SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Qaar ka mid hogaamiyasha siyaasada oo ku hanjabay in ay ka baxayaan shirka. 
  • Jaaliyadda Puntland ee Yurub iyo Ameerika

Qaar ka mid hogaamiyasha siyaasada oo ku hanjabay in ay ka baxayaan shirka. 

Canab mumtaz.
Somalitalk, Nairobi. 

Xubno ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda doorashadii baarlamaanka iyo qaabka Baarlamaanka loo xulayba ayaa maanta waxa ay shir jar'aad ku qabteen madasha shirka ee Mbagathi. 

Siyaasiyiintan oo kaashanayay qaar ka mid ah ergadii aan ka midka noqonin baarlamanka kana cabanayay in boosaskii ay ku lahaayeen baarlamaanka la'iibsaday ayaa si wada jir ah shirkan ugu sheegay in aysan taageersanayn kana soo horjeedaan iyagoo eedaynaya maamulka shirka. 

Ujeedadad shirkan ayaa ahayd sidii ay siyaasiyiintaasi caalamka ugu bandhigi lahaayeen in doorashadii baarlamaanka gabi ahaanba aanay aqoonsanayd, laguna xadgudbay qaabka loo xulay Baarlamaanka iyo iyadoo aan lala tashan Guddiga xalinta Khilaadka. 

Waxaa ka dhex muuqday shirkan Xuseen caydiid, Mowliid macaane, C/raxmaan Diinaari iyo kuwo kale.oo kaashanaya qaar ka mid ah Asaxaabta Embagathi,waxay ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan dhaarti ka dhacday xarunta QM. 

Xuseen caydiid oo labadii jeer ee dhaartaba magaciisa laga sii daayay Goobta Dhaarta ayaa sheegay hadii aan wax laga badalin qaabka ay shirka u wadaan IGAD in uu ku dhawyahay burbur ayna dhici karto in ay ka baxaan shirka sida uu hadalka u dhigay. 

Ma'ahan markii ugu horeysay ee uu xuseen cadiid qabto shir uu ku diidan yahay Dhaarta Baarlamaanka iyo Qaabka loo soo xulay isago eedayn u soo jeedinaya Gudiga Fududeynta ee IGAD,intaasna ku daraya in laga weeciyay sidii ay ugu talagaleen magacyadii ay gudbiyeena aan la soo magacaabin. 

Maamulka shirka ee IGAD ayaa sheegay in laga gudbay waxii caqabad ahaa isla markaana uu shirku yahay mid ku dhaw gabagabo,cidii ka hortimaadana loo arki doono nabad diid. 

Waxa ay dad badani is waydiin karaan maxay siyaasiyiintu mar walba uga hor yimaadaan waxii ay iyagu ku heshiiyaan, mase waxa aysan waxa ay ka helaan in ay iskaga sii dhex jiraan dal ay burburkiisa sabab u yihiin.hadii la siiyay awooda fulinta ee shirka. 

siyaasiyiinta waxaa la siiyay Awooda ugu wayn ee shirka ee ah in ay soo xulaan baarlamaanka,qaar ka mid ah ayaa diiday aragtidaas kuna sheegay in la caburinayo awoodii madax dhaqameedka soomaaliyed 

Kadib ayaa la go'aamiyay in dhamaantood awooda loo wada simo waxna laga badalay Qodobkii ka hadlayay Awooda xulida Baarlamaanka, sidaasna uu ku soo baxay baarlamaanka ka dib mudo badan oo is jiid jiid ah una dhexeeyay Madaxda dhaqanka iyo siyaasiyiinta. 

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta waxa ay u daayeen soo xulida baarlamaanka Madax dhaqameedkooda,halka qaar  madax dhaqameedka ahna ay u daayeen siyaasiyiintooda Xulida baarlamaanka si uusan khilaafku u sii badanin.

ilaa hadda waxaa jira khilaaf iyo cabashooyin gaaraya Guddiga Fududeynta shirka ee IGAD

Canab Abdule  canabmumtaz@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.cvom | Agoosto 30, 2004

MAGACYADA XILDHIBAANADII LOO DHAARIYEY SOOMAALIYA OO DHAMEYSTIRAN


Jaaliyadda Puntland ee Yurub iyo Ameerika

Haddaan nahay Jaaliyadda Puntland ee Yurub iyo Ameerika waxaan kasoo horjeednaa qaybinta aan anshaxa iyo isirwaanagga reer Puntland aanan midna waafaqsanayn e C/llaahi Yuusuf sameeyey isagoo aanan habayaraatee wax xeer ah raacaynin, iyadoo aan kutilmami karno qaybtaas inay lamid tahay qaybsiga habardugaag ee kusalaysan cadbursiga iyo qofkii qoriqaata ee dadlaaya in lasiiyo cad.

Waxaan ugu baaqaynaa inuu C/lahi Yuusuf kawaantoobo iska horkeenka beelaha Majeerteenka, ku tagrifalka awoodda beenta ah ee uu sheeganahayo, iyo inuu hadduu wax qaybinahayo uu wax u qaybiyo isagoo raadraacayo sida loo wada dhashay,

Tusaale ahaan: Beesha Maxamuud Saleebaan waxay heshay 6 xubnood halka beelo farabadan oo Majeerteen aysan waxba helin, taasoo uu C/llahi Yuusuf ku damacsan yahay iskudir iyo isku dil uu ka dhexwado beelaha Majeerteen.
Bayaankan waxaa soosaaray:

Waxaa ku saxiixnaa 13 qof oo beelaha ku qoraa ay yihiin: Wabeeneeye, Idigfacle, Amaanle, Cabdalle Nooleys, Cabdalle Ibraahim, C/raxiin Saleebaan, C/raxiin Ibraahin, Reer Cumar, Wabeeneeye, Reer Maxamuud, Ismaaciil saleebaan, Cali Saleebaan,

Waxaana magacyada lagala xiriiri karaa:

Mohamed Sheik Ahmed
libaaxdabre@hotmail.com

Dhamaystirka Baarlamaanka K.M.G
Qaar kale oo Kamid ah Xildhibaanadii ka Dhinaa Baarlamaanka Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya ayaa la Dhaariyey, waxaana ka.. Guji...

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD