SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
IIMAAM - MUSLIM

Asalaamu Calaykum wr wb.

Taariikh-dii Imaamul Muslim (Raximahu laah)

Waxa si rasmi ah loo bilaabay diiwaan gelinta xadiisyada Rasuulka (CSW) wakhtigii khilaafada Cumar Binu C/casiis isagoo ku tala bixiyay in la qoro xadiisyada rasuulka (CSW), waxa uu fariimo u diray magaalooyinkii kala fogfogaa ee islaamka, culumadana waxa uu amar ku siiyay in ay aruuriyaan xadiisyadii rasuulka (CSW) oo ay diiwaan geliyaan, waxana jiray qoraalo ay sameeyeen reer madiina. Cumar Binu C/casiis waxa uu yidhi “waxa aan ka baqayaa duruusta cilmiga in ay ehelkoogu dabar go’aan”, laga bilaabo wakhtigaa culumadii islaamku waxa ay bilaabeen in ay aad ugu hamiyaan una samraan uruurinta axaadiista rasuulka (CSW) oo ay ku diiwaan geliyaan kutub, may ahayn mihiimad sahlan iyo masuuliyad fudud, culumadaa u hawlgashay in ay xadiisyada rasuulka (CSW) soo aruuriyaan waxa ay galeen hawl ka daran tii soo aruurinta quraanka ee wakhtigii Abu bakar (RC) waayo quraanka waxa wada xafidsanaa asxaabta Rasuulka (CSW) waana ay adagtahay in quraanka wax lagu khaldo laakiin sunaha rasuulka (CSW) waxa laga soo aruuriyay dhul kala fog fog lamana garanayo tirada axadiista rasuulka (CSW), beenalayaashuna waxa ay dhex gelinayeen axadiista rasuulka wax aan ahayn hadalkiisii sidaa darteed waxa loo baahday in la helo manaahij iyo garasho xeel dheer oo lagu kala cadaynayo xadiiska rasuulka (CSW) iyo wixii aan ahayn, sidaa ayayna ku hawl galeen culumadii waaweynayn ee soo aruuriyey axaadiista rasuulka (CSW).

Intii lagu jiray qarnigii labaa ee Hijriyada ayay bilaamatay diiwaan gelinta axaadiistii rasuulku (CSW), ninkii ugu horeyey ee xadiiska Maka ku aruuriyey waxa uu ahaa Jureex Al Basri oo dhintay 150H iyo Maxamed Binu Isaxaq oo 151H ku dhintay Madiina, Macmar Binu Raashid oo isna ku dhintay Yaman 153H, Saciid Binu Abi Caruuba oo isna ku dhintay Basra, Layth Binu sacad oo isna ku dhintay Masar 175H, Maalik Binu Anis oo isna ku dhintay Madiina 179H, dhamaantood illaahay ha u naxariistee.

Waxa ugu weynaa mu-alalifaatka ay dejiyeen culumadaasi xadiiska rasuulka (CSW) iyo fatwooyinkii asxaabta iyo taabiciinta sida ku cad kitaabka Al Muwada ee uu dejiyey iimaam maalik , waxana uu ka kooban yahay ilaa 3000 oo masalo iyo 700 oo xadiis, kitaabka markii la qorayay ragbaa taagnida ugu yeedhiyay iyagoo xafidsanaa xadiisyada iyo ma-alafaad khaas oo kale waxana soo baxday kutubtii Musnadka ee lagu soo aruuriyey xadiisyada, xadiiskastana waxa lagu hoos qoray magaca asxaabigii soo weriyey waxana lagu celiyey musnadka axmed binu xamar oo ah kitaabka ugu caansan uguna waafisan diwaanada sunaha.

Hadaba markii la soo gaadhay qarniga saddexaad ee hijriyada waxa bilaamay dhaqdhaqaaq firfircoon oo lagu aruurinayo xadiisyada, is barbar dhigna lagu samaynayo daciifnimada iyo saxeexa xadiiska iyo aqoonta ragii xadiiska iyo derajada ay ka gaadheen alle ka cabsiga iyo toosnaanta.

Waxa markaa soo baxay kutub xadiisyada saxeexa ah lagu soo aruuriyey, ninkii ugu horeeyey ee qora kutub xadiis ah oo saxeex ah waxa uu ahaa Iimamul Bukhaari waxana ku xigay imaamul muslim oo raaciyay kitaabka saxeexul muslim waana kuu ku saabsan yahay mawduucan aynu ka hadlayno.

Dhalashadii iyo Barbaarintii Imamul Muslim (Raximahu Laah)

Muslim binu Xujaaj waxa uu ku dhashay magalada niysaabur (Naisabur) Sanadku markuu ahaa 206H, magaaladaas oo ahayd magaalo qani ah cilmiga iyo aqoonta xadiiska sida ay isku raacsan yihiin culumada taariikhda, waxa uu ku soo barbaray qoys fiican waxana lagu edbiyay guri uu leeyahay nin caalim ah, aabihii waxa uu akhriyi jiray xalqado cilmi ah sidaa darteed ayuu aabihii ku tarbiyadeyay wax barashada, waxna uu korey isaga oo aad u jecel cilmiga, isagoo sagaal jir ah waxa uu wax ka dhigan jiray culimadii Naysaabur, caalimkii ugu horeeyey ee wax u dhigaana waxa uu ahaa Yaxye Binu Bakar.

Waxa ay xusaan kutubta taariikhdu in uu ahaa nin ganacsada ah oo mulkiyey hanti, waana uu ka tagay hawshii ganacsiga ahayd si uu wakhti ugu helo barashada cilmiga, waxa uu galay socdaalo faro badan oo uu ku raadsanayo culumadii faro badnayd ee ku baahsanayd calamka islaamka ee balaadhan, waxa uu bilaabay socdaal kiisu ugu horeyey ee cilmiga waxana uu tagay Xijaas, isagoo da-diisu ayna gaadhin 14 ayuu soo gutay xajka, waxana uu la kulmay culumadii xadiiska iyo sheekhyo waaweyn intii uu joogay Xijaas, waxa uu wax ka baranjiray Ismacil Binu uways iyo Saciid Binu Masuur, intaa ka dibna waxa uu tagay Basra, Kuufa, Raay, Shaam iyo meelo kale, mudadii uu ku jiray safaradan waxa uu la kulmay xaafidiin waaweyn iyo muxadisiin gaadhaya ilaa boqol, waxana ka mid ahaa Imaamul Bukhaari muda ayuuna la joogay waxana uu gaadhay jacalkiisu heer uu ku yidhaado “Kaalay aan lugaha aan ku qabsado macalinkii macalimiintow, sayidkii muxadisiintow, dhakhtarkii xadiiska ka saarayay cilladow”.

Waxa ka mid ahaa mucalimiintii wax baray Maxamed Binu Yaxya oo ahaa imaamkii ehlu xadiiska ee kharasan iyo xaafidkii daarami oo ka mid ah kuwii xafidsanaa axadiista, C/laahi binu Muslama iyo Abu Sarcata Al raasi oo ahaa muxadis deganaa magalada Raay.

Heerka uu ka gaadhay aqoonta

Dadaalkasta oo uu u galay cilmiga waxa uu helay midhihiisi, illaahay (SW) ayaa u barakeyey wakhtigiisi waxana uu helay cilmi aanay isku keenin kuwii la mid ka ahaa, illaahay waxa uu ku arsaaqay xusuus aan kala go lahayn iyo caqli degan iyo fahan xeel dheer, taas ayaana ku keentay in ay soo jiidato culimada.

Waxa ay culimadu ku amaani jireen isaga oo yar in uu iska celin jiray waxa la siiyo waxana uu uga waramay macalinkiisi Isaxaq in uu arkay daabad iyo ninkii ilaalinayay waxa uu ku yidhi ninkii waar yaa leh daabadan ka dibna waxa uu ku noqday sheekhiisi Maxamed Bishaar waxa uu ku yidhi xaafidiinta aduunyadu waa afar Abu Sarca al raasi oo magaalada Ray ku sugan iyo Imaamul muslim oo Masabur ku sugan, C/laahi Daarami oo Samra qandi ku sugan, Maxamed Binu Ismacil oo reer bukhaari ah.

Imaamul muslim (raximahu Laah) waxa aad u amaanay culumada ehlu xadiiska waxa uu yidhi Qaadi Cayaad oo ka mid ahaa imaamyadii islaamka iyo xaafidiintii xadiiska iyo musanifiinta kuwii ugu qanisanaa sida uu u amaanay umay amaanin kuwa danbe iyo kuwa horeba, culumadu waxa ay isku raaceen imaam-nimadiisi iyo horu markiisa saxsanaanta xadiisyadiisa iyo is barbardhigiisa, kalsoonidiisa iyo aqbalaada xadiisyadiisa.

Waxyaaba uu alifay

Imaamul Muslim (Raximahu Laah) waxa uu ka mid ahaa culumada ugu tahliifka badan xadiiska faniyadiisa kala duwan iyo warintiisaba, waxa naga soo gaadhayna waxa ka mid ah tiro aan yareen oo ka markhaati ah heerka uu ka gaadhay xadiiska oo yar yihiinba wax ka gaadhay marka loo eego dadka u adeega sunaha iyo kuwa lagu arsaaqay balaadhnida cilmiga oo ku fiday, waxa ka mid ah mu-alifaadyadiisa Alkunya wal asmaa, Dabaqaad Taabicin, Rijaalu Curwa Binu Sumer, Mu faridaatu Wujdaan, waxa kaloo uu leeyahay kutub kale oo laba helaynba wax ka mid ah Awlaadul asxaaba, Ikhwatu wal akhwaat, Aqraan, Aw haam muxadisin, Dikri awlaadul xuseyn, Mashaayikhul Maalik , Mashaayikhul Thawri iyo Mashaayikhul Shucba.

Saxeexul Muslim

Waxa baahiyay magaciisa oo caan ka dhigay kitaabka weyn ee saxeexul mulsim, culumadu aqoon umay laheen heerka garashada imaamul muslim uu u leeyahay cilmiga xadiiska ilaa inta uu dhamaynayay kitaabka, kitaabka ayaa lagu bartay caana uu ku noqday.

Waxa uu yidhi Imaamul Nawawi hordhaca sharixiisa saxeexul muslimka (waxa ka soo hadhay xusuus qurux badan iyo amaan wanaagsan ilaa qiyaamaha) waxa uu bilaabay alifaada kitaabka mudo hore isagoo jooga naysabuur markii uu soo dawaafay dhulal badan, culimo badana la kulmay, waxna ka soo bartay, cimrigiisu waxa uu ahaa markii uu bilaabay hawshan barakaysan ee kitaabka qoristiisa 27 jir, qorida kitaabkuna waxa ay ku qaadatay 15 sano, waxana uu isku keenay imaamul muslim xadiisyo uu qoray oo gaadhaya 3033 oo uu ka maqlay culimadiisa intii uu ku jiray socdaalka waxana uu ka soo qaatay 3033 xadiis oo ku soo noqnoqonayn kitaabka halka inta ku soo noqnoqonaysaana ay tahay 7395 xadiis marka laga soo bilaabo 10 kan xadiis uu ku sheegay hordhaca kitaabka, axaadistani waa kuwa u dejiyay tartiibta wanaagsan si ay ugu sahlanaato cidii baranaysa, waxana uu u dejiyay qaybo, kitaab kastana waxa uu ka kooban yahay intaas oo qaybood, kutubtiisa saxeexa ah ee nambarsana waxa ay gaadhaan 54 kitaab oo ka bilaabma kitaabul Imaan oo ay ku hoos jiraan qaybta ah Diintu waa naseexo iyo qaybaha nifaaqa, Xaaranimada kibirka, waxana uu akhriyey kitaabka imaamka iyo ka daharamada, kitaabka xaydka, kitaabka salaada, waxa uu ku dhamaada saxaaxul muslim kitaabka tafsiirka oo ah kitaabka 54-naad.

Muslim waxa u laasimay in uu xadiiskasta uu geliyo mawduuc kaliya isagoo ku soo koobay dariiqooyinkii loo doortay xaga sanadka iyo laftiga kala gedisnaantooda si ay ugu sahlanaato daalacashada ardayga ee wajiga xadiiska ee ah sanadkiisa iyo qoraalkiisa iyo kala gaxaynta, umaduna waxa ay isku raacday qubuulka kitaabka saxeexul muslimka waxana la barbar dhigay saxeexul bukhaari, waxana la tiriyay inta xadiis ee saxeex ah ee ku jirta, waxana culumadu is barbar dhigeen labadoodaba, badhkood waxa ay door bideen imaamul muslim, laakiin sida ku cad daliilka muxaqiqiinta ahlu cilmiga ah saxeexul bukhaariga ayaa ka afdalsan xaga saxnimada xadiiska, saxeexul muslimkuna waxa uu kaga fadli badan yahay xaga sahlanaanta axaadiis ku kulmo mawduuc kaliya oo aanay qoybo kala jarayn sida uu yeelay bukhaari, culimadu aad ayay uga shaqeeyen ugana adeegeen saxeexul mulsimka, waxa la sameyeyna toban sharax waxana ka mid ah Ikmaalu Al macalin bi fawaa’id muslim oo uu qoray Qaadi cayaad, Minhaaj waxa qoray Nawawi, Ikmaalu macalin waxa qoray Maxamed Binu Khaliifa, sadexdan sharaxba wey daabacan yihiin weyna diiwaan gashan yihiin.

Itijaahan saxeexul muslim culimo badan ayaa wax ka qoray oo ay ka mid yihiin Ibnu Manjawi Al Asbahaani, waxa kale oo culimadu ka sameeyeen kitabo koobkooban (Mukhtasir ah ) sida ka Qurdibi, Culimada badhkood waxa ay meel isku geeyeen labada saxeex (Bukhaari iyo muslim) Sida ka Jawsaqi, waxa kale oo qoray muslim waxa u ka waafaqay Bukhaari waxana qoray Shanqiidi, waxa isaguna jira lulu wal marjaan oo ka kooban waxa ay isku waafaqeen labada sheikh waxa qoray Maxamed Fu’aad.

Waxa la daabacay saxeexul muslimka dhowjeer oo kali kali ah iyo isaga oo sharixiisu la socdaba waxana ugu wanaagsan ka uu xaqiijiyay Maxamed Fu’aad Cabdi baaqi waxana uu u sameeyey xadiisyada nambaro iyo tusmooyin kala saaraya.

Dhimashadii

Imaamul muslim binu xujaaj intii uu joogay Naysabuur waxa uu qaban jiray xalqado cilmi ah oo ay wax ka bartaan ardayda iyo dadka jecel dhageysiga xadiisyada rasuulka (CSW) waxana ugu caansanaa ardaydiisi uu ka tagay Abu Ciisa Tarmiidi, Yaxya Binu Saacid, Ibnu Khusayma, Abu bokor Maxamed Binu nadir iyo kuwa kale oo badan.

Wakhtigiisi oo dhan waxa uu ku mashquulsanaa alifaada iyo tasniifta kutubta ilaa habeenkii uu geeriyooday waxa uu ku mashquulsanaa xaqiijinta masalo cilmi ah oo lagu weydiiyay majliskii uu casharada ka akhriyi jiray waxana uu u soo toosay si uu u baadho masaladan laakiin waxa uu la kulmay rabigii intaanu waagu baryin 25 Rajab 261-kii oo la mid ah 6 may 875M isagoo dadiisu ah tahay 55 jir waxana lagu aasay maalin isniin ah Qubuuraha Nasrabaad ee Naysabuur.

Wabilaahi Tawfiiq

Waxa wada jir u diyaariyey

Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
C/fataax Xasan Aadan
cabdifataax_96@hotmail.com

Taariikhdii Imaamul Bukhaari

Feein: SomaliTalk.com | Feb 28, 2004

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]