|
Kulankii 3aad ee Culimada
Woqooyiga America: Fariimo Bulshadeed oo Dahsoon.
C/raxman
Ceynte
Minnesota, USA
abdirahmanceynte@yahoo.com
Dec 29, 2003
Shalay (28/12/2003) ayaa si rasmi ah loo soo
gabagabeeyey kulankii 3-aad ee culimo Somaliyeedi isaga soo kala hayaamaan
daafaha woqooyiga America (U.S & Canada). Qoraalkan ugama gol lihi inaan ku soo
wariyo tafaasiishii shirkan. Muhimmadeydu wexeey tahay inaan bal eegmo
qoto-dheer u celiyo fariimaha bulshadeed ee uu shirku xambaarsanaa. Tartan,
tabarucaad, talo-wadaaga culimada iyo ka hortagga takoorkaba wexeey ahaayeen
fariimaha dahsoon ee shirku xambaarsanaa.
Waxba
waxbeey ka muhiimsan yihiin. Ka soo qeyb-galka shirku wuxuu ahaa mid eeysan
Somalida galbeedka joogta hore u arag. Walow eey qabanqaabiyeyaashu ku
qiyaaseen ineey shirka ka soo qeyb galeen Somali gaareysa illaa iyo 5000 (shan
kun), haddana anigu intaas tirada weey igala yareyd. Si kastooy ahaatase, ka
soo qeyb galka baaxaddaas lihi wuxuu jawaab toos ah u noqonayaa - hadii uusan
sinyaale u aheyn- kulamada haasawa leh ee sida joogtada ah Minnesota uga dhaca,
oo aalaaba kireysta hoolalka ugu waaweyn magaalada. Minnesota waxaa looga
bartay ineey fanaaniin rac-rac u socda yimaadaan dhowrkii todobaad-ba mar,
kolkaas oo eey waxa Baadhi (Party) loo yaqaano ku agaasimaan hool heer sare ah.
Qiimaha lagu galo bandhig-faneedyadaasi wuxuu caadi ahaan u dhexeeyaa $20 - $30
qofkiiba. Shirka Culimada Somaliyeed ee woqooyiga America waxaa lagu galayey
$10 oo kaliya, iyadoo waliba qoysaska isla socda raqiisin (Discount) mug leh la
siiyey. Walow eey dhalinyaro badan oo aan asxaab nahay ka cabanayeen in
muxaadarooyin diini ah lacag lagu galo, haddana marka aad eegto kirada hoolkii
shirku ka socday oo Sheikh kamid ah culimadu uu ii sheegay in maalintiiba lagu
kireeyey $4000 (Affar kun oo doolar) taas oo macneheedu yahay in isugeyn $12000
(laba iyo toban kun) lagu kireeyey seddexda cisho oo shirku socday, waa caqli
gal in toban doolar lagu galo irrida shirka.
Intaas kaliya kuma eeysan simin ka soo qeyb
galayaashuye, wexeey kaloo sadaqo ku baxsadeen lacag gaareysa $120.000 (Boqol
iyo labaatan kun oo doolar) oo la uruuriyey intii uu shirku socday, taas oo 80%
(Boqolkiiba sideetan) eey bixiyeen dumarkii Somaliyeed ee ka soo qeyb galay
kulankii Minnesota. Waa markii iigu horeysay taariiqda Somalida oo lacag
tiradaas leh lagu uruuriyo hal fadhi - inta aan ka warhayo- iyadoo la
isticmaalayo qaab lacag-uruuriska eey carabta iyo ajaanibta kale isticmaalaan.
Lacagtaas waxaa loogu deeqay Masjid eey ka dhimaneyd lacag tira badani.
Ka sokow lacag uruurinta, isu keenida culimo
ka kala yimid ku dhawaad toban gobol oo Mareykanka ah iyo waliba hal Canada ka
yimid waa xirfad cusub oo eey firfircoonayaal Somaliyeedi hore-umariyeen, isla
markaana si guul leh isugu hagaajiyeen. Tallaabadani run ahaantii waa mid ku
dayasho mudan, isla markaana cadeyneysa in culimada Somaliyedi eey garteen
ineey ka jiifaan ineey dacwadooda faafiyaan, sida fanaantiba dacwadooda u
faafiyaan. Culimo kaliya lama soo marti qaadina waxaa sidoo kale halkaas ka
hadlay Dr.Xaraare oo dhakhtar reer Minnesota ah iyo Macallin Siciid Saalax,
abwaankii weynaa oo dhanka waxbarashada isna ka hadlayey. Halka uu Dr.Xaraare
kaga nuuxnuuxsanayey maandooriyaha Qaadka iyo balwadda sigaarka ayuu Siciid
Saalaxna kaga hadlayey sida eey waalidiinta Somaliyed ee Minnesota eey u
dayeceen ineey caruurtooda u raacaan kulamada eey isugu yimaadaan macalimiinta
iyo waalidiinta "Marka boqol waalid oo Somali ah aad warqaad u dirto,
caruurtoodana aad ugu dhiibto, 5 ayaa ka imaneysa kulanka" ayuu si caadifad leh
ugu qeyliyey Abwaan Siciid Saalax. Gabayaa Cisman Ducale iyo maansooyinkiisii
qiirada lahaana shirka waa lagu dhageystay, iyadoo Xaaji Muse oo caaqil
Somaliyeed oo ku caan baxay khudbadaha ku saabsan is-quursiga Somalida-na uu
halkaas ka hadlay. Fariinta ugu weyn ee taa lagala dhex bixi karana waxeey
tahay ogolaanshaha eey culimada Somaliyeed ogolaanayaan ineey garbohooda ka
hadlaan dad aan mabda'a ahaan ku raacsanayn aragtidooda diineed. Waana arrin
mudan in loogu hambalyeeyo culimada Somaliiyeed ee shirkaas timid.
Waxaan
ahay Leelkase, saddexdayda gabdhood labo kamid ah waxaan siinaya cidda lagu
tuhmayo nasab dhimanka" C/raxman Shiikh
Guji halkan....
|
Dhamaan fariimaha kor ku xusan waxaa ka
muhiimsaneyd sida uu shirku sida goonida ah uga dooday musiibada is-faquuqa iyo
is-quursiga Somalida. Laga soo bilaabo shirkii "Quursigu Qiil Ma Leeyahay" ee
Jaamcadda Minnesota lagu qabtay kal hore, waxaad moodaa ineey reer Minnesota
caadi camal u noqotay ineey si furan uga hadlan Madhibaanka, Midgaanta,
Tumaalaha iyo Jareerta oo ahaan jiray magacyo caay ah, ha yeeshee imminka lamid
noqday kuwa "Islaweyn" - waa sida uu Xaaji Muse jecelyahay inuu u dhiga'e - ee
Dir, Darod, Hawiye & Raxanweyn. Ineey taasi dhab tahay waxaa kuugu marag ah in
nin kamid ah dadweynihii ka soo qeybgalay uu inta mokoroofanka qabsaday
ogeysiiyey dadkii oo dhan inuu labadiisa gabdhood ku mehrinayo laba wiil oo ka
dhashay dadka la heyb sooco, wiilkiisana uu u rabo gabar dadkaas ka soo jeeda!
Sidaas, wuxuu shirku albaabada u xiray faquuqii cadowtinimada ku dhisnaa oo ka
dhex aloosnaa ummada Somaliyeed.
Gunaanadkii, hadii uusan shirku wax guul ah
soo hoynin, wuxuu ugu yaraan ogoleysiiyey maskaxda kumanaan Somali ah in is-faquuqu
aanuu qeyb ka aheyn qaab dhaqanka wanaagsan ee diinta aan sheegano ee Islamka
ah. Ka sokow bayaanka guud ee shirka ka soo baxay, culimadu wexeey ku
guuleysteen ineey ugu danbeyntii helaan tiimbaraha Somaliweynta, marba hadii
eey si loo dhan yahay uga hadlayaan cuqdado soo jireen ah oo ku qotoma is-faquuqid
bulshadeed. Ha yeeshee, wexeey culimada ku eedeysan yihiin isticmaalka ereyada
carabiga ah ee xad-dhaafka ah oo ku dhawaad dhaga-tirtay kala-bar oo bar dadkii
ka soo qeyb galay shirka. Waxaad moodaa ineey iska dhaadhacsiiyeen in qofkiiba
muxaadaro soo aaday eey u fududahay inuu fahmo weeraha, halku-dhigyada iyo
xitaa tilmaamaha carabiga ah oo eey isticmaalayeen. Intaas waxaa dheer, walow
eey qaban-qaabiyeyaashu guntiga dhiisha isaga dhigeen, misana aamusinta iyo
xakameynta ka soo qeyb galayaal badani wexeey aheyd mid aan macquu aheyn, oo
waxaabad mooday in dad badan eey sheeko ama shux-shuxleyn meesha u soo doonteen.
C/raxman Ceynte
Minnesota
abdirahmanceynte@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk Dec 30, 2003
Baaq Kasoo Baxay
Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika
Gabagabadii mu'tamarkii 3aad ee Soomaalida W/A
ayaa waxaa imaamayada Masaajida waqooyiga Ameerika ka soo saareen go'aan ka
kooban 9 qodob kaas oo...
Guji
[Dec
29]
Kulan diineedkii
3aad ee Soomaalida W/A oo Guul ku Soo Gabagaboobey
Waxana uu kulankaasi ku dhammaaday...
Guji
[Dec 29]
QORAALADII HORE EE CEYNTE
|