SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

WARARKII AGOOSO 2

  • NINKII SOOMAALIGA AHAA EE LAGU HEYSTAY WADDANKA CIRAAQ OO LA SII DAAYNAYO

  • Bootaan Barre: Kablalax Waa Shan Beelood:
  • Golaha Beesha Nuux Maxamuud (BNM) oo jawaab ka Bixiyey Qoraalkii Tooxow:

NINKII SOOMAALIGA AHAA EE LAGU HEYSTAY WADDANKA CIRAAQ OO LA SII DAAYNAYO


Ali Ahmad Musa

 Saakay saacaddu markii ay ahayd 9:00-Subaxnimo ee waqtiga Muqdisho ayaa telefishinka Aljazeera waxaa la soo gaarsiiyey Cajalad video ah oo ay soo direen Jamaacatul Towxiid Wal-jihaad ee waddanka Ciraaq oo ay ku sheegayaan in ay sii daynayo ninkii Soomaaliga ahaa ee lagu magacaabo Cali Axmed Xaraare.

 Telefishinka ayaa laga arkayay saddex nin oo indhuhu u xiran yihiin, isla markaana uu hoos fadhiyo Cali Xaraare, waxaana cod hoose ku hadlayay ninka wakiilka uga ah Al-Qaacida ee waddanka Ciraaq Abuu Muscab Al-Zarqaawi, wuxuuna sheegay in sababaha ay u sii daayeen ninka Soomaaliga ah ay tahay kaddib markii ay arkeen dhibaatada ka taagan waddanka Soomaaliya iyo halgankii weynaa ee ay Soomaaliya la galeen cadowga Islaamka ee Mareykanka, kaddib markii ay arkeen dowlad la’aanta muddada dheer ka taagan waddanka Soomaaliya, iyo markii ay arkeen in ninkan Soomaaliga ah u shaqeynta Shirkadda Reer Kuwait ah ee sahayda gaarsiinaysay Mareykanka ay u geysay daruufo dhaqaale, si uu uga helo xoogaa lacag ah oo uu ku masruufto carruurtiisa.


7-qof ee ay haystaan Jamaacatul Towxiid Wal-jihaad

Jamaacatul Towxiid wal-jihaad waxaa kale oo ay sheegeen in shacabka Reer Ciraaq iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer oo dhinacyo badan, iyagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ku dheggan diintooda oo aan oggoleyn in la waxyeeleeyo.

Sii deynta Cali Axmed Muuse lasii deynayo ayaa waxaa qayb weyn ka qaadatay saxaafada oo iyagu mar walba gudbinayay erayo ay ku dalbanayaan in la sii dsaayo ninkaasi Soomaaliga ah, iyadoo kooxda Afduubatay ninkan ay sheegeen in sababaha kale ee ay u sii daayeen ninkaasi ay tahay kaddib markii shirkaddii uu u shaqeynayay ay oggolaatay in ay joojinayso shaqada ay u hayaan Maerykanka, waxaa kale oo Jamaacatul Towxiid Wal-jihaad ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in aysan mar dambe u adeegin waxa ay ugu yeereen Cadowga Islaamka, iyadoo markii la sii daayay ninkaasi Soomaaliga ah ay bannaanbaxyo ka dheceen magaallada Kuwait.


Sawirka Mathnaa oo ay qabteen ciidammada Mareykanka

Dadka kale ee qaybta weyn ka qaatay sii deynta Cali Xaraare waxaa ka mi ah Madaxweynaha DKG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo farriin uu ku dalbanayo sii deynta ninkaasi uu u sii marsiiyey Telefishinka Al-jazeera, sidoo kale bannaanbaxyo ayaa waxa ay ka dheceen magaallooyinka Muqdisho iyo Hargaysa.

Nin kale oo Turkey ah oo isna ay hayeen jamaacatul Towxiid Wal-jihaad ayaa isagu qudha laga jaray, kaddib markii shirkaddii uu u shaqeynayay ay u hoggaansami weysay amarkii ay soo saareen ee ahayd in shirkaddaasi ay joojiso shaqada ay ka hayaan waddanka Ciraaq, sidoo kale waxaa iyana dadaal loogu jiraa sidii loo sii deyn lahaa 7-qof oo iyaguna u kala dhashay waddammada Masar, India iyo Kenya oo iyaguna u shaqeynayay shirkaddii uu u shaqeynayay ninka Soomaaliga ah ee PWC ee ka dhisan waddanka Kuwait.

 Dhinaca kale hay’ada Culimada Islaamka ayaa si aad ah uga carooday xariggii isna loo geystay nin hay’adda culimada Islaamka u qaabilsanaa dhinaca warfaafinta laguna magacaabo Mathanaa Al-Daari oo ay qabteen ciidammada Mareykanka, waxayna dalbadeen in si deg-deg ah loo sii daayo ninkaasi, illaa iyo haatanna lama garanayo sababaha ay ciidammada Mareykanku u xiraan ninkaasi.

amiin Y. khasaaro <amiinkhasaaro@yahoo.co.uk>

<><><>

Rajada laga Qabo in lasoo daayo Soomaaliga ku xirnaa Wadanka Ciraaq

Ka dibmarkii wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya ku dhawaaqay in la siidaayay 3dii lahaystayaasha ahaa ee u dhashay Wadanka Kenay,kuwaasoo ahaa darawaliin u shaqaynaya shirkad laga leeyahay dalka Kuwait ,oo ah isla shirakadii uu u shaqaynayay Cali Axmed Muuse oo ah Muwaadin u dhashay Dalka Soomaaliya ,ayaa waxaa noo suura gashay inaan la xiriirno Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Kuwait kuna howlan sidii loo sii dayn lahaa Cali Axmed,waxayna noo sheegeen inay quud daraynayaan oo rajo fiican ka qabaan in si dhaqso leh loo siin dayn doono,waxayna sheegeen maray la xiriireen shirkadda Kuwait gulf Link ,inay wada hadal usocdaan qolyaha wax afduubtay ee reer Ciraaqiyiinta  iyo shirkadaas,islamarkaana ilaa 7 qof oo uu kamid yahay Cali xaraare laga yaabo in isniinta amase Talaadada loo soo celin doono Xoriyadadoodii.

Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ayaa mudahaaryo halku dhegoodu ahaa "Ciraaqay kala garta Cadowgiina iyo xabiikiina" ka dhacay maalmihii la soo dhaafay

Shiikh Cumar Cabdi ayaa sheegay in Soomaalidu dhamaanteed si hagar la,aana ugu dadaaleen sidii loo sii dayn lahaa Cali,maadaama Soomaaliya Ciraaq safaarad ku lahayn howshaas waxaa xil iska saaray jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka Kuwait iyo Masuuliyiin ka tirsan DKMG ayuu yiri.

wixii soo kordha lasoco | ENGLISH:: WIXIIKUCUSB WARKA EEG

ali abdi <abdi172@hotmail.com>
Cabdi Xasan Somalitalk.com/Muqdisho

<><><>

August 2, 2004 | Nairobi, Kenya

WAR-SAXAAFADEED
C/K/Aug022004/NRBI/003

Ku:
IGAD Facilitation Committee,
The Members of the International Communities,
Somali Conflict Resolution Committee
Somali Leaders  Both Political & Traditional,

Kablalax Waa Shan Beelood: Harti, Geri, Cabdi Koombe, Xarle iyo Jiran Koombe

Anigoo ku hadlaya magaca beesha Cabdi Koombe (Jambeel), madax dhaqameedyada, cuqaasha, culimaa'u diinka , siyaasiyiinta iyo ganacsadata beesha Cabdi Koombe (Jambeel) ee Gobolada Woqooyi Bari Soomaaliya iyo Koonfurta Soomaaliya, waxaan si cad uga soo hor jeednaa in beesha Cabdi Koombe (Jambeel) aan wax kuraas ah laga siin xubnaha baarlamaanka ee ay guddiga IGAD ee dhexdhexaadintu u qoondeeyeen beelaha Daarood.

Akhbaar xaqiiqada ka fog ayaa khaladay ama lagu khalday gudiga dhexdhexaadinta ee IGAD. Arintaan xasaasiga ah kalama aysan tashan dhammaan qaybaha ay khuseyso. Beesha Kablalax ma ahan Harti. Laakiin waxa ay Kablalax ka kooban yihiin shan beeelood oo kala ah: Harti, Geri, Cabdi, Xarle iyo Jiran Koombe. Kuwaas oo ka siman qiimaha dhiiga iyo xuquuqda. Haddaba haddii IGAD aqoonsatay Harti, ma muuqato wax cudurdaar ah oo ay u hayaan in ay walaalaha Harti tirada ka reebaan.

Waxaa haddaba muuqata in Gudiga IGAD iyo Gudiga dhexdhexaadintu ay dib u jiidayaan shirka nadaynta Soomaaliya, halkii ay dawlada cusub ee loo soo dhisayo Soomaaliya ay ku dhisi lahaayeen caddaalad, iyo in ay dawladaasi noqoto mid ay u dhanyihiin Soomaali.

Ugu dambayn, waxaan si xushmad leh u weydiisaneynaa IGAD in ay arinta aan weydiisaneyno ay tix geliyaan, dibna u eegaan, isla mar ahaantaasna gaaraan go'aan xaqiiqada waafaqsan oo salka ku haya dhex dhexaadnimo.

ENGLISH VERSION:: Abdi Kombe (Jambeel) Clan Rejects the Unwise & Unfair Distribution of the Darod MPs [.doc]

Bootaan Barre Samanter
Spokesman of Abdi Koombe(jambeel)

Nairobi
, Kenya
Email: cabdikoombe@yahoo.com
 

<><><>

Golaha Beesha Nuux Maxamuud (BNM) oo jawaab ka Bixiyey Qoraalkii Tooxow:

JAWAAB KU SOCOTO MR. TOOXOW

W.Q.: C/fataax Maxamed Cabdulle

 

Qoraalkani wuxuu jawaab waano iyo nasteexo isugu jirta u yahay ninka magaciisa ku sheegay Xasan Axmed Tooxow oo si ula kac ah u naqdiyay qoraal aan, haba yaraatee, lahayn wax ceeb ah, isagana aan ku socon, laakiin ficilo iyo casabiyad ku abuuran awgeed, ay u geysay in uu afka la galo dad iyo qabiillo aan waxba u dhimin; qoraalka aan ka jawaabayo waxaa lagu daabacay shabakadda Internet-ka ee mudulood.com: [Eeg halkan] taariikhdu markii ay ahayd Jan. 29, 2004. Sideedaba, inta badan looma jawaabo kuwa caadaystay in ay dadka hilibkooda habeen iyo dharaar walba ku qoraacdaan kuna casheeyaan, laakiin waa lagama maarmaan in aan halkan ka caddeeyo khaladaadkiisa iyo qodobbo kale oo dhowr ah, laga yaabee in ay digniin, waano iyo nasteexaba u noqdaan si uusan ugu kicin edeb-darro iyo xadgudubyo kale oo kuwaas lamid ah.

 

QODOBKA 1-aad

 

Mr. Xasan Axmed Tooxow, wuxuu aad ugu tuuntuunsaday magaca “Gaalgale” oo laga yaabo in uusan xaqiiq ahaan u ogeyn micnihiisa iyo halka uu kasoo jeedo, balse keliya uu maqlay hadallo ku tirikuteen ah oo magacaas la xiriira. Magacani sidiisaba waa dhowaan dhalad, wuxuuna baxay xilli colaadeed oo si gaar ah ay u xumeynayeen Beesha Nuux Maxamuud (BNM), beelo kale oo ay deris yihiin, wuxuuna kasoo jeedaa magac kale oo naynaas ahaan BNM loogu aqoon jiray “reer Gaaldile”. Naynaasta Gaaldile, waxay iyaduna baxday mar nin gaal ahaa uu dilay nin la oran jiran Axmed Nuux oo ah awoowe fog oo BNM abtirsigeedu ku arooro. Haddaba, Mr. Tooxow, waxaan leeyahay taariikhda sideeda uun baa loo sheegaa mooyee lagama been abuuro; haddii aadan aqoon u lahayna dadka ehelka u ah baa loola noqdaa. Sidaas darteed jooji beenta iyo dab hurinta aad ku soo beegtay xilli aan loo baahnayn oo ummadda Soomaaliyeed ay u bareertay nabad raadin iyo dowladnimo hayaankeedii iminka lagu guda jiro.

 

Haddii aan si fudud u iraahdo, hadalka nuxurkiisana aan soo koobo, suurtagal kuu noqon mayso in fikraddaada gurracan aad meel mariso oo aad dhalan-rogto magac dad ama qabiillo kale ay leeyihiin, sida anigaba aanay suurta gal iigu ahayn in aan iminka oo aad nin weyn tahay aan kuugu magac bixiyo, ama aan u beddelo magaca aabahaa, awowgaa, iwm.

 

Tusaale kale oo kaas ka fudud haddii aan ku siiyo, marka nin u dhashay mid kamid ah saddexda jilib-hoosaad ee beesha Abgaal (Harti, Wacbuudhan, iyo Wacaysle) haddii uu ku abtirsanayo qabiil weynaha Mudulood, wuxuu magaca “Abgaal” kolka uu soo gaaro xusayaa magac kale oo beesha Abgaalku ay sheegaan in uu ahaa kii rasmiga ahaa; magacaasina waa “Cali” marka qoraal ahaan ay u sheegayaanna waxay u dhigaan “Cali (Abgaal)”. Inkastoo ay jiraan sheekooyin kala duwan oo ku saabsan sidii uu ku baxay magaca “Abgaal”, sida tii Salaama Naasdheer, oo kutubta taariikhda lagu diiwaangeliyo qaarkood ay sheegeen in wiilkii Abgaal ay naaskeedii nuujisay, haddana anigu imminka diyaar uma ahi in aan ka faalloodu sheekooyinkaas, ujeeddadeyduna ma aha in aan arrimahaas ka hadlo, balse waxaan si la fahmi karo oo cilmiyeysan kuu dareensiinayaa arrintan soo socota, waana muhiim in aad hoosta ka xarriiqdo :- Sida aadan adiguba u aqbali karin haddii lagu yiraahdo magaca “Cali” ee aan kor kusoo xusay ma aha wax jira oo waa sheeko la sameeyay ee abtirsiimahaaga ku jooji magaca Abgaal, baysan adigana kuugu suurtoobeynin in aad BNM abtirsigeeda ugu hakiso magaca aad adigu jeceshahay in aad ugu yeerto beeshaas oo ah “Gaalgale”.

 

Waxaad ogaataa in, sideedaba, aysan jirin dad cir kasoo dhac ah oo sidii Malaa’igta samada ka yimaada; qof kasta oo bani’aadam ah meel uu kasoo jeedo oo abtirsigiisu (ama abtirsigeedu) ku arooro ayaa jirta; wax kasta oo la sameeyaana suuroobi meyso in abtirsigaas sacabbada lagu qariyo, ruuxii isku daya in uu abtirsigaas awdana (daboolo) wuxuu la mid yahay qof oranaya: iftiinka dharaarta (maalinta) ayaan sacabbada ku qarinayaa! Hadalkaasina ruux waalan mooyee qof miyir qaba kama suuroobo. Waxaan rejeynayaa in aad tusaalahaas si wacan u fahamtay, isla markaasna aad ku waantoobi doonto.

 

Haddii aad wax ku qaadaneyso nasteexadeyda waxaan ku farayaa in aad u towbad keento Allihii ku abuuray, oo kaa unkay biyo khafiif ah oo calool lagu daadiyay adiga oo aan jirin. Sababtoo ah waxaad u hadashay sidii qof jaahiliyadi ku jirto, kuna shaqaynaya maskax habowsan oo aan dhowreynin xuquuqda iyo sharafta ay dadka kale ku leeyihiin. Waxaad u geftay, nasabkoodana aad durtay qabiil dhan oo wadar ahaanba kaa mudnaa in aad dhowrto sharaftooda.

 

Anigu, C/fataax ahaan, ma doonayo in aan aflagaadeeyo amaba aan meel uga dhaco beesha Abgaal iyo guud ahaan qabiilka Mudulood, sababtoo ah waxaan hubaa in ay ku jiraan dad qiimo iyo qaaya badan leh oo aan kula qabin fikraddaada gurracan.

 

QODOBKA 2-aad

 

Waxaad ku digatay kana been abuurtay dad shuhado ah oo gacan ka gardarani ay galaafatay – waa dadkii lagu xasuuqay dugsigii sare ee Maxamuud Axmed Cali, taariikhdu markii ay ahayd Feb. 10, 1991 – sidoo kale, waxaad dhagarqabayaashii gabood-falkaas iyo tacaddiyadaas geystay ama ka dambeeyay aad si ulakac ah ugu sheegtay dad aan shaqaba ku lahayn adigoo iska indha-tiraya xaqiiqada laga wada dheregsan yahay, goortii Alle yiraahdana lagala xisaabtami doono kuwii falkaas geystay. Waxaad sidoo kale dooneysaa in aad si ula kac ah dusha uga saarto dembi aanu lahayn mi ka mid ah dhibbanayaashii caruurtiisii iyo guud ahaan dadkiisiiba lagu gumaaday magaalada muqdisho, iyo dugsigii sare ee Maxamuud Axmed Cali, sababta keliya oo dadkaas loo laayayna ay ahayd qabiilka ay ka dhasheen awgeed.

 

Dagaalladii ka dhacay Soomaaliya bilihii ugu dambeeyay, ka hor inta aysan burburin dowladdii Soomaaliyeed bishii Jan. 1991, una dhexeeyay ciidankii dowladda iyo kuwii ku kacsanaa, oran maayo laguma geysan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo lagu waxyeelleeyey shacab aan waxba galabsan; waayoo aniga ayaaba qayb ka ah dadkaas dhibaatadu soo gaartay, oo waliba ay ii dhiirtahay in qoys ahaan hantidayadii isugu jirtay guurto iyo maguurto ay muuraduugeen mooryaan mar keliya sidii ayaxii uga soo yaacay miyiga. Waana run in dagaal kasta oo dhaca uu waxyeello u geysanayo dadka ku nool goobaha lagu diriray, taasina waxaa maanta si buuxda u qiraya shacabka haatan ku nool magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya. Haddaba, waxay ila tahay in aan laga been sheegin ciddii ka dambeysay waxyeellooyinkii iyo dhibaatooyinkii la baday ummad aan wax galabsan oo xilligaas ku noolaa guryahoodii. Haddii xaqiiq ahaan loo hadlayana cidda mas’uuliyaddaas qaadaneysa waa ciidankii dowladdii Soomaaliya iyo kuwii kasoo horjeeday; iyaga ayaana lagula xisaabtamayaa goor ay ahaataba, Alle idankiis.

 

GEBABADII, aniga oo u dardaar werinaya, Mr. Tooxow, waxaan leeyahay, ka fiirso ereyada aad ku hadlayso, hana u hadaaqin sidii dhallaan aan dembi laga qoreynin oo kale. Waxaa habboon in aad wax kheyr leh ku hadasho ama aad iska aamusto. Sidoo kale sunna xun hadda Internet-ka haku jideynin oo ah in qabiillada la af-lagaadeeyo. Sida diinta Islaamku na fareyso, sunna kasta oo xun qofkii jideeya qof kasta oo ka daba sameeya, dembigiisa (ama dembigeeda) mid la mid ah ayuu helayaa (ama ay heleysaa). Waxaan hadalkeyga ku soo gunaanadayaa Xadiis saxiix ah oo is-xasuusintiisu ay ku habboon tahay mowduucan. Cabdullaahi ibnu Cumar ibnu al-Caas (Alle ha ka raali noqdee) wuxuu yiri: “Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: inuu caayo qofku waalidkiis (walcankiis) waa dembi weyn oo halis ah oo lagu halaagsamo. Asaxaabtii waxay yiraahdeen: Rasuul Allow ma nin baa waalidkiis caayi kara? Wuxuu ku jawaabay: Haah, haddii uu caayo qof kale aabihii, qofkii aabbihii la caayay baa isna aargoosasho ahaan caayaya kii wax caayay aabihii; haddii uu caayana qof kale hooyadii, qofkii la caayay hooyadiis baa isna caayaya kii cayda billaabay hooyadii” - (Bukhaari iyo Muslim).

 

Walaalkaa (Fil Islaam).

 

C/fataax  M. Cabdulle

Golaha Beesha NM

Ottawa; Ont. Canada

warbaahinta@yahoo.com

<><><>

WARARKII AGOOSTO 1:::

»HARGEYSA:: Wariye Abdiaziz Ahmed oo ka Dagey Hargeysa
»
GEDO:: Warsaxaafadeed: Ururka Horumarinta Dhalinyarada Gedo
»MUQDISHO:: Dibadbax lagu xusay geeridii caydiid oo ...
»MORGAN cunaqabataynta halaga qaado, waa dadaalka ay..
»
NAIROBI::  Harti, Absame iyo Dir oo Qaadici doona Shirka haddii..
»IGAD:: Waa in 2da-Agoosto  lasoo gudbiyo magacyada xubnaha...
iyo Warar kale oo Goos Goos ah....

Faafin: SomaliTalk.com | August 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD