SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
TAXANAHA SIYAASADDA

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

July 30, 2003

SIYAASIGA SOOMAALIGA AH AMMAAN MA MUDAN YAHAY.

LABO:

Ammaan waa tilmaan laga fahmayo in qofka la’ammaanaya inuu yahay nin fiican, maskaxduna ay ogolaaneyso in ninka la’ammaanayo uu yahay halyeeygii dalka iyo dadka lagu aamini lahaa, maadama waxa lagu amaanayaa ay Siyaasad tahay.

Hadaba inta aynaan Ammaanin Siyaasiyiinta Soomaalida bal aan uruurinno arimaha lagu Ammaano Siyaasiga si aan markaas u helno halbeeggii aan Siyaasiyiin-teenna ku qiimeyn lahayn.

WAXBARASHADA:

Waxbarashadu waxay tilmaan u tahay sida laga rabo iney noqdaan jiilka u soo koroya dalka, taas waxaa lagu sii gartaa nooca uu yahay tayada waxbarasho ee loo diyaariyey Caruurta la doonayo iney bari la wareegaan xilalka kala duwan ee dalka, waxbarashadu waa tan diyaarisa nolosha dadka oo dhan, haddey tahay Raggii Siyaasada wadi lahaa, dhaqaalaha dalka kobcin lahaa, dhisidii dalka u hawlgali lahaa, iyo hawl kasta ee uu qaranku u baahan yahay, muhimada ay waxbarasha u leedahay bulsho kasta waa cashar uu qofka kasta ka dharagsan yahay.

Siyaasiyiinta Soomaalidu maxay ka qabteen arimaha waxbarashada, mataqaanaa Siyaasi Soomaali ah oo Iskuul dhisay? Ama qayb ka bixiyey qaaraan iskuul loogu uruurinayey? Laakiin wuxuu wax u qabtay Ardaydii ka soo fallaagowday Iskuullada inuu hawl u sameeyo ay ku mashquulaan, uuna saaro qori aysan tabarteedba lahayn qaadistiisa, si ay u bartaan qaybaha kala duwan ee qoryaha iyo hubka guud ahaanba, Prof. Tooxoow oo ah madaxa UNISCO ee Muqdisho ayaa mar iigu waramay in Caruurta Soomaalidu ay aad u kala yaqaanaan dhawaqa Rasaasta iyagoo markaaba kuu sheegayo Rasaastaas dhacdaysa qoriga ay ka dhacayso, wuxuu intaa iigu daray in dhacdooyin noocaan ah oo tiro badan uu la kulmay.

Jen Caydiid ( Allaha u naxariistee) waaya-waayihiisii, waxa uu samayn jiray marka ay wufuud dibadaha uga yimaadaan ee la weydiiyo wax qabadkiisa Bulsho waxa uu ku soo wareejin jiray Iskullada sida gaarka ah loo leeyahay isagoo ugu sheegaya inuu yahay Asaasaha xaruntan waxbarasho, hantiila-yaasha Iskuul-kaasna kuma dhacaan iney beeniyaan warka Janan-ka illeen Caymiskii ay ku jireen ayey ka baxayaanee!, Culays kuma hayn Aasaasayaashii asalka ahaa ee Iskuuladan in Jananku sheegto waxqabad-koodii mar haddiiba ay nabad galyadooda ku xiran tahay, Janankana waxa uu si cad ugu sheegayey Maamula-yaashii Iskuuladaas iney iska shib dhahaan inta ay ka dhamaaneyso booqashada madaxda sharafta leh, wuxuuna u balan qaadayey goorta uu Wafdigu tago in uusan dib danbe u arbushi doonin xarumahooda waxbarasho, dhib iyo dheefna aysan kala kulmi doonin.

Col C/Laahi Yuusuf Ahmed, isagu isma been fartiimin laakiin mar uu soo boqday Iskuul isna gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Galkacayo waxa uu ardadii u sheegay isaga oo waaniyanaya kalana hadlaya mustaqbal-kooda waxbarasho, iney iska ilaaliyaan fikradaha xun xun ee diinta lagu qasayo, sida Wahaabiyada, laakiin waxay is weydiintu tahay, Caqiidku ma dhisay Iskuul uu isagu maalgaliyey oo sida uu jecel yahay wax looga barto? Mida kale Madaxweynaha D.G.P.L. Canshuuraha uu maamulkiisu uruuriyo wali ma ku dhisay Iskuul?.

Sida ay dad badani la socdaan Waxbarasha aad u taya sareysa ayaa ka jirta gabi ahaanba dalka Soomaaliya, waxaa askumay gacantana ku haya waxgarad Soomaaliya oo u damqaday ubadka Soomaaliyeed, qaarkood iyaga oo ay noloshooda dhaqaale aad uu liidato ayey u babac dhigeen iney badbaadiyaan dhalaan-ka Soomaaliyeed, hadii ay cid Ammaan mudan tahay ama Taariikhda Soomaalida baal fiican ay cidi ka galayso waxaa sharaf iyo qiimeyn mudan Ragga hada u taagan kobcinta aqooneed ee jiilasha soo karaya.

Hadaba Siyaasiga aan waxba ka qaban Waxbarashada dalkiisii adaan ku weydiyee mala Ammaani karaa?

CAAFIMAAKA:

Baahida Caafimaadka waa ay ka muhimsan tahay inta badan baahida Waxbarasho, sababtoo ah qofku haduu Caafimad helo ayuu mohan karaa inuu Waxbarashu isu xilqaamo, marka la qiimeynayo wax tarka dowladeed meelaha laga eego waxaa kow ka ah Caafimaad, iyadoo la is weydiiyo magaaladan dowladu Isbitaal maka dhistay? Sey tahay tayada Iskuulku? Jawaabaha laga bixiyo Su’aashaa ayey dowladu ku mudataa Ammaan ama maagid.

Siyaasiyiinta Soomaalidu maxay ka qabteen arimaha Caafimaadka, mataqaanaa Siyaasi Soomaali ah oo Isbitaal dhisay? Ama qayb ka bixiyey qaaraan isbitaal loo uruurinayey? Laakiin waxay qayb ka qaateen burburintii Isbitaallada,waxay kaloo sahleen Bililiqaysi-goodii, maxaa yeelay iyaga iyo caruurtoodaba baahi uma qabaan Isbitaal ku yaal Afrika dhexdeeda marka maxaa uga dana Isbitaal Soomaaliya ku yaal, horaa Riwaayad Soomaali ah loogu sheegay hadal laga soo xigtay Siyaasi Soomaali ah oo leh ( Dadka yaan la dhaawicin ee hala laayo, maxaa yeelay Isbitaallo aan ku daaweyno mahayno, laakiin waan haynaa Qubuuro lagu duugo) garashadaas xisaabtan ku dhisan weeye tan dudumisay Isbitaallada.

Maxamed Qanyare Afrax oo aan ku soo boqday Dayniile ayaan weydiiyey Siyaasiyiin-tiinnu maxaad ka qabateen arimaha Bulshada, Qanyare oo ah nin aan hadalka ka gaban ayaa iigu jawaabay “Maalin dhawayd xaflad lagu aasaasayey Isbitaal waan ka qayb galay waana dhiiri galiyey”.

D.K.G. ah oo iyadu isu muujisa iney ka timid Bulshada Rayidka ah, wixii lacago ku soo dhacayey Isbitaal ma dhistay? Mase taakuleysay xarun Caafimaad? Wey jireen saanado Hub taakulo ah oo ay Dowladu u dirtay xulufadooda Kismaayo, laakiin Isbitaal ku yaalla Muqdisho oo ay dayactirtay lama sheegin, Jen. Cumar Xaaji Masalle oo laga soo badalay W/Gaashin-dhigga ayaa loo magacaabay Wasiirka W/Caafimaadka, subixii u horeeyey ee uu shaqaalihiisii la hadlo ayuu waxa uu u akhriyey khudbad run ahayad laakiin ka xanaajisay Madaxweynihii Dalka, wuxuu yiri, ( Aniga dadka sida loo dilo ayaa la i baray, mana aqaanno sida dadka loo nooleeyo ee shaqaalaha W/Caafimaadka waxan u sheegayaa iney shaqadooda wataan, toosna ay u maamushaan) Jenan-kii hadalkaa ku khudbeeyey 80.tameeyadii, misana xiligii uu uu Itaxaadka kula dagaalamayey Gedo, la xusuusan yahay in Xarun lagu xanaaneyn jiray Agoonta G/Gado u badalay Xarun uu ku uruuriyo Ciidamadiisa, ayaa goortii uu isu soo Rashaxay jagada Madaxweyne-nimada Soomaaliya xiligii shirkii Carta, waxa uu ku daray Barnaamij-kiisa waxqabad inuu dhisi doono Xarumaha lagu xanaaneeyo Hooyada iyo dhallaanka.

Hadaba Siyaasiga aan waxba ka qaban Caafimaadka dalkiisii adaan ku weydiiyee mala Ammaani karaa?

NABAD GALYADA:

Nabadaa naas lanuugo leh, waa hees Jabuuti aad looga qaaday, laakiin aan ku dhicin dhagihii la rabay iney ku dhacaan, “Nabaddu waa nolol” waa hal ku dhig ay is ticmaalaan Bulsha-weynta Soomaaliyeed laakiin aan ku jirin Qaamuska luqadeed ee Siyaasiyiinta Soomaalida, qofka Insaanka ah goortuu Nabad helo ayuu wax kale raadin karaa, laakiin Nabad la’aan waa nolol la’aan.

Siyaasiyiinta Soomaalidu maxay ka qabteen arimaha Nabad-galyada? Mataqaanaa Siyaasi Soomaali ah oo Nabadda wax ka qabtay? Ama fuliyey heshiis nabadeed oo uu saxiixay? Waan ogahay in Akhristuhu igu qoslayo haddaan keeno Su’aasha ah, “Siyaasiyiinta Soomaalidu maxay ka qabteen Nabadda”, illeen jawaabta ayuu si toos u hayaayee, qaarkiin waxay leeyihiin maxay tahay Nabada la leeyahay maxay ka qabtaan Raggan rogay dalkii iyo dadkiiba,

Siyaasiyiinta Soomaalidu way saxiixaan heshiis nabadeed ama mid xabad joojin, laakiin sida loo fuliyo mayaqaanan, amaba loogama baran iney balantey qaadaan Rabi hortii u fuliyaan, dhaqanka Soomaalida oo ah mid kuba dhisan in qof kasta uu Qabiilkiisa dhib iyo dheefba wakiil ka yahay ayaa u sahlay in Siyaasiyiinta Soomalidu ay u fududaato ku cayaarida nabad galyada, waxaad maqlaysaa Samadoon ku leh goorta aad ku tiraahdo maxaad u daba socotaan ninkan “ Hadaanan Siyaasigan wuxuu rabo raacin dhibaato qabiil ayuu noo soo jiidaya”, qaarkood waxayba si bareer ah ugu khudbeeyaan haddaan saan rabo la yeelin Reer Hebel ayaan weerarayaa ama Halyeygooda ayaan soo dilayaa si ay nabad galayadu u lunto.

Waxaan kamid ahay dadka qaba in Siyaasiyiinta Soomaaliya aysan iyaga hadda Faa’iido ugu jirin nabad galyada, illeen markii horaba wiil balo ayuu ahaa, Oday Soomaaliyeed ayaa aad u Aflagaadeeyey Siyaasi Beeshiisa ah, mudo kadib waxaan arkay isagiiyo u sacbinaya, kolkaasaan ku iri, Oday maxaa iska kaa badalay, jawaabtii uu isiiyey waxay noqotay sidan ( Ninkan inuu nin xun yahay waan ogahay, laakiin Najaasaa Najaasaa kaa mayrta!) wuxuu ka wadaa waa Shaydaan loo baahan yahay oo aan isaga celineyno Sheydaan Reer kale ay u baahan yihiin.

Annagoon Cadaaladda ka fogaaneyn waxaan la inkiri karin goobaha qaarkood oo ay ka taliyaan Siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood iney ka jiraan Nabad galyo la taaban karo, sida Muuse Suudi Yalaxaow xiligii ay midays-naayeen isaga iyo Saaxiibkiisii ay kala baxeen Cumar Finish, waxay Degmada Madiina ahayd goobta ugu nabad galyada badan Muqdisho, laakiin hadda khilaafkii soo kala dhexgalay isaga iyo Saxiibkii waxay dhaawac u geeysatay Nabad galyadii Madiina, sidoo kale Maamulka Puntland (PL) marka laga reebo Dagaalada Sokeeyo ee dhexmaray garabyadii ku herdamayey gacan ku haynta maamulka, waxay PL Soomaaliya gudaheeda ka tahay goob Nabad galyo, waxaan xusuustaa aniga oo Makhrib ka soo baxay Boosaaso, habeen-kii oo dhanna safar soo ahaa, anigoo saarnaa gawaarida Looriyada loo yaqaan ee Xoolaha lagu raro, ayaan ku nimid Gaalkacayo, gaarigaas aan jidkaa dheer la soo maray waxaa ku rarnaa lacag Cash ah oo Shilinka Soomaliga ah, waxaa taa ka sii daran goorta aannu tuulo nimaadno ee aan u raashin degno Gaariga kaligiis ayaanu kaga tagaynay iyadoo uusan jirin tuhun ah armaa lacagta la boobaa, dadkii gortaan weydiiyeyna waxayba ii sheegeen in sidani ayba caadi ka tahay deegaanadan.

Akhri Qaybta 3aad

AFEEF: marka aan ka hadleeyno Siyaasiyiinta Soomaalida kuma jiraan maamulka Hargeysa illeen iyagu intaasba waxbay ka qabteenee.

WAA INOO CUTUBKA SADAXAAD:

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
ALLAH IS GREAT
KOORSO: BARO SAMAYNTA BARNAAMIYADA C PROGRAMMING
Waa casharro taxane ah oo kusaabsan C Programming
Guji...


xayaysiis


mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


Markaan Tagay Madaxtooyada C/Qaasim GUJI...


SOCDAALKII DHEERAA EE SHIIKE GUJI...

 

  




HTML CD