SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 27, 2004 

“Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Ciyaal Malaaciinka Internetka
Qore:
DAWO  HASSAN
Malaha Aabbe kool kooliya mana arki karaan ilma  la kool koolinayo Guji...

Waxaa kunoolaa magaalada Baqdad,caasimada Ciraq, nin kawaanle ah.Wuxuu toosi jirey aroor hore si'uu usoo qalo xoolaha;kadibna wuxuu kusoo noqon jirey gurigiisa.Marka ay qoraxda soo baxdo ayuu dib ufurijey (kawaanka) si’uu u iibiyo hilibka.

Habeyn habeenada kamid ah ayaa marka uu soo qalay xoolihii, kusoo laabtey gurigiisa ayadoo goor mugdi tahey. Dharkiisa waxaa kabuuxay dhiiga xoolaha uu soo qaley.

Markii uu kasoo laabtey howshii qalista xoolaha oo uu maraya meel mugdi ah ayuu maqley qaylo! Haddii uu ku ordayba, wuxuu uyimid nin latooriyeeyey oo dhiig kasocdo, oo waliba ay surantahey madidii!

Intuu mididii kasiibay ayuu qaaday si’uu ula gaaro dhakhtarka, nasiib darase ninkii waa naf baxay.

Dadkii baa kusoo aruurey goobtii meydka yaaley.Markii la arkey midida gacantiisa kujirta,dhiiga korkiisa iyo ninkii oo dhintay ayaa lagu tuhmey inuu isaga diley. Inta laqabtay ayaa lagu xukumay toogasho!

Markii lakeeney meeshii lagu tooganlahaa oo uu ogaadey inaay maanta tahey tii ugu danbeysa ayuu yiri: “Warhoy dadow,wallahi aniga madilin ninkan haseyeshe waxaan diley nafkale!” Kadibna wuxuu yiri:

“Mudo iminka laga jooga 20, waxaan ahaa nin dhalinyaro ah. Waxaan kashaqeyn jirey doon yar oo aan dadka kugudbin jirey wabiga.

Maalin ayaa waxaa ii yimid gabar aad uquruxbadan oo kadhalatey reer hodan ah iyo hooyadeed; waxaan uqaadey dhankale ee wabiga. Hadana maalintii kale ayey ii yimadeen,waan gudbiyey.. waxaay xaaladu sidaas ahaataba, waxaan bilaabey inaan gabadhii jeclaado, sidoo kale ayadiina waay ijeclaatey. Waxaan kadoonay aabaheed laakinse wuu ii diidey inuu ii guuriyo. Khalaas, waan kala go’aney oo dib dambe uma arag gabadhii iyo hooyadeed midna.

Qalbigayga waan kagoonwaayey gabadhii. Labo ama sedex sano kadib, maalin anigoo fadhiyo doonta dhexdeeda oo sugaya dad aan qaado, ayaa waxaa ii yimid naag wadato ilmo yar; waxaayna iga codsatey inaan dhankale uqaado. Markii ay soo fuushey doonta oo aan mareyno bartamaha wabiga ayaan sifiican ufiiriyey mise waa gabartii uu aabaheed ii diiday!

Aad ayaan ugu farxay lakulankeeda! Waxaan bilaabey inaan dib uxasuusiyo waayo waayo iyo wixii nadhexyeeley ee jaceyl ahaa! Haseyeshe, waxaay iila hadashey si asluub iyo edeb kujirta! Waxaay ii sheegtey in laguursadey oo kana yahey wiilkeeda. Sheydan ayaa ii qurxiyey inaan kudhaco!

Xageeda ayaan kusoo dhawaadey,markaas ayey afmugiis(aflibaax) dhawaaqday! Waxaay igu dhaarisay Allah hase ahaate dhag umadhigin!

Haddii ay i’ehbisay oo aan ka istaagiwayey, ayey bilowday inaay isdifaacdo! Cunigii ayaa qayli afka furtay!

Marka aan arkey inaan waxba kaqaadikarin ayaan cunigii soo qabtey anigoo udhaweeyey biyaha; waxaana ku iri: “Haddii aad isu key dhiibi weydid biyaha ayaan kuridaya cunugan” Afka ayey oohin furatey ayadoo ibaryeysa! Laakinse dheg jalaq uma siin.

Inta aan lugaha qabtey cunigii ayaan biyaha madaxa ugaliya, marka uu geeri kudhawadana waan kasoo saara! Hooyadiisna halkan ayey isoo fiirinaysa ayadoo oohin iyo baryo isku darayso.

Waxaas aan kusameynayo wiilkeeda, hadana waay diiday inaay yeesho waxa aan kadoonayo. Si’aan ugu qasbo waxa aan rabo ayaan ilmihii biyaha sifiican utiimbiyey.

Cunugii sidii uu lugaha iyo gacmaha udhaq-dhaqaajinayey ayuu kudhintay! Biyaha ayaan kutuurey meydkiisa!

Ayadii ayaan kusoo jeestey;waay iska keycelisay inta awoodeeda ah. Oohin darteed ayey latabardhigtey oo awood mahayso. Inta aan timaha qabtey ayaan udhaweeyey biyaha. Biyaha ayaan quusiya oo aan kasoo saara bal inaay naf ubaqdo oo ay iyeesho laakinse waay iska soo keytaagtey.

Markii aan kudaaley oo aan arkey inaan waxba kaqaadeyn ayaan kusii daayey biyaha ilaa ay nafbaxday! Meydkeediina waxaan kutuurey biyaha.

Kadibna waan soo laabtey. Cidi ima ogeyn aan ka aheyn Allah. Waa tana maanta layga gudaya wixii aan gaystey 20 sano kahor!”

Subxanallahi, Allahi ukaadiya ee aan hilmaamin. “Ha umaleynin inuu Allah moogyahey waxa ay daalimiinta sameynayaan…” Qur’an.

Dadkii ayaa ooyey markii ay qisadiisa maqleen, kadibna madaxa ayaa lagagooyey.

Isha warkan:Cadaalatul Assamaa’i.

By:Khadab.

Turjumid Adam, Abuzuhri Alhassani.

Salaamulahi aleykum?

Al-Hassani

abuzuhri1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2004

. Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna   [Qabtii 2aad]
. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD