SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
 SOMALILAND: DAL ISKU TASHANAYA, WAXNA TEBAYA!
(Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland)

Socdaal-Suxufi
Waxa Qoray: Shariif Macalin Maxamed

Muqdisho-Somalia
shariif55@hotmail.com


Eeg sawirka oo weyn

Waxyaabaha laga dhaxlay burburkii Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dagaaladii sokeeye ee kadib bilowday kuna baahay guud ahaan dhulka Soomaaliyeed waxaa ka mida gooni isu taagga Somaliland, kadib markii goboladii hore loo oran jiray Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ay ku dhawaaqeen inay ka madax bannaan yihiin Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-kii.

Gooni isu taagaasi inkastoo markii hore loo arkayay inuu ahaa mid degdeg iyo caadifad ku yimid haddana wuu sii xoogeystay marka la eego gudaha gobolada waqooyi, laakiin aragtida ay ka qabaan Soomaalida kale ayaa ahayd mid had iyo jeer diidmo ah, beesha caalamkuna ku qasbanaatay inay ka gaabsato.

Halka Somalilandnimadu dad badan u tahay muqadas iyo lama taabtaan, dhinaca kale Koonfurta Soomaaliya midnimada ayaa biyo kama dhibcaan ah, taasoo keentay in isku dhac joogto ah oo siyaasadeed iyo mid jiritaaneed had iyo jeerna ka taagan qaddiyada aan weli qaan gaarin ee goosashada.

Socdaal gaaban oo aan bishii Disembar ee 2003 ku tegay magaalada Hargeysa ayaan ku soo ururiyay warbixino badan oo aan filayo inay ilaa xad ku filnaan doonaan dadka daneynaya inay wax ka ogaadaan xaalada nololeed, dhaqaale, bulsho, tacliin iyo siyaasadeed Jamhuuriyadda la baxday Somaliland oo mudo 12-sano ah ku adkeysaneysa inay Soomaalinimadii dib uga noqotay.


calankii soomaaliya oo la isku heysto Hotelka Ambassador

Magaalo madaxda Hargeysa oo mar ahaan jirtay magaalada labaad ee ugu weyn Jamhuuriyadii Soomaaliya, iminka waxay dadka degani ugu yeeraan caasimada Jamhuuriyadda Somaliland inkastoo aan la aqoonsan, magaalada way sii balaaaratay, waxa ugu horeeya ee ishaadu qabaneyso marka aad Garoonka Diyaaradaha Hargeysa caga dhigato waxaa ugu horeeya ee aad arkeyso waxay noqonayaan Boorar ay ku qoran yihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo madax bannaanideeda, Garoonku waa midka ugu horeeya dhinaca muuqaalka iyo ammaanka garoomada shaqeeya ee Soomaaliya xiligan guud ahaan, waxaana sii bilay dib u habeyn lagu sameeyay sida Terminal (dhisme) cusub oo dadka duulaya ay ka baxayaan kaasoo aad u qurux badan, nasiibna aan u yeeshay inaan ka mid noqdo dadkii lagu furay.

Sida socdaalkii hore ee Bishii Febraayo aan ku tegay halkaasi iskuma biimeyn karin inaan Baasaboor la’aan ka gudbo, waxaadna dareemeysay isbedel weyn oo dhinaca baaritaanka ilaalada iyo koontaroolka Garoonka ah, maamulka Garoonka inkastoo ay mashquulsanaan iyo isku duba ridnaan la’aani ka muuqato, haddana shaqada ay hayaan waxay isku dayayaan inay intii karaankooda ah dedejiyaan.

Marka aad garoonka kas oo baxdo Buuraha caanka ah ee NAASA-HABLOOD ayaa kaa hor imaanaya iyo magaalo Buuraley ah oo aad qiyaasi kartid baaxadeeda, Hargeysa marka aad dhinac kasta ka eegto waa mid wada mashquul ah cid kasta waxay ku jirtaa orod ay quutul daruurigeeda ku raadineyo, dadka shaqeeya ayaase aad u yar, waxaa intaas dheer in meel waliba uu ka socdo dhisme, dariiq kasta oo aad marto dhisme cusub iyo mid la sii cusbooneysiinayo ayaa kaaga muuqanaya waxayna magaaladu ku jirtaa kacaan dib u dhis lagu tilmaami karo, waxaa sii qarsoomaya raadadkii ay ku reebeen dagaaladii sokeeye iyo burburkii gaaray, ammaanka halkii ugu sareysay ayuu joogaa oo marna ma arkeysid cid hub sidata marka laga reebo ciidamada nabadgelyada.

Dadka ajnabiga ah ayaa habeenkii wadooyinka iska maraya iyadoo aanay jirin cid ilaalo ka heysa, halka haween badan ay wataan gawaarida kala duwan ee lagu raaxeysto, saacadii aad doonto ayaad habeen iyo maalin socon kartaa, waxaad dib u soo xusuusaneysaa beri-samaadkii nabadda lagu naaloon jiray magaalooyinka dalka.


Hargeysa oo wadada Garoonka laga sawiray

 Isbedel ay keeneen xaalado dhowaanahan dhacay sida dilka saddex qof oo ajnabi ah ayaa jira, intii aan halkaasi joogay ayaa la dilay Taliyihii taraafikada waxayna ahayd tijaabo lagu garan karo halka uu taagan yahay nidaamka iyo kala danbeynta, xaalad xiisad miiran ah ayaa la galay laakiin wax badan ma socon oo waxaa durbadiiba la aqoonsaday denbiilihii, waxaase yaab igu noqotay markii qoladii uu ka dhashay taliyaha laga soo weriyay inaysan aaseynin inta loo soo gacan gelinayo gacan ku dhiiiglaha taasoo ah dhaqan Soomaali aan wax shaqo ah ku lahayn dowladnimo iy sharci midna, waxaan u daliishaday sida ay ugu dheereyn nidaamkii beelaha.

Dabaqado heer sare ah iyo kuwo sagxada yaala oo xaalkoodu aad u liito ayay kulmisaa nolosha magaalada Hargeysa, maciishadu waa qaali, taasina waxay dad badan oo aan la kulmay u tirinayaan inay sabab u tahay lacagta gaarka ah ee Shilinka Somaliland oo dhaqangalkeeda qiime sare lagu sar gooyay, halkii Doollar wuxuu u dhigmaa ku dhowaad 7000 oo Shilinka Somaliland ah, sidaasoo ay tahayna ma badna qiimaha ay Suuqa wax uga goyn karto, waxayna wax waliba ku saleysan yihiin Doolarka Mareykanka.

Sida magaaladu ugu kala duwan tahay nolosha waxaad ka daraameysaa Hoteelada waaweyn iyo magaalada caadiga ah tusaale yar waxaa kuu noqon kara in Koobkii Shaah ah uu ka joogo Hoteeladaasi 3500 shilinka Somaliland (Nus Doolar), halka uu magaalada caadiga ah ka yahay 500 Shilinka Somaliland.

Magaalada Hargeysa waxaa ku badan dadka hoy la’aanta ah oo wadooyinka iyo derbiyada jiifta, waxaad kaloo aad arkeysaa inaan la iska xil saarin nadaafada, inkastoo Maayorka [Duqa] cusub ee magaaladu doonayo inuu wax ka qabto arrintaas isagoo ah duqii ugu horeeyay ee la soo doorto, nalalka Samaafareyaasha ee kala haga baabuurta, carwooyinka waaweyn iyo nalalka ifinaya wadooyinka magaalada oo dhan ayaa sii bilaya muuqaalka habeenkii ee magaalada, Korontada ayaa celcelis ahaan magaaladu heshaa 14-saac maalin iyo habeen ama 24-kii saacba, Hoteelada iyo goobaha ganacsiga waxay leeyihiin Mishiino u gaar ah oo dabka siiya, laakiin waxaa sanadka cusub la rajeynayaa in Wakaalada korontada Hargeysa ay shaqeyso 24-ka saac markii laba Mishiin oo deeq ah ay ka heshay Jabuuti.


Idaacadda Hargeysa

 Dhibaatooyinka heysta magaalada waxaa ka mida biyo yaraan iyadoo qeybaha faqiirka ah aysan helin biyo ku filan, Bacaha oo Geed waliba qabsaday iyo buushashka lagu qayilo oo goob waliba ka muuqda, xitaa xarumaha waaweyn agagaarkooda iyo dhexdooda.

Gooni isu taaga Somaliland wuxuu mararka qaar noqdaa wax dadka madax mara oo keena isku dhac, labadii jeer ee aan Hargeysa tegay waxaan u soo joogay laba dhacdo oo nasiib darro ah, dhacdadii hore waxay ahayd iyadoo Boor uu ku qoran yahay Calanka Soomaaliya si awood ah looga dejiyay Hoolka Hoteelka Ambassador oo markaasi shir uu uga socday ururada bulshada rayidka ah, dhacdadii labaadna waxay ahayd iyadoo mid ka mida mas’uuliyiinta Warbaahinta Muqdisho uu nin ka mida shaqalaaha Madaarka Hargeysa gacan ula tegay si uu uga gooyo calaamad Calanka Soomaaliya ah oo Shaarkii uu sitay ku tolneyd.

Labadaas dhacdo waxay sawir ka bixinayaan dulqaad la’aanta weyn ee Somalilandnimadu la timid, marka aan dadkaasi kala doodnay sababta ay falalkaasi ugu kacaayaan iyo waxa ku diray Calanka Soomaalida iyagoo ogol calamada dalalka kale sida Itoobiya waxay dooda ugu weyn ee ay cuskanayaan noqoneysaa: «Marka ay Calankeena aqoonsadaan ayaan kooda aqoonsaneynaa!!!!.»

Dadka waxgaradka ah waxay si aan qarsoodi lahayn kuugu sheegayaan in loo sugo inta carada iyo naceybku ka baxayaan, iyadaaba la kala maarmi doonine, waxaana jira dhalinyaro da’ yar oo aan waxba ka ogeyn waxa dhacay laguna habay naceybka Soomaalida iyo jiritaanka Somaliland sida wiilka lagu magacaabo Axmed Keyse waa 20 jir la shaqeeya gawaarida BL-ka Hargeysa wuxuuna yiri: "Waxa uun la ii sheegy in reer Koonfureedku na xasuuqeen!!"


mid ka mida carwooyinka hargeysa

Dhinaca dhaqaalaha waxaa waxyeelo weyn u geystay xayiraada xoolaha ee dalalka Khaliijka gaar ahaan Sacuudigu ku soo rogay, waxaa u sii raacay Itoobiya oo ganacsiga lala leeyahay uu yahay mid aan sal lahayn, wax iibsigu ma xuma Carwooyinka waaweyn ee magaalada iyo Suuqyada waxaa dhooban dad u badan haween oo lacag badan bixinaya si ay u helaan waxyaabo ay isku qurxiyaan, laakiin waxay dadku ku tiirsan yihiin sida Soomaalida kale taakulada ay ka helaan eheladooda dibadaha Biilka uga soo dira.

Shirkadaha Isgaarsiinta iyo adeegyada Internetka bixiya way ku baahsan yihiin magaalada laakiin uma fara badna umana qiime jabna sida Muqdisho, guud ahaan ganacsiga waa mid socda laakiin ay jirto ogolaansho xukuumadeed oo lagu xakameeyo cida ruqsada loo siinayo soo dejinta waxyaabaha daruuriga ah, la yaabna ma aha haddii ganacsade qura loo siiyo ruqsad inuu magaalada keeno Sonkorta.

Dhinaca Siyaasadda waa laga soo gudbay xiligii loolanka iyo doorashooyinka, waxaana talada halkeedii ka sii miistay UDUB oo eeda ugu weyn ee loo heystaa ay tahay inay maamulkii isku koobtay halkii laga sugayay doorashadii muranku ka dhashay kadib inay soo dhisto dowlad midnimo Qaran waxay Golihii wasiirada ee Madaxweyne Rayaale u bateen isla kuwii ay hore isu fahmeen oo qaarkood faraha lagu fiiqayo, dhaleeceynta xukuumada iyo sida ay u gaabineyso waa ereyo uu qof kasta afka ku hayo.

Qofka caadiga ah ee suuqa jooga marka aad weydiiso sida uu u arko waxqabadka xukuumada Daahir Rayaale wuxuu si cad kuugu sheegayaa inay tahay dowlad fadhiid ah, qeylo dhaanta joogtada ah ee ururada mucaaradka ah (KULMIYE & UCID) ayaa iyana muujineysa in xukuumadu ay guud ahaanba dhegaha xiratay oo wax alla iyo wixii laga sheego aanay meel ka soo qaad u lahayn, lana la’ yahay meel laga saameyn karo si loo dhaqaajiyo.


samaafarayaasha hargeysa

Dhinaca Warbaahinta haddii aanu eegno waxaa jira xoriyad dadku sameysteen oo la doonayo in sharci lagu xadeeyo, taasoo aan weli suuragelin sidaasoo ay tahayna isku dhaca xukuumada iyo saxaafada waa mid joogto ah, mar waliba waxaa la qabtaa weriyeyaal loo heysto maqaalo iyo warar ay qoreen waxaad kaloo dareemeysaa inaysan Xisbiyada kale ee aan UDUB ahayn ku dulman yihiin dhinaca Raadiyaha Hargeysa oo dowladdu gacanta ku heysto marka ay timaado tebinta qorshayaashooda iyo aragtidoodaba.

Raadiyaha Hargeysa oo ah kan kaliya e ka jira degaankaas waxaa soo wehliya FM-ta BBC-da oo iskeed ugu adeegta qeybaha kala duwan BBC-da oo ay ku jirto Laanta Af-soomaaliga, Idaacaadda Hargeysa wax badan kama duwana kuwii hore ee Soomaaliya waxaa ka baxa warar, suugaan iyo barnaamijyo ay soo wehliyaan barnaamijyo luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Amxaariga lagu tebiyo, waxaa soo baxa Wargeysyo faro badan oo uu ugu caansan yahay Jamhuuriya iyo kuwo kale sida Haatuf, waxaa kaloo jira qaar ku soo baxa luqada Ingiriiska iyo Carabiga.

Degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada Hargeysa waxay kala yihiin: 26-ka June, Gacan Libaax, Maxamed Heybe, Maxamed Mooge, Ibraahin Koodbuur iyo Axmed Dhagax intaba waxay ka siman yihiin dib u dhiska ka socda, waxaadna ka garan kartaa in ay ku soo kordheen degmooyin cusub magaalada oo sii balaaraneysa darteed, haddii aad is weydiineyso inay jiraan degmooyinkii hore sida Iftin iyo Guryasamo waxaad ogaataa in lagu bedelay magacyo cusub oo ah shaqsiyaad halganka Somaliland qeyb libaax ka qaatay ama u shahiiday sida la sheegay.

Masaajidadu waxay buuxaan xiliyada salaada oo dad da’ waliba leh ayaa ku qulqulaya markii uu Mu’adinku dhawaaqo, arrin ay Muqdisho uga duwan tahay oo aan is tusnay waxay ahayd in xiliga Salaada laga baxo aanay dadku isla markiiba Masjidka ka bixin ee tasbiix iyo salaado kale oo suno ah lagu mashquulo, balse waxaa kuu muuqanaya inay aad u yar yihiin casharada diiniga ah ee Masaajidada ka socda aad ayayna u yar tahay inaad aragto dhalinyaro xer ah oo dhinaca diinta u go’doontay.


Taalada Khariidada Somaliland

Ma yar dadka isku mashquulsan ee wadooyinka jooga ama xaaladoodu maskaxeed aanay caadiga ahayn, sidoo kale run ma aha in magaalada Hargeysa aana laga heleynin Gabar madow, inkastoo dumarka intooda badan ay isticmaalaan dawooyinka iyo waxyaabaha kale ee la isku qurxiyo oo jid waliba aad ka dheehan karto sida waxyaabaha kiimikada ah ee haweenku isku qurxiyaan u qayireen uguna ciyaareen jirka dumar badan oo isticmaala haddana way jiraan gabdho aan ku saqajaamin ee sidii ee Rabbi u abuuray ku kalsoonaaday, oraahda ah: Doqon iyo habeen baa madow ayaa ah mid dhaqangalkeedu socdo.

Haddii aan eegno dhinaca waxa ugu weyn ee ay weheshadaan wa Qaadka oo la’aantii aanay waxba socon karin, Naadada qaadka la iibinayo ee wadooyinka lala fadhiyo waa dhawaaqa ugu dheereeya ee aad maqli karto marka aad magaalada u soo dhaadhacdo, Waxbarasho kala heerar duwan oo hoose ilaa Jaamacadeed taxan ayaa socota, waxbarashada gaarka ah ayaa si aad ah u sareysa, subaxnimadii waxaa wadooyinka buuxinaya arday 6 sano jir ilaa 20 jir ka sareeeya oo Dugsiyada u dareeraya, guud ahaan ardayda waxbarashada tooska ah tagta Somaliland waxay ku dhow yihiin 100,000 sida uu sheegay wasiirka Qorsheynta.

Dhalinyaro dhinaca Hidaha iyo dhaqanka ah iyo kuwo qaabilsan ciyaaraha kala duwan ee qalaama-rogadka ayaa magaalada ka jira, waxaana ugu caansan ururka HAVAYOCO oo ay munaasabadana iyo maalmaha farxada soo bandhiga ciyaaro kala duwan oo loo bogo, dhalin yaryar oo u muuqda inay noqon doonaan hoboladii mustaqbalka ayaa soo baxaya gabdho da’doodu u dhaxeyso 6 ilaa 15 jir ayaa heeso macaan oo musaabadle ah ku soo bandhigay Hotelka Ambassador socodkeygii hore ee Febraayo, laakiin waxaan nasiib u yeeshay inaan Hotelka Maansoor kula kulmo dhalinyaro kale oo dharka Hidaha iyo dhaqanka ku lebisan kuwaasoo inkastoo da’doodu ka weyn tahay dhalintii hore haddana soo bandhigay heeso qiime leh oo kaalinta hooyada iyo xuquuqda aadanaha ka hadlaya munaasabad loogu dabaal degayay maalinta Xuquuqda Insaanka.

Dhinaca muuqaalka bulshada wax badan kama duwana dadka magaalada Hargeysa ku nool gobolada kale ee dalka, mana jiro qaab lagu kala sooci karo dadka magaalada u dhashay ama kuwa Somalilander-ka ah iyo kuwa Gobolada kale ee dalka Soomaaliya ka yimid oo aan ka ahayn lahjada lagu wada hadlo, taasina maalmo kadib ayaa laga yaabaa inuu qofku la qabsado.


Fagaraha kheyriyada

Dareenka jiray wuxuu ahaa go’aanka ka soo baxay xukuumada Somaliland ee ahaa inay masaafurineyso dadka ajnabiga ah oo lagu daray kuwa ka yimid Koonfurta Soomaaliya, arrintaasi ma jirin cid aaminsan xitaa marka aad eegto mas’uuliyiinta, laakiin waa go’aan Daahir Rayaale ka soo baxay oo u baahan in si uun looga wareego looguna qiil bixiyo, dadka Koonfureed ee degaandaasi jooga waxay hayaan shaqooyin ay qaarkood keli ku yihiin aqoontooda, waxayna laf dhabar u yihiin goobo badan oo ganacsi taasoo aan suuragal ahayn in si degdeg ah looga maarmo, baahidaas oo la wada ogyahay iyo Soomaali is tarxiileysa oo ceeb caado ugub ah noqoneysa ayaa go’aankaasi ka dhigay mid xitaa mas’uuliyiintii soo saaray shido ku noqday.

Hablo wadooyinka laafyoonaya oo Duruuc kala jaad ah heysta, qaarkood Dahab qaali ah sitaan ayaa is dhaafaya, way badan yihiin haweenka xijaabka ku lebista, laakiin uma tira badna sida Muqdisho oo kale oo dadka qaarkii u aaneeyaan inuu xijaabka badan ee dumarku sitaan ay ugu wacan tahay ammaandarrada ka jirta Xamar, laakiin Hargeysa oo xasilooni taam ahi heysata inkastoo lebiska haweenku bilicsan yahay haddana ma jiraan xad ka bax muujinaya in dhaqanka dhar xirashada gaalada la raad raacayo.

Ururo bulshadeed xoog leh ayaa ka howl gala Somaliland waxayna ku leeyihiin dadka dhexdooda ixtiraam iyo waxqabad muuqda, gacanta ay ka geystaan wax ka qabashada baahida shacabka xaaladan adag ka sokow waxay qeyb ku leeyihiin ka talo bixinta dhibaatooyinka jira iyo sida looga bixi karo, halka xiriir dhow la leeyihiin xukuumada, waxaa kaloo jira joogitaan muuqda oo hay’adaha samafalka iyo kuwa Qaramada Midoobay ah oo u xilanaya ammaanka halkaasi ka jira.

Arrinta ugu dhibaatada badan ee hortaala guud ahaan maamulka kasta Somaliland ka dhasha una baahan in si xikmad leh looga gudbo waa nidaamka beelaha ku dhisan oo inkastoo doorashooyin dhaceen Golayaal Dastuuri ahna ay jiraan la awoodi waayay in dhinacna looga wareego nidaamka qadiimka ah ee lagu badbaadiyay Somaliland, dad waxgarad ah oo aanu arrintan wax ka weydiinay ayaa u aaneynaya iyadoo saameyn weyn ay leedahay qabyaaladu isla markaana miisaanka wax lagu eegaa uu iyada yahay, Xisbiyada siyaasadeed ee sameysmay midka xukunka haya iyo mucaaradkaba waxay weli madiidin u yihiin nidaamkaasi.

Dadka ku dhaqan Gobolada Waqooyi ma necba reer Koonfureedka Soomaaliya waxayna og yihiin in wixii dhacay loo simanaa oo dadka u dhashay waqooyi iyo koonfurba kuwada jireen balse waxay qaadan la’ yihiin INAY RAHAN U AHAADAAN NIN GURIGIISII OLOLAYO oo haddana isla isagii Baansiin ku sii shubaya inuu yiraahdo: «Somaliland wax la yiraahdaa ma jiraan, mana go’i karto!!!», taasina waxaan fogaansho ahayn kama sii qaadayaan.

Haddii aan isku soo duubo Somaliland waa dal isku tashanaya oo ku jira koritaan dhinac waliba leh si uu mar u noqdo dowlad dunidu aqoonsan tahay oo jiritaan leh, isuna heysta in midnimo danbe oo Soomaaliya uu la galo sida tii dhacday1960-kii ay mustaxiil tahay, laakiin iskaashi kasta oo ka soo hara noocii uu doono ha ahaadee suuragal noqon karo marka ay timaado cid ay wax la wadaagi karaan oo K/Soomaaliya ka soo baxda, waxayse tebayaan aqoonsi ay caalamka ka helaan oo ay xaqiiqsadeen inuu uga xiran yahay Soomaalida Koonfureed ee xaaladeedu sida la wada ogyahay u qasan tahay, mana hayaan qaab ay ula macaamili karaan kooxaha isku heysta Soomaaliya oo haddii ay mid la xiriiraan ay kooxdii ka soo horjeeday caddow ka dhiganeyso sida uu qiilka uga dhigtay soo dhexgal la’aanta arrimaha Soomaaliya Xaaji Cabdi Xuseen Waraabe oo ah oday caan ka ah degaankaasi.

DHAMAAD

shariif macalin shariif55@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]