SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 Aflaanta anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA.

Cabdi Xasan Cali | Somalitalk.com |Muqdisho
Email: abdi172@hotmail.com  | Jan 10, 2004

Horaantii Bishii ina soo dhaaftay ee Disembar warbixin ay soo saareen Hay,adaha Caafimaadku waxay sheegeen in dalka Soomaaliya uu si xowliya u socda kororka dadka qaba Viruska loo yaqaan HIV,kaasoo dhaliya cudurka dilaaga ah ee AIDS,Muddo aan ka badnayn dhowr sano Soomaaliya waxaa lagu tirin jiray dalalka aan laga helin cudurkaas amase ay naadir tahay in la arko qof qaba Viruskaas.

Haddaba waxaa su,aal madoonta ah waxaa usabab ah in si degdega uu u asiibo dalka Soomaaliya cudurkaas Dadka baabi'iya ayadoo ummadani u dheerayd aafooyin kale oo uu ugu horeeyo dagaalka aan dhammaadka lahayn ee sokeeye.

Waxaa Somalitalk usuuragashay bal inay wax ka ogaato waxyaalaha sabab u ah kororka xad dhaafka ee Viruska HIV, waxaana maanta ka hadlaynaa Magaalada muqdisho oo runtii warbixinuhu sheegeen meelaha uu cudurkani ugu daran yahay isla markaana laga sameeyay baaritaanka la xirrira Viruskaas walow dhaqaatiirtu ay sheegeen inay dadku wali fahmin sidii ay isaga baari lahaayeen cudurkaas oo inta lahelay badi ay usoo dugaashay cudur kale sida kan qaaxada oo meelaha qaarkood ka shabaha Cudurkaas siduu ii sheegay Dr.Abuukar yare oo mudooyin badan ka shaqaynayay cudurka asiiba sambabada ee TB.

Akhristow sida laga warqabo cudurka Aidska waxaa faafiya ama keena waxaa ugu wayn isugalmoodka iyo fisiqa ay sameeyaan labo qof oo aan sharcigu isubanayn, waana tii la yiri ka hortagu waxuu ka fiican yahay dawaynta, balse arrinta ka jirta magaalada Muqdisho waa mid murugo badan waayo waxaad ku arkaysaa intii aabaha u ahayd faafida cudurkaas amase fisiqa in meel walba oo ka mid magaalada lagu hayo waxyaalaha sahla isugalmoodka xaaraanta ah, waxaa magaalada hareeyay oo dhallintii xerada ka saaray kuwa reero aduunyo ah oo ufurtay Viidiyo lagu daawado aflaanta anshaxa xun ee Jinsiga, waxaad arkaysaa mukhbaarado hoosta laga xirtay oo habeen barkii loo daarayo aflaantaas jinsiga ah kaasoo ay dhalinta soo koraysaa ubadanyihiin daawashadeeda celcelis ahaan dadka udaawasho taaga meelahaas Fisiqa iyo cudurka lagu koriyo waxaan ku qiyaasi lahaa Da,da udhaxaysa 16sano ilaa 33 sano jir,waana meesha banii aadamku ugu firfircoonyahay xagga nashaadka, marka waad qiyaasi kartaa dad isugu jira lab iyo dhedig oo daawaanaya filin jinsiya ah oo markoodii horena ayna celinayn cabsi eebe iyo mid caafimaad aduunyo in halkaas ay ka dhacayso isu sahlid galmood xaaraana halkaasna uu hoy ka helay Faafinta Viruska HIVdu.

MACMACAANKA DHALLINYARADA

Dagaalkii Soomaaliya ka hor, kelmedda macmacaan waxaa lagusoo xusuusan jirey meelaha lagu gado cabitaanka xalaasha ah, laakiin hadda kelmedaas waa mid la isugu af garto ama lagu xusuusto xaaraanta, sida meelaha filimada jinsiga habeenkii goor dambe lagu daawado.

Macmacaanka dhalinyaradu kuma koobna aflaanta jinsiga kaliya balse isna waxaa daba yaal oo fasahaadda qayb wayn ka qaata filimaanta hindiga oo si qaabdaran oo jacbura loo tarjumay kasoo ilmihii da'da waxbarashada joogay si xad dhaaf uduufsaday, aflaanta hindiga malaha waagii hore waa la faafreebi jiray oo kuma aanu arki jirin nin iyo naag si qayru caadiya isugu naban isuna dhukanaya balse dagaalka sokeeya dabadeed waxaa la arkay gad cusub oo ay la yimaadeen filimaanta hindigu oo beentoodii jacaylka waxay ku dareen wax dhiirigalinaya isugalmoodka xaaraanta ah iyo haasaawaha khayaaliga ah, waxaad arkaysaa raxan raxan caruur iyo dumar uwada fiirsanay aflaanta uu turjumo wiilka lagu magacaabo AJAK, waalidiin badanina ay ilmihii isku ilxun yihiin duufsiga aflaantaas hindiga awgiis.

Waxaa kaloo kororka cudurka Aidska qaybwayn ku leh ruugidda Sunta cagaaran ee qaadka, waxaad arkaysaa maalin walba diyaarado caws(QAAD) sida oo noo keena Xamar markay ku noqonayaan Nayrobina naga sii qaada diyaarado doolar ka buuxo, kaaga sii darona isna waxuu noo bilaabaa markii salaadda duhur soo dhowdahay bulxan iyo qaylo la leeyahay SOODHACYEEY, oo waxaad arkaysaa dad isugu jira dhallinyaro iyo waayeel aad moodo xoolo haraadan oo biyo ku qammaamaya, hadalada fisiqa wata oo baaqa qaadku leeyahay waxaa ka mida maanta hebelow adiga ma isku dhuuq baa mise waacaadiyoos, oo macnuhu yahay maanta qaadka ma lammaan baad lacunin oo dhuun cas way ku dhinac joogtaa mise waad ka gambisan oo caadi baad isaga qayilan, halkaas waxaa kaaga muuqata in qaadku uu isna yahay aabayaasha Fisiqa, qaadku waxyaalaha uu caanka ku yahay waxaa ka mid ah inuu suuq uyeelo dumarka ka ganacsada jirkooda, oo waa masiibo dalka lagu ibtileeyay.

Waxaa kaloo faro kulul magaalada ku haya isticmaalka maandooriyaha iyo khamriga oo iyaguna si xad dhaaf ah u harqiyay xaafadaha, waxaa dalka meelo ka mida lagu beeraa xashiishad kaasoo ka mid noqday dalagyada beeraha laga manaafacsado, deedna loo suuq geeyo magaalooyinka kaasoo badi ay isticmaalaan dablayda sidata hubka oo si xun uqabatimay hadday waayaana dad ulaynayaan si ay ufurtaan, maandooriya isticmaalayaashu waxayba kusii dheeryihiin iyagu wax la hasaawa oo la walaaqda xaaraantooda hadday waayaan waxay kufsadaan gabdhaha aan maciinka haysan halkaasoo ay suurtoowda qof aan ubareerin fusuq inay qabadsiiyaan cudurka aanu ka hadlaynu ee AIDS.


Soomaalidii ku geeritey Xeebaha talyaaniga ee lagu aasay Rooma...Oct 24, 2003

Soomaalida lagu laayey qurbaha
 

Waxaa Nasiib darro ah ilaa iyo imminka majiraan wax si rasmi ah isku xilqaamay haday noqon lahayd ficil wax looga qabanayo kuwa ummadda ka iibinaya cudurada, sida kuwa dhiga aflaanta Jinsiga, hadday noqon lahayd wacyigalin lagu baraarujinayo dadka inay ka fogaadaan khatarta ay leeyihiin waxyaalahaas oo waliba kaalintaas ay gabeen culimadu. Waxaase dhawaan arrin lagu diirsaday sameeyay maxkamad cusub oo laga furay dekadda Ceel macaan oo cagta marisay qaqabatayna dumarka jirkooda ka ganacsada, waxay kaloo baab'iyayeen meelihii lagu dhigi jiray aflaanta anshaxa xun, halkaasoo ka mid ahayd meelaha dadku ku badanyahay maadaama ay noqotay dekadda kaliya ee wax uga soo degaan magaalo madaxda iyo gobalada ku dhow iyadoo ay ushaqo tagaan dad aad ufaro badan, waxaase wali la sheegayaa in si suuq madowa oo dhuumaalaysi ah wali loo wato howlahaas balse aad bay u yaraatay tan iyo intii laga sameeyay aagaas maxkamadda islaamiga, taasoo ku dayasho mudan oo looga fadhiyo qaybaha kale ee magaalada iyo guud ahaan dalka oo dhan in laga ciribtiro waxyaalahaas kobcinaya cudrka dilaaga ee AIDS, waa inta goor goor tahay oo ayan soomaaliya noqon sida South Afrika, Bostuwana amase Itoobiyo oo kale oo malaayiin dad ihi ay sanad walba ku dhintaan wadamadaas, iyaga dalalkaas waxaaba laga yaabaa in wax ukala haraan balse soomaali hadii qaarna xabad layso qaarna macaluul iyo shuban qaarna badaha aduunka harqiyaan intii hartayna lagu aafeeyo Aids maxaa ka harin.

Waxaa laga sugin Ummadda inay fiiro gaara uyeeshaan meelaha looga hortagi karo kororka cudurka Aidska sida aflaanta Jinsiga, ruugidda qaadka, maandooriyaasha khamriga iyo fisiqa sii saa'idaya.

Sidee u Aragtaa Xalka Arintan... TALADAADA DHIIBO.. GUJI..

Cabdi Xasan Cali Somalitalk.com/muqdisho
abdi172@hotmail.com

London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji

Faafin: SomaliTalk Jan 10, 2003 

Olole dacwadeed oo ka bilowday Muqdisho... GUJI

»MINNESOTA: 18 Soomaali ah oo Qaba Cudurka AIDS-ka

»Isbadal Waa Lagama Maarmaan  [Shiikh.Jibriil]

»SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA....

 »FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD