SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Xoriyo

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay

  • Dagaallo badan oo ciidanka cadowga Itoobiya lagu Jabiyay.
  • UNICEF oo qalab ugu deeqday Ogadenya.
  • Gobolka Oromada oo xaaladdiisa laga dayriyay.
  • Wasaarada gaashaandhigga Itoobiya oo baabuur la siiyay iska xaraashaysa.
  • Barnaamujkii aragtida halgamaaga iyo suugaan halgameed.
  • DHEGEYSO::: » R A D I O   X O R I Y O
     

Dagaallo badan oo ciidanka cadowga Itoobiya lagu Jabiyay. 

Dagaallo is-daba joog ah oo ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Ogadenya waxay ciidamada Jabhadda Waddanig Xoreynta Ogadenya si wayn ugu naafeeyeen ciidanka caga-jiidka ah ee u adeega taliska dhiigya cabka ah ee gumeysatada Itoobiya. 

Dagaalladaas faraha badan waxaa ka mid ah: 

2/08/04 meesha lagu magacaabo Musisa oo Sagag iyo Fiiq u dhexaysa, waxaa lagu qabtay 3 ka tirsanaa Malleeshiyada u adeegta cadowga Itoobiya. Saddexdii Qori ee ay siteen markii laga qaatay ayaana layska siidaayay. 

8/08/04 dagaal gaadmo ah oo lagu qaaday Gurdumi waxaa cadawga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay. 

12/08/04 dagaal ay sidoo kale CXO ku qaadeen Dig waxay cadowga Itoobiya kaga dileen 7 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.iyadoo Qaar dhaawacan ka mid ah  la sheegay inuu dhaawacodu halis yahay. 

12/08/04  kolanyo ka tirsan ciidanka cadowga oo maraysay meel u dhaxaysa Danood iyo Wardheer ayuu ciidanka waddaniga ahi jidka u galay, wuxuuna meeshaas kaga dilay 8 askari, 10 kalana wuu kaga dhaawacay. 

16/08/04 wuxuu ciidanka geesiga ah ee xoraynta Ogadenya weeraray Malleeshiyadii deganayd degmada Qorile, wuxuuna halkaas ku qabtay 5 malleeshiyadaas ka mid ah, halka uu  ka furtay 5 qori. 

18/08/04  wuxuu ciidanka cadowgu dhexdiisa isaga dilay Gerigo’an 10 askari, 20 kalena wuu iska dhaawacay. Ciidankaas cadowga ee meeshaas ku dagaallamay waxay ka kala yimaadeen Garbo iyo Shaygoosh.  

18/08/04 weerar uu ciidanka xoraynta Ogadenya ku qaaday Gunagado gudaheeda waxaa cadawga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay. 

22/08/04 meel Wardheer u jira 18 km ayuu Ciidanka gobonimadoonku waddada u galay ciidan gumaysiga Itoobiya ka tirsan oo marayay,halkaasi wuxuuna halkaas kaga dilay 6 askari, 4 kalana wuu kaga dhaawacay. 

23/08/04 Farmadow ciidanka wadanigu dagaal uu ku qaaday wuxuu ciidanka cadowga kaga dilay 7 askari, 10 kalana wuu kaga dhaawacay. 

UNICEF oo qalab ugu deeqday Ogadenya. 

Hay’ada UNICEF ayaa dalka Ogadenya ugu deeqday qalab loo adeegsanayo sifaynta iyo warshadaynta cusbada laga soo saaro ceelasha cusbada ee ku yaalla deegaanka Afdheer. Qalabkani wuxuu isugu jiraa makiinad cusbada hagaajisa, jannareetar dabka dhaliya iyo shay-baadh loo adeegsado sifaynta cusbada. 

Qalabkan ayaa la rumaysan yahay inuu gacan wayn ka gaysto hoos u dhicii wax soo-saar ee faraha ba’an ku hayay ceelasha cusbada ee Booji-dool iyo Ceel-dheer ee deegaanka Afdheer, kaasoo ay sabab u ahayd qalab la’aan, iyadoo ay dadwaynuhu gacmohooda oo kaliya u isticmaali jireen soo saarista cusbada deegaankaas laga dhoofiyo. 

Hase yeeshee qalabkan waxaa gacanta loo geliyay maamulka daba-dhilifka ah ee u adeega caodwga

Itoobiya, sidaas darteed lama filayo in dadwaynaha Ogadenya ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan, waxaana laga cabsi qabaa inaan lagu rakibin deegaankii loogu deeqay, balse loo leexiyo dhinaca gobolka Tigreega oo adeegyo hore oo fara badan oo gobollo kale loogu deeqay si awood sheegasho ah loogu leexiyay.  

Gobolka Oromada oo xaaladdiisa laga dayriyay. 

Xafiiska Arrimaha Banai’aadamka ee Qaramada Midoobey ayaa ka digay in gobolka Oromada ay ku soo fool-leeyihiin dhibaatooyinka ay ka midka yihiin heerka nafaqada oo hoos u dhaca, macaluul, cudurro iyo biya la’aan.intabada. 

Warbixin uu xafiisku soo saaray horraantii toddobaadkan ayuu kaga digay in dhibaato wayn ay gobolka Oromada ku soo socota haddii aan hadda laga hortegin, isla markaana aan beeralayda la siinin abuur badan. 

Xafiisku wuxuu kaloo intaas ku daray in beeralayda Oromadu ayna helin abuur ku filan, inta la siiyayna la soo gaadhsiiyay waqti denbe oo xilli beereedkii uu sii dhammaanayo. 

Wasaarada gaashaandhigga Itoobiya oo baabuur la siiyay iska xaraashaysa. 

Wasaarada gaashaandhigga ee xukuumada gumaysiga ee Itoobiya ayaa xaraashaysa 25 baabuur, oo seddex sano ka hor uu wasaarada ugu deeqay ninka lagu magacaabo Sh Maxamed Xuseen al Camuudi oo u dhashay dalka Sucuudi Careebiya. 

Baabuurtan ayaa qiimohooda lagu qiyaasay 7,5 milyan oo Bir, waxayna wasaaradu xaraashaysaa, ka dib markii ay shidaalkooda iska bixin kari wayday.  

Wasaarada gaashaandhigga e xukuummada Addis Ababa, oo la mid ah hay’adaha kale ee xukuumaddaas, ayaa cagta marisay miisaaniyadii loogu talagalay, ka dib markii waxna jeebka lagu shubtay, intii kalana loo isticmaalay dagaallada aan xaqa ahayn ee taliska Addis Ababa kula jiro dalalka deriska ah iyo jabhadaha xaq u dirirka ah ee ka soo horjeeda. 

Waxaa kaloo dhaqaalaha wasaarada si wayn u dhaawacay saraakiisha ciidanka oo midkii kabtan gaadhaba uu yeesho labo baabuur oo wasaaradu u gadayso, shidaalkoodana ka bixinayso. Hadda waxay wasaaradu sheegtay in saraakiisha hal baabuur oo kaliya loo oggol yahay, midka kalana laga xaraynayo. iyadoo ilaa iyo hadda la soo xareeyay 45 baabuur. 

27.08.2004

C/nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Faafin: SomaliTalk.com | August 29, 2004


Khilaafkii Beelahii ka Dhimanaa Baarlamaanka oo La soo Afjaray
Waxaa la sheegay in la dhaarin doono... Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD