SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SINGAPORE
Singapore: 500 oo Qof ayaa Diinta Islaamka Soogala Sannadkiiba

Tarjumadii SomaliTalk.com | Nov 23, 2003
Isha:
TheSundayTimes, Singapore

Marka laga reebo dadka u dhashay Singapore, tiradaas waxaa kujira dad u dhashay dalal kale, waxayna kamid yihiin 543,000 Muslimiin ah oo Soomay bisha Ramadaan sannadkan" sidaas waxaa qoraal ku bilaabay wargeyska TheSundayTimes ee kasoo baxa dalka Singapore.


Mr Ross William Asyraf Clarke oo gudanaya cibaadada Soonka kaddib markii uu diinta Islaamka soo galay bishii May ee sannadkan 2003.

Waxa uu u egyahay sidii Injineer qariib ku ah dalka (Singapore) oo afar ilaa shan saacadood ku shaqaynaya qorraxda kulul asagoo qodaya ceelka riiga ah ama alxamaya oo naqshadda samaynaya, asagoo ka shaqaynaya shirkad kudhextaal meel kadurugsan xeebta, waa Loyang, Singapore.

Laakiin xaalku sidaas ma ahan, Mr Ross William Asyraf Clarke shaqada biririf kama qaato xilliga quraacda iyo qadada asagoo soomanaa bishan Ramadan awgeed. Waxa uu la sooman yahay Muslimiin tiradoodu  gaareyso  543,000 oo kunool dalka Singapore.

Mr Clarke, oo da'diisu tahay 48-jir oo u dhashay dalka New Zealand waxa uu dalka Singapore ku noolaa muddo  23 sano ah,  waxana uu diinta Islaamka soo galay bishii May ee sannadkan 2003.

Dalka Singapore, qiyaastii 500 oo qof ayaa diinta Islaamka soo gala sannadkiiba, sida ay sheegeen Muslim Converts' Association of Singapore.

Dadkaas soo islaamaya ee kusugan Singapore waxaa kamid ah: Chinese, Indian Singaporeans, Koreans, Japanese, Italians, New Zealanders, Swiss, French iyoAmericans.

Tiradaas waxaa la barbar dhigi karaa tiradii dadkii islaamka soo gelijirey dalkaas Singapore oo ahaan jirtey toddobaataneeyadii (1970-nadii) 200 oo qof sannadkiiba iyo siddeetamaadkii (1980-maadkii) 400 sannadkiiba.

Mr Clarke waxay u tahay Ramadaankii labaad oo uu soomay.

"Sannadkii hore waan soomay inkastoo markaas aanan Muslim ahayn, waxaan rabey in aan ogaado in aan awoodi karo Soonka iyo inkale. Horaantii aad ayuu iigu adkaaday. Harraadka ayaana iiga darnaa gaajada" ayuu yiri Mr Clarke.

"Hadda Ramadaanku aad ayuu iigu sahlan yahay, waayo hadda waxaan leeyahay iimaan iyo adkaysi, jawiga oo qabowna waa i caawiyey" ayuu hadalkiisii ku daray.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Mr Clarke oo 16 sano oo uu ahaa Buddhist kaddib soo galay diinta Islaamka, waxa uu sheegay in uu had iyo jeer jeclaan jirey in uu barto diinta Islaamka, laakiin waxaa ku adkaaday helitaanka Qur'aanka oo ku tarjumay afka Ingiriisiga.

Kaddib waxa uu bartay gabar Islaam ah oo deganayd meel u dhow halka uu ka shaqeeyo ee Loyang. Gabadhaasi waxay deganayd wadada Haig Road,  oo kutaal Geylang,  oo u dhow xarunta "Muslim Converts' Association of Singapore" markii ay is barteena gabadhii waxay Mr Clarke geysay xaruntaas.

Toban bilood ka bacdi waxa uu Noqday Muslim. Bil kaddib gabadhii iyo Mr. Clarke waxay noqdeen labo isu doonan, waa bishii June ee sanadkan'e.

Qofka Muslimka ah oo caafimaadka qaba oo qaan gaarka ah waxaa waajib ku ah in uu soomo bisha Ramadaan, soonka oo dembiga ka xala qofka muslimka ah, isla markaasna tusinaya qofka sida ay dareemayaan dadka aan haysan wax ay cunaan ama faqiirka ah. Waxaa loo cudur daaraa dumarka uurka leh ama caadada qaba iyo qofka aadka u da'da weyn ee aan xamili karayn soonka iyo qofka aadka u xanuunsan, iyo musaafirka, dadkaas inta soo qalaynaya soonka ka akhri. [Axkaamka Soonka .. Guji].

Siti Nur Falizah Abdullah, oo 23 jir ah, ardayadna ka ah jaamacadda "Central Queensland University", ma soomin Ramadaanadii hore ee ina dhaafay ayadoo ay isugu xig-xigeen uur ay yeelatay awgeed.

Hadda waa hooyo laba wiil leh, marwo Falizah, oo u dhalatay dalka  Australia, waxay diinta Islaamka soo gashay markii la guursadey. Walaalkeed iyo walaasheed ka yarna waxa soo galeen diinta Islaamka.

Ilaa intii Ramadaanku bilowday marwo Falizah waxaa ka dhacay miisan ah inta u dhexaysa 3kg iyo 4kg. Waxayna tiri: "Soonku wuxuu Muslimiinta aniga oo kale ah barayaa in aan naftanada la meel dhigno dadka kale ee aan nasiibka u helin sidanada ee aan haysan wax cunto ah oo ay cunaan."

Halkan ka akhri sidii uu Siciid Westing oo kusoo Islaamay Denmark uu uga hadlay Ramadaanka... GUJI

Tarjumadii SomaliTalk.com
Isha:
TheSundayTimes, Singapore

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2003.

Algeria: Toban Kawaanle oo Xabsiga Ladhigay Kaddib Markii ay Iibiyeen Hilib Dameeraad
iyo Xabsiyada Algeria oo laga siidaayey in kabadan 3,000 oo qof maamuuska Ciida awgeed.. Guji  Nov 23

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN
Siciid Westing oo ah nin Muslim ah oo deggan Denmark oo uu Jimcadii soo booqday Ibraahim Saalax ayaa sheegay in.. Guji..


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD