu bannaynayaa madaxweynaha cusub ee dalku doortay. Moi waxa uu gurigaas madaxtooyada ee State House deganaa ilaa 1978.

Waxaa wararku intaas ku darayaan in marti sharafta wadama kale ee kasoo qayb gelaya xafladaas ay ka mid yihiin madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ,  Madaxweyanah Tansaaniya Benjamin Mkapa , Madaxweyanah Rwanda Paul Kagame  iyo madaxweynaha K/Afrika Thabo Mbeki iyo marti sharaf kale.

Xafladda maanta ayaa madaxweynaha cusub loogu dhaarin doonaa in uu noqondoono taliyaha ciidama qalabka sida ee qaranka [Commander-in-chief].

Kenya waxaa muuqata in ay dooratay in xukunka si nabad ah ula kala wareegaan. Kenya waa dalka uu ka socdo shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida, taas ayaa in badani is weydiinayaan Soomaalida halkaas lagu heshiisiinayaa  maku dayan doonaan Kenya oo fahamsan qiimaha nabadda iyo midnimada, sida uu madaxweyne Moi sheegay markii uu sagootinayey ciidanka qalabka sida oo markaas la weydiiyey su'aal ahayd wax aad ka qoomamayneysaa majiraan, waxa uu ku jawaabay: "Maxaan sababaya in an qoomameeyo, sabab. Inta dadka reer Kenya ay midaysan yihiin, isla markaana ogyihiin mustaqbalkooda, ayna ogyihiin qiimaha nabada, waan qanacsanahay".

Wararkii ilaa shalay ee doorshada ka akhri hoos:Hoos Akhri

 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

NEWS FLASH:  

Mwai Kibaki oo noqon doona madaxwaynaha 3aad

Dec 29, 2002

Sida uu mardhow Nairobi kasoo tebiyey Ridwaan Xaaji Cabdiweli, Musharaxa isbahaytada qaansa-roobaadka ee NARC, Mwai Kibaki, ayaa noqon doona madaxwaynaha sadexaad ee dalka Kenya,waxaana ilaa iyo haatan uu haystaa 3.2 Milyan oo cod, halka musharaxa KANU Uhuru kenyatta uu ka haysto 1.4 Milyan oo cod, inta badan codadka ka soo xarooday dagmooyinka iyo gobolada dalka.

Golaha baarlamaanka ee dalka waxaa haatan NARC ay kusoo bexeen 136 kursi halka KANU ay ka heshay 46 kursi, iyadoo wasiiro iyo mudanayaal baaralaam oo aad loo yaqaanay ay KANU ku waayeen kuraastoodii.

Gobolka woqooyi bari ee soomaalidu ay dagto ayaa dhamaan kuraasta waxaa ku guulaysatay xisbiga KANU marka laga reebo Axmed Khaliif Maxamed oo kamid ah siyaasiyiinta waawayn ee gobolka oo isagu ku guulaysatay Kursiga NARC ee Galbeedka Wajir.

Gudiga doorashooyinka dalka ayaa lagu wadaa in dhowaan ay ku dhawaaqaab codadka iyo sida lagu kala adkaaday doorashooyinka dalka oo si aad ah ay ugu horeeyaan isbahaysatada mucaaradka NARC.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli,
SomaliTalk Nairobi | Filed: Sun, 29 Dec 2002 03:11:02 -0800 (PST)

Mwai Kibaki waa Madaxweynaha Cusub ee Kenya

Sida ay cadaysay jariiidada Standard, Mwai Kibaki, ayaa ku guulaystey doorshooyinkii madaxtinimada dalka Kenya. 

151 kamid ah 210 xarumood ee cod tirinta ayaa waxaa labada xisbi ee ugu sareeyaa waxaa horkacaya xisbiga uu hogaaminayo Kibaki ee NARC oo helay 2,848,083 cod oo u dhiganta 62%, halka xisbiga KANU uu ka helay 1,334,229 oo u dhiganta 29%, waa waqtigii saakay aan qoraalkaan daabacayneye. 

Golaha baarlamaanka ayaa xisbiga NARC helay 101 kursi, halka xisbiga KANU ka helay 37 kursi, waa markii aan qoraalkan daabacaynaye, taas oo weli ay tirsigii kuraastu socotey.

Sidaas waxaa ka muuqda in aan xisbiga NARC lasoo gaari karayn, halkaasna ay kusoo af-jarmi doonto 39 sano oo uu xisbiga KANU hayey talada dalka Kenya.

Dhanka kale afhayeen u hadlayey Maamulka codbixinta Kenya oo lagu magcaabo Mani Lemayian oo ay soo xiganeysey hay'adda wararka Reuters ayaa sheegay in Mwai Kibaki uu ku guulaystey codbixinta ayadoo asaas looga dhigayo natiijada kasoo baxday gobolada, waxana uu intaas ku daray in lagu qanacsan yahay in Kibaki uu guulaystey, oo la sugayo in la cadeeyo codadkaas, isla maanta gelnka dambena si rasmi ah loogu dhawaaqi doono guusha Mwai Kibaki.

 

Isniinta ayaa la  caleema saarayaa Madaxweynaha cusub ee Kenya

Mwai Kibaki oo ay u badan tahay in uu Noqdo Madaxweynihii Saddexaad ee Kenya

Wararka ka soo baxaya codbixintii Kenya waxa ay tibaaxayaan in Mwai Kibaki oo ah 71-jir ah oo katirsan xisbiga NARC (National Rainbow Coalition) uu hogaaminayo doorashada Madaxweynanimda Kenya, hadii uu guulaystona waxaa halkaas si nanab gelyo ah ugu soo afjarmaya 24 sano oo uu Madaxweyne ahaa Moi oo 78-jir ah.  

Haddii uu guulaysto Mwai Kibaki waxa uu noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee soomara Kenya ilaa ay xornimda qaateen 1963. Labada madaxweyne ee ilaa hadda Kenya soo maray waa Daniel Torotich arap Moi oo ah madaxweynaha hadda ee Kenya iyo Jomo Kenyatta oo xukunka qabtay markii dalka kenya xoriyada qaatay, Kenyatta waxa uu geeriyoodey 1978.

Wararka ugu horeeya ayaa sheegaya in madaxweyne kuxigeenkii Kenya, Musalia Mudavadi, uu lumiyey kurisigiisii Baarlamaanka, waxaa kale oo kuraastoodii waayey  Sharrif Nassir iyo   Cyrus Jirongo. Sharrif Nassir  waxaa kurisga uga xoog batay Mr Najib Balala. Madaxweyne xigeenkii hore, George Saitoti, waxay u badantahay in uu kurisgiisa xijisto.

Uhuru Kenyatta oo  41-jir ah, ooo katirsan xisbiga talada dalka soo hayey ee KANU, waxaa muuqata in tirada codbixinta ugu horeysey ay tilmaameyso in aad looga horeeyo, qiyaasihii u horeeyey ee jariidada Daily nation waxa ay tibaaxaday sidan: NARC=66% KANU=31% FORD.PEOPLE=2% SDP=0% UMMA=0%. Jariidada kale ee lagu magcaabo  Standard waxa ay qiyaastaas ka dhigtay sidan:  NARC= 65%,   KANU = 28%. Moi waxa uu jeclaan lahaa in uu xukunka kala wareego Uhuru Kenyatta oo uu dhalay madaxweynihii hore ee kenya oo uu Moi xukunka uga dambeeyey.

Moi oo saakay weriyayaasha la hadlay, mar uu ka qayb galay dhoolatus sagootin ah oo Ciidanka qalabka sida ee Kenya u dhegeen, waxa uu sheegay in uu xukunka ku wareejinayo qofkii guulaysta. 

Moi oo su'aal ahayd wax aad ka qoomamayneysaa majiraan, waxa uu ku jawaabay: Maxaan sababaya in an qoomameeyo, sababa. Inta dadka reer Kenya ay midaysan yihiin, isla markaan aogyihiin mustaqbalkooda, ayna ogyihiin qiimaha nabada, waan qanacsanahay.

Wararka galabta kasoo baxay Kenya, sida ay werisey Standard, waxaa madaxweyneha cusub ee Kenya loo samaynayaa xafalad caleemo saar ah maalinta Isniinta ee soo socota. Sida uu sheegay sarkaal sare oo Kenya ah waxaa amar la siiyey shaqaalaha guriga madaxtooyada Kenya si ay Isniinta ugu diyaariyaan xaflada caleema saarka madaxweynaha cusub ee qaranka.

[NATIIJADA] [Maxsuulka] [sawiro

KENYA VOTE: NATIIJADA UGU DAMBEYSEY EE DOORASHADA

SomaliTalk | Kenya

 Dec 29, 2002 

<><><>

I  I  D  H  E  H

Yaa hogaaminaya Doorashada Kenya?
Mucaaradka oo ku horeeya madaxwaynanimada doorashooyinka guud ee dalka wararkii u horeeyey ee kasoo baxay ka akhri.... IQRA... 28/12

Doorashooyinka Dalka Kenya
Dalka kenya ayey doorashoonkiisi Madaxti-nimada, Barlamaanka, iyo Dowlada hoose, ka bilowdeen maanta... GUJI...  27/12

10.5 milyan oo u Dareeraya  Doorashada Kenya
Madaxa gudiga doorashooyinka Mr Samuel Kivitu ayaa ugu baaqay dhamaan dadwaynaha codkooda dhiibanaya in.. GUJI...  26/12

Codbixinta Nairobi iyo Kaalinta Soomaalida
waxaa soomaalida ku dhaqan xaafadda islii, Nairobi, la  hadlay Mr Uhuru Kenyatta oo ah musharaxa doorashada madaxwaynanimada xisbiga KANU ... GUJI...  24/12

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD