December 17, 2003 Isbadal Waa
lagama Maarmaan.
“ ALLE MA BADALO WAXA QOOM KU
SUGAN, ILAA QOOMKU BADALO WAXA NAFTIISA KU SUGAN” Suurada 13- Ayaadda- 11.
Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil
E-mail: jibriil1950@hotmail.com
Waxa nafteena ku sugan waxay noqon-karaan waxa
aan aaminsanahay,waxa aan ku firkirayno, Diin ahaan,Dhaqan ahaan iyo Dhaqaale
ahaan. Si ay isu badasho xaaladda adag ee aan hadda ku suganahay, waa in aan
badalno,waxa aan aaminsanahay iyo sida aan u fikirayno. Waa isku xirantahay,
waana shardi.
Sida Alle ku sheegay Quraanka, ma jiro
isbadal ku imaan kara xaaladda Qoom ku suganyahay—Ilaa Qoomkaasi/ Dadkaasi
badalaan waxa naftooda ku jira. In la badalo waxa nafta ku jira ma ahan wax
sahlan, waa waxa ugu adag ee insaanka taariikhdiisa soomara. Waa wixii Nabi
Muxamed iyo Qaraabadiisii ku-kala dhinteen/ Ku kala tageen.Waa waxa Rususha loo
soo diro oo kutubta loo soo dajiyay,si ay u timaado isbadal ku yimaada Fikirka
iyo Qiimaynta umaddaas.
Dhamaan Rusushii lasoo diray,Dhamaan kutubtii
lasoo dajiyay, waxay dalbayeen isbadal ku dhaca Umadaha. In la hagaajiyo waxa
nafta ku jira si xaalada guud ee umadaasi u hagaagto .
Waa dabeeci in ummaduhu diidaan isbadalka oo
ay ka doortaan dhimasho. In la difaaco oo lagu dhaganaado wixii horay loo
bartay iyo dhaqankii awooweyaasha waa dabeeci .
Haddana, waa daruuri in laga tago caado iyo
dhaqan aan wax tar lahayn,si loo helo nolol dhaanta mida markaas jirta .
Tusaale ahaan, waydii qofka Soomaaliga ah ee
maanta jooga:
“Maxaad
haysataa oo aad ku faraxsantahay noloshaada ”?
Wuxuu ku leyahay waxba , Dowlad la`aan, Amni
la`aan , Dhaqaale la`aan ,Qaxooti, Qax iyo burbur , Diin la`aan , Dulli iyo
gaajo …. Wax weyn oo aan ku faano ma hayno !! . Sidaas ayuu kuugu jawaabayaa.
Waydii su`aal kale “ Diyaar ma u tahay inaad badasho afkaartaada iyo waxa
aad aaminsantahay ?” Jawaabtu waa maya iyo waliba la yaab . Maxaan badalaa
maxaan ka tagaa ! waxaan ahay Muslim Ahlu sunne – wal-jamaacah – Shaafici –
salafi !!.
Maxaan badalaa? waa dabeeci in qofku difaaco
oo ku dhaganaado waxa uu aaminsan yahay . haddana waa lagama maarmaan in lagu
adkeeyo oo lagula dagaalamo in uu ka tago waxa naftiisa ku jira wax-kamid ah si
isbadal loo helo .
Adkaanshaha iyo dhibta arrintaan wuxuu ka
imaanayaa saddex (3) arrimood :
1) Ayada oo ay dabeeci tahay in qofku difaaco
dhaqankiisa iyo caqiidadiisa. Taasi waa arrin lagu abuuray Insaanka .
· Taas waxaan ku daawayn karnaa inaan eegno oo
raacno ayaadahay quraanka ee inoosheega inaan lagu dhaganaan waxa kulaquman ee
aad dhaxashay.
· Tusaale ahaan-
SUURADDA 1 aad AAYADDA –170.
· SUURADDA 43- AYAADDA 22-ILAA 24.
· SUURADDA 26- AYAADDA- 70-ILAA 77.
Arrinta dhaqan diidnimada iyo Caqli iyo Cilmi
raacnimada ee quraanku keenay waa arrin macruuf ah oo qofkasta oo wax-uun aqoon
ah uleh diinta uu garan karo.
Marka haddaad naftaada u diyaariso raacidda
QURAANKA IYO CAQLIGA saliimka ah waxaa kuu fududaanaysa inaad iska iloowdo
hadal haynta iyo diin ka dhigashada waxa aan ku anfacayn oo aan shaqayn Karin.
Waa in aad ogaato inay jiraan wax yaabo badan oo asaagaa kaa reebay oo aad u
haysato in aydiin yihiin runtiina aan Diin ahayn sal iyo raad midnana lahayn.
2) Inta badan qofku waxa uu aaminsanyahay
waxuu u haystaa inuu xaq yahay oo aan xaq kale jirin. Taas laftigeedu waa
fiicantahay.laakiin su,aashu waxaa weeye:
· Waxa aad aaminsantahay ma ku anfaceen oo
asaagaa makaa kormariyeen, mise waa dhalanteed iyo dhaan dabagaalle?
· Tankale, waxa aad aaminsantahay maku
dadaashay in anay wax jira oo caqligal ah yihiin mise waad iska qaadatay?
Dhaqan ahaan waxaan lahaan jirnay ama dadka qaar wali aaminsanyihiin afkaar aan
sal Diinta kulahayn Caqligana aan gali Karin misana aad loo rumaysanyahay oo
aad loodifaaco. Haddase dad badan ka ilbaxay oo ogaaday inaysan jirin. Su,aashu
waxaa weeye, Aaminsanaantaas afkaarta aan jirin ee diin ahaan loo aamin
sanyahay madhamaatay oo hadda dadku 100% wax sax ah ayay aaminsanyihiin mise
wali fari kama qodna oo waxaan dhex dabaalanaynaa khuraafaad badan? Taas danbe
ayaan aaminsanahay. Haddii wax walba inoo saxanyihiin sidaan hadda nahay
ma,noqoneen, Allena inama dulmin ee wixii aan xaqqa u lahayn ayuu nasiiyay.
Hogaamiye caqli leh ama shiikh diineed ee xikmad iyo caqli u saaxiiba ah oo
soomaali ah masheegan karo inuu ku hagay umaddiisa wax sax ah, ama uu ku
quudiyay akhbaar run ah diin iyo dunuwi midna.
Haddii hogaamiye ama shiikh caaqil ah sheegto
inuu ku hagay umaddiisa wadadii fiicnayd isla markaasna siiyay akhbaartii ay u
baahnaayeen( The needed information) Waxaa beeninaya natiijada umadiisu ay
maanta hayso. Sababta ugu wayn ee soomaali u tahay sida ay maanta tahay waa
marin habaabin Diineed iyo siyaasadeed (They were misled)
3) Inta badan dadku kumo baraarugsana xiriirka
ka dhexeeya waxa la, aaminsanyahay iyo waxa la yahay .Sikale haddaan u dhaho
xiriirka ka dhexeeya waxa qofku ku fikiro , aaminsanyahay iyo Naloshiisa
caadiga ah .in waxa qofku yahay ay tahay sawirka waxa uu aaminsan yahay . Nabi
Muxamed Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri “ CAMALKU WAA
NIYADA- waxa qofku ku fikiro- QOF WALBANA WUXUU HELAA WUXUU NIYAYSTAY”
Wuxuu ku fikiray. Waxaa wariyay Cumar ibnu khidaab. Dhamaan Diinihii iyo
kutubtii Alle soo dajiyay, Dhamaan Dadkii xikmadda iyo Caqliga lagu yaqaanay,
Cilmi iyo tijaabada intuba waa isku waafaqsan yihiin Qaaciidadaas. “ Qofku
wuxuu yahay waxa uu ku fikiro iyo sida uu iska dhigo” Waa qaanuun ILAAHI AH oo
aan isbadalin. Ma sheegan karo hogaamiye Diineed iyo mid dhaqan iyo mid
siyaasadeed inuu umaddiisa siiyay wixii ay u baahnaayeen haddana ay heleen wax
xun oo noloshooda dumiyay. Waxa ay umadda maanta noqotay waxay ka dhalatay
wixii lagu quudiyay ee afkaar ahaa. Mana isbadalayaan oo dowladnimo iyo
Mujtamac noqosho ma u bislaanayaan ilaa laga qubo wixii lagu quudiyay ee anfici
waayay, oo lasiiyo Afkaar iyo ma,baadi u keeni kara wanaaga ay rabaan.
Arrinta imurjisa in badan waxaa weeye marka
aan arko oo ku qanco inaan dadkaygu ogayn, In waxa ayku suganyihiin ee
dhibaatada ah, ay kadhalatay waxa ay aaminsanyihiin iyo sida ay u fikiraan.
Innaga ayaa isu-keennay dhibtaan, cidkale oo ku eedaysan oo inookeentay
majirto,innaga ayaana ka bixi karna markaan badalno dhaqankii iyo afkaartii ay
kadhalatahay dhibta ina haysata.
Su,aasha muhiimka ah waxaa weeye, waxa aan
aaminsanahay ama aan ku fikirayno ma saxbaa mise waxbaa ka qaladan ?
Haday jawaabtu tahay waa sax 100%.
Haddaba, maxaa Alle noo cadaabaa ? wax walba
waa ku dhibqabnaa khilaaf, qax ,qaxoontinimo , Dowlad la,aan . Maxaa Alle noo
cadaabaa hadaan sax nahay ?
Taasi sow la mid ma aha, warkii Alle ka
sheegay Yahuuda iyo Nasaarada “markay dheheen waxaan nahay caruurtii Alle ,
Allena waa na jecelyahay . Waxaa loogu jawaabay haday arintu sidaas tahay,
maxaa ALLE idiin cadaabaa. Sidaas ma ahee, waxaa tihiin dad , dadka ka mid ah”
Suurada 5aad Ayada 18
Ma dhicikartaa in aan sax nahay oo waxa aan
aaminsanahay iyo waxa aan ku fakarayno ay sax yihin , lakiin gardaro iyo dulmi
naloo cadaabay oo dalkanagii iyo Guryaheeni loo baabiyay .
Jawaabtu waa maya , ma jirto, mana suuroobi
karto, in Alle na dulminayo ama na gardaraysanayo. “Alle waa ka sareyaa
arintaas’. Sida uu Alle ku sheegay Suurada- 11 Aayada 117. “ Rabigaa ma aha mid
iska halaaga magaalooyin, ayada oo dadka magaaladaas dagan dad fiican oo wax
fiican sameeya yihiin .”
Marka sidee isu waafajin karnaa, sida aan
nahay iyo waxa aan aaminsanahay . Wax fiican ayaan aaminsanahay , wax xuna waa
nahay !!. Dhabtu waxaa weeye, waxa aan nahay, waa waxa aan aaminsanahay .
Dhamaan dhibaatada nahaysata dhinac walba waxa ay ka dhalatay waxa aan ku
fikirayno .
Alle Wuxuu yiri “ Wixii idinkudhaca oo
masiibo ah, waa waxay kasabtay gacmihiinu , wax badana Alle waa idiin cafiyay .”
Suurada 42aad Ayada 30aad .
Hadaan xunahay Fikirkeenu waa xun yahay.
Hadaan fiicanahay fikir keenu waa fiican yahay . “Camalku waa niyada qof
walba wuxuu helayaa wixii uu niyoodo .”
xadiis Rasuul oo Cumar wariyay.
Sunada Ilaahay kuma shaqayso mana u samaysna
isbadbadal aan joogto ahayn . waxay u shaqaysaa qaab joogto ah, oo aan
isbadalin. Xumaan Xumaan , Wanaag … Wanaag . Ma jirto wanaag xumaani ka dhalato
ama xumaan wanaag ka dhasho .
Haddad aamisantahay wax wanaagsan…. wax
wanaagsan ayaad helaysaa. Hadaad xumaan ku fikirto xumaan ayaad helaysaa .
Waxay la mid tahay adiga oo Galleey abuuray
waxaa kuu soo baxaya Galleey , hadaad Digir abuurto waxaa ku soo baxaya Digir .
Ma jirto wax kale, waa qaanuun Illaahi ah, oo
aan isbadalin. Ma jirto in aad wanaag aaminsantahay hadana aad xumaan hesho .
Xaalada aan maanta ku suganahay waxay ka
dhalatay dhaqankanaga iyo sida aan u fikirayno wax meel kale ka yimid ma aha .
Illaahay nama dulmin ee anaga ayaa nafteena dulminay, cidkale oo nagu soo
duushay, oo naqabsatay ma jirto, annga ayaa isku-soo duulnay oo is qabsanay .
Marka dhibaatada oo dhan waxay ka dhalatay sida aan u fikirayno iyo waxa aan
aaminsanahay . Haddaba, si Ilaahay ma badalayo xaaladaan dhibta badan ee aan ku
suganahay waa in aan badalo afkaar teena iyo dhaqan keena , “Alle ma badalo
waxa qoom ku sugan yahay ilaa ay badalaan waxa Naftooda ku jira .”
Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil
E-mail:
jibriil1950@hotmail.com
Tel: 254-721-385219
Nairobi-Kenya
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|