61-Jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley Minneapolis
Agoosto 30, 2004
Wararka ka imanaya magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in magaaladaas lagu diley nin Soomaaliyeed oo da'diisa lagu qiyaasay 61-jir. Waxaa wararku sheegen in ninkaas oo madaaxa laga dhaawacay laga helay meel wado ah (27th avenue south), waxaana uu u geeriyoodey dhaawacaas. Waxaa wararku intaas ku dareen in arintan oo dhacday Jimcadii ay Booliska magaaladu raadinayaan ciddii falkaas geysatey.
Qofkii 24aad oo Soomaaliyeed oo Lagu Diley K/Afrika
| TACSI: |
| Bahda SomaliTalk waxa u tacsiyadaynyaan qoyskii marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan oo lagu diley Koonfur Afrika, gaar ahaan waxaan tacsi u direynaa Maxamed C/qaadir Daa’uud (Stanza) oo ka tirsan qorayaasha SomaliTalk ee Suudaan oo uu marxuumku abti u ahaa. Tacsida marxuumka waxaa loogu hagaajin karaa: Ayaandhalad5@hotmail.com |
Warar SomaliTalk ka soo gaarey dalka Koonfur Afrika ayaa shaaca ka qaaday in bishan Agoosto 25keedii dalkaasi lagu diley Ganacsade Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jire: Cabdishakuur Sheekh Xasan, warbixin dheeraad ah marka aan ka helo ayaan idiin soo tebin doonaa, insha Allah.