Somaliland ma tanaadday waa iyada reer
Koonfurkii tarxiishee
- Booliiskii Maxamed Siyaad waxaa ka
biqi jiray siyaasiyiinta iyo maal-qabeennada khaasatan kuwa ka soo jeeda
qolooyinka mucaaradkaa laakiin danyartu kama biqi jirin
- Waxaan ka rabnaa Riyaale,
xukuumadiisa iyo guurtida la sheegayo inay sida Dahabshiil oo kale raaligelin bixiyaan.
Hana ogaadeen in aan Soomaaliya wax la kala lahayn, sida shirkaddaas oo ka
howlgasha waddankoo dhan.
- Nasiib daranaa qoom, C/hi
Yuusuf iyo Riyaale isu celcesheen.
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad oo dhan leh.
Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Qolyaha kaftanka ku
dheereeya ayaa sheegay in mar qolyo Soomaali ah oo ka shaqeynayey dhisme
laga dhisayey Sacuudi Careebiya, ay salaaddii usoo gashay. Waxay ka
gaariwaayeen masaajidka dabadeedna waxay goosteen inay dhismaha ku dhex
tukadaan. Iyagoo tukanaya ayaa waxaa kusoo baxay qolyihii mutadawiciinta
ahaa ee loo xilsaaray in dadku masaajidda kusoo tukado. Waxay sheegeen in
mutadawiciintii laftoodii goosteen inay nimankaas iskala tukadaan markaasay
ku xirteen. Iyadoo arrinni halkaas marayso ayaa Soomaalidii hoos hoos
imaamkii u dareensiiyeen in la is-hayo. Imaamkii isna wuxuu hoos u yiri
maxaan samaynaa? Waxay dhaheen aan cararno. Dabadeed imaamkii baa booday
markaasaa Soomaalidii kalana cagaha wax ka dayeen. Nimankii mutadawiinta
ahaana inta sasseen bay ka dabo- boodeen iyagoo is leh “naftu orod bay kugu
aammintaa”. Imaamkii iyo Soomaalidiina waxay u qaateen in mutadawiciintu
iyaga cayrsanayso, mutadawiciintuna waxay is lahaayeen yaan beladu kaligiin
idin ku dhicin. Waxay i xassuusisay sheekadii laxdii indhaha la’ayd iyo
waraabihii.
Sidoo kale waxaa la sheegaa
in magaalada London, nin Soomaaliyeed uu dukaamada wax uga dirsaday wiil
dhalinyaro ah ooy walaalo ahaayeen oo Kenya laga keenay. Wiilkii markuu
gurigii kusoo socday buu arkay labo nin oo booliiska Ingiriiska ah oo ku soo
socda. Wiilkii isagoo isleh yaan booliisku sharci ku weydiin, ayuu
booliiskii u gooyey oo is yiri jiiro dheer soo gal. Ninkii wuu yaabay waxa
wiilka ku dhacay. Markii hadhow wiilkii yimid baa la yiri maxaa kugu dhacay?
Wiilkii wuxuu yiri haddaad arki lahaydeen sidaan booliska ugu gooyey, waad
yaabi lahaydeen!
Waxaan uga danleeyahay
waxaan ka baqayaa in dadka masaakiinta ah ee ka soo barakacay guryahoodii
Koonfureed ama Galbeed, ay booliska Riyaale uga didi/carari doonaan sida
kuwii Kenya ama ka daran. Booliiskii Maxamed Siyaad waxaa ka biqi jiray
siyaasiyiinta iyo maal-qabeennada khaasatan kuwa ka soo jeeda qolooyinka
mucaaradkaa laakiin danyartu kama biqi jirin, dhibna kumeey hayn.
Nabigu (SCW) markuu ka
hadlayey seddexda nin ee Ilaahay u caroonayo qiyaamaha, ee uusan la hadli
doonin, fiirina doonin oo uu cadaab kulul gelinayo waxaa ku jira nin maskiin
ah oo isla-weyn. La yaab ma leh in Fircoon, Qaaruun iyo qof kastoo is-mahadiyaa
uu sanka kor u taago laakiin waa arrin fidrada ka fog in miskiinku is-kibriyo.
Maxay Riyaale iyo xukuumaddiisu reer Koonfureed ka tarxiilaan? Ma
barwaaqadii Khaliijka taalay 1990 ka hor baa kasoo burqatay? Soow gobolladii
iyo dadkii Somaliland sheegan jirtay sida Sool, Cayn iyo Sanaag Bari ma
diidin oo ma oran, Soomaali weyn baan rabnaa? Iyagiina dadkii masaakiinta
ahaa oo soo barakacay baa Ilaah dabo-dhigay.
Waxaan shakki lahayn in
Koonfurta Soomaaliya, xagga tirada dadka, dhaqaalaha iyo kheyraadka kalaba
kaga horayso Somaliland. Inkastoonan Berbera tegin laakiin waxaan filayaa in
dekedda Xamar iyo garoonkeeda diyaaraduhaba ka weynyihiin kan Somaliland.
Dhulbeereedka, xoolaha iyo kheyraadka Koonfur yaalna warkooda daa. Dadka
Somaliland u qaxay waa dad beerahoodii, xoolahoodii iyo hantidoodii laga
dhacay ama dad naftoodii u baqay oo magaalooyinkaas naf biday. Kaliya waxay
raadinayeen nabaddaas. Waxa Somaliland Koonfur dheertahay waa nabadda ee ma
ahan irsaaqad kale oo loo soo raadsaday. Puntland C/hi ka hor iyadaa
Soomaaliya ugu lahayd.
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin:
marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo
Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)"
C/Waaxid |
Miyaan niman Waqooyi u
dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin
Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!).
Xeerarkan waa xeerarka ay ku biyo-cabbaan “Somalilanders” jooga Yurub,
Waqooyiga America, Newzealand iyo Australia. Yaa arkay London, Sheffield ama
Cardiff? Imisa reer Waqooyi jaqalo-buuran? Habartaad rabtid sheego, dadka
waddamadaas leh, adi, Madhibaan, Jareer Weyne ama dheh Walaweyn oo dhan,
qofka Galbeedka Afrika ka yimid, kan Koonfur ama Bariga Afrika ka yimid, iyo
Masayga iyo Turkaanaha Kenya jooga waa isagu mid, waxaadna ka joogtaan isku
meel. Saasooy tahay Binu Aadam baa lagaa dhigay oo hooy iyo cuntaa lagu
siiyey haddaadan shaqayn. Caqligee ku keenteen in qof Soomaali kula ah,
Hargeysa laga qafaalo? Xaggee joogi jireen
Feysal Cali Waraabe iyo Siilaanyo?
Xaggee C/Raxmaan Tuur ku dhintay?
Haddaad rabtaan, inaan
idiin deyno magaalooyinkaad degtaan, magaca Somali ee “Somaliland” ku jira
noo daaya oo magac kale ku bedesha. Sanadkii hore waxaa waddankaan Britain
la hadal hayey 100-kii qof ee Britain ugu caansanaa. Waxaa markii dambe laga
soo reebay 10 si loo ogaado qofka codka loo siiyo inuu igu caansanyahay.
Waxay koow siiyeen Churcill. Marka waxaan filayaa inaad halkaas magacyo caan
ah ka helaysaan. Dabadeedna inta qabiil ee idin ogol goosta. Suurtogal ma
aha in Riyaale Hargeysa iga xigo anoo Mudug ku dhashay, isaga iyo wixii ku
fikrad ahna ka yeelimaayo. Anna sidoo kale cidna Boosaaso kama xigo. Maxaa
Soomaalida isku xira? Xittaa diin iskuma keen xirto. Waxa ugu horreeya waa
Soomaalinimada. Waxa Sacuudi la iskaga raafijiray muslinimo kuma shuqul
lahayn ee waa waddan, idinkuna waa inaad fahantaan waxa Riyaale ku joogo
Hargeysaha maahan qabiil iyo diin midna ee waa Soomaalinimo laakiin idinkaa
ku daray “land”.
Haddii xaddiisyada wixii
Nabigu yiri (SCW) wax lagu kordhiyo xittaa hadday tahay fasir waxay dhahaan
“mudaraj” oo ah xaddiis wax lagu kabay. Anigu waxaan qaadanayaa dhaxalkii
waxgaradka reer Waqooyi ka tageen sida Ilmo Gahayr, Barkhad Cas,
hal-abuurada reer Waqooyi ee hadda jooga oo ka mid ah kuwa Soomaaliya uga
caansan, iyo waxgaradka kale ee Somaliland oo ah in qof walba gurigiisa iyo
hantidiisa gaarkaa gooni u leeyahay laakiin dadka Soomaaliyeed meeshuu rabo
Soomaaliya ka degi karo, ehelna yihiin. Ina Gahayr, Harar wuxuu u arkeyey
dhul uu leeyahay laakiin Riyaale anoo Mudug ka imid wuxuu rabaa inaan Burco
wax kale u arko!
Qab-qablayaasha Koonfurta
iyo xittaa kuwa Xamar wax ku afduuba waa la fahmi karaa dantooda oo waa wax
qof ka suurtoowa. haddaad sidii Sacuudiga mar ahaa aad barwaaqo la
ciiraysaan oo dadka iska ceyrisaan, saad barwaaqadaa ugu keliyeysataan ama
sidii askarta Kenya aad dadka xirniinkooda xoolo ku raadisaan oo markaad
dantiina gaartaan iska sii deyn lahaydeen waa la fahmi kari lahaa laakiin
sheekadiinu waa mid cusub oo meesha barwaaqo ma taal, masaakiintiina
madax-furasho kama rabtaan.
Waxaa jirtay mar ay
shirkadda Dahabshiil soo saartay “calendar” 26 Juunna ka dhigay maalin
feysto ah, 1-Luuliyana maalin caadi ah. Dadkii fikradahaas aamminsanaa
waxaan siiyey jawaab laakiin shirkaddan ganacsi kuma degdegin. Waxaan
diyaariyey maqaal aan ugu magacdaray: Xawaaladda Dahabshiil oo 1-da
Luuliyo shan ka qaadday! Waxaan ka waday 1-da Luuliyo – 5 = 26 Juun, si
aan dadka u dhaho, Dahabshiil, maalmaha ma 100 Doolar oo Soomaliya loo
dirayo bay moodday. Maqaalka oo dhan waxaan u qoray si qaafiyad ah oo
xarafka “Sh “ ku socday. Maddaama ayna shirkaddu qab-qable ahayn waxaan isku
deyey inaan la xiriiro maamulka Dahabshiil. Waxaan waraaqo ukala qoray
laamahooda jooga waddamo kala duwan sida USA laakiin dhowr beri wax jawaab
ah ma helin. Waxaan goostay inaanan maqaalka dirin intaan jawaab helayo.
Nasiib wanaag waxaa ila soo xiriiray maamulka shirkadda oo yiri waxay ahayd
khalad dhinaca madbacadda ah, waxayna baxsheen raaligelin iyagoo kusoo qoray
boggagga caanka ah ee Soomaalida. Aniguna maqaalkii waxaan ku daray qashinka
oo ma soo gudbin.
Khaladkaas wuxuu rabo haku
dhaco laakiin waxaa ka qiimo badnaa raali-gelinta shirkaddu bixisay. Haddaan
Soomaali nahay kumaba fiicnin raali-gelinta. Waxaan aamminsanahay inaan
arrintaas anigu u horreeyo. Intaas ka dib shirkaddaas wax sumcad-xumo ah oo
ay la kulantay ma jirto bal waxay noo bilaabeen raali-gelinta haddii khalad
dhaco.
Waxaan ka rabnaa Riyaale,
xukuumadiisa iyo guurtida la sheegayo inay saasoo kale raaligelin bixiyaan.
Hana ogaadeen in aan Soomaaliya wax la kala lahayn, sida shirkaddaas oo ka
howlgasha waddankoo dhan. Walaalo, rag iyo dumarba leh oo reer Waqooyi ah
ayaa arrimahan ka hadlay oo qaarkood gabayo cajaa’ib ah ka tirsheen laakiin
intaas kuma filna. Maahan markii ugu horreysay ee khaladka noocaan oo kalaa
dhaco. Maxamed Ibraahim Cigaal intuu noolaa waxaa la sheegaa in dad muslim
ah oo Soomaaliyeed Zenawi loo gacan-geshay. Tanna waa tan. Hadday sii
leeyihiin bil bay Walo-weyntu haysataa. Waxaa dad iigu caqli xun kuwa Yurub,
Australia iyo Waqooyiga Ameerika jooga oo u doodaya in dadkaas la saaro.
Dadka wanaagsan ee reer Waqooyigaa waa inay wax ka qabtaan oo ay runta farta
ka saaraan dadkaas. Waxaan shakki ku jirin in Riyaale, xukuumadiisa iyo
guurtida Somaliland aan waxay yihiin la aqoon.
Waxaa maqaal dheer soo
qoray walaal ka yimid Burco oo sheegay sida Riyaale sixirka u isticmaalo
isagoo waxyaalo cad soo bandhigay. Sidoo kalana kornaylka Puntland waxaa
lagu xantaa inuu ku dheereeyo xer-u-tegid iyo curaafeysiga. Marka odayaasha
lagu sheegayo guurtida ee Somaliland amay wada qataaranyihiin, ilayn dad
guurti ahi waxaas ma go’aamin karaane? Dadka reer Waqooyigoow akhriya
maqaalkii walaalkaas reer Waqooyi, oo uu muddo hore boggagga Soomaalida soo
geshay.
Nasiib daranaa qoom, C/hi
Yuusuf iyo Riyaale isu celcesheen. Dadka qaar baa la yaabban abaartan
Ilaahay ku salladay degaankaas (Puntland iyo Somaliland). Ilaah baa runta og.
Waxaan filayaa inaan eersanay muslimiintii Amxaarada loo gacan-geshay,
tabliiqii la xirxiray, dadkii doomaha laga daadshay, dhulkii lagu been-abuurtay,
culumadii xabsiga laga buuxshay qaarna la saaray, suldaamadii la dilay iyo
tan ugu dambaysa ee masaakiintii lasoo tarxiilayo. Waxaan rabaa inaan
gobolladaas u sheego labo beyt oo Khaliif Shiikh Maxamuud ku lahaa:
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa
nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga
somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga
yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga
magaalooyinka camiran ee Somaliland"
Hassan
Salahudin |
Waxaan aamminsanahay in
naloo halaagi waayey dadkaas masaakiinta ah iyo duunyada darteed laakiin
haddaan ka bad-badino waxa nagu dhacaya abaarahaas. Haddaynu wada noqonay
qab-qable iyo qabqable-kalkaal, aan ogaanno, in Ilaahayga Diinta Islaamka
leh uu sidoo kale leeyahay roobka iyo nabaddaba. Waxa waddankii sidoo kale
lagu waalay sixir. Marka hala raadsho culumadii la yaqaanay sida Shariif C/Nuur
iyo Maxamed Nuur Qawi, Allaha labadaba xafidee iyo kuwa kalaba, oo roob-doon
iyo sixir-furyo hala sameeyo. Marka Ilaahay aan u toobad keeno oo aan
xumaanta iska qabano.
Sheekh la oranjiray C/hi
Binu Mubaarak (RC) baa arkay nin muslim ah oo muslim kale wax ka sheegaya
markaasu ku yiri: Furus mala jihaaday? Ninkii wuxuu yiri maya. Sheekhii baa
yiri: Ruumna? Ninkii maya. Sheekhii Shiine iyo Hindina? Suu ninkii yiri maya.
Sheekhii wuxuu yiri waxaa kaa nabad galay Furus, Ruum, shiine iyo Hindi,
walaalkaagii muslimka ahaana kaama nabadgelin. Marka Riyaale waxaan leeyahay
waxaa kaa nabadgalay caddaan, madow kale, Amxaaro, iyo Tigree laakiin waxaad
nabad gelin la’dahay walaalahaagii Soomaaliyeed.
F.G.
Sidii walaalaha reer Waqooyi iyo kuwa Koonfureedba sheegeen waa in dadkeena
“Walaweyntaa” ayna waxba iska bedelin, oo sideenii hore iyo si ka fiicanba
aan ula dhaqanno walaalaha reer Waqooyiga ee Koonfurta jooga.
WIBILLAAHI TOWFIIQ
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 3,
2003
»C/waaxid
oo Dafiray Beel Degta Puntland
[DhegoCade]
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|