SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

May 18, 2004

Muqdisho oo ajiibtey baaqii gaalnimo diidka ee culumada

Cumar Maxamuud Cabdi
E-mail: xanaf2001@hotmail.com


Fagaraha tarabuunka ee Magaalada muqdisho waxaa maanta oo khamiis ah ka dhacay isku soo bax aad u balaaran oo ay ka soo qeyb galeen dad lagu qiyaasay ilaa iyo ka badan 10,000 oo qof . Banaan baxaas waxaa ku baaqey dalada culumada soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay hey'adaha qaarkood sida (swiss chuch) ee ku gabada kaalmada bani- aadannimo, kana hawl gala magaalooyinka muqdisho, marka iyo afgooye ay bishaan bilowgeedii si cad oo bareer ah caruur soomaaliyeed oo wax ka dhiganayey 11 – iskuul oo ku yaala Marka & kuwo ku yaal Muqdisho ugu qeybiyeen Biblo, Macatabyo & astaama kirishtaan oo kale.

Banaan baxaan waxay reer muqdisho ku diideen in la kirishtaamiyo caruurta soomaaliyeed iyo wax kasta oo ka soo horjeeda diintooda islaamka, waxayna siteen boorar ay ku qoran yihiin (waxaan nahay 100% muslim, kirishtaameyna u dul qaadan meyno) (diintayada ku badalan meyno doolaar) (Diintayada waan difaacaynaa, dhiigaayagaan u daadinaynaa) ( kirishtameyn maya, seddex Ilaah maya, Tawxiid haa) (Islaamnimadayada iibsan maymo) (Diin baadil ah dooni mayno) iyo kuwo kale oo fara badan. Waxaa ku hareeraysnaa goobta la isugu yimid ciidamada maxkamadaha islaamiga, waxayna xireen waddooyinka soo gala fagaaraha tarabuunka.

Isku soo baxaan culumadii ka soo qeyb gashay kana jeedisey erayo aad u cad cad waxaa ka mid ahaa Sh. Nuur Baruud Gurxan oo ah gudoomiye ku xigeenka dalada culumada soomaaliyeed, isagoo ku hadlaya magaca daladana waxaa uu yiri(Diintayada ayaa lagu soo duulay, iyadoo baahidayada laga faa'iidaysanayo, bakhtina waa baahnahay u cuni mayno), waxaa kale oo ka mid ahaa culumada halkaas ka hadashay Sh. Nuur Macalin C/raxmaan isna waxa hadaladiisa ka mid ahaa mar uu ka hadlayey caadaqaatayal soomaaliyeed oo la shaqeeya gaalada (waxaa ay leeyihiin sheekhow bariiskayagii miyaad naga caraynaysaan?, haddaa ma diintayadaad caraynaysaan?).

Waxaa kale oo goobtaas ka hadlay guddoomiyeyaasha maxkamadaha islaamiga ah ee Muqdisho, waxaana ka mid aha Sh. C/qaadir Cali Cumar oo yiri: (waxaan la diriraynay burcad nafta & maalka dhibaysa, haddana waxaa soo baxay burcad diinta dhibaysa, burcadnimo ka wayna ma jirto, haddana dagaalakayaga halkaas ayaan u jeedinaynaa) waxaa kale oo ka soo qeyb galey isku soo baxaas salaadiin, odayaash, aqoon yahan & marti sharaf kale oo farabadan.

Culimadii ka soo qayb gashay kulankaas & dadwaynihii isu soo baxay waxay ballan ku kala qaateen inay difaacaan diinta islaamka, kana hortagaan cid kasta oo isku dayda inay ku xadgudubto. Dadka waxaa wajiyadooda ka muuqatay caro markii la soo bandhigay qalabkii kirishtaamaynta, waxayna ad ugu farxeen markii dab la qabadsiiyay kartoonadii ay ku jireen wax ka mid ah walxahaas. Waxay dadku ku dhawaqayeen: Allahu akbar, Laa Ilaaha illa Allaah, gaalo diidnay iyo erayo kale oo qiiro & xamaasadi ku jirto.

Ugu dambayntii su'aashu waxay tahay bulshada reer Muqdisho ma ku guulaysan doonaan ka hortagga kirishtaamaynta & fasaadka kale ee faraha badan ee yaalla magaladooda? Mise markii goobta laga dhaqaaqo ayaa qof walba qabqablaha reerkoodu hoos wax ugu sheegin?.


Cumar Maxamuud Cabdi
E-mail: xanaf2001@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk May 18, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

 
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD