SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SEATTLE

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Feb 4, 2004

Marxuum Xasan Muuse Faarax oo Lagu Aasay Seattle

Sawirka: Seattlepi


Aaskii Marxuum Xasan Muuse Faarax: Seattle, Washington, USA: feb 3, 2004 [Sawirka: KOMO TV,  Seattle Channle 4]

Abdi Ashoor oo ku tiirsan badiilkii lagu qodayey xabaasha asagoo sugaayey in uu dhoobada dhabanka u dhigo  marxuum Hassan Farah. [sawirka SeattlePi]

Magaalada Seattle oo ku taal cirifka galbeed ee Maraykanka ayaa Isniintii lagu aasay Marxuum Xasan Muuse Faarax oo ahaa Taxi-wadihii Soomaaliyeed ee Sabtidii lasoo dhaafay toogashada lagu diley asagoo wadey taxi.

Waxaa lagu qiyaasay ilaa 200 oo Muslimiin ah in ay ka soo qayb galeen aaskii marxuumka oo lagu aasay xabaalaha Muslimiinta ee lagu magcaabo Daar-ul-Raxma oo ku taal bariga halka lagu magcaabo Kent.

Marxuumku waxa uu lahaa xaas (Asiya Hussein) iyo saddex carruur ah oo da'doo tahay 4, 3 iyo 1-sano-jir

Marxuum Xasan Faarax waxa uu Mareykanka yimid sannadkii 1993 asagoo ka soo dhoofay xeryaha qaxootiga ee Kenya. Sannadkii 1999 ayey xaaska isku guursadeen Minneapolis, kaddibna waxay go'aansadeen in ay u guuraan Seattle.

Sida ay weriyeen warbaahinta magaalada Seattle, marxuum Xassan Faarax wax yar ka dib september 11 ayaa la xiray asagoo lagu xiriiriyey shirkadii Albarakaat xafiiskeedii Seattle, wax yar ka dibna waa la soo daayey, wax dembi ah oo dambena laguma soo oogin, laakiin waxaa la sheegay markii magaciisa ay boolisku computerka geliyeen in uu ka soo baxay liis gaar ah, waa sida uu sheegay wargeyska seattlepi.com.

Seattle waxaa lagu qiyaasay in ay ku nool yihiin Soomaali tiradoodu gaareyso ilaa 20,000.

Wararkii hore ee dilka marxuumka hoos ka akhri.....


TAXI-WADE SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY SEATTLE, USA

Tarjuamdii SomaliTalk.com | Feb 1, 2004 | Updated: Feb 2, 2004

Marxuumka waxaa magaciisa la oran jirey Hassan Farah, da'diisuna waxay ahayd 39-jir, waxana uu u shaqayn jirey Seattle Public Schools, Sabtida iyo Axadana waxa uu wadi jirey Taxi.

Daabaco Boggan | Print

Taxigii lagu toogtey Marxuumka Soomaaliyeed: Sawirka: komotv

Taxiga marxuumka lagu toogtey waxa uu lambarkiisu ahaa: Cab No. 744, sida ay qortay jariidada seattlepi


Wararka ka imanaya magaalada Seattle Washington ayaa sheegaya in shalay oo sabti ahayd waaberigii magaaladaas lagu diley Taxi wade Soomaaliyeed. Taas oo aan la garanayn ciddii falkaas dilka ah u geysatey.

Waxaa wararku sheegeen in booliska lasoo wacay kaddib markii la maqlay rasaas dhacday, markii ay boolisku yimaadeen halka ay iska gooyaan labada waddo ee 23rd Avenue South & South Graham Street in laga helay Taxi wadahaas Soomaaliyeed oo toogasho lagu diley. Waxaana la sheegay in dhawr xabadood lagu dhiftay.

Marxuumka waxaa magaciisa la oran jirey Hassan Farah, da'diisuna waxay ahayd 39-jir, waxana uu u shaqayn jirey Seattle Public Schools.

Warka dilka Soomaaliga Taxiga wadey markiiba wuxuu ku faafay magaalada, taas oo ay Taxi wadayaasha Soomaaliyeed walaac weyn ka muujiyeen.

Taxi-wadaha la diley saaxiibadiis mid kamid ah ayaa sheegay in uu Taxi wadaha la diley ahaa nin aad u shaqo badan, kaas oo dalka Maraykanka yimid 11-sano ka hor.  Mid kale oo saaxibadii marxuumka kamid ahaa oo la yiraahdo Omar Ahmed waxa uu yiri "Marxuumku waxa uu lahaa xaas iyo saddex carruur ah oo yaryar, waxana uu saacado yar (part-time) ka shaqayn jirey wadista Taxiga". Sidaas waxaa weriyey Komo News.


Ahmed Hussein Axmed
Latoogtey: July 10, 03

Mohamed Ahmed Salah
Latoogtey: August 8, 03

Marxuumka waxaa la sheegay in uu u shaqayn jirey Iskuul oo uu ka ahaa kalkaaliye si uu waxbarashada uga taakuleeyo Soomaalida ku cusub Maraykanka, waxa kale oo uu Sabtida iyo Axada Taxi u wadi jirey shirkada Yellow Cab oo ah Taxiga sawirkiisu dhanka sare ka muuqdo oo ah kii lagu diley marxuumka.

Taxi Wadahaas lagu diley Seattle waa taxi-wadihii saddexaad oo Soomaali ah lagu deley Maraykanka toddobadii bilood ee lasoo dhaafay. Ahmed Hussein Axmed waxaa magaalada Minneapolis lagu toogtey July 10, 03, sidoo kale waxaa Mohamed Ahmed Salah Minneapolis lagu toogtey August 8, 03, labaduba waxay ahaayeen Taxi wadayaal.

Waxaa taas ka horeeyey in Bishii Maarso 8, 1998 Minneapolis laga helay meydkii Siciid Cigaal oo Soomaali Taxi-wade ahaa oo la toogtey. Marxuum Siciid waxaa lagu dhex toogtey taxi uu wadey.

Qayb ka mid ah shirkadaha Taxi-yada ee Minneapolis ayaa hadda soo rogey ama khasab ka dhigay in qofku marka uu taxiga soo galo markiiba sawir laga qaadi doono, waxaana sawirka qaadaya sawir-qaade (camera) ku xiran taxiga.

Marxuumka lagu diley Seattle oo aan weli la garanayn ciddii dilkaas geysatey, waxaa warbaahinta magaalasaasi ay werisey in boolisku sheegay in la sheegay in la arkay gaari ka dhaqaaqay meeshii marxuumka lagu diley, laakiin aan la aqoon haybta cidii gaarigaas wadatey.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2004

<><><>

SOOMAALIDA LAGU DILEY QURBAHA

Ninkii Diley Maxamed Axmed Saalax oo Xabsiga Loo Taxaabay [Minneapolis]

Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.  GUJI

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

Nin Soomaaliyeed oo Lagutoogtey Maxkad Dhexdeed - Yemen
Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegay in ladiley Soomaali lagu magcaabo C/Shakuur Aadan kadib markii lagu dhex toogtey.. GUJI.  30/6/2002

QAREEN SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA
Ahmed Dabarran oo ahaa 32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka "Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA GUJI... May 11, 2001

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD