SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Dhamaystirka Munaasabada Baarlamaanka oo Maanta lagu soo Gabagabeeyay Xarunta Qaramada midoobay. 

Axad: Agoosto 29, 2004

Waxaa maanta (Axad Agoosto 29, 2004) si rasmi ah loo soo gabagabeeyay dhaarinta xubnaha  baarlamaanka soomaaliyeed oo ay ka harsanayeen mudanayaal badan oo ka tirsan beelaha qaar kood waxaana ka mid ahaa siyaasiyiin badan oo maanta dhaartaas ka soo qaybgalay. 

Munaasabada oo ahayd mid aad u sareysay oo lagu sii sagootinayay dhamaystirka baarlamaanka soomaaliyeed ee shirka muda dheer uga socday dadka soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax ka mid ah Dowlada kenya, jaamacada carabta, midawga Afrika, QM, midowga yurub iyo wakiilada Dowladaha IGAD. 

Hadalo iyo qudbado kala duwan oo dhamaantood loogu hambalyaynayay baarlamaanka ka hana qaaaday shirka kadib waqti adag iyo mudo dheer oo uu soo maray shirka ayaa halkaasi waxaa ka soo kala jeediyay madax ka mid ah hay'adaas aan kor ku soo sheegnay. dhamaantoodna waxa ay u rajeeyeen xildhibaanada qaaday xilka ummadda in ay ka soo baxaaan dhaartaas iyo mas'uuliyada ay qaadeen ee ah in ay fuliyaan waxa danta u ah shacabka soomaaliyeed ee ka sugaya shirkan dowlad iyo xasilooni waarta  ka dhacda Dalka. 

Xubanah la dhaariyay waxaa ka dhex muuqday maanta. 

  • C/llaahi yuusuf Axmad.
  • Jaamac Cali Jaamac.
  • Cawad cashara. 
  • Xasan Abshir faarax.
  •  jini boqor. 
  • Barre Aadan Shire Hiiraale. 
  • C/risaaq isaaq biixi. 
  • Maxamad xaashi Gaani.
  •  Zakariya maxamuud cabdi,
  •  Cali baashi maxamad. 
  • Caasha Axmad Cabdalla. 
  • ibraahim maxamad deeq. 
  • Maxamad ibraahim xaabsade.
inta aan soo xaadirin oo ka mid ah magacyada baarlamaanka. 
  • Xuseen maxamad Caydiid. 
  • Xasan Abdulle Qalaad.
Waxaa jira tira ka yar labaatan xubnood aan la dhaarinin kuwaas oo siyaabo kala duwan uga maqnaa madasha dhaarta maanta.waxaana ay u mahadceliyeen guddiga fududeynta in la dhameyay khilaafkii jiray wax walbana ay dhamaadeen,waxaana ka guda gali doonaa Howlaha kale ee baarlamaanka sida doorasha baarlamaanka. 

Wakiilka xoghayaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay Mr.Tubman ayaa qudbad dheer soo jeediyay isagoo sheegay in uu ka xun yahay dhaartii hore oo uu ka maqnaa balse ay maanta nasiib wanaag u tahay in uu la qaybsado baarlamaanka faraxad uu u dirayo hambalyo shacabka soomaaliyeed.

Waxa uu xusay in soomaaliya caalamku ka haystay dad heshiis iyo dowlad midna rabin balse maanta ay beenayn doonto figaraas ay horay u qabeen marka ay arkaan Baarlamaan soomaaliyeed oo doonaya in ay nabad ka dhex abuuraan dadkooda iyo dalkooda.  

Waxaan ogaanay in ay soomaaliya u baahnaayeen taageero nuucan ah in la siiyo iyo waqti ay uga hadlaan arrimahooda sidii ay u xalin lahaayeen, waxa uuna ugu dambayn sheegay in QM. ay taagaareyso waxa ka soo baxay shirkan iyo baarlamaankaba una hambalaynayaan in maanta la soo afjaray qaybihii ka harsanaa baarlamaanka soomaaliyeed.  

Munaasabadan waxaa kale oo ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Dowlada kenya Mr,awori oo sheegay in baarlamaankan uu yahay dhamaystirka rajada shacabka soomaaliyeed, IGAD iyo dhamaanba deeqbixiyaaasha caalamka uuna bilow u noqon doono dadaalka loogu jiro Dowlad ka dhalata somaaliya. 

Dadaalkan maanta lagu dhisay baarlamaanka ayuu yiri waxa uu ku yimid naf hurid iyo niyad dhab oo ka timid siyaasiyiinta,madaxda IGAD iyo beesha caalamka oo is bahaystay, kenya waxa ay jeceshahay in ay nabad ka dhalato soomaaliya waxaan haynaa Ayuu yiri Qaxooti badan oo soomaaliyeed oo waxaana leenahay xuduud waana qasab in la helo dowlad soomaaliyeed oo isku keenta ummadda soomaaliyeed ee ku kala tagtay dagaalada. 

ugu dambayntii munaasabadan waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid fanaantii soomaaliyeed ee ku sugan kenya uuna ka mid ahaa Cabdi Cali Bacalwaan iyo fanaaniin kale oo soo bandhigay suugaan yaab lahayd oo ka hadlaysay xaaladda dalka iyo kaalinta baarlamanka looga baahan yahay.

Canab Abdule Mumtaz  canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
Agoosto 29, 2004


Qaar kale oo Kamid ah Xildhibaanada ka Dhinaa Baarlamaanka Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya oo la Dhaariyey [X.B.K.G.S.]


Maalim Abdulalhi Ali oo kor u haya kitaab Qur'aan ah

Amina Mohamed Mursul oo dhunkaneysa qur'aanka xafladii dhaarta. Aug. 29. 2004,

Sheik Maalim Abdullahi Ali oo quraan u akhrinaya xildhibaanda xafladii dhaarta ee Axad Agoosto 29, 2004

Xildhiaabno ku dhaaranaya kitaabka

Sheikh Khalif Gure Ali (bidix) oo kitaabka qur'aanka kor u haya munaasabadii dhaarinta xubnaha baarlamaanka ee ka dhacday xarunta qaramaad midoobey e Nairobi, Axad Aug 22,2004: Wararkii dhaarinta..

Soomaali ku farxsan in uu dhammaado dagaalkii 13ka sano.

Maanta oo ah Axad Agoosto 29, 2004 ayaa la dhaariyey qaar kale oo kamid xildhibaanadii ka dhinaa Baarlamaanka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ee qaybtoodii hore la dhaariyey toddobaadkii hore. Waxaa wararka shirka ku dhow-dhow ay tibaxeen in tirada maanta ay xubnaha ilaa hadda la dhaariyey ka dhigi doonto 258 xildhibaan oo kamid ah 275-ta la-rabo in uu baarlamaanka kumeel-gaarka ahi ka koobnaado.

Waxaa kale oo wararku tibaaxeen in 17ka ka dhiman tiradaas xildhibnaanada ayagana la dhaarin doono dhowaan, sababta ay u maqan yihiina waxaa lagu macneeyey in qaarna ay dalka ka maqan yihiin qaar kalena ay xanuunsanayaan, waa sida warku u dhigaye.

Baarlamaanka marka uu dhamaystirmo waxa ay dooran doonaan madaxweyne Kumeel gaar ah oo ay Soomaaliya yeelato.

Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 29, 2004

HEERARKII SHIRKA:::::::

Xubnaha la rabo in qabaa'ilada Soomaaliyed qaybsadaan waa 275 xubnood kuwaas oo afar beelood middiiba loo qoondeeyey 61, halka beesha loo bixiyey 'NUS' loo qorsheeyey 31 xubnood.

Waxay ahayd horraantii bishan Agoosto markii dhaarinta xubnaha barlaamaanka dib loogudhigay Agoosto 19keeda, waxaa taas ka horeysey in bishii hore ee July 19keedii ay IGAD sheegeen in xubnaha baarlamaanka la dhamaystiri doono doono 30kii July , oo markaas la dhaarin doono, waxaase taas dib loogu dhigay Agoosto 4. Waxaana Axad Agoosto 22, 2004 la dhaariyey xubno tiradooda lagu qiyaasay inta u dhexaysa 203 xubnood. Waxaana dhaartaasi dhacday ayadoo aan weli qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed soo gudbin xubnihii baarlamaanaka uga qayb qaadan lahaa. Qayb kale oo kamid ah xubnahii ka maqnaa dhaartaas ayaa la dhaariyey Agoosto 29, 2004. Waxaana la xusay in ay weli dhiman yihiin ilaa 17 xubnood oo la sheegay qaarna in ay dalka ka maqan yihiin qaarna xanuunsan yihiin.

Marka la dhaariyo dhammaan xubnaha baarlamaanka, waxa ay xubnahaasi soo dooran doonaan madaxweynaha kumeel-gaarka ah oo la qorsheeyey in uu dalka maamulo muddo shan sano ah oo dalka lagu gaarsiinayo doorsho lagu soo doorto madaxweyne rasmi ah. Eeg sidii ay xubnihii baarlamaankii Carta u doorteen C/Qaasim iyo sidii la isu reebreebay.

Shirkan hadda socda waxaa isku soo agaasimey IGAD oo ka kooban dalalka Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Sudan & Uganda, waxaana uu markii hore (October 2002) ka bilowday magaalada Eldoret, kaddibna bishii Febraayo ee 2003 ayaa loo soo raray Mbagathi, Nairobi. (Soomaaliya waxay xubin ka tahay IGAD laakiin xubin-nimadeedu ma shaqaneyso waqtigan ilaa ay markale dawlad noqoto).

Khilaafkii Beelahii ka Dhimanaa Baarlamaanka oo La soo Afjaray
Waxaa la sheegay in la dhaarin doono... Guji

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

MAGACYADA XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA SHALAY LA DHAARIYAY
Liiska xubnaha la dhaariyey ka akhri halkan... Aug 23

Baarlamaan aan Dhamaystirnayn oo Soomaalida Loo Dhaariyey
»203 xubnood oo Nairobi lagu dhaariyey..
»Puntland oo Laga Yaabo in ay Ka Baxdo Shirka...
»C/Qasim: "Yaan Lagu Deg-degin Dhaarinta Xildhibaanada"
»Isbahaysiga Kismaayo oo ku Jira Abaabul Dagaal..
»Labo ruux oo lagu dilay aagga Buulo Mareer iyo Baraawe. 
Dhammaan ka akhri halkan.....

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD