SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
XAFLADII UGU FOOSHA XUMAYD EE GEESKA AFRIKA LAGU QABTO.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

Dec 6, 2003

 

SANAD GUURADII JABKA SOOMAALIDA:

Prfoser Samatar oo ka qayb galay furitaankii shirka Soomaalida ayey BBC-du weydisay inuu maalintaas qabay raja ah inuu shirku najaxayo, wuxuu ku jawaabay qof khiyaali ku jira unbaa rajo ka qabi karay shirkaas. Axmed Faarax Cali “Idaajaa” isaguna wuxuu sheegay, laga soo bilaabo xiligii Axmed Guray inuusan garanayn xili ay maanta Soomaalidu ka ildaran tahay.

Cali Mahdi Maxamed shirkoo maalmo ka socda Eldoret ayuuba ka waswaasay oo isaga baxay, nuxurka hadalkiisuna wuxuu ahaa inuusan mira dhali doonin shirka, isagoo meela badan eedeeyey, M.Qanyare Afrax oo hada kamid ah Ragga aadka u jecel mira dhalka shirkan ayaa isaguna qabay xiligii abaabulka shirka inuusan wax macna ah soo kordhin doonin shirkan la abaabulayo. Suldaan Maxemd - oo ah sida uu isagu sheegto Suldaanka Dulmanyaasha, oo aan Eldoret kula kulmay ayaa igu yiri, halkan Eldoret waa meel lagu qiimeynayo damiirka qofka Soomaaliga ah, sidaan ku jirnana geeri ayaa noo dhaanta.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waraysigii uu Wakaalada wararka ee “Irin” siiyey wuxuu yiri. Waxaan fahmi weynay shir 12.Bilood soconaya oo un la isaga cunayo Canshuurtii laga soo uruuriyey dadweynaha R/Yurub. Madaxweyne C/Qaasim tan iyo maaalintii uu shirku bilowday wuxuu muujinayey kalsooni la’aanta uu ka qabo dowladaha dariska ah qaarkood ee shirka gacanta ku haya, ilaa iyo hadana tuhunkaas kama baaba’in.

"arinta Soomaaliya xalkeedu wuxuu yahay in la xirxiro ragga hada horbooda Siyaadasa Soomaalida" Fahad

Ridwaan X.C/Wali oo ah Wariye firfircoon ka hawlgala Idaacada IQRA FM. ee Nairobi ayaa maraan ku soo booqday xarunta Idaacada i weydiiyey Su’aal ahayd. Aragtidayda shirka haatan ka bilowday Eldoret, waxaana ugu jawaabay arinta Soomaaliya xalkeedu wuxuu yahay in la xirxiro ragga hada horbooda Siyaadasa Soomaalida, xiligaasna waxay ku beegneyd bilowgii shirka Eldoret, hadaalkaasna wuxuu ahaa hadal aan ku niri 98.kii Safiirkii Masar u fadhiyey Soomaaliya, wuxuu Safiirku naweydiiyey sida aan u aragno shirkii Soomaalida ee markaas Qaahira ka socday, waxaana Safiirka ugu jawaabnay. Waxaan dowlada Masar ka codsaneynaa iney xabsi u taxaabaan inta hada magaca Soomaalida ugu shirsan halkaas. Jawaabtaasi dhab ayey naga ahayd Safiirkuse kaftan ayuu u qaatay.

15.Oct. ee Sanadkan 2003 waxay ku beegneyd sanadguuradii furitaanka shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waana Sanadguuradii jabka Soomaalida. Haddii hal sano raashin fayl loogu jiray. Haddii hal sano aysan isla afgaran iney baahi u qabaan dowladnimo. Wuxuu ahaa shirkii ugu sumcadda xumaa ee Soomaali loo qabtay tan iyo kala baaba’ii Soomaalida. Wuxuu ahaa shirkii astaanta u noqday jabkii Soomaalida, maanta ka hor kama aanan niyad jabin Soomaali hadase quus baan ka istaagay xaalka Soomaalida, haddii aan ilaahay noo raxman saan-saan fiican nooma muuqato.

Sannad Guuradii 1aad ee Shirka Nabadda
Sannadkii 2002 bishiisii October ayey ahayd markii uu bilaabmay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee weli ka socda dalka Kenya Guji  [c/karin] 15/10

Muragadu waxay iga qabataa oo naxdinta ii sii kordhisay markaan maqlay in Soomaalidii ku harsanayd goobta shirka ay xaflad u dhigeen sanadguuradii jabkii Soomaalida, waxaan ku sigtay inaan muraara-dillaaco markaan maqlay dad Soomaali ah ayaa xaflad xus ah u dhigay maalintii furitaanka shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida, iyagoo waliba ku faraxsan iney Sanad dhan fadhiyeen shir iyaga loo dhigay oo la yiri kuwada hadla.

Wuxuu maankeygu ilaa hada diidan yahay. Ma qofbaa xus usamaynaya 12.Bilood oo uu heshiin waayey? Ma qofbaa mudnaan u arkaya 12.Bilood oo uu walaalkii la heshiin waayey inuu hadana xuso maalintii la yiri war kaalay la heshii walaalkaa oo uu ilaa iyo hada diidan yahay? Ma qofbaa 12.Bilood oo wax qabad la’aan ah kadib xus u dhigaya foolxumadiisa? Ma qofbaa Cizzo mooda xuska maalintii caybtiisa.

Haddii jawaabahaas oo dhan ay tahay maya. Maxaa dhogorta ina saaray ee aan u xusaynaa halsano kadib oo aan heshiis la’aan meel u wada fadhinay. 15.Oct ee 2002. oo ah maalin ku calamadsan maalintii furitaanka shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida, hadana 15.Oct ee 2003. waxay ku calaamadsan tahay maalintii jabka Soomaalida. Aan adiga ku weydiiyee haddii halsano aad meel u fadhiday inaad hawl un qabsato misana dayac adiga kaa yimid aysan kuugu suuragalin ma xusi lahayd sanadguuradaas mise ceeb darteed baad ciidda isku qarin lahayd? Waxaa hubaal ah damiirka fiican inuu yahay inaan ciid isku qarin lahayd.

Xafladii xuska Sanadguuradii jabka Soomaalida ee la yiri waxaa lagu qabtay xarunta shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaalida, kawaran haddii uusan ka soo qayb galin horjoogihii shirka Soomaalida, Mr Kiblagt ee ka waji qarsaday inuu soo xaadiro isagoo ku xigeenkiisii u wakiishay ka qaybgalka Xafladaas macnaha la’ , illeen waaba sidaad yeeli lahayd adba. Nabigaa S.C.W. yiri ( Hadaadan xishooneyn waxaad rabto samee) xishood la’aan, damiir xumi, iyo garaad yaraan miyaa sabab u ah inaan xusno sanad dhan oo aan heshiin weynay! Inaad qaracan-santahay ayaan rajaynayaa.

Waxaan filayey haddii ay Soomaali hal sano oo dhan heshiin waayeen, marka la gaaro 15.Oct ee 2003. in ay maalintaa u aqoonsato Ceeb qaran, oo fadeexadeedana dusha loo saarayo horjoogayaasha Siyaasada Soomaalida, shacabka Soomaalidana ay u aqoonsadaan iney tahay maalin murugo oo aan mid lamid ah Soomaalida Taariikhdeeda soo marin.

Waxaan filayey haddii ay Soomaali ka xishoon weyday xuska jabkoodii in maamulka goobta lagu qabanayo shirka uu sicad ugu diido qabashada xuskaas ba’ay ee ay madaxdii maamulaysay ka kala dhuunteen, illeen qofka Saafiiha ah gacanta ayaa la qabtaa, xoolihiisa ayaa loo maamulaa, hab maamulkiisa nololeed ayaa loo jeexaa, cunada iyo cabida ayaa la isugu duba ridaa, sida hadaba loo yeelo.

Taariikhda Soomaalida marka laga waramayo laguma sheegin iney aqbalaan haddii la damco in dhaawac loo geeysto sharafka qofka Soomaaliga ah, ninka mid ah raggii ka qayb galay faylka raashinka intii uu shirku ka socday Eldoret ayaa iigu waraymay inuu qooraansaday faylkii uu ku jiray, horay iyo gadaalba haduu fiiriyey, waa Wasiir ka tirsanaa Dowladii hore, waa Hogaamiye kooxeed, waa Ugaas Beeleed, waa Ganacsade taajir ah, waa Aqoonyahan magac leh, waa wax garad iyo nabadoon, markaasaan iri buu yiri SOOMAALI SAANNA MA U DANBEYSAY? Qofkii u horeeyey ee ii jawaaba wuxuu noqday buu yiri, Gudoomiye Jabhadeed oo magac weyn leh, isagoo ileh saan iney foolxumo tahay waan ognahay laakiin danta Soomaalida ayaa nagu khasbeysa.

Malaha waad rumaysan lahayd inuu danta Soomaalida faylkaas u galay, haddii uu miro fiican ka dhalan lahaa arintii uu darteed raashika faylka ugu galay, waxaan kaloo rumaysan lahaa haddii uu ka sariigan lahaa xuska sanadguuradii heshiis la’aantiisa. Illeen murugo uma dhinto qof aan damiir lahay, mise macnuhu waa ka dhabaynta maahmaahdii ahayd { Ceebi waa laba af-maroojis}.

Alla maqadaree waa dhici kartaa inaad aragto 15.Oct ee 2004. oo ay xus labaad u dhigayaan 2.sano oo ay heshiin waayey qabqablayaasha Soomaalida.

 Qoraaladii Siyaasadda qaybtii 4aad 

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com

.MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
ALLAH IS GREAT
KOORSO: BARO SAMAYNTA BARNAAMIYADA C PROGRAMMING
Waa casharro taxane ah oo kusaabsan C Programming
Guji...


xayaysiis


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


Markaan Tagay Madaxtooyada C/Qaasim GUJI...


SOCDAALKII DHEERAA EE SHIIKE GUJI...   




HTML CD [an error occurred while processing this directive]