SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
 Kulan Diineedkii 3aad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Caawa Kusoo gabagaboobaya Minneapolis
 

(SomaliTalk.com Dec 29, 2003): Waxaa caawa magaalada Minneapolis kusoo gabagaboobey kulan diineedkii saddexaad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika, kulankaas oo lagu qiyaasay kii ugu weynaa ee ay weligood isugu yimaadaan Soomaalida ku dhaqan Woqooyiga Ameerika. Kulankaas oo aan loo kala harin, carruur iyo cirroole, rag iyo dumar.

Waxaa kulankaas ka hadlay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ka kooban tahay, sida culimaa'udiinka, aqoonyahanada culuunta kala duwan iyo suugaan yahannada waxaana halkaas laga soo jeediyey macluumaadyo aad u farabadan oo bulshada anfacaya.

Waxaa kulankii caawa ka hadlay Xaaji Muuse Cabdi Mire oo ka hadlay 'Dadka la hayb sooco ee loogu yeero Midgaan'. Xaaji Muuse oo markii uu istaagey madasha uu kudbada kasoo jeedinayey aad u qiirooday waxa uu yiri "Maalin keliya oo lagu yiraahdo gabadhaada laguursan maayo ayaad dareemi lahayd waxa aan dareemayo".

Waxaan ahay Leelkase, saddexdayda gabdhood labo kamid ah waxaan siinaya cidda lagu tuhmayo nasab dhimanka" C/raxman Shiikh

Waxaana dadweynihii aad u qiiroodeen markii uu Xaaji Muuse khudbadiisii dhameeyey ayaa nin madasha fadhiyey magarafoonkii la wareegey oo yiri "Magacayga waxaa la yiraahdaa CabdiRaxman Shiikh, waxaan ahay Qabiilka Leelkase, waxaana go'aansaday oo aan ballan qaadayaa in aan saddexdayda gabdhood laba kamid ah siiyo cidda lagu tuhmayo nasab dhimanka, iyo in saddexdayda wiil labo kamid ahna aan u guurinayo gabdho ciddaas ka dhashay, Ballan ayaana ku qaadayaa in haddii Allah carruur kale i sooyo in aan wax ka siinayo ciddaas la yaso" ayuu yiri, arintaas markii ay maqleen dadkii madasha fadhiyey waxay hal mar lasoo boodeen 'Allaahu Akhbar, Allaahu Akhbar".

Waxa kale oo kulankii caawa ka hadlay Siciid Saalax oo u heelan sidii uu bulsha weynta Soomaaliyeed ugu baraarujin lahaa sidii ay Afsoomaaliga uga dhawri lahaayeen in uusan suulin, iyo sidii ay ubadkooda ugu dhiirin lahaayeen af-Soomaaliga.

Qodobka ugu muhiisan ee kulankan laga faa'iidey wuxuu ahaa in Soomaalidu ay ku midaysan yihiin diintooda Islaamka, halkaasina ay xalka Soomaaliya kujiro.

Guud ahaan sidii uu kulankaasi u dhacay waxaan insha Allah kasoo diyaarin doonaa maqaal, inta ka horeysa ka daawo halkan sawiradii aan kasoo qaadnay kulankii caawa iyo shalay Guji halkan.

Faafin: SomaliTalk.com | December 28, 2003


MA-OGTAHAY: Maalinta carafa in ay ku beegan tahay 31da Janaayo, Ciidul Adxaana 1da Febraayo 2004, Sannadka cusub ee Islaamkuna uu bilaabmi doono 21 Febraayo, Maalinta cashuurana ay ku beegan tahay 1da Maarso, bisha Ramadaana 15ka Octobar, insha Allah, ee isxisaabi

<><><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD