SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Nin Loo Xiray Dilkii Axmed Xuseen

Sylvester Leondo Scott
Sawirka: Waxaan ka qaadnay WCCO TV

Dilkii marxuum Axmed Xuseen Axmed waxaa loo xiray nin da'diisu tahay 20 jir oo lagu magcaabo Sylvester Leondo Scott.

Axmed Xuseen waxaa lagu dhex toogtey Taxi uu wadey goor dambe habeenimadii July 10, 2003, asagoo markaas marayey dhanka woqooyi ee magaalada Minneapolis.

Waxaa wararku shaaca ka qaadeen in sida ninkan lagu qabtay ay ahayd kaddib markii uu laba qof u sheegay in asagu uu diley marxuum Axmed Xuseen, kaddibna ay labadaas qof arintaas booliska u sheegeen. Waxaa kale labadaas qof ay booliska u sheegeen in uu ninkaasi u sheegay cabirka nooca qoriga uu marxuumka ku diley. Waxaana la sheegay in qof saddexaad uu sheegay in uu dhowaan ninkaas ka iibsadey qori cabirkaas leh.

Qareenada u doodaya marxuum Axmed Xuseen ayaa sheegay in gaarigii taxiga ahaa ee lagu diley Axmed Xuseen laga helay faraha ninkan hadda dilkiisa loo xiray.

Wararku waxa ay intaas ku dareen in maanta gelinkeeda dambe (Talaada) maxkamad lasoo taagi doono ninkaas hadda loo xiray dilka marxuumka.

Telefishanka Channel 5 ee Minnesota qaybtiisa Internetka ayaa sheegay in maxkamadu ay qarartay lacag damiin ah oo dhan $750,000 - yacni haddii lacagtaas laga dhigo ninkan dilka loo haysto in damiin lagu soo deyn karo.

Wixii kusoo kordha warkaan waan idiin soo tebin doonaa, insha Allah.

SomaliTalk.com | Minnesota
ISHA: WCCO TV, KSTP-CHENNEL.5 TV

<><><> WARARKII HORE EE DILKA MARXUUMKA <><><>

TAXi-WADE SOOMAALIYEED OO LAGU TOOGTEY MINNEAPOLIS

WAA TAXI-WADIHII 3aad EE SOOMAALI AH OO MINNESOTA LAGU TOOGTEY

Minneapolis, Minnesota, USA | July 10, 2003


Marxuum: Ahmed Hussein Ahmed

TAXIGII LAGU DHEX TOOGTEY MARXUUMKA

Magaalada Minneapolis ayaa waaberi soo dhowaadkii xalay (July 10, 2003) waxaa lagu toogtey Taxi-wade Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jirey Ahmed Hussein Ahmed, da'diiisuna ay ahayd 38-jir.

Sida ay weriyeen warbaahinta magaalada, waxaa marxuumka ay boolisku heleen kaddib markii dhawr qof ay soo waceen 911, dadkaas oo maqlay xabad dhacday iyo hoonka gaari oo an kala go' lahayn, waxayna markaas saacadu ahayd 2:50am.

Marxuumka waxaa lagu diley dhanka woqooyi ee magaalada Minneapolis, wadada lagu magcaabo Penn Avenue North.

Waxaa wararku intaas ku dareen in marxuumak la dhacay kaddibna la toogtey. Markaasna uu ku dul dhacay giraanta gaariga sabataasna ay haayd tan hoonka aan kala go'a lahayn loo maqlayey.

Sida wark qaar sheegeen, marxuum Axmed Xuseen Axmed waxa uu muddo hal sano ah u shaqaynayey shirkada taxiyada ee Blue & White oo ah taxiga hadda lagu dhex toogtey.

Wararka u dambeeyey waxa ay sheegeen in marxuum Axmed Xuseen uu dhowaan guursadey, waxana lagu soo waramay in hadda ay xaasku uur leedahay.

Marxuum Axmed Xuseen waa tagsiilihii saddexaad ee lagu diley Minnesota ilaa sannadkii 1996.

Bishii Maarso 8, 1998, ayey ahayd markii Minneapolis laga helay Siciid Cigaal oo Soomaali Taxi-wade ahaa oo la toogtey. Marxuum Siciid waxaa lagu dhex toogtey tax uu wadey oo ahaa shirkada Blue & White.

Wararka ugu dambeeyey ee kasoo baxaya dilka marxuum Axmed Xuseen ayaa sheegay in boolisku ay baarayaan cidii ka dambeysey dilkii marxuumka.

Dhanka kale waxaa wararku sheegeen in jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota ay dalbanayaan in arinta dilka marxuumka lagu sameeyo baaritaan rasmi ah.

Minnesota waxaa lagu tilmaamaa gobolka ay deggan yihiin Soomaalida ugu tirada badan ee deggan Maraykanka.

 

ISHA: WCCOTV | KARE11TV | KSTPTV | StarTribune

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2003

SAWIRADA: Waxaan ka qaadnay TV-yada KARE11 [www.kare11.com] iyo WCCO [www.wcco.com] ee Minneapolis.

-dhammad-


Qofkii 2aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.
 GUJI

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

Nin Soomaaliyeed oo Lagutoogtey Maxkad Dhexdeed - Yemen
Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegay in ladiley Soomaali lagu magcaabo C/Shakuur Aadan kadib markii lagu dhex toogtey.. GUJI.  30/6/2002

QAREEN SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA
Ahmed Dabarran oo ahaa 32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka "Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA GUJI... May 11, 2001

.... MAXKAMADII DILKII SHIDANE.... CANADA

.... DILKII ABU-QAASIM.... MINNESOTA 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]