SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
TAXANAHA SIYAASADDA

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

Pctober 13, 2003

 

 SIYAASIYINTA SOOMAALIDA IYO TUKASHADA SALAADDA :

SADEX.

Cibaadada Salaada waa tiirka Islaamka, qofka laga waayana Culimada qaar Gaalcad ayey u yaqaanaan, oo ay xaasku ka furmi oo aan Qubuuraha Muslimka lagu aasayn, hadda kama sheekeyn doonno Fiqi ahaan Salaada waxa la xiriira, laakiin Su’aashu waxay tahay Siyaasiyiin-teennu ma tukudaan? Waa dood sax u eg hadaad idhahdo maxaa kaa galay Salaadooda iyo Salaad la’aantooda? Waxaa iga galay nin xukunkii dalka raba inuu gacanta ku hayo oo aan Abuurihiisii xiriir lahayn sidee xil ugu aaminnaa?.

Taariikhda Islaamka laguma hayo madaxdii soo martay nin si cad loo ogyahay inuusan tukan iskaba daa inuuba ku faano salaad la’aantee, waayadan danbese wey soo korodhay salaad la’aanta hogaanka sare ee Umadda, waxaa caado u noqotay ineysanba tukan Salaadda Eebbe, iyagoo u arimiya dad haysta Diinta Islaamka, qaarkood waxay goobaha Cibaadad yimaadaan Ciidaha, waxaan garanaya nin madax ka ahaa Hay’ad ka mid xukunkii Soomaaliya oo aan ogaa inuusan Salaada tukan Bisha Ramadaanna soomin ayuu maalinta ciidda ah la tukan jiray Muslimiintii soo cibaadeysatay Bishii Ramadaan, SOW INDHA-ADAYGA MA’AHAN?.

Soomaalida dadkii madaxda u noqday waxay noqdeen qaar tukada oo Cibaadada ku fiican waana tiro aad u yar oo hebel iyo hebel la oran karo, qaarna kolkay la shirayaan dad tukada ayey iskala tukadaan guud ahaanse Ahlu Salaad ma’ahan, iyo qaar sidoodaba aan tukan ama kaligood ha’ahaadeen ama Ugaasyo Soomaliyeed ha’u khudbey-nayaanee, salaad la’aanta waa ka joogto.

Sanadkii 97.kii ayaan xaadiray khudbo uu jeedinayey “Xuseen Caydiid” oo xiligaa ahaa Madaxweynihii Salballaar, wuxuu u khudbeynayey Jaaliyad Soomaaliyeed oo wadan Carbeed joogtay, shirkii intuu socday waxaa soo gashay 3.Saladood waa Casar, Makhrib, iyo Cishe, Xuseen Caydiid sadaxdii Salaadoodba wuu nala tukaday,

Makhribkii ayaan isku dhinac tukanay, haddii Salaadii laga baxay Gacmaha ayuu kor u taagay ducooyin farabadan oo Afcarabi iyo Afsoomaali isugu jira ayuu Ilaahay ku baryayey, oo anigu erayada qaar ayaa dhagteyda ku soo dhacaysay, wafdigii uu Xuseen Caydiid hogaaminayey waxaa kamid ahaa madax sare oo Siyaasiyiin ah oo ilaa 5.nin dhamaa, ninna kama soo kicin korsigii uu fadhiyey, waanu soo tukaneynay waana ugu soo laabaneyna iyagoo salaad la’aan wali sii ah.

Waxaa dalka Yaman mar soo booqday xubno gaarayey ilaa dhawr iyo labaatan qof oo kawada tirsanaa kooxdii Soodare, Hoteelkii ay ku soo dageen waxaa ku hoos yaalay Masaajid, Salaadda waxaa u soo dagi jiray oo kaliya Jen Maxamed Abshir Muuse oo 5.ta Salaadood ku tukan jiray Jamaacada, waliba inta u dhaxaysa Makhribka iyo Cishaha waxa uu dhagaysan jiray Cashar ka socday Masaajidka, intooda kale uma soo dagin Aadaanka, taasna macnaheedu ma’ahan ineysan wada tukan, waxayse ku tuhun-siineysaa in badankood aysan tukan,

Intii uu socday shirka Soomaalida ee Kenya waliba xiligii loo soo wareejiyey meel u dhaw Nayrobi, ayaa waxa yaraatay in lagu arko Siyaasiyiintii Soomaalida goobaha ay Muslimiintu isugu yimaadaan sida Masjidka weyn ee ku yaala bartanka magaalada Nayroobi, aragaygu waxa uu qabtay Col Jaamac Cali Jaamac oo aan si joogta ah ugu arko maalinta Jimcaha, sidoo kale waxaa joogto loo arkaa Xasan Abshir Faarax, oo xili hore soo gala Masaajidka, ma xusuusto qof kale oo aan ku arkay Masaajidka isaga oo tukanaya weyse jiri karaan.

Maxay tahay sababta diidan in madaxdii Soomaalida lagu arko goobaha Cibaadada, qaarkood waxaa dhab ah iney baqdin u diideyso hadeyba tukadaan oo dad godob u haysta ayeysan ka nabad heleyn, kuwooda kalana guryaha ayey ku tukudaan, mafilayo inaan danbaabay hadaan dhaho inta badan madaxda Soomaalida ma tukadaan, waxaanba dhihi karaa waa xaqiiqo, tiro badan oo kamid ah ayaan aqaanaa oo salaada aan tukan, qaarkood inta waraysi loogu tago oo uu hadalku dheeraado ayaa laga fasax qaata si loo soo tukado kolkaasaa dib loogu soo laabtaa isagoo miiskiisi fadhiya oo la dhameystiraa waraysigii harsanaa!!

Saaxiib aan ku kalsoonahay ayaa iigu waramay inuu ka qayb galay shir beeleed la yiri Hogaamiye hebel baa maanta cidda u yeeray, wuxuu yiri Casarkii dabadii shirkii la bilaabay oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha beesha Culimo iyo Caamaba ayaa la gaaray Makhribkii, waxaa la yiri aanba hoolkan isaga tukanno, dadkii oo dhan salaadii ayey u istaageen laakiin Hogaamiyihii beesha gooni ayuu u fariistay si uu u sugo shacabkiisa inta ay tukanayaan.

Kolka aad booqato hoolka shirarka Soomaalida ee la gaaro xilli Salaadeed kuu muuqan maayo dareen ah dadka meeshan ku shirsan waa Muslimiin, Sh. Maxamed Umal oo kamid ah Culimada magaca iyo qadarinta ku dhex leh Kenya ayaa si sheeko ah iigu sheegay inu mar booqday Eldoret isagoo la socday Culima kale, wuxuu sheekhu yiri, xili Salaad ah ayaan arkay iyagoo qofba goonidii u tukanayo Soomaalidii halkaa joogtay, nin dadkii kamid ahaa ayuu Sheekhu ku yiri, ( MAAD ISLA JAMAACEYSATAAN OOD HALMAR WADA TUKATAAN) ninkii wuxuu sheekha ugu jawaabay, ( SHEEKHOOW HALKAN WAX KASTA 4.5 AYAA LAGU QAYBSADAA, MARKA MU’ADIN IYO IMAAM SI LOO KALA QAYBIYO AYAA ADAG) Sheekhii arintaas aad ayuu ugu qaracmay, xaalada Soomaalida ayaa murugo ku beertay, wuxuu yiri dadkaas Salaadii ilaahay saas yeelay sidee bey guul ku gaari doonaan?.

Bil Ramadaan ayaan booqday Eldoret waxay isheydu qabaty tiro badan oo ah rag magac ku dhex leh Siyaasada Soomaalida oo Sigaar cabaya oo aan Xishoodba ka muuqan, nin kamid ah Waraysi inaan ka qaado ayaa la iiga soo qalqaaliyey, kolkii uu ii muuqday ee aan arkay inuu Sigaar cabayo ayaan ka cudurdaartay Warysigii oo iska joojiyey ka qaadista Warysigaas, waxaan maskaxda isaka iri ninka Ilaahay iyo Adoomihiisa ka xishoon waayey jawaabta uu ku siiyo maxay macna ah oo ay kuu kordhin, su’aasha muhiimka ahse waxay tahay sidee ninka nuucaas oo kale ah uu u matalaa beel dhan oo Soomaaliyeed, waliba maalintaa ninka aan soo sheegay aad ayaa loogu xoonsanaa oo ay beeshiisu ugu qosleysay.

Waxaa dhici karta in akhrista-yaasha qaarkood is dhahaan Siyaasadaa sida ah, oo qofkii gala isaga iyo Eebbe kala go’e, taas ineysan saas ahayn aan tusaale idinka siiyo, waliba meel dheer aadi meynee dad aad taqaanaan aan idinku tusaaleeyo, dalka Kenya Siyaasadeeda dadka haga waxaa kamid ah Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo laga soo doorto Gobolka ay Soomaalidu degto, dhamaantood waa lagu arkaa goobaha Salaadda, qaarkoodna waxaaba lagu tiriyaa safka Culimada diinta, waxaa kamid ah Wasiirkii dhintay Alaha u naxariistee Axmed Khaliif ooba xubin sare ka aha golaha Muslimiinta Kenya, Salaad Jimce ayaan ku tukaday Masjidka weyn ee Nayrobi kolkaasaan tiris ugu dhaqaaqay Siyaasiyiinta Soomaalida Kenay ee maalintaa ku soo tukutay Masaajidka, dhinacaan fiiriyaba waxaa iiga muuqanayey ragga ay kamid yihiin, 1.Yuusuf Xaaji 2. Faarax Macalin 3. C/Raxmaan Colow 4. Bilow Kayrow 5. Maxamed Cabdi Afey. Raggaas dhamaantood si joogta ah ayey ugu xiran yihiin Rabigii Abuurtay, waxayna og yihiin Cibaadadu iney saldhig u tahay xiriirka qofka Muslimka ah la rabo inuu la yeesho Eebbe weyne, waa rag ay Salaadda agtooda qiime ugu fadhido, goorta ay adkaato in lagula kulmo Xafiiskooda waxaa loo fariistaa Misaajidka ugu dhaw xafiiskiisa, aan adiga ku weydiiyee mataqaanaa Masaajid aad ugu hagaagto madaxda Soomaalida? Jawaabta ii sii hay!

Waxay ilatahay Siyaasiyiinta Soomaalida intooda tukatana aan Cibaado suuban uga sii barino ilaahay, kuwooda taarikiinta ahna aan ilaahay uga barinno hanuun. intii aan qoraalka soo wadnay waan qarinay magacayada matukadayaasha anagoo ceebsanayna inaan fadeexeyno ee bal iyagu ha is caybsadaan salaad la'aan ay ilaahay ugu caasinayaan, waxaan sheegnay oo kaliya tukadayaasha intaan aragnay anagoo leh adinkana salaada ha idinka reebto wax badan oo uu qaarkiin ku kaco. 

 Akhri qaybtii 4aad | Kulaabo qaybtii 2aad 

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com

Ahmiyadda Cibaadada Salaada

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
ALLAH IS GREAT
KOORSO: BARO SAMAYNTA BARNAAMIYADA C PROGRAMMING
Waa casharro taxane ah oo kusaabsan C Programming
Guji...


xayaysiis


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


Markaan Tagay Madaxtooyada C/Qaasim GUJI...


SOCDAALKII DHEERAA EE SHIIKE GUJI...

 

  




HTML CD