SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
TAXANAHA SIYAASADDA [Qaybtii 4aad]

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

Nov 10, 2003

 

 SIYAASIYIINTA SOOMALIDA: WAX AKHRIN IYO WAX QORIS.

Wax akhrin:

Waxaan akhriyey taariikh nololeedka Madaxda dunida, waxan ogaaday in badankood ay ka qalin jabiyeen Jaamacaado, waliba ah kuwa la xiriira Siyaasada, makra laga reebo Jon Mejar oo la ii sheegay inuusan ka qalin jabin Dugsi-Sare , lakiin ka talo wacan kuwa badan oo Jaamiciyiin ah, markii aan damcay in aan ogaado taariikhda Siyaasi-yiinteenna waxa uu ahaa midka ugu aqoonta badan askarinimo mid darajo fiican ka gaaray, sida Janeraal ama Koloneyl ( waa horudhici maqaalkii: SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE AAN RABNO YAA INOO HAYA??!!).

Wax akhrintu waa asaaska aqoonta qofka, waana tilmaanta sharafeed ee diyaarsanaanta shakhsiga, hogaan ahaan iyo dadnimo ahaan. Xilka uu waaridku ilmihiisa iska saaro waxaa ka mid ah inuusan dhalaanku kolka uu kobco noqon ummi, taasna waxaa loo maraa in la geeyo goobaha waxbarashada, waa dadaalka ay u badku goorta ay garaad-sadaan ay waalidiintooda uga duceeyaan.

Tirakoob qayaxan laguma samayn Siyaasiyiinta Soomaalida intooda wax qorta iyo kuwooda umiga ah, laakiin xansiyo farabadan oo lagu sameeyey, waxaa lagu ogaaday in Siyaasiyiinta soo shaac baxday burburkii dalka kadib intooda badan ineysan waxna qorin waxna akhrin. Waxaa la yaqaanaa qaar kamid ah oo warqadaha loo saxiixo, kuwooda fahmada lehna fartaa loogu fiiqaa halkii ay qalinka saari lahaayeen, iyadoo horay loo soo xafidsiiyey xuruufta uu wax ku saxiixo oo kaliya.

Siyaasiyiinta qaarkood aad ayey ugu fiican yihiin wax qorista iyo wax akhrintaba, qaarnkoodna heer aad u sareeya ayey ka gaareen aqoonta, hadey tahay Milatariga, Afkaarta Shuuciyada, (hadiiba aqoonta lagu daro) iyo luqado badan, C/Laahi Yuusuf Axmed waxa uu ka mid yahay raga aqoonta xeesha dheer u leh cilmiga Caskariga, waana aqoon ay u qirsan yihiin cadawgiisa iyo saaxiibadiisba. Waxaa isagana cilmigaas aqoon qoto dheer u lahaa Jen. Caydiid oo isaguna looga danbeeyey cilmiga Milatariga.

Xagga cilmiga luqada Siyaasiyiinta Soomaalidu qaar badan oo kamid ah ayaa yaqaana luqadda Ajnabi ah C/Qaasiim Salaad Xasan waa Luqadyahan. Waxa uu ku hadlaa luqadaha kala ah, Carabiga, Talyaaniga, Ingiriiska, iyo Ruushka, luqadahaas qaarkood waxbuu ku bartay, taasoo u sii sahleysa isticmaalka luqada. Siyaasiyiinta Soomaalida intoodii wax noqotay burburkii ka hor waa rag wax akhrin yaqaan qorina yaqaan. M.Cigaal wuxuu isagu si aad ah u yaqaanay luqada Carabiga iyo tan Ingilishka, oo kolka uu ku hadlayo aad moodeyso inuuba u dhashay.

Maxamed Qanyare Afrax, waxa uu ku hadlaa Luqada Ingilishka iyo Sawaxiliga. Sidoo kale Xuseen Caydiid isna wuxuuba ku barbaaray dalka Maraykanka oo uu waxbarasho ilaa heer Jaamacadeed ku gaaray. Jaamac Cali Jaamac isna Carabiga iyo Ingilishka wuu ku hadlaa. Xasan Abshir isna Carbiga waxbaa uga baxsan, Ingiliishkana waa ku hadlaa.

Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil—Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?. Wardheere...

Tiro kale oo aad u badan baa jira oo luqado qalaad ku hadla, Afsoomaaligana u dheeryahay. Su’aashuse waxay tahay Luqadi ma’aqoonbaa? Jawaabta waxaad ka akhrisaa maqaalkii uu dhawaan qoray “Wardheere” ee uu uga hadlay arintaa, dabcan aqoonta luqada waa jaranjarada cilmiga, laakiin waxay luqadi agab leedahay kolka ay la socoto aqoon kale, Siyaasiyiin-teena-se waxaa ku badan kuwa aan ku hadlan afkoodii Hooyo luqad aan ahayn, waliba iyadana aanba qori aqoon.

Waxaa jira kuwa badan oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida oo aan Afsoomaliga xitaa qori aqoon, hadii aan damco inaan magacaabo wey fara badan yihiin intooda badanna waan wada aqaanaa, magacyadooda iyo dhacdooyin ama aan goob joog u ahaa ama marag leh ayaan u hayaa, laakiin aan u ceeb asturno. Iney fulaynimo iga tahayna way u badan tahay oo aanan ku dhicin sheegistooda baqdin awgeed.

Wax qoris:

Inta aan Internet-ka ama joornaalada wax ka akhrinayey waxaan marar badan akhriyey maqaallo ay qoreen madax dunida soo martay ama kuwa hada madaxda ka ah, waxaa arintaa aad ugu badan dalka Mareykan oo aad arkeyso iney madaxdooda ay Jornaalada Caalamiga ah ku leeyihiin maqaallo muhim ah, doraad ayaan akhrinayey maqaal uu qoray W/A/Dibadda ee Maraykanka, maqaalkaas oo uu uga hadlayey arimaha Suudaan. Sidoo kale waxaa lamid ah W/Gaashin-dhigga, waxaan kaloo arkaa Maqaallo uu qoro R/Wasaaraha Biritin, tusaalayaa-shaasna waa badan yihiin.

Hada ugama fadhiyo inaan ku khasbo Siyaasiyiinta Soomaalida iney wax qoraan oo ay maqaallo usoo diraan warbaahinta Somaalida. Waan ognahay iney hadlaan oo ayba wareeriyaan BBC-da iyo Idaacadaha gudahaba, qaarkood waxay jecel yihiin in maalin walba la waraysto oo la dhagaysto, laakiin caado uma lahan iney wax qoraan oo ay qalin qaataan, sababtana waxay noqon kartaa, Soomaalida oo dhaqan ahaanba aan ahayn umad qalinka agtooda qiima ka leeyahay, oo waa umada hadalka aad u jecel. Saas awgeed waligaa ma aragtay maqaal uu qoray Siyaasi Soomaali ah.

Hadaanan ka rabin iney maqaallo qoraan, aan is weydiinno ma akhriyaan qoraalada laga qoro, ha’ahaadaan kuwa iyaga laga qoray shakhsiyan ama kuwa kalaba. Qorayaasha Soomaalida ayaan maanta sir u kashifayaa. Sirtaasi waxay tahay in Siyaasiyiinta Soomalidu badankood ineysan waxba akhrin, saas awgeed haddii aad Siyaasi Soomaaliyeed wax ka qorto si shakhsi, habaqin oo hamoodin inuu ku ogaaday ee ka soo qaad inaad wax ka qortay xiligii Daraawiishta.

Aniga waxaan moodi jiray in Siyaasiyinta Soomaalidu ay yihiin sida ku Carabta oo kale, waxaan muddo arki jiray qoraa Carbeed oo maqaal ka qora Siyaasi R/Carbeed, oo ama naftiisa u waaya ama uu xumaado xiriirkii isaga iyo Siyaasiga, wuxuuna ogaadaa inuu akhriyey qoraalkiisii colaad weynna u hayo, laakiin nasiib wanaag ama nasiib xumo key noqotaba Siyaasita Soomaalidu waxba ma akhriyaan oo joornaalada ma fiirshaan, xitaa marka iyaga la waraysto dib uma akhriyaan.

Maalin ayaan dalbaday lakulanka Siyaasi Soomaaliyeed anoo waraysi ugu socda, waxaan islahaa koley ku yeeli uu mayo marka uu arko magacaaga, isla markiiba waxaa la ii soo sheegay inuu aqbalay lakulan-keyga, wuxuuna ahaa Siyaasi aan qoraal aad u adag ka qoray, tilmaamo kululna ka bixiyey oo keeni kartay inuusan igu soo dhawayn, intii aan usii socday lakulan-kiisa waxaan islahaa malaha inuu adiga ku canaanto ayuu rabaa, laakiin goortii aan u tagay madhicin oo sidii qofaan waligii imaqal ayuu isoo dhaweey, umana ekeyn nin u adkeystay qoraalkii aan ka qoray oo iskala weyn inuu igu soo qaado, malaha waraysigii aan ka qaadayna inaan daabacay iyo inkale ma sii raadin.

Taasi waxay marag ka tahay ineysan jirin faariin ay rabaan iney gaarsiiyaan dadweynaha, manalahan waax warbaahineed oo u daba gasha arimahaas, dhacdadaas aan ka soo sheekeeyey markii ay igu dhacday, waxaan iskula hadlay tolow armeyba saan ku fiican yihiin ineysan waxba akhrin, oo haday wax akhrin lahaayeen sow mushkilad kale oo Somalida ku soo biirta manoqoteen?. Anna sow maalintaa ma sigteen?. Waxaase xaqiiqo ah hadey ahaan lahaayeen kuwa wax akhriya inuu garaadkoodu intaa ka sarayn lahaa.

Sheekhul Islaam “ IBNU TAYMIYA” ayaa isaga oo xertiisa maalin wax u akhrinaya oo ay fadhiyaan, waxaa soo agmaray xubno sarsare oo ka tirsanaa madaxdii TATAARKA iyagoo cabsan, kolkaasaa nin ardaydii kamid ah sheekhii ku yiri, aan wacdiyo nimankan oon u sheego Khamradu iney Xaaram tahay iyo iney ilaahay ka cabsadaan, Sheekhii wuxuu ugu jawaabay iska daa ha cabaan khamradooda oo sidaas ha u miyir beelaane, waayo hadey soo miyir sadaan dhibta muslimka unbey ka shaqaynayaan.

Ibnu taymiya malaha wuxuu ka fakaray ka celinta khamri cabidda iyo balo u fakarkooda marka ay soo jeedaan, iney dhib yar tahay khamro cabidooda, waxaan hadda uga danleeyahay Siyaasiyiinta Soomaalida ineysan waxba akhrin armey u fiican tahay nabadgalyada qorayaasha Soomaalida, si ay fursad ugu helaan badbaadin umadda, qoraalkaanna waxaan hubaa inuusan gaari doonin qaar badan oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida laakiin adiga akhristaha ayaan kuugu talagalay.

 Akhri qaybtii 5aad | Kulaabo qaybtii 5aad

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com

. XAFLADII UGU FOOSHA XUMAYD EE GEESKA AFRIKA LAGU QABTO

.MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
ALLAH IS GREAT
KOORSO: BARO SAMAYNTA BARNAAMIYADA C PROGRAMMING
Waa casharro taxane ah oo kusaabsan C Programming
Guji...


xayaysiis


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


Markaan Tagay Madaxtooyada C/Qaasim GUJI...


SOCDAALKII DHEERAA EE SHIIKE GUJI...   




HTML CD [an error occurred while processing this directive]