SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA
Mwai Kibaki
Mwai Kibaki oo Ku Guuleystay 64% Doorashadii Madaxtinimada Kenya

Mohamud Yusuf Garre 
yusuf22@lycos.com  


Afar iyo labaatan sano oo uu xukunka hayey kadib Madaxweyne Moi wuxuu u guranayaa tuuladii uu ku dhashay ee Baringo, agagaarka Rift Valley.

Hoos Akhri

 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive


Ninka bedelaya Moi waa Mwai Kibaki, ruug cadaa siyaasadeed laba jeer oo harana ku guuldareystay tartanka doorashada Madaxtinimada Kenya. Kibaki wuxuu ku dhashay hoobaanta buurta Kenya (Maunt Kenya) wuxuuna ka dhashay qabiilka ugu tirada badan wadankaas ee lagu magacaabo Kikuyu.

Wuxuu kamid ahaa ragii ka qeyb qaatay ololihii xornimo doonka wadankaas, wuxuuna lasoo shaqeeyey labadii Madaxweyne ee wadankaas soo maray Kenyata iyo Moi.

Wuxuu aqoontiisa sare ku qaatay wadamada Uganda iyo Ingiriiska wuxuuna kamid ahaa ragii wax ka qoray dastuurka wadankaas xornimadii kadib.

Wuxuu soo qabtay xilalkan Kala Duwan:

1963-ilaa Maanta: Mudane Baarlamaan
1969-1982 Wasiirka Maaliyada
1978-1988 Madaxweyne Ku-Xigeen
1991 Aasaasay xisbiga Dimuqraadiga (DP)
1992 Ku Guuldareystay Doorashadii Madaxtinimada
1997 Ku Guuldareystay Doorashadii Madaxtinimada

Laba jeer ayuu ku guuldareystay tartankii doorashada Madaxtinimada wadankaas taasoo 1997dii moodsiisay dad badan in Kibaki ka fariisan doono saaxada siyaasada, balse Kibaki wuxuu muujiyey inuusan marna ka quusan noqoshada madaxweynaha Kenya.

Wuxuu ku dadaalay mideynta ururada mucaaradka wadankaas taasoo uu bartamihii sanadkan ku guuleystay meel isugu keenka 8 urur siyaasadeed ay ku jiraan qeyb kamid ah ururka KANU oo kasoo go'ay xisbiga talada haya ee uu hogaamiyo Madaxweyne MOI.

Bishii September ayeyna hogaanka isbaheysiga siyaasadeed ee uu Kibaki aasaasay laguna magacaabo NARC (National Alliance Rainbow Coalition) muujiyeen in Kibaki yahay mushaxooda doorashada Madaxtinimada sanadkan.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay tartankaas afar musharax uu ugu tug tug roonaa musharaxii xisbiga KANU oo ah wiil uu dhalay Madaxweynihii ugu horeeyey ee wadanka Kenya JOMO KENYATA, laguna magacaabo UHURU KENYATA.

Sida uu saacado kahor qoray Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayuu muujiyey natiijada doorashadaas waana tan:

Mwai Kibaki Votes: 3,525,976 - 64.0%
Uhuru Kenyatta Votes: 1,657,623 - 29.0%
Simeon Nyachae Votes: 320,044 - 6.0%
James Orengo Votes: 24,199 - <1%
Waweru Ngethe Votes: 9,056 - <1%

Kibaki ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay siyaasiga ugu hantida badan wadanka Kenya, taasoo keentay in dad badan oo reer Kenya ahi aaminaan inuu yahay nin aad isula weyn.

Sida caadada u ah siyasiyiinta Afrika, Kibaki ayaa shacabka reer Kenya u balan qaaday inuu wax ka qaban doono Musuqa iyo dhaqaale darada ba'an ee haysata, balse la ogaan doone inuu ka dhabeeyo balan qaadkaas.

Akhri Caleema Saarka Madaxweyne Kibaki

Mohamud Yusuf Garre 
yusuf22@lycos.com

Sun, 29 Dec 2002 09:17:48

<><><>

Qoraaladii Hore ee Maxamuud Y. Garre

I  I  D  H  E  H

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD