SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QISO

Feb 28, 2004 

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

Qisadan Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
Engr:- Mohamed Abdinur Ahmed
Bachelor of Sceince in Software Engineering
Mob: +923004541913
Email:
mohamed_taqii@hotmail.com

Fadeexaddii internet ka: iyo sirta dumarka kala warla’ Waa sheeko musiibo ah Gabari ay oga sheekaynayso saaxibaddeed..........Wallaahi waa Yaabka yaabkiisa Musiibo tii u waynayd dheh ......

Daabaco Boggan | Print

BAAFIN
Waxaa la baafinayaa Cureeji Xirsi Max'ud oo deggan MPLS, USA.

Anigoo ah Caasha Cabdulahi [muniira32@yahoo.com] waxaan baafinayaa gabadh magaceeda la yiraahdo Cureeji Xirsi Max'ud oo majeerteen nuux jibraaiil ah, waxaana la ii sheegay in ay hada deggan tahay Minneapolis, waxayna kasoo guurtay Rochester. Hadaba fadlan ciddii garanaysa gabadhaas meel aan kala xiriiri karo ha iigu soo hagaajiyeen emailka: muniira32@yahoo.com

mahadsanidin


Assalaamu calaykum saaxiibadayda sharafta laheey waan ku salaamay salaan ka dib Marna ma rumaysanaysid waxa igu dhacay iyo waxaan dhib naftayda u soo jiiday, aduunkan waxa iigu wayn oon doonayo maanta waa danbi dhaaf ilaaah iyo INAAN DHINTO INTAANAN ANIGU NAFTAYDA DILIN. Ma garanyo waxaan naftayda ku sameeyo quusashadaan ka dib.

Maalin ima soo maro illaa waan ooyaa illaa aan gaaro inaan wax arki waayo. Maalin walba waxaan ku fakaraa inaan is daldalo, noloshaydu wax qiimo ah iima laha.

Saacad walba waxaan tamanniyaa dhimasho Shallaaytaydee ma dhasheenaa, shallytadaydee la ima abuureenaa!!!!! maxaan sameeyaa wareer baan ku sugnahaye wax walboo agtayda ah waxay soo baxeen waxaan mibna lahayn dhadhanna lahayn.

Labadaydan gacmood ayaan ceeb ugu soo jiiday naftaayda iyo qoyskayga. Waxaan ceebeeyey ninkayga iyo caruurtayda waxaan dumiyay gurigayga. Wax walba waan ood i tiraahdaan waan xaqsadaa. Magac walboo xun iyo tilmaam walboo xun ood igu tilmaamtaan waan istaahilaa, nacas dabaal caqlilaaw, hawa raac iyo iyo iyo.

Run ahaan wax walbood igu sifaysaan waan ahay. Laakiin qof dib ii celin kara oo soo sixi kara waxaan qalad sameeyay ma jiro mana idinku jiro qof i caawin kara. Sheekadaydu waxay noqotay waxaan ka noqosho lahayn wayna gashayna buugga taariikda.

Sheekadayda ayaan soo hordhigayaa Gabar walba oo Muslimad ah oo isticmaasha INTERNETKA si ay calaamad ugu noqoto iyo ilaalin iyo si aysan ugu kicin axmaqnimada aan ku kacay iyo si ay ugu caqli qaataan kuwa caqliga leh.

Sheekadaydu waxay ka bilaabatay gabar saaxiibtay Gurigeeda. Maalin ayay gurigeeda igu marti qaaday saaxiibadaay waxay ka mid ahayd kuwa internetka isticmaala inta badan. Waxay bilowday inay intenetka wax iga barto. Muddo 3 bilood gudaheeda ayay wax walba oo ku saabsan internetka igu bartay waxay i bartay chat roomyaashoo dhan waxay kaloo i bartay sida wax loo baaro iyo sida loo raadsho web site yaasha cusub iyo kuwooda wanaagsan iyo kuwooda xunba.

3daas Bilood gudahooda ayaan waxaan ninkayga ku qasbay inuu internet guriga soo galiyo. Aad ayuuna oga soo horjeeday arrintaan illaa aan ku qanciyay inaan daal wayn dareemayo maadaama aan ka fogahay ehelka iyo asxaabtaba, waxaana xujjo oga dhigay inay saaxiibaday wada isticmaalaan internet, halkaasna aan kala sheekaysan karo internetkuna nooga lacag jabanayahy Telefoonka. Wuu ogolaaday dagaal badan ka dib asagoo aniga ii naxariisanaya.

Waxaan bilaabay inaan maalin walba saaxiibaday kula sheekaysto Internetka, ninkaygiina waa iga istareexay wax dacwo danbena igama maqal wuxuuna qirtay inuu ka istireexay dacwooyinkaygii. Mar walba oo uu ka baxo guriga sidii wax waalan baan internetka ugu ordaa, waan hor fariistaa anoo saacado badan maalin walba ku jira.

Waxaan bilaabay inaan jeclaysto inuu maqnaado wax yar markuu sii maqnaadana waan u xiisaa. Ninkayga waan jeclahay marna ninkaygu iskuma kay ladin wax walbana wuu i qabtay dhaqaalihiisuna aad uma fiicnayn markii la garabdhigo walaalahay iyo saaxiibaday, wanaagayga ayuu marwalba ka shaqaynayay. Maalmo badan markay tageen ka dib waxaan bilaabay in internetku uu noqdo meesha kaliya ee aan ku dareemo farxadda. Waxaana bilaabay xattaa inaanan xiisayn inaan ehelkay u safro oon u safri jirnay labadii wiigba mar.

TOEFL: Toefl official website
SAT:  SAT Examination
GRE:  Graduate Record Examinations

 

Sida loo sameeyo websiteyada

Mar walba oo uu ninkaygu guriga ii soo galo si dagdag ah ayaan u damiyaa internetka taasoo uu qariibsaday lana yaabay, ma uusan iga shakisanayn laakiin wuxuu uun doonayay inuu arko waxaan ka samaynayo Internetka. Laga yaabee inuu dareemay masayr ka dib markuu i arkay anoo maalin ku jira Voice Chat "qof kula sheekaysanaya cod ahaa" isticmaalaya mikrafoon. Markaa ka dib ayuu bilaabay inuu i canaanto asoo leh internetku waa wax balaaran waxyaalo badanna laga faaiidaysan karo, maad ka baratid luuqadaha iyo sida loo sameeyo website anfacaya dadka ood iska daysid waxa maalaa yacniga ah ood waqtiga isaga dhuminaysid, ka dib waxaan isku dayey inaan ka faaiidaysto internetka mar danbana aanan galin chat roomka "Qolalka wada sheekaysiga" inaan la hadlayo walaalo iyo saaxiibo mooyee.

Waxaan ka tagay tarbiyadii caruurtayda waxaana u daayay khadaamaddda guriga, waxaan garanayay waxaam xafiday waqtiyada uu ninkaygu shaqada dhammeeyo gurigana ku soo aadanyahay si aan u damiyo computerka oo uusan iigu arag anoo ku mashquulsan chatka.

Waxaan si aada u dayacay naftayda. waagii hore aad ayaan isu qurxin jiray sida ugu qurux badanna baan u labisan jiray intuusan ninkaygu shaqada ka soo laaban, internetka ka dib waxaan bilaabay inaan tartiib tartiib naftayda iyo ninkayga iyo caruurtayda u illaawo illaa aan dhammaan wada illaaway, waxaana bilaabay inaan samaysto cudurdaaryo beena, sida:- imaadan sheegin inaad waqtigaan soo laabanaysid ama waqtigaagii baad ka soo hor martay iyo kuwa badan, waxaan aad ugu mashquulsanaa internetka illaa aan gaaray inaan soo kaco ka dib markuu seexdo oon galo internetka dibna sariirta ugu laabto intuusan soo kicin, laga yaabee inuu dareemay internetka waxaan ku hayyo inay tahay waqti dhumis ee aanan waxba ka faaiidaysanayn, laakiin wuxuu iiga dhimrinayay kalinimada maadaama ay ehelku iga fogyihiin, asna shaqo ku mashquulsanyahay, balse waxaa aad u dhibayay ihtimaam la’aanta aan u hayya caruurteenna mar walbana wuu igu canaanantaa laakiin hubka aan isku daafaco ayaa ahaa oohin iyo inuusan ogayn waxa guriga ka socda intuu ka maqanyahay, see baad saas ii oran kartaa.

Aan soo gaabshee Internetka intaan guriga la soo galin ka hor ninkaygu marka uu guriga ka maqanyahay waxaan wici jiray tobannaan jeer inaan maqlo codkiisa oo kaliya haddan internetka ka dib inaan is maqli wayno oon waco maraan dan wayn aan ka leeyahay oo kaliya.Ninkayga waxaa ku dhalaashay masayr wayn oo uu u qaaday Internetka laakiin masayrkaan waxaan kula dagaallami jiray boohin iyo sirta haweenka iyo xeeladda wayn een u leenahay qancinta nimankeenna.

Sidaas ayay nolosheennu ahay muddo ku dhow 6 bilood marna kuma soo dhicin ninkayga maskaxdiisa inaan si xun u isticmaalo internetka.

Mudadaas 6 bilood ah ayaa waxaan calaaqo wayn na dhex martay magacyo la soo toobal caaraystay "Nick Names" aanan garanayn inay niman yihiin iyo inay naago yihiin toona, qof walba oo chat ka ii soo gala si uu iila sheekaysto ayaan la sheekaysanayay xattaa anoo og inuu yahay nin waxaan la sheekaysanayo. Waxaan ka dalbanayay inay iga caawiyaan computerka wax badan ayaan ka bartay oo ku saabsan internetka. Dadkaas mid ka mida ayaa calaaqadeennu aad u waynaatay sababtoo ah wuxuu xirfad wayn u lahaa internetka, mar walba waan la sheekaysanayay dhib walba oo iga soo waajahda computerkana asaan kula ordayay ilaa uu kulankeennii noqday mid yawmi ah oo maalin walba ah. Waxaan jeclaaday sheekadiisa iyo kaftankiisa xiriirkeennu inuu sii waynaado ayuu bilaabay maalinba maalinka ka dambaysa. Aniga iyo ninka lagu magacaabo ????? kuna naynaasan –hebal—arrin wayn wayn ayaa na dhex martay wuxuu igu kaday hadalkiisa malab ka ah erayadiisa jacaylka eed moodo inuu buug ka soo xafiday, laga yaabee in erayadiisu aad aysan u qurxoonayn laakiin shaydaan ayaa malab ii mariyay iiguna qurxiyay si xadka ka baxsan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu iga dalbaday inuu codkayga maqlo wuuna ku adkaystay dalabkiisa illaa uu igu handaday inuu iga tagayo iskayna mootin doono, waxaan isku dayay inaan hor istaago dalabkiisa kana dhaadhiciyo inaanan awoodin laakiiin waan ku guulaysan waayay. Meel dhexe ayaan isugu nimid waan wada hadlaynaa bishardi inay noqoto hal wada hadal mar danbana aanan wada hadlin, taleefoon namarradii ayaan is dhaafsannay, waan wada hadlnay anoo walwal wayn iyo cabsi igu jirto, laakiin hadalkiisu aad ayuu u macaanaa, waan gariirayay marwalboon maqlo codkiisa waxaan ogaa inuu shaydaan sadex nagu ahaa iina qurxinayay arrintaan, lana dagaallamayay dhawrsanaantayda iyo akhlaaqdayda iyo diiintayda intii ka dhimmanayd. Halkaan ayayna ka bilaabatay noloshayda daba gadoonkeedu, qof walboo akhriyaa sheekadaan wuxuu oran in ninkaygu yahay qof dayac badan maqnaashana badan laakiin arrintu waa caksiga shaquu ka soo bixi jiray saaxiibadiisna in badan ma aadi jirin aniga awgay iyo kalinamada oo uu ila nacsanaa.

Maalmo badan markay soo wareegeen ka dib oon macallimad ku noqday Internetka oon maalin walba ku jiri jiray 8 saacadood ilaa 12 saacadood, waxaan bilaabay inaan karaahsado ninkayga joogitaankiisa in badanna aan taas ku cataabo kuna boorriyo inuu waqtiyada shaqada badsado galbihiiyoo kale uu shaqeeyo si aan oga baxno daynta is fuufuushay ee nalaku leeyahay, run ahaanna hadalkaygii ayuu qaatay saaxiib ayuu mashruuc yar kula noqday shirko, markaa ka dib saacadaha aan Internetka ku jiro intii ayay ka sii bateen.

. Taariikhdii Imaamul Bukhaari
. Taariikh-dii Imaamul Muslim
Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi
. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
. Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna   [Qabtii 2aad]
. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

Calaaqadaydii aan ninkaan internetka iska baranay la lahaa ayaa sii xoogaysatay, wuxuuna bilaabay inuu iga dalbado inaan is aragno codkayga markuu maqlay ka dib, uma aanan aabayeelayn dalabkiisan kamana hoos qaaday, waxaana ku cataabi jiray ku canaanan jiray dalabkaan uu iga dalbanayo inaan kulanno laga yaabee inaan anba aad u xiisaynayay araggiisa laakiin inaan anna xiisahayga cadaysto waxaa iga hortaagnaa cabsi aan cabsanyo fadeexad ee maahayn cabsi aan Ilaah.

Dalabkiisii ayuu aad ugu adkaystay aadna iigu ilxaaxiyay inaan is aragno arag oo kaliya aan wax kale ahayn. Waan aqbalay bishardi inay ahaato tii ugu horraysay uguna danbaysay, wuxuuna yiri anba intaas oo kaliyaan doonayaa inaan ku arko oo kaliya wax hadal ahna aanan is dhaafsan. Waxaan filayaa inuu rumaysan waayay inaan ogolaaday ka dib markuu ku dhawaaday quusasho, waxaana ka dareemay inuu farax la kala batay, wuxuu igu qanciyay inuu yahay qof ilaah ka baqaya wax dhibana haba yaraatee aysan xaggiisa iga soo gaarayn uuna ii noqon doono gidaar oo kale intaan wada joogno wax dhib ahna aanan arki doonin wuuna ogolaaday shardigii wuxuuna ku dhaartay inaysan arrintu aragti kaliya dhaafin. Waana yeelay.

Waa ballannay asoo shaydaan sadex nagu yahay suuqyada waawayn mid ka mida dukaan kaas saacadaas daqiiqadaas. Wuu i arkay anna waan arkay "Shallaytadaydeen ma arkeenaa"!!!!!!!!!!!! wuxuu ahaa quruxloow aad u quruxbadan jirkiisa iyo dheerarkiisa dhan walba oo jirkiisa ahna waa i cajabisay muddu daqiiqad ka yar daqiiqadaas aan arkay waxaan dareemay inaanan arag ninka qurux badan intaan noolaa, ninkaygu ma foolxumayn mana gaabnayn manab buurnayn laakiin daqiiqadaas waxaan dareemay inaanan horay u arag nin ka qurux badan. Asna xaggiisa ma rumaysan inuu la sheekaysan jiray gabar sidayda u eg, wuxuuna ii cadeeyay inuu aragtidayda ku farxay quruxdaydana uuna rumaysan waayay inuu gabar saas u qurxoon mudadaas la sheekaysanayay, wuxuuna ii jeclaaday sidii wax waalan, wuxuu bilaabay inuu i yaraahdo waan is dilayaa haddaan ku waayo wuxuu kaloo oran jiray shallaydee waligay kuma arkeenaa wuxaan dareemay naagnimo waxaan bilaabay inaan qurux aanan horay isugu tuhmi jirin inaan isku tuhmo xattaa guurkayga ka hor.

Ma uusan ogayn in la i qabo ninkaygana uu ilaah caruur iga siiyay, wada sheekaysigeennii intaan is aragnay ka dib aad ayuu isu badalay wuxuuna ahaa mid wada sheekaysi jacayl, wuxuuna ogaaday meelaha aan ka nuglahay iyo daciifnimadayda shaydaanna waa caawinayay laga yaabee inuu hogaanka u hayay. Wuxuu doonay inuu i arko aad ayaan taas u diidanaa mar walbana waxaan xasuusinayay ballantuu qaaday, balse naftaydaa aad ayaan oga dareemayay inaan jeclahay inaan arko, laakiin suura gal iima ahayn inaan arko ninkayguna magaalda joogo, aad ayaan isugu sii dheeraanaynay waa walboo barya waxaana mar walba xasuusinayay in la i qabo caruurna leeyahay. Wuxuu igu yiri waxaad tahay Xuurl Caynta aduunka. Codkiisa iyo sheekadiisa ayaa waxay ii noqdeen daraag oo kale i qabanaya haddaan saacado moognaado, waxaaan sawirtay anoo hor jooga labadiisa gacmood ku dhex jira see dareemi lahaa, wuxuu i nacsiiyay ninkayga aan marna arag raaxo dalbaadkayga fulintooda iyo farax galintayda awgeed. Waxaan bilaabay inuu madax xanuun igu dhaco maalin ama laba maalmood haddaan chatRoomka ka waayo waxaan kaloo bilaabay inaaan dareemo masayr haddaan arko asoo dadkale la sheekaysanaya ma garanyo waxa igu dhacay, waxaan noqday tan aadka u doonaysa una xiisaynaysa.

Wuu dareemay inaan ku waashay wuxuuna gartay suu iiga faaiidaysan lahaa wuxuuna falkeeda galay suu maalin kale ii arki lahaa, maalin ma soo maro illaa wuxuu soo celiyaa dalabkiisii ahaa inaan ku arkaan doonayaa annaa aan diidayo anoo xujjo ka dhiganaya waa la i qabaa, asna uu leeyahay ee maxaan samaynaa?? Ma saas baan ku jirnaa illaa aan murugo u dhimanno?? Ma caqli gal baa inaan is jeclaanno aana awoodi kari wayno xattaa inaan isku soo dhawaannoo?? Qasab waa inuu xal jiraa aan ku kulmi karno si aan ugu wada noolaano hal saqafhoostii, wax uusan isku dayin lama arko anna wax walba aan ka diidayo illaa uu soo gaaray inuu ii soo bandhigo guur oon ninkaygana ka dalbado furriin si aan isu guursanno, haddaanan saas samyn inaan is dilo ama waasho ama aan ninkaaga dilo. Run aad ayaan u cabsaday..... laakiin waxbaa xaggiisa ii jiiday ina illowsiinayay ninkayga iyo caruurtaydaba waxaabad moodaa inay fikraddu i cajabisay, mar walbuu ila hadlo waan gariirayay ilkahana isku garaacayay waxaad moodaa in korkayga qabow lagu furay, aad ayaan u wareeray, waxaan dareemay inaan naftaydu ninkayga xabsi ugu jirto Jacaylkaan u hayyayna uu dhammaaday waxaan bilaabay inaan araggiisa iyo suu u egyahay aan naco, waan illaaway naftayda iyo caruurtaydaba waxaan ka shallaayay oo nacay guurkaygii iyo noloshayda waxaan dareemay kalinnimo sidii inaan kali ku ahay.

Markuu ogaaday oo hubsaday jacaylka aan u qabo waynankiisa iyo siduu ii hantay wuxuu ii soo bandhigay inaan mushkilo ninkayga ku furo siina wayneeyo mar walba illaa ii i furo arrinkaan horay ugama soo dhicin laakiin markaan maqlay waxaan dareemay inay tahay albaabka kaliye ee ii furan een oga bixi karo waxaan xabsi ahanta u dareemay " waa la noolaashaha ninkayga". Wuxuu ii ballan qaaday inuu i guursan doono ninkaygu markuu i furo ka dib inuuna farxad iyo nolol tan u wacan ku wada noolaan doono.

Arrinkaas samyntiisu iima fududayn yacni inaan ninkayga ku furu dhibaatooyin ii sababa furriin laakiin jacaylka aan ninkaan u qaaday ayaa igala waynaaday run ahaanna waxaan bilaabay inaan dhibaatooyin samaysto ninkaygana buuq ku furo maalin walba. Ninkaygii arrinkaan waa u adkaysan waayay wuxuuna bilaabay inuu guriga ka maqnaado intuu ka maqnaan jiray in ka badan ilaa uu gaaray inuu guriga u yimaado jiif kaliya xaalkaan ayaan ku jirnay dhowr usbuuc annaa aan mar walba sii abuurayo mushkilado cusub, waqti dheer ayay arrintaan qaadatay ninkaygiina waa u sammray dhibtaydii, ninkaan khiyaamada isla wadnayna waa i daahsaday wuxuuna iga dalbaday inaan is aragno sababtoo ah waxaa laga yaabaa inuusan ku furin si dagdag ah waa inaan is aragnaa haddii kale ?????. waan ka aqalay ka noqnoqosho la’aan waxaabad moodaa inuu ibliis dabada iga wado go’aamadana ii goynayo waxaana ka dalbaday inuu muddo ii sugo intaan jaanis ka helayo.

MAOGTAHAY

Ma ogtahay in ay jiraan barnaamijyo aad gashan kartid computerkaaga oo aad markaas ku ogaan kartid wax kasta oo computerka lagu qoro iyo website kasta oo lagu booqday, waa muhiim in aad barnaamijyadaas raadsatid si aad qoyskaaga ugu ilaalisid halista ka dhalan karta Internetka....

Maalinkii Arbacada kuna aadanaa 21/01/1421 H. Ayaa ninkaygii i yiri safar shaqo oo shan bari qaadanaya ayaan u baxayaa, farxad ayaa i qaaday waxaana dareemay tanu inay tahay waqtigii aan sugayay. Ninkaygu wuxuu doonay inuu ii diro reerahayga si intuu maqanyahay aan xagga u sii joogo una soo istareexo. Laakiin waan ka diiday boqolaal cudur daarna waan keensaday inaanan bixi karin. Wuu ogolaaday asoo aad u dhibsanaya safarkii ayuuna u baxay maalitii jimcaha ahayd. Maalitii axadda ayaan wada hadalnay waxaana u sheegay inaan diyaar u ahay is araggii waan ogaa waxaan samanayo inay qatar ahaayeen khalad waynna ahaayeen laakiin waxaan iraadadayda iyo awoodayda waa ka sarreeyeen ilaa aan gaaray inaanan wax cabsiyaba dareemin. Waan isla baxnay haa run ahaan waan isla baxnay NAFTAYDA AYAAN IIBSHAY waan raacay anoo isugu sheekaynaya aad ninka si wacan u soo baratid. Waxaan ku ballanay suuqyada midkood ballantii ayuuna ku yimid waxaana fuulay gaarigiisa waan soconnay annagoo magaalada jidadkeeda war wareegayna. Waxba ma dareemin inkastoo xoogaa cabsiya igu jirtay balse waxay ahayd markii ugu horraysay oon la baxo nin aan waxba ii ahayn waxa kaliyoo naga dhexeeya ay tahay sheeko 7 bilood oo kaliya socotay oo ahayd chat roomka iyo halkulan oo ahaa daqiiqad in ka yar, waxaa ka muuqday walwal kan iga muuqda kan ka badan oon ka dareemi karay hadalkiisa.

Waxaan ku bilaabay hadalkii.

Ma doonayo inaan in badan ka maqnaado guriga waxaan ka baqayaa inuu ninkayga soo waco ama wax kale dhacaan.Wuxuuiigu jawaabay

Waayo oga fakaraysaa ha soo wacee iska daa inuu ku furood ka istreexdid ayaa laga yaabaaye.

Uma bogin sheekadiisa iyo erayaduu isticmaalayo, walwalkii i hayyay ayaa igu sii siyaaday.

Waxaan ku iri waa inaadan aad u fogaan ma doonayo inaan guriga in badan ka maqnaado.

Wuxuu iigu jawaabay

Xoogaa waan soo daahaynaa maxaa yeelay marna si fudud kugu sii dayn mayo waxaa kaliya oon doonayaa inaan xoogaa waqtiya adiga kula qaato ishana kaa buuxsado waxa laga yaabaa inaadan mardanbe ii ogolaan inaan dib kuu arko.

Saas ayay sheekadaydii ku bilaabatay inkastoo walwalkaygu uu sii badanayay saasoo tahay naftaydu waxay sii jeclaysanaysay marwalba inaan la sii joogo. Sheekadeennii waxay bilowday inay u waajahsato xagga romansiga Jacayl, ma garanayo inta saac oon isla joognay xattaa ma dareemin jidka aan hayno iyo meeshaan u soconno toona. Waxaan ku baraarugay anoo jooga meel aanan garanayn, mugdi ah una eg beer lagu nasto, waxaan bilaabay inaan ku qayliyo waa maxay meeshaan aan joogno?! Xaggeena ii wadaa??.. sakanno guduhood waa gaarigii oo istaagay iyo nin kale oo albaabka gaariga furaya iigana soo bixinaya gaariga si xoog ah.......waxaad moodaa wax walba inay sidii biriq u dhacayaa yacni dhaqsaha ........... waan qayliyay ........ waana ooyay.......bal inaan wax i caawiya arko ......... waxaan gaaray inaanan maqlin waxay sheegayaan aanan fahminna, waxaan dareemay dharbaaxo wajiga la iiga dhuftay iyo qaylo la igu qaylinayo iyo ruxruxid la i ruxruxay illaa miyirkii iga tagay cabsida i haysay waynankeeda awgeed. Ma garanayo waxay igu sameeyeen iyo waxay ahaayeen iyo intay ahaayeen toona, laba ka mid ah ayaa uun arkay, wax walba sidii biriq ayay igu dhaafayeen waxaan ku baraarugay oo ku miyirsaday anoo dhabardhabar u jiiffa dharka intii badnaydna la iga siibay jiifana qol faaruq ah dharkaygiina la jeexjeexay waxaan bilaabay inaan qayliyo oon ooyo korkaygoo dhanna wuu wada wasakhaysnaa waxaana filayaa inaan isku kaadshay sakanno ka dib waaba asagii oo soo galay qoslayana.

Waxaan ku iri..........ilaahaybaan idinku dhaarshaye iska kay sii daaya inaan gurigaygii ku noqdaan doonayaaye.

Wuxuu i yiri gurigaaga waad ku noqondoontaa laakiin waxaad iga ballan qaadaa inaadan qofna u sheegin haddii kale fadeexad ayay ku noqon ehelkaaga, haddaad i sheegto ama dacwo igu soo oogtana waxaan ka aargoosn caruurtaada.

Waxaan ku iri waxaan doonayaa inaan gurigaygii aado oo kaliya qofna u sheegi maayo.

Waxaa iga tanbata cabsidii waxaan dareemayay jirkayga oo gariiraya mana joojin oohin intaas uun baan ka xasuustaa wixii dhacay wax kalana ma xasuusto waxaa kaliya oon xasuustaa meeshii markuu iga soo qaaday ilaa uu guriga i keenay waxaa u dhaxaysay 4 saacadood indhuhuu iga xiray gaariga ayuuna i soo saaray wuxuuna igu tuuray meel u dhow gurigayga. Qofna ima arag anoo saas ah "qaawan" gurigaan si dagdag ah u galay, waxaana ku laabtay oohintaydii ilaa ay ilmadii iga dhammaatay ka dib ayaa waxaa ogaaday inay i kufsadeen dhiigna iga da’ayay waan rumaysan kari waayay waxa igu dhacay iyo waxaan naftayda gacmahayga ugu soo jiiday, waxaan maxbuus ku noqday qolkayga ma arag caruurtaydii mana cunteynin afkayga kama dagin waxba alla hoogayeey Jaxiimaan lugahayga ku raadsaday, saan ka dib muxuu xaalkaygu noqon doonaa naftaydaan nacay waxaana isku dayay inaan is dilo naftana iska qaado waxan ka baqayaa fadeexad iyo ninkaygu wuxuu i oran doono ha i waydiin caruurtay waxaan gaaray inaan garan joogitankoodana aan dareemin iyo waxa igu hareeraysan oo dhan xattaa markuu ninkaygii safarka ka soo noqday wuxuu dareemay is badalka wayn ee igu dhacay xaalkaygii aad ayuu u sii xumaaday illaa uu gaaray inuu isbitaal xoog igu geeyo.

Laakiin nasiib wanaag dhakhtarradiii ma ogaan wax igu dhacy waxey uun igu arkeen cunto xumo iyo dhiig la’aan. Waxaan ninkayga ka dalbaday inuu ehelkayga ii qaado sida ugu dagdagga badan aan ayaan u ooyay ehelkayguse aysan waxba ka ogayn waxa iga oohinaya, waxayse iska dhaadhiciyeen in aniga iyo ninkayga mushkilo na dhex taal, waxaa i soo gaartay inuu aabahay la hadlay ninkayga balse wax natiijo ah aysan oga soo bixin sababtooo ah ninkaygu xattaa waxba ma ogayn. Qof garanyo lama arko waxa igu dhacay oo ehelkayga ka mid ah ehelkayga waxay ii geeyeen nin quraan igu aqriya ayagoo u haysta in il ama jinn igu dhacay. Xaq uma lihi inaan ninkayga la sii noolaado, waxaana ka dalbaday furitaan markii hore anaa isla rabay furitaanka laakiin hadda asaan doonayaa inuu iga istareexo si uu gabar dhawrsan u guursado iyo anoo ixtiraamayaa caruurtayda aabahood. Xaq uma lihi inaan ku dhex noolaado dadka sharafta leh. Waxa igu dhacayoo dhan waa waxan labadayda gacmood ku sameeyo. Anigaa gacmahayga ku qotay qabrigayga. Saaxiibka chatroomkuna waxaa uun ahaa wiil ugaaranaya anna dabinkaan ugu dhacay. Qof walba oo sheekadayda ogaada wuxuu igu sifayn doonaa nacas ama caqli laawad waxaas iyo wax ka wayn ayaan xaqsadaa bal rajmi in dhagax la igu dilaan xaqsadaa........ saasooy tahay waxaan tamanninayaa inaysan ku dhicin gabar muslimad ah waxa igu dhacay.

Waxaan rajaynayaa inuu ninkaygu iska kay cafiyo ceebtaan aan u soo jiiday xaq uma laha caruurtaydana waxaan ka rajaynayaa sidoo kale inay iska kay cafiyaan anaa sabab u ahaa sabab u ahaa sabab u ahaa sabab u ahaa ..........

Ilaahna waxaan waydiisan danbi dhaaf.

Miyaanan la gaarin waqtigay waantoomi lahaayeen gabdhaha ku waalan chatroom ka ilaahyna ka baqi lahaayeen. Khaladku ma aha internetka laakiin annaga weeye waxa sida xun u isticmaalaya khayrka ka tagaya xumaantana raadsanaya faaiidadiisu way wayntahay annaguna xumaantaan ka doonaynaa.

TALOOYIN!

COMPUTERKAAGU MA KU XIRAN YAHAY INTERNETKA ... AKHRI HALKAN

Waxaa haray inaan iraahdo............waa dhimatay saaxiibday usbuucyo ka dib ayey dhimatay sirteediina waa la dhimatay ninkeedii oon ogaan ayayna dhimatay,aniga oo kaliya ayey ii sheegtay anna inaad ku cibra qaadataan awgeed ayaan idiinku soo wariyay. ninkeediina ma furin waxaana ogaaday inuu aad oga murgay iyo inuu ka tagay shaqadiisii, uuna fariistay guriga si uu u koriyo caruurtiisa.

Intaa ka dib waxaan dareemay inaysan noloshani ahmiyad saas u sii wayn lahan dhadhanna waligeed yeelanayn illaa daacada ilaahay iyo rasuulkiisa mooyee.

Ilaahay ha u naxariisto danbi dhaafna ilaah u waydiiya, Islamka aloow qofkaaas la dulmiyey walasheena ah.


Engr:- Mohamed Abdinur Ahmed
Bachelor of Sceince in Software Engineering
Mob: +923004541913
Email:
mohamed_taqii@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 28, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Carruurtaada Ma uga Sheekaysay Qisadii Gabadhii Yarayd waxa ka Qabsaday Internetka

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD