SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB
 CAGTII JOOGSAN WEYDAA MAR BEY CEEB LA KULANTAA
  • Waa qoraal jawaab u ah qoraal hore oo uu qoray C/waaxid

Farah Warsame
bile1971@hotmail.com

  • waxaa beryahaan soo baxay virus la dagaalamaya cid walba oo damacda in ay soo bandhigto arimo xiiso leh.

Assalaamu Caleykum.

Waxaa baryahan jiray wiil iyo weriyaal wax ku soo qora bogag soomaaliyeed oo bogga Somalitalk.com kamid yahay, wiilashaas waxey inta badan soo qoraan ama ka sheekeeyaan arimo cilmi ah ama taariikheed ama waxyaalo kale oo xiiso leh oo soomaaliya ama qof somaali ah ku saabsan. Waxey waqtigoodii qaaliga ahaa u lumiyeen sidii ay u gaarsiin lahaayeen bahweynta soomaaliyeed waxyaabo ka maqan amaba ayan waxba kala socon. waxaase beryahaan isana soo baxay virus la dagaalamaya cid walba oo damacda in ay soo bandhigto arimo xiiso leh. Aan kuu iftiimiyee Akhriste, haddii aad daalacato bogga somalitalk ma ku aragtay nin wax ku soo qora oo magiciisa ku sheegay C/waaxid, waxa uu u soo dhar dhigtay waqti badana ku lumiyay sidii uu wax uga sheegi lahaa madaxweynaha maamul goboleedka Puntland mudane C/laahi Yuusuf, si walba wax uga sheeg intii uu kari karo intaa keliya kuma harine ee hadda faraha ayayba ka baxday oo waxey arini mareysaa cidii C/laahi Yuusuf amaanta ama run ka sheegta taariikhdiisa iyo halgankiisa siyaasadeed YAA WEYLAK ( ha iska jiro).

Waxaa horey u jiray nin kan ka horeeyay oo sidoo kale shaqo ka dhigtay aflagaadada ina Yuusuf, maalin ayaan jawaab qancisa u qoray, kadibna hadalkiisa lama maqal malaha anti -virus buu ahaa qoraalkeygu. waxaanse la yaabanahy dadkan isa soo taraya ma jaamacad bey kaga soo baxeen ceyda iyo aflagaadada C/laahi Yuusuf? jawaabtu waa HAA, oo waxaan kuu ogahay kooxo isu habarwacda oo yiraahda maanta muxaadaro ayaa la qabanayaa markii ay dhowr aayadood iyo xadiisyo sheegaan oo dadku dhagaha taagaan in ay wax wanaagsan soo wadaan ku xijiya C/laahi yuusuf ma taqaaniin????? sidii ay haddii aysan magiciisa sheegin naarta gelayaan.

sideedaba waxaa in loo jawaabo ku habboon qof wax fahmaya, haddii aad beri iskuul tagtay oo aad wax ka xarxariiqday taa macnaheedu ma ahan in aad cilmi leedahay xitaa haddii aad jaamacad ka baxdo ama dhowr xadiith xifdiso. hadalna waxaa ugu wanaagsan kan asluubta hadalka wata, ileyn wax waliba asluub iyo nidaam laraaco ayay leeyihiine.

C/laahi Yuusuf ma laha Puntland ee Dadkaa leh
Waa Jawaab Qoraalkii Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen Guji..

C/Waaxid waa caamo Laakiin Cadowgiisa waa yaqaan
Waa Jawaabtii uu C/Waaxid kabixiyey Qoraalkii Cusman Axmed Guji

JAWAAB QARAALKII C/WAXID KA QORAY TII XAGARYARE [Farah]

Sheeko Xariirta Xagar Yare
Waa jawsaabtii C/Waaxid Khaliif ee Qoraalkii Xagar Yare ee..
Guji..

QAYBTII 2aad: WAA KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?
Qaybta 1aad...  | Qaybta 2aad... | Qore: XagarYare | Sept 1

Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen, Tabliiqiina Xabsi
Tif-tif Amxaarana madaxweynanimo bay usoo taageen! C/Waaxid

CALI-DHUUX iyo CABDULLAAHI YUUSUF! [Cali Shire]

Mala is-barbar-dhigi karaa Cali-Dhuux iyo C/hi? [C/Waaxid]

Aan u soo noqdo dulucda hadalkeyga, waxaa jiray niman beryahan sharaxayay taariikhda C/laahi Yuusuf, midi wuxuu halqabsi ka dhigtay C/laahi Yuusuf iyo Cali Dhuux isagoo kaga hadlayay halka ay labadaas halyey isaga midka yihiin midna wuxuu u bixiyay maqaalkiisa Waa kuma C/laahi Yuusuf ??? qoraaga maqaalkan ninka la yiraahdo Xagar yare wuxuu kaga hadlayay taariikhdii iyo halgankii Col. C/laahi, hadaba waxaa soo baxay nin aad uga carooday labadaas maqaal waana tan aan maanta qoraalkeyga ku xusayo, ninkaa isaga ah oo aan magiciisa kor ku xusay wuxuu hadda marayaa hadaan qoraalada C/laahi lagu xusayo la joojin anigu ceyda iyo aflagaadada joojin mayo. CAJIIB!!!! goormay noqotay in aflagaado lagu faano waxaan soo xasuustay anigoo aad u yar ayaan waxaan arkay beri laba gabdhood oo inta iska soo horjeesta, korna u boodboodaya hadana is ceynaya. Berigaa gabar-ba gabadha ay ka cey badan tahay wey ka adkeyd. waxaase iiga sii darnaa markaan daqi! iqado kadib arkay wiilal sidii gabdhaha sameynaya, waxaa halkaa iiga caddaatay in ceyda iyo aflagaadada la wada bartay qofba si ha u bartee oo aan gabdhaha keliya loo nisbeyn.

sidaan la wada soconno maanta qof wada dhameystiran (wanaagsan) ma jiro ILAAH mooyee qof wada xunna iskaba daa.C/waaxid waxa uu caado ka dhigtay in uu qof xumaantiis soo taxo sidii tusbaxii, xumaanta inteeda badana waxaa dabooli kara hal wanaag ah oo aad qabato. xumaanta C/laahi sheegye maxaa wanaaggiina u diiday??? waa su'aal qof walba oo wax garad ah is weydiinayo. Qofka baniaadamka ahna xumaan iyo wanaag labadaba waa leeyahay. Anigu ma lihi C/laahi waa nin wada wanaagsan XAASHA! laakiin dadka reer Puntland iyo Soomaaliba maanta isagaa hudhan, wuxuu madax u yahay dadkii sharafta iyo aqoonta ehelka u ahaa, Soomaalina waa laba qeybood kuwo wax garanaya iyo kuwo jihaduba ka lunsan tahay, qofkii wax garanaya maanta xaaladda lagu jiro wuu garanayaa ciddii uu naftiisa ku aamini lahaa.

Bal u fiirso akhriste, qoraalada C/waaxid wuxuu ku bilaabaa Rasuulkii ilaahay SCW, ama dadkii suubanaa sida asxaabtii rasuulka iwm, intaa kuma ekaadee xoogaa yar haddii uu sii wado hadalkiisa wuxuu sii daba dhigaa aflagaado qof, qoys ama qabiil lagu aflagaadeynayo, haddana wuxuuba marayaa in uu dadka kaga qosliyo ( uga majaajileeyo) asxaabtii iyo culumadii diinteena islaamka, ileyn waxba lama soconee heerkaas ayaa lagaaray? dadbaa yiraahda indhahaaga oo dheeraada geel dhalaayana waa ku tusaan, wacade haddii ilaah nafta yari kuu daayo wax kaa yaabiya waad arki.

waxaan hadalkeyga ku soo gaba gabeynayaa anigoo ninkaa isaga ah la dardaarmaya, qof shakhsiya wax waad ka sheegi kartaa laakiin markaad asxaabtii iyo dadkii karaameysnaa aad dadka ugu majaajileyso wacade waa laguu yaabaa, cagtii joogsan weydaana mar bey ceeb la kulmi.

waad mahadsan tihiin.

Farah Warsame

bile1971@hotmail.com

Qoraaalkii Hore ee Faarax Warsame... GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]