|
Hayádaha warbaahinta koonfurta somalia maxay
galaan maxayse gudaan?
Hassan
Salahudin
Leicester
Uk.
achmed_abdi@hotmail.com
Waa sii horaysay ayaan isha mariyey maqaal si heer sare ah oo tifaftiran loo
qoray kuna soo baxay wargeys aan si weyn uga dambayn jiray oo ka soo bixi jiray
dalka canada, waa wargeyskii BAAQ, maqaalkaas ciwaankiisu waxa uu ahaa
warbaahinta dunida yaa maamula?,
Qormadaas oo si tifaftiran loo qoray waxa ku
saxiixnaa qoraa dhalinyar ahaa oo Ilaah naxariistii jano ha siiyee geeriyooday
kana mid ahaa maamulkii wargeyska baaq, maqaalku waxa uu si faah faahsan uga
waramay qaabka ay u shaqeeyaan ha'ayadaha warbaahinta reer galbeedku gaar
ahaana kuwa maraykanka iyo sida xoogan ee qowmiyada yuhuudu inta miciyaha u
dareen hudhmo aad u weyn uga soo goosteen, guud ahaanba warbaahinta dunida
galbeedku waxay gacanta u gashay kooxo maxanayaal ah oo isugu jira maxiixiiyiin
iyo yuhuud Ilaahayna hanti iyo maal ku galaday oo meesha ay doonaan u jiheeya
cida ay doonaana sun iyo waabay ku afuufa, warar ku tidhi ku teen ah oo aanay
sakaaro ka biiqsan baa laga dhigaa wax weyn oo dhagaha rayal caamka baryo dhan
laga badiyaa, dhacdooyin layaab badan oo weewayn maalin kastana dunida ka dhaca
waxa la dhigaa daaha dabadiisa si aan cidi u ogaanin waayo waxaan ku jirin
dantooda iyo danta qawlaysatada ay isla shaqaystaan, ujeedadaydu maaha in aan
ka waramo warbaahinta reer galbeed cida gananta ku haysa.
Qaabka loo adeegsado iyo warbaahinta dunida
carabta cida haysata iyo sida loo adeegsado oo arintaasi waa qadiyad u taala
dunida muslimka iyo xulufada galbeedka, arartaas iyo afeeftaas waxaan uga dan
leeyahay dulucda qormadaydan oo ku jihaysan qalabka warbaahinta ee ka aasaasmay
koonfurta somalia tan iyo intii ka dambaysay burburkii dawladnimo 13 ka hor.
tiro sugan oo sax ah ma hayo inta wargeys ee ka soo baxda magaalada mogadisho
laakiin waxa lagu qiyaasay in ay gaadhayaan ilaa 40 wargeys, dhawr idaacadood
iyo laba telivision, bogaga internetka ee wararka iyo dacaayaadka lagu fidiyaa
tiro ma leh oo waxaabay ku sii socotaa in ardaa waliba uu internetka ku yeesho
bog uu ku baahiyo afkaartiisa iyo mawaaqiftooda siyaasadeed.
| "hadii ay saraakiisha
socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa
ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba
dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha
badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Hassan Salahudin
|
Inkastoo guud ahaanba Somalia oo dhan koonfur
iyo ilaa waqooyi ay xadka goosteen saxaafada socod baraadka ahi nooc kasta oo
ay leedahay ilaa wixii ka dambeeyey burburkii dawladii milatirga ahayd ee
afweyne hadana waxaan is waydiiyaa oo aan garan waayey waxa ay galaan iyo waxa
ay gudaan qorayaal reer koonfureed ah oo aan inbadan qormooyinkooda ku arko
wargeysyada iyo bogaga internetka, marka uu qoraagu waayo yool uu hiigsanayo
ama qadiyad uu ka hadlayo waxa la odhan karaa wuxuu ka sinaysanayaa saxaafada,
waxaan sidaas u leeyahay waji la yaableh oo igaga soo baxay qoraa aan aad ugu
hanweynaa oo maqaaladiisa aan tixgalin gaar ah siin jiray marka uu ka hadlayo
qadiyada loo maaro laayahay ee umada soomaaliyeed, waa
FAHAD YAASIIN
XAAJI DAAHIR , sida uu qoraagu sheegtay waxa uu dhawan socod ku soo maray wax uu
ugu yeedhay gobolada waqooyi(waa Jamhuuriyada Somaliland) (hadii ay saraakiisha
socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa
ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba
dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha
badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland).
Qoraagu
maqaalkiisa waxa uu si weyn uga been sheegay xaalada siyaasadeed ee wadanka
waxaanu isku dayey in uu marin habaabiyo akhristayaasha sharafta badan ee sida
weyn ula socda boga SOMALITALK, waxa uu somaliland ku sheegay inay tahay beer,
oo ay sugayaan inta ay koonfurta somalia heshiinayso, Fahad yare waxaan u
sheegayaa in shacabka Jamhuuriyada Somaliland ay goosteen in aanay goob iyo
gogol dambe la soo fadhiisan doonin walaweyn iyo reer koonfureed dambe, afti,
waraysiyo iyo baadhitaan dheer oo aan ku sameeyey shacabka jamhuuriyada
somaliland iyo aayahooda siyaasadeed meesha ay dhigayaan dhiig iyo dhagar kay
doonto ha ku hir gashee oo uu fahad si weyn uga been sheegay ayaan
akhristayaasha Somalitalk maqaal kale ugu soo gudbin doonaa. Maqaalka uu fahad
ku soo qoray somalitalk waxa uu igu noqday yartii baxsanayd saxarootay waayo
qoraa isaga oo kale ah kama aanan filayn in uu umad dhan oo qadiyad ay u soo
halgantay beesha caalamkana hordhigtay si ay u garwaaqsato uu isku dayo in uu
qalin ku xag xagto.
Waa walaakiin Hassan Salahudin
Global Media Group
Leicester
Uk.
achmed_abdi@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan.
QORAALADII HORE EE SALAHUDIN
DIB UGU NOQOSHO
MAQAALKII SOMALILAND WAA BEER [Fahad]
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|