SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA

  MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA.  

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

November 1, 2003

Bishii 8aad ee sanadkan ayaan booqday W/Galbeed halkii aan u niqiinay, ee dhawantan loogu walqalay Somaliland, shacabkana loogu khiyaali waramay dowlad gooni u taagan ayaad tihiin, 13.Sano oo maskax daalin ah ayey ku jiraan Siyaasiyiinta Somaliland, waxaase ugu fog ninka da’da yar ee dhawaan Yurub ka soo laabtay, ururna furtay waa Faysal Cali “Waraabe” oo ay shacabka Hargeysa u yaqaanaan Muuse Suudiga Somaliland, xagey isaga egyihiin hadaan irina, waxay yiraahdeen: hadal adayga, iyo isticmaal la’aanta erayada Siyaasada. Taasna waxaad rumeysanaysaa hadaad wakhtiga isaga lumiso dhagaysiga waraysiyada laga qaado Faysal, waxaad moodaa inuu run u qaatay macaga la isku madadaaliyo ee Somailland.

Waxaan booqday Boorama, Barbara, iyo Burco, intaba degmooyinka u dhaxeeya waan sii wada maray, dareenkii aan ka fahmay goboladaas intaan joogay waxaan ku soo koobi karaa qodobadan.

NABAD GALYADA:

Bogoladaas waxay heerka ugu sareeya ka gaareen nabadgalyada, G/Afrika laguma arko meel soo dhawaysa nabad ahaan, ama kula tartami karta. Waxaad arkeysaa qof Ajnabi ah oo Bac gacanta ku sita, waxa bacda ugu jirana ay tahay lacag Doolar ah, isaga oo aan wax shaki ah ka qabin armaa lagu dhacaa. Jidadka Safaradana kolka aad hayso waxaad arkeysaa qof Dumar ah oo kaligeed gaari wadata ruuxna uusan la socon, baqdinna aysan hayn, runtiina waa nimco weyn oo haboon in laga mahadnaqo.

Nabada iney saas noqotana waxaa sabab u ah laba qolo: tan hore waa hogaanka dhaqanka, oo iyagu xil cad iska saaray ilaalinta nabada, waxay hoosta ka xariiqeen in tuuggu uusan tol lahayn, iyo inaan loo soo hiilin inta uu faldanbiyeedka ku dhex jiro, taasi waxay meel dheer ku laashay Burcaddii, waxayna u hiilisay nabadii.Qolada labaad waa shacabka oo dhaqan ahaan aan soo dhawayn shuftada iyo dadka tuugada ah, waxayna isla qaayibeen in danbiilaha nolosha ka dhacsan uusan mudnayn xanaano inta uu faldanbiyeedka ku dhexjiro.

NIDAAMKA:

Maamulka hada jira oo dhawaan tartan doorasho loo galay waxaa heley Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa Madaxweyne kuxigeen, kadibna noqday sii hayaha jagada Madaxti-nimo, hadana ku guuleysta Madaxweynaha Somaliland, waxa uu ahaa dhalanteedkan ka hor sargaal ka tirsan ciidanka nabad-sugida ee dalka Soomaaliya, waxay warbaahinta Hargeyso qoreysay iyadoo lagu Ammaanayo in xiligii uu ahaa Ciidankii nabadsugida uu caawin jiray dagaal-yahaniintii S.N.M.. Shacabka deegaankana waxay si daacad ah u ogol yihiin nidaamka talo ee u arimiya, iyagoo aad arkeyso in qofka loo keenayo warqad ka socota Saldhiga Xaafadiisa oo la leeyahay imow Saldhiga, kadibna uu toos u aadayo halkii looga yeeray, taasoo marag u ah sida shacabku uu u ogol yahay nidaamka iyo kala danbeynta.

Waxaa jira Siyasiyiin aad u diidan natiijadii Doorashooyinka iyagoo leh si cadaalad ah uma aysan dhicin Doorashadu, raggaas waxaa kamid ah “Siilaanyo” wuxuuna hada iska ogolaaday inuu sidaas ku aqbalo natiijada.

Somaliland:

Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Haddii dib loogu noqda Taariikhda waxaa cad in shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay rumeysnaayeen Somaliweyn. Taas si loo raadiyo ayey shacabku qabeen in laga bilaabo midowga labadan gobol ee xoroobay waa Waqooyi iyo Koonfur, Siyaasiyiintiina taasey ku shaqeeyeen, waxaadna ka garaneysaa in shacabka Waqooyi ay midnimada xiisad iyo kalgacalo u qabeen sida ayba wax walba ugu tanaasuleen walaalahooda Koonfureed.

Aragtida shacabka ee hadeerna, waa in la raadiyo Somaliweyn iyadoo laga bilaabayo soo celinta dhulkii loo bixiyey Jamhuuriyada Somaaliya, oo ka kooban Koonfur iyo Waqooyi: si heerkaas loo gaaro waxay shuruud ka dhiganayaan horta Koonfur ha heshiiyaan, markaas aanu wada hadalno anagoo siman, si aan usoo ceshanno dowladii Jamhuuriyada, waxayse dhahaan yeeli meyno shuruud la’aan sidii 60.kii, oo hadda shuruud ayey wadtaan.

Marka la iska ilaawo dawakhinta warbaahinta Somaliland, iyo dano ku gaarka madaxda Siyaasadeed oo Goboladaas, waxaa shacabka dhab ka ah soo celinta calankii Soomaaliyeed iyadoo xuquuqda loo wada siman yahay. Aqoon-yahan Soomaaliyeed ayaa iigu waramay inuu Habeen arkay isagoo fadhiya Hoteel ku yaal Hargeysa, dad tira badan oo si xiise leh u daawanaya waraysi uu Talafishinka Alajazeera la yeeshay, Madaxweynaha D.K.G. ah C/Qaasim Salaad Xasan, kolkaasuu aqoon-yahankii weydiiyey nin shacabkii daawanayey kamid ah “ Maxay tahay sababta loo xiiseenayo waraygisa C/Qaasim? Waxaa loogu jawaabay . Dee waa Madaxweynihii Soomaaliya, walaal Somaliland-taad maqleysaa waa Beer, Beerna dee qadadaa lagu sugaa.

Waxaa muuqata in shacabka Waqooyi ay magacan Somaliland ku sugayaan Koonfur oo heshiisa, waxayna u arkaan magaca Somaliland neef subixii la qashay oo hada Beerkiisii lagu sii Quraacanayo si loogu Qadeeyo marka la helo Somaliweyn.

Jawaabihii Akhristayaashu ka bixiyeen qoralkan... Guji

Maqaalkii Hore ee Fahad... 

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com

Ahmiyadda Cibaadada Salaada

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
ALLAH IS GREAT
KOORSO: BARO SAMAYNTA BARNAAMIYADA C PROGRAMMING
Waa casharro taxane ah oo kusaabsan C Programming
Guji...


xayaysiis


mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


Markaan Tagay Madaxtooyada C/Qaasim GUJI...


SOCDAALKII DHEERAA EE SHIIKE GUJI...

 

  




HTML CD