SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - 2004

Maarso 22, 2004  

Murashax Kerry ma ka badbaadi doonaa mashiinka dacaayadda ee xisbiga Jamhuuriga.

Maxamuud N. Wardheere
mnwardere@yahoo.com 

Daabaco Boggan | Print

Reer Minnesota oo Janjeersaday Xagga Garabka Midig(Conservative)Guji...

Maxaa ka jira wararka sheegaya in John Kerry Gogoldhaaf Sameeyay. Guji...

USA:Tartanka Aqalka Cad oo La isla soo Galayo Xayndaabka Muslimiinta Guji...

Usa:Tartanka Aqalka Cad oo Madaxa La Galay Is Gobalysi GUJI

USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka GUJI

USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen ... GUJI


Murashaxa madaxweynaha dalka maraykanka Senator John Kerry waa nin ka soo dagaalamay Vietnam oo bilad geesinimo la siiyay hase yeeshee waxaa uu isu bedelay nin dagaalkii Vietnam neceb. Ninkii saas ahaa maanta waxaa suuqa loo geliyay in asaga iyo xisbigiisaba aan lagu aamini karin nabad sugidda iyo ammaanka maraykanka. Waxaase Kerry haysta jahawareer aan la garanayn oo ku yimid xisbigiisa September 11, 2001 wixii ka danbeeyay markaas oo uu xisbigiisa noqday mid aan u bababc dhigi karin xisbiga Bush oo xaaladdaas aad uga faa’iidaystay.

Murashax Kerry waxaa uu hadda soo noqonayaa nin dhiiran oo marba marka ka danbaysa waxaa uu la soo baxayaa hadallo kul kulul. Weerarka uu ku hayo Busha waxaa uu bilaabay goor hore si uu u soo jiito kuwa daacadda u ah xisbigiisa si ay u doortaan is reeb reebka hore ama uu niyadda uga dilo kuwii la tartamayay. Waxay u badan tahay in uu heli doono magacaabista xisbigiisa inkastoo ay jiraan weli labo murashax oo aan harin waa Alsharpton iyo ninka dadka nabadda jecel ay la dhaceen ee la yiraahdo Kucinich –

Murashax Kucinch waa ninka ku baaqay inuu dhisi doono wasaarad la yiraahdo wasaaradda nabadda oo noqotay arrin ay u bogeen dadyowga raba in adduunka nadab lagu soo dabaalo. Sababta ay labadan nin u hari la yihiin ayay dad siyaasadda u dhuun daloolaa leeyihiin waa intaas oo Kerry wax ku dhacaan ama dacaayad lala tuuraa markaas ayay noqonayaan kuwa keliya ee sharci ahaan u matali kara xisbigooda.

Bush xaggee ku liitaa?

1) Dagaalka Ciraaq oo sidii uu filyay noqon waayay oo dheeraaday maalin walbana askar lagu dilo sidii looga bixi lahaana aan muuqan

2) Shaqooyin badan oo aan wadanka ka hirgelin iyo shaqooyin la sheegay inay aadeen dibadda sida India iyo China

3) Xeeladda la dagaalanka argagixisada iyo fidinta demoqraadiyadda oo sidii uu u balan qaaday aan u socon.

4) Ololaha kuwa raba inay guurka lab iyo dhidig sidii uu yahay ka bedelaan dalka maraykanka oo waqti xun ku soo aaday Bush 2004

Kerry xagge ku liitaa?

Senator John Kerry1) Been hore oo uu xisbigiisa sheegey waqtigii Clinton iyo Gore oo hadda cadaatay in ay been ahayd ( Clinton iyo la taliyeyaashooda ayaa ahaa kuwii dadka maraykanka oo uu ka mid yahay Bush u diyaariyay dagaalka Ciraaq, kuwii dadka ka dhaadhicyay in Sadam iyo wiilashiisu dad xun yihiin, in Sadam dhisay qusuur badan oo aan cid kale dhisin iyo in ciraaq haysato hubka wax gumaada ee loo yaqaan WMD

Waxaa intaas dheer in Clinton iska dhega tiri jiray aduunka oo weerari jiray Ciraaq maalin iyo habeen asagoo dadka u sheegay inuu ilaalinayo wax uu ugu yeeray “no fly zone” iyo in Sadaam samaysto WMD - Clinton oo kaashanaya France ayuu ahaa ninka ay UN ka shaqayn weysay oo ku soo rogay cunaqabatayn Ciraaq taas oo ay ku dhinteen caruur badan oo reer Ciraaq ah iskuulada uga baaqan jireen cabsi weerarka cirka ee Clinton iyo Tony).

Dacaayaddii Clinton ayaa u sabab ahaa in markii la dilay labada wiil ee Saddam dadku aad u farxaan ; dadka yaqaan Clinton waxay yiraahdeen haddii asaga oo haysta xukunka dhici lahayd asagoo wata UN iyo Yurub ayuu weerari lahaa 10 dal ugu yaraan. Clinton waa uu yaabay markii looga yeeray gudigii baarayay 9/11 iyo waxa ay dawladda ka ogayd waayo wuxuu jeclaan lahaa in eeda sirta WMD ee quruntay asaga aan lagu soo darin kana fogaato.

Sida wararka qaar sheegayaan Clinton ayaa diiday codsigii Saddam ee uu ku codsnayay in loo ogolaado in uu ku noolaado dal kale oo weliba ugu hanjabay in haddii fursad la helo lagu qabto saddam inuu gayn doono maxkamad caalami ah ee dadka gaystay xasuuqa taas oo ku kaliftay in saddam kursiga ku dhego. Clinton ayaa diiday waxa loogu yeero fursad rajo ah si ay caadi u noqdaan “the light at the end of the tunnel” in reer ciraaq la siiyo

2) Keery oo hore looga bartay is bed bdel badn xataa intii uusan murashax noqon iyo kala hadal.

3) Kerry oo uu recordkiisa difaaca uu jilicsan yahay oo hore marar badan diiday in lacag badan la siiyo ciidamada iyo qalabkooda iyo hubkoodaba.

4) Asaga oo u eg Faransiis – dad badan oo maraykan ah ayaa maanta neceb faransiiska oo jecel in mar uusan filanayn laga aarguto dhaqaale ahaan.faransiiska kuwaas oo dhagaysan doona daacayadaha oranaya faransiis ayuu u eg yahay. Faransiiska oo xagga siyaasadda ku dheereeya ayaa waxa ay adkeeyeen iskaashiga yurub, waxayna si hoose aad ula soo xiriiraan madaxweyne Bush ayaga oo safka hore ka galay la dagaalanka argagixisada waxaa ugu danbeeyay hawlgalkii ay dhowaan ka fuliyeen Afganistaan. Farnsiiska waxaa ay dhowaan mamnuuceen xijaabka iskuulada..

5) Lacagta ololaha doorashada oo la dheer yahay hadda

6) Xaas kiisa oo la yiri sadaqo ayay siisay urur reer falastiin ah oo loona fasiray argagixiso.

Dacaayadda xisbiga jamhuuriga iyo Bush

Bush ayaa bilaabay weerar celin dhowaan asaga oo ka faa’iidaysanaya qalad dhowaan ka dhacay murashax Kerry kaas oo ahaa baro shacbka aad rabtid inay ku doortaan iyo waxa ay rabaan waayo ayaga keliya ayaa awoodaas leh “All politics are local”. Kerry ayay ka soo fakatay u fiirsi la’aan kelmadda ah WAXAAN LA SOO SHIRAY MADAX SHISHEEYE WAXAYNA YIRAAHDEEN WAAN KULA SHAQAYN DOONAA HADDII AAD GUULAYSATO.

Dhibta hadalkan leeyahay waa shacabka muwaadiniinta ah oo aan rabin in ajnabi u taliyo ama u dooro madaxdooda ama lacag ugu deeqa doorashadooda. Bush oo arrintaas ka jawaabayay ayaa yiri waxaan ka rabnaa Mr. Kerry in uu noo sheego madaxdaas ajnabiga ah iyo kuwa ay yihiin haddii uu diidana aniga waxaan leeyahay ololahayga doorashada dalka gudihiisa ayaan ku koobayaa asagana dibadiisa haka loolamo. Mashiinada dacaayadda ee xisbiga jamhuuriga ayaa kelmadii ku soo cel celinaya oo gaarsiinaya meel kasta oo ka dhigaya wax lagu qoslo ama xun.

Waxaa kale oo ay ku dacaayadeeyaan Kerry in uu canshuurta badin doono iyo in uusan qool lahayn oo jir jiroole yahay. Kerry ayaa 2002 u codeeyay awoodii Bush la siiyay ee ahayd in uu dagaal ku qaadi karo Ciraaq ahadana Kerry waxaa uu ka soo horjeedsaday lacagtii dagaalka iyo ciidamada u baahdeen oo dhamayd $87 billion. Hadda Kerry waxa uu balan qaaday in uu sii wadi doono la dagaalanka argagixisada laakiin uu u dad badsan soono waxaana uu yiraahdaa dagaalka keli ku ahaan mayno ee waa in safka hore ay ku jiraan Allies badan.

Maalin dhow ayaa hadana Kerry qalad ka dhacay oo uu yiri “Actually, I did vote for the $87 billion before I voted against it” oo macnaheedu yahay “waan u codeeyay lacagtan $87 billion ka hor intii aanan diidin” kalmadahan ayaa loo isticmaalaa murashax Kerry oo meel walba la gaarsiiyaa oo laga dhigaa kuwo lagu qoslo dad badan oo taageersan Kerry ayaa walaac ka muujiyaya mashiinka dacaayadda ee xisbiga jamhuuriga oo hadda uun bilowday soconna doona ilaa November kowdeeda 2004

  • God qanaayno ha qodin ku dhici doontaana ma ogide
  • Hadalada ay soo saareen Clinton/Gore iyo la taliyeyaashoodii ayaa maanta loo isticmaalaa in lagu cabsiiyo xisbigoodaama looga adkaado rayiga dadweynaha sida
  • Sadam wuxuu dhisay Palaces dadkiisa oo gaajaysan qof kale oo dhisay ma leh addunka
  • Addunka Saddam la ‘aantiisa waa nabad
  • Qatartii soo soctay ee Sadam waa laga hortagay
  • Ciraaq waa la xoreeyay
  • Sadaam UN ayuu u qayaanay

Maanta arrimahan dimoqraadiga waa neceb yihiin laakiin maka hadli karaan waayo ayagaa keenay kelmadahan kana dhaadhiciyay addunka sideedii sano dacaayadii ay ku hayeen Ciraaq waxay keentay in maanta dadka maraykanka rumaystaan in Ciraaq lug kulahayd 9/11 ka dib markii si kasta loogu sheegay in aanay lug ku lahayn.

Tixgelin:

Hadaladan waa dacaayadaha la iska fidinayo qaarkood oo la soo ururiyay iyo kuwii hore loo fidiyay ee ma ahan warbixin cilmiyeed. Dadka maraykanka waa qaybsan yihiin oo isku si wax uma arkaan siyaasadda iyo aqoonta iyo ogaanshaha waxa adduunka ka dhacaya isku mid kama aha. Doorashada 2004 cidii ku guulaysan lahayd hadda ma la garan karo waayo hadda ilaa November waxbadan ayaa dhici kara ama isbedeli kara kara cilmul qaybka ilaah uun baa og. .

wardheere Maxamuud N. Wardheere

mnwardere@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2004 

Minnesota: Inaad Soomaali tahay xaqiiji
Maanta waa laguu baahan yahay ee wixii dhiig lehow kaca!... warbixintii Wardheere

Minnesota: Macallimiin iyo arday Soomaaliyeed oo xusay Taariikhda Dadka Madow
Sida la wada ogsoon yahay dadka madow ee ku nool dalka maraykanka mar awoowayaashood badankood.. Guji 

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 22, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

»USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka Aden
»USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen [Aden]
»OLOLAHA XISBIGA DIMUQRADIGA MARAYKANKA [Diridhaba]

»USA: DOORASHADA XISBIGA DIMUQRADIGA EE  2004 [Diridhaba]
 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD