SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa u Sababa Soo Guuritaankoodda?.... Warbixin,

abdiazizQore

abdiaziz ahmed mousa

abdiaziz2@hotmail.com 

 

Hindiya:- Pune waa Magaalo loogu yeedho Hoyga Aqoonta Hindiya ..Jaamacadeedana Lagu Naanayso.. South East Asia Oxford..Magaceega Rasmiga ahina Yahay Pune University. waa Magaalo 200 Km! u Jirta Magaaladda Ganacsi ee Bombay waa magaalo ku taal Dhul sare..oo Cimiladeeduna –tahay Mid Aan ahayn Kulayle iyo qabowtoona ..oo ay dadka Ku nooli aad Uga heleen..Magaaladdani waxa ay ku caan baxday waxbarashada Technologyad...waana Maagaladda Kaliya Ee Hindiya ku Taala ee Luuqadda Ingriis-gu ay Kow ka tahay Oo Dadka Ku Nooli is ku Af-garataan Maadama ay magaalooyinka kale ee Hindiya ay Af-ka Hindigu ku Xoog badan-yahay.

Kumanaan Kun oo Ardayda Ajaanib-ka ah ayaa halkan wax ka barta kuwaas oo ka kala Yimid .Iran.Suadi Arabia..Oman ..Jordan ..U.A.E..kenya ..bahrain ..Uganda ..Sudan ..Ethiopia Ertrea .iwm....Ragg Badan oo caana ayaa jaamacadda Pune University! ka qalin jabiyay kuwaas oo uu ka mid yahay Boqor-ka Dalka Oman Suldan qaabuus oo B.A ka Dhameeyay ..Pune University ..waxa ka Mida Isna Wasiir-ka Aarimaha Dibadda Ee Oman oo isna halkan pune wax ku bartay. iyo Raag badan oo aanan magacyadood halkan ku Soo koobi karin...

Hadaba.. ..Hassan Waydow’ Oo Ka Mida Odayaasha Reer Canada oo Aan Mar waraystay ayaa ii Sheegay In Sababta Ay halkan India U yimaadeen ay Tahay in Caruurtoodu ay ka Badbaadiyaan ..Aafa-dda Dhaqan-Xumo Ee Dalkaasi ka Jirta... Mr waydow ..isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi.,... Waxaan Doonayaa In caruurtayda Aan Baro Sida ay Tahay Tarbiyadda Saxda ah ee! Qof-ka waalid Adeeca ahi leeyahay....Hassan waydow waxa uu ii Sheegay in Xoriyadda Caruurta Ee Dalka Canada ay Caruurta ka Dhigayso in ay Noqodaan waalid inkaar ku Danbeeya isticmaal-ka Dhaqano xun xun.

Hadaba iyadoo Cabashadda Ugu Badan Ee Dad-ka Somalida ah Ee Reer Canada ay tahay uun iyagoo ka baqo qabo mustaqbalka Caruurtooda oo Madoobadda Haddii ay sii joogan canada .....ayaanay iyana ka Madhnayn ..Faa,iidada Xagga Dhaqaale ee Canada Uga Imanaysa..dadka halkan yimi.. ..Maadama ay Joogan Meel Noloshu Aad U jaban Tahay.. ...Hadaba Saaka Mar aan Tagay School-ka ay Somalidu wax ka bartaan .....Ee...Hume Mchenry Memorial High School of Seven-Th-Day Advertist .... Ayaan Halkaasi Kula Kulmay Caruur Fara Badan oo Somaliya oo ka kala Yimid Wadamadda ..Canada. ..England..Dubai..Suadi-Arabia.....iyo Dalkii-hooyaba.

Abdullahi Sheexa Yare ..waxa uu ka mid yahay Odayaasha Reer pune Ee Dalka Hindiya waxaanu Caawimo weyn ka Geystay Hagida Dadka Reer Canada Ee Magaaladda Soo Degay isagoo Abdullahi ay dalkan uga Bartaan laba Caruura oo uu Dhalay oo labaduba wax ka barta School-ka Hume Mchenry Memorial High School of Seven-Th-Day Advertist

Abdullahi Sheexa Yare . Mar uu ii Sharaxaayey School-kan ay Somalidu wax ka bartaan ayuu ii Sheegay. in school la Dhisay 1938 Ragg-ka Caanka ah ee wax-ka bartay waxa ka Mid Ahaa..ayuu yidhi Afhayeenka Baarlaman-ka India ..iyo Boqolaal Somaliya oo hindiya wax ka baran jiray Sanadihii 1970..ilaa 1990 iyo Imikaba.

Abdullahi waxa uu ii Sheegay Qiimaha Sadexdii Bilood laga qaado Ardaydda ..waxa uu yidhi kuwa Dhigta class One to 8 waxa laga qaada per Qof 1500 Rs oo la Mida 30 Dollar..kuwa Dhigta 9 to 12 wax iyana laga qaadaa 45 dollar ..School-ka Hume  Mchenry Memorial High School of S.D.A..waa School-ka Kaliya Ee Aqoonsan Shahaadadii Somaliya ee Dugsiyadda Hoose Dhex iyo Sare ... Taas oo u Sahashay Dadyow-ga Somalida Ah ee Reer Guuraga ah Ee Kolba Meel Daga in ay Caruurtooda u helaan Fursadd wax barasho ..Maadama! Ay caruurtooda ka Dhantaaleen Waxbarashaddii Uga Socotay Meel! aha ay k a yimaadeen.....

Miss Jane Oo Ka mida Maamulka Sare ee School-ka Hume Mchenry Memorial High School of S.D.A oo Aan wax ka waydiiyay Nidaam-ka waxbarasho Ee School-ku wax loogu barto ayey ii Sheegtay ..in .Ardaydda Halkan wax ka barataa Yihiin ..Dad u qaybsan ..Muslim.Chritian .Hindu...oo ay Shaxdaasi u dajiyeen Maadama Ay School-ka leeyihiin Chritian ....Miss Jane Mar kale oo ay hadashay waxa ay tidhi.....Arday wal! ba waxa aanu u Tix-galinaa Diintiisa...oo xiisadda ..Diinta waxa uu ku qaataa ..Gurigiisa ..tution ahaan ay u bixiyaan ..dadka diimaha cilmigooga lehi... ..Miss Jane waxa ay xustay in luuqadda Wax lagu bartaa ay tahay uun Ingriise oo Aan luuqad kale School-kan Ardaydda wax loogu Dhigin.. Miss jane waxa ay Diiradda Saartay Caruurta Somalida Canada iyadoo ugu yeedhaysa African-Canadian . waxaan odhan Karaa ayey Tidhi oo ay Caruurta kale ee Somalida ah ee ka kala Yimid Dubai Suadi Arabia .. iyo Dalkii-hooyaba ay kaga Fiican Yihiin Ingriisiga ..Laakiin nasiib Darro Caruurtu waxa ay ka Dhinteen ayey Tidhi Waxbarashaddii Asaasiga ahayd Ee School-ka..hadaba waraysiyo kala Duwan oo Gaagaban oo aan la yeeshay Caruurta Dhigata School-kaa ayaa ii Sheegay Odhaahahan Kala Duwan.

Fadumo Abukar Warsame oo Dhigata Class-ka 7-aad ee Schoolka Hume Mchenry Memorial High School of S.D.A Waxa ay tidhi Waxaan ka Imid Canada waxaan Dhiganaayey Class-ka 9-aad halkan markii aan Imid waxa Dib la ii Celiyay Labo Sano waayo waxaan ka bixi waayey Imtaxaankii School-ka waxaan Garowsadday ayey Tidhi Faadumo Yar in wax-barashadda Hindiya in ay ka Tayo Sarayso Ta Canada waxaan Ogaaday ayey Tidhi Nolosha Adag iyo sida ay u fikirayaan Khayr! -kay Marka ay ka hadlayaan waxa uu Noqon Doono aayahooga Danbe..Ana Aan Ogaado waxa ay tahay wax ay ka fikirayaan uun sidii ay Darajo sare u gaadhi lahaayeen... ..halkan ma Jiraan ayey Tidhi Game ama wax lagu Ciyaaro ..waa wax akhris iyo waxbarasho..waxaan galaa school-ka ayey Tidhi Faadumo Yar ..8 :00 Subax-nimo waxaan ka Soo Baxnaa ayey Tidhi 3:00 Galabnimo ...Mar Aan waydiiyay in ay garanyso cida ku tabcaysa Maadam Canada laga Rumaysan yahay in Dawladdu Gargaarto caruurta Noloshooda iyo waxbarashadooda waxa ay tidhi Aabahay ayaa u Shaqa tagay Dalka Maraykanka Gaar ahaan Magaaladda Meaniplose ee Gobolka Minseato oo halkaasi nooga Soo Dira Biil-ka waxaan Doonayaa marka Aan waxbarashadaydda ilaa jamaacadda Aan halkan ka Dhameysto inaan Nasiyo ...

Fadumo yar.. waxa ka weyn walaasheed oo iyaddana la Yidhaa Muna Abukar Warsame waxa iyana wax ka barataa Pune University oo ay ka-barato Bachlore of Microbiology ..wax ay walaasheed canada ka haystay Shahaadada 10-class-ka .

Ahmed Barre oo isagu ka Yimid Suadi Arabia ayaa ii Sheegay isna in uu yimid Sanadkii 2000 Dalka India oo uu waxbarashaddiisa ka bilaabay fasal-ka 8 Ahmed oo ay waheliyaan Laba Caruura oo ay walaalo yihiin waxa ay ku hadlaan Ingriisi iyo Carab waxa ay igu yidhaahdeen waxaanu wax u Baranaa ayey yidhaahdeen Sida wiil-ka Hindiga ah ee Gaajadda ka Roorayaa Sida uu wax u barto waayo? ayey yidhaahdeen waxa uu doonayaa wiil-ka Hindiga ahi in uu Noqodo (Beesa walaa) macnihii Nin Taajira ...maadama ay Hindidu Nolol Hoose oo Adag ku nool yihiin intooda Badan....inagana waxa na galay Dadaala oo ha ka hadhina ..Raggan iyo dumar-kan indhuhu m! adoobaysay siday Buuga u Eegayeen...

Freelance Reporter:-abdiaziz Ahmed Mousa Pune India

abdiaziz2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 9, 2003 

 QORAALADII HORE EE ABDIAZIZ....

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD