SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
MINNESOTA: 18 Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka AIDS-ka

SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | December 1, 2003

Ma waxaan ka hor tagga AIDS-ka, mase waxaan la dagaalanaa  Macsida!!!


Kulankii caawa ee lagu qabtay Masjid Shaafici

Kulan ballaaran oo ay wadajir usoo qaban qaabiyeen Ururka Somali Health project iyo masaajidka Imaam-shaafici ayaa caawa (Nov 30) lagu qabtay masjidka Imaam Shaafici, kulankaas oo looga hadlay arrimo ku saabsan caafimaadka bulshado waynta Soomaaliyeed.

Waxaa si gaar ah kulankaas loogaga hadlay cudurada Qaaxada iyo Aidska, iyo waliba sida ay Qaaxadu u fududayn karto in uu qofka ku dhaco Cudurka Aidska.

Waxaa kulankaas ka hadlay:

  • Dr. Osmaan Ahmed (Xaraare)
  • Dr. Mohamod Daahir Afqarsho
  • Dr. Siidow Shariif
  • Shiikh Abdirasaaq M. Aadam (Lafoole)
  • Abdirazaaq Mohamed "M.P.H"

Ugu horayn waxaa magarafoonka lagu wareejiyey Dr. Siidow Cabdi Shariif oo kahadlay in masaajidyadu yihiin meelaha bulshada looga arimiyo. Taas oo uu ku tilmaamay in ay haboon tahay in masaajidda lagu qabto wax kasta oo mujtamaca dan u ah, hanoqoto cilmi iyo baraarujin bulshada iyo waxkasta oo ay mujtamaca ka fa'iidayo.

Kaddib waxaa hadalkii lagu wareejiyey Dr. Osmaan Ahmed (Xaraare) oo ka hadlay cudurka Aidska.

Dr. Osmaan "Xaraare" waxa uu xusay siyaabaha guud ahaan cudurada lagu qaadi karo, waxana uu yiri waxa cuduradu soo mari karaan:

  • Hawo mareenka
  • Kaadi mareenka (xubnaha taranka)
  • cunta mareenka
  • iyo jirka oo furma.

Haddaba "HIV waxa ugu badan oo lagu kala qaadi karaa waa xubnaha taranka." ayuu yiri Dr. Osmaan.

Waa Maxay CD4:
CD4 waa unugyada jirka qofka ugu qaabilsan iska difaacida cudurada. Dhakhaatiirtu waxay qofka ka qadi karaan dhiig si ay u ogaadaan tirada unugyada CD4. Qofka caafimaadka qabaa tirada CD4-ka ee kujiraa waa ugu yaraan 800 / halkii cubic millimeter oo dhiiig ahba (hal cubic millimeter waa tiro aad u yar oo qiyaastii u dhiganta hal dhibic.). Halkaas waxaad ka garan kartaa in tirada badan ee CD4 my la macne tahay in qofkaas difaaca jirkisu wanaagsan yahay, haddii tiradaasi yaraatona uu qofku halis geli doono.

Maxaa HIV ka Khuseeya CD4:
HIV-gu waxa uu weeraraa unigyada difaaca ee CD4, waxaana la arkaa in qofka qaba HIV ay hoos u dhici doonaan unugyadaasi, marka ay unugyadaasi yaraadaana waxaa qofku halis u noqonayaa cudurada halista ah. Marka CD4 ay ka hoos maraan wax ka yar 200 markaas waxaa qofku halis ugu jiraa cudur aad u daran.

Waxaa tiradaas CD4 lagu ogaankara qofka oo dhiig laga qaado, waxaana jira habab gaar ah oo la adeeegsado si loo ogaado sida uu HIV-gu u cunayo unugyadii difaaca, nidaamyadaas la adeegsado waxaa kamid ah: habka loo yaqaan PCR (polymerase chain reaction) ama bDNA (branched DNA) waxaana hababkaas la isku yiraahdaa: "viral load tests ama  T-cell count".

Cudurka HIV oo ah jeermiska cudurka, waxaana lagu ogaan karaa in qofka dhiig laga qaado. Marka uu HIV-gu qofka soo rido ayuu isu bedelayaa AIDS. Waxaa dhici karta in qofku qabo HIV balse uusan weli qabin Aids, laakiin ma dhici karto qof Aids qaba oo aan qabin HIV taas oo macneheedu tahay "Qofkii AIDS qabaa HIV-na wuu qabaa, laakiin HIV-gu waa tallabada koowaad ee ka horaysa AIDS oo qofku muddo ayuu ahaan karaa HIV-side asagoo aan weli qabin AIDS balse uu sii faafinayo jeermiska HIV ee ah kan keeni doona AIDS-ka".

Dr. Osmaan oo sifaynayey sida lagu garan karo qofka AIDSka qaba, waxa uu yiri: ugu horayn marka uu qofka uu cudurkani ku dhaco wax lagu garan karo aan ka ahayn in dhiigiisa la qaado majiraan, wuxu u muuqan karaa qof caadi ah oo shaqaysanaya, waqtigaas oo ah kan ugu khatarsan waayo qofkii oo u muuqda mid caafimaad qaba ayaa hadana sii faafin karaya cudurka. Muddo ka dib ayaa qofkii tabar darayna doonaa, taas oo uu gaarsiinayo in cudurko soo rido ilaa uu qofkii ka dhinto.

Waxa qofka dhibta ugu weyn u geysanaya waa cudurka AIDSka oo weeraraya unugyada difaaca jirka, taas oo qofkii halis u noqonayo dhammaan cudurada jirka soo weerara. qofka caadiga ah waxaa uu jirkiisa kujira 800-1200 oo unugyada dhiiga cas ee loo yaqaan CD4, laakiin qofka uu ku dhaco Aids unugyadaasi aad ayey u yaraadaan waxayna gaaraan in ka yar ilaa 200. Taas oo muujineysa in difaacii jirku uu yaraaday.

Dr. Osmaan waxa uu xusay in Aidsku uu sannadkiiba adduunka ku dilo dad tiradoodu gaareyso 3 million oo qof.

18 qof oo Soomaali ah oo layaqaan oo deggan gobolka Minnesota ayaa qaba cudurka dilaaga ah AIDS-ka , sida uu halkaas ka caddeeyey Dr. Osmaan Ahmed (Xaraare).

aidsArintan naxdinta leh waxay isoo xusuusisay qoraal uu Maxamuud Wardheere kusoo daabacay SomaliTalk March 7, 2001, qoraalkaas oo cinwaankiisu ahaa: "Soomaali HIV/AIDS Qabaan oo Lasoo Dejin Doono Twincities" - waxaa waagaas muuqatey in aan dad badan oo reer Minnesota ahi arintaas dheg u jalaq siin, laakiin hadda halistii berigaas laga degayey ay hadda si buuxda usoo shaac baxday. Waxaa kale oo jirtey digniin kale oo SomaliTalk soo gaartey bishii Febraayo ee 2001 taas oo ka digeysey AIDSka halista ku ah Soomaalida. Taasi waa xusuusin aan kusoo dhex daray'e aan dib ugu laabano kulankii caawa

Dr. Osmaan waxa kale oo uu xusay in cudurka Qaaxadu uu kamid yhay cudurada ugu badan ee Soomaalida ku dhaca, cudurkaas oo wiiqa difaaca jirka, taas oo qofkii uu AIDSku ku dhaco isla markaasna qaba Qaaxada uu noqon doono mid halis dheeraad ahi soo food saari doonto.

"Marka aad direysaan lacag xawaalada ah ehelkiina u sheega halista Aidska, iyo sida loo kala qaado."
Dr. Osmaan

"Marka aad direysaan lacag xawaalada ah ehelkiina u sheega halista Aidska, iyo sida loo kala qaado." ayuu yiri Dr.Osman "Xaraare".

Usheega ehelkiina jooga Soomaaliya in aysan isticmaalin irbadaha la isku duro oo lawada isticmaalay, gada irbado cusub, oo ah nooca loo yaqaan "One-time-use" ama irbadaha ay tahay in "mar-qura-la-isticaalo".

Waxaa kaddib hadalkii qaaday Dr. Mohamod Daahir Afqarsho oo kamid ah dhakhaatiirteenii Soomaaliyeed ee ka qalin jibiyey jaamacadeenii Soomaaliya ee gahayr ee dalkeenii hooyo intii aan dagaalka ahliga ahi burburin.

Xanuunka Aidska ma la daweeyaa  mase lama daweeye? ayuu weydiiyey Dr. Mohamod Afqarsho.

Taas waxaa ka horeeya in aan is weydiino: Haddii aan nahay dad Muslim ah maxaa marka hore inoo keenay AIDS? Haddii qofku ka qaado dhiig lagugu shubay ama irbad taas dembi kuma liha, laakiin haddii uu ka qaaday macsi taas in marka hore laga hor tago weeye oo la iska ilaaliyo macsida, ayuu yiri Dr. Mohamod Afqarsho.

Haddaba haddii aan fiirino qofka Aidska qaba marka ugu horeysa qofkaas ka garan meysid dadka caadiga ah ilaa in muddo ah, waa qof quruxdiisii leh oo shaqaysanaya oo aan lagaran karayn, laakiin aakhirkii qofkaas cudurkaasi waa soo rid doonaa, waana dili doonaa. Waxaase taas ka daran mudadaas qofkaasi wuxuu ahaanayaa side cudurkaas waaan faafin karaa.

Qofka Aidska meelo badan oo jirka ah ayuu ka dhici karaa, waxaana qofka ku dhacayaa waa 'infection-kii" uu cudurkaasi keenay.

Ilaa hadda waxaa jira 16 dawo oo lagula tacaalo AIDS-ka, waxaana inta badan qofka la siiyaa ilaa 3 saddo ilaa intuu nool yahay. Waxaa jira daawooyin aan qofka wax u tarayn, taas oo keeni karta in daawadii laga bedelo. Laakiin ugu dambayntii cudurku qofka waa dilayaa.

Dalka mMaraykanka waxaa khasab ah marka qofka lagu sheego AIDS oo dhakhaatiirtu taas cadeeyaan in qofkii uu ehelkiisa u sheego in uu cudurkaas qabo, haddii kale Dawladda Maraykanka ayaa qofka uu ku dhaco Aidsku ehelkiisa u sheegeysaa in uu cudurkaas qabo, ayuu hadalkiisa kusoo xiray Dr. Mohamod Daahir Afqarsho.

Waxaa kaddib hadalkii lagu wareejiyey Abwaan Cismaan Ducaale oo abwaan Soomaaliyeed oo had iyo jeer u heelan wacyi gelinta mujtamaca Soomaaliyeed, gaar ahaan jaaliyadda ku dhaqan Minnesota. Abwaanka oo markasta goobkasta oo uu tago ummada si xigmad leh ugu soo tebiya gabay. Cismaan Ducaale caawa gabay dheer oo xigmad salka ku haya oo uu tiriyey waxa dulucdiisu ahayd sidan: "U qalab qaado aroos ama qaadirkaaga u soon." taas oo uu ku tilmaamayey cudurka Aidska waxa keliya oo looga hor tegi karaa in ay tahay in Allah laga cabsado oo laga fogaado macsida uu cudurkani kusoo gaban karo.

Kaddib waxaa magarafoonka lagu wareejiyey Shiikh Abdirasaaq M. Aadam (Lafoole) oo ka hadlay baraarujinta mujtamaca, gaar ahaan ku baraarujinta  waxyaabihii uu islaamka dunida kusoo kordhiyey iyo sida uu uga soo qayb qaatay cilmiyada carsiga ah iyo horumarka uu islaamku ka qayb qaatay. Waxana uu xusay xadaaradihii soo maray Islaamka taas oo Cabdirsiaaq ku tilmaamay in Islaamku soo xukumay 1/3 (saddex meelood oo meel) dunida aan maanta garaneyno.

Waxa uu Lafoole soo tiriyey waxyaabihii ay islaamku dunida kusoo kordhiyeen sida cilmiyada xiddigiska, caafimaadka, Injineeriyadda, sayniska, farshaxanka iwm.

Waqtigii Cabaasiyiint waxaa la qoray buugaagtii ugu waaweynaa xagga daawada, kuwas oo gaarey daafaha xilliyadii ku xigey dawladdaas, ayuu yiri Cabdirsaaq Lafoole oo si gaar ah u tibaaxay sida cilmiga caafimaadka ay horumarka uga gaareen dawladii Islaamka ee xilligaas jirtey.

Lafoole oo ka jawaabayey su'aal ahayd "Masaajika gabay ma laga tirinkaraa?" waxa uu yiri dib haloogu laabto diinta Islaamka oo hala eego in xilligii rasuulka ay jireen gabayaa dhanka wanaagsan u isticmaala gabaya, wax kasta oo diinta Islaamka ogoshahayna waa lagu qaban karaa masjidka.

Waxa kale oo hadalkii lagu wareejiyey Abdirazaaq Mohamed "M.P.H" oo ka hadlay caafimaadka bulshada, waxana uu xusay cudurada u baahan in bulshada laga wacyi geliyo, waxana uu tusaale usoo qaatay sigaarka oo uu yiri markii la ogaadey dhibaatooyinka uu keenay ayaa la bilaabay in lala dagaalamo Sigaarka, hadda meelaha dadka u dhexeeya laguma cabbi karo sigaarka.

Cabdirisaaq waxa uu ka digey in aan dadka uu cudurkani ku dhacay oo dhan dusha laga saarin in ay cudurkaas ka qaadeen macsi, waayo ayuu yiri waxaa dhici karta in ay ka qaadeen dhiig lagu shubay iyo wax la mid ah.

"Lasheeg in cudurka AIDSku soomaalida ku jiro'e, su'aashu waxay tahay ma is baarnaa, mase waa iska aamusnaa? haddii la isbaaro waxay noqon in qofkii laga waayo ama laga helo, haddii laga waayo waa sidii aad rabtey, qofkii laga helo muxuu faa'iidey, wuxuu faa'iidey in uu reerkiisa ka ilaaliyo waayo kuwaas ayaa ah kuwa ugu horeeya ee uu aafaynayo cudurka, marka intii aad reerkaaga galaafan lahayd is hubi." ayuu hadalkiisa kusoo xiray Abdirazaaq Mohamed.

AIDS-KA - Su'aal uu kajwaabey Dr. Ibrahim
Dr. waan kusalaamay,marka xiga aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida aad uga soo jawaabto su,aalaha. su,aal? Mudo haatan laga joogo afar sano ayaan u galmooday haweenay jirkeeda ka ganacsata anigoon isticmaalin protection ama condom,ka bacdi aad ayaan uga werweray inaan ka qaaday cudurkan.
1)jirtaa calaamado lagu garto AIDSka muda intee leeg guduheed ayuu qofku isku arki karaa calaamadahaas?
2)mudo intee leeg ayuu noolaan karaa qofka AIDSka qaba?.
ilaa mudadaa laga soo bilaabo waxaan go,aansaday inaan galmo danbe oo xaaraana samayn,fadlan iiga soo jawaab su,aashan. aad baan u mahadsantahay  Jawaab....

December 1, oo maanta ah, waxaa dunidu u bixisay maalintii AIDSka, waxaana la qiyaasay in cudurkaas ay qabaan 40 million oo qof, waxaana dadka cudurkaas qaba ugu badan dadka deggan inta saxaraha Afrika ka hooseysa. Sida muuqata Soomaaliya waxay deris la tahay ama ganacsi ka dhexeeyaa dalal uu cudurkani aafeeyey, halista ugu wena waa in Soomaalidu aysanba ku baraarugsanayn halista qarsoon ee uu cudurkani ku keeni karo xagga dhaqan-dhaqaale ee mujtamaca Soomaaliyeed. Waxaase  cad in reer Minnesota ay ka mid noqon doonaan kuwa sida fiican indhaha u kala fura mar haddii caawa shaaca laga qaaday in 18 kamid ah dadka la yaqaan ee deggan magaalooyinka mataanaha in uu cudurkaasi ku dhacay.

Dad sheekaysanaya ayaa isweydiiyey: "oo haddii xaal halkaas marayo oo cudurkii AIDS uu Soomaalida soo dhexgalay, tolow labada qof ee isguursanaya matahay in marka hore ay iska baaraan AIDS inta aysan isla aqal gelin!!!", waa su'aal jawaabteedu u taal shacabka Soomaaliyeed....

Gabagabadii kulanka, intii aan la gelin salaadii cishaha, waxaa dadweynihii weydiiyeen su'aalo, kuwaas oo ay ka jawaabeen marti sharaftii, waxaana su'aalahaas ka mid ahaa:

Aidska ma lagu kala qaadi karaa meelaha timaha lagu jaro?

Haddii meesha timaha lagu jarayo aysan ahaayn meel nadaafad leh oo marka timaha la xiirayo la isticmaalo sakiin (makiinad), oo sakiintaasi ay sartay qof cudurkaas qaba oo markaas adiga ay ku sarto markaas waa laga qaadayaa AIDS, laakiin maqaska laga qaadi maayo haddii uusan qofka sarin.

Kaneecadu ma gudbisaa Aiska?.

Maya! kaneecadu ma gusbiso cudurka AIDS-ka. Dhibteeda kale oo ay dadka u geysan karto ayaa iska badan (oo ah in ay duumo keeni karto.), Laakiin AIDS ma gusbiso.

Cudurka Gaastariiga ma leeyahay daawo dabar goyn karta?

Xanuunka caloosha gala oo dhan ayaa Soomaalidu u taqaan gaastirig: haddii xuubka caloosha xanuun ku dhaco Gaastirig ayaan u naqaan, haddii caloosha nabar yeelato gaastirig ayaan u naqaan, balse haddaan isla eegno gaastiriga waxaa ka mid ah laab jeexa iyo nooc ay keento bakteeriyo loo yaqaan H.Pylori tan oo laga yaabo in aan soomaalidu weli ku baraarugsanayn laakiin lagayaabo in ay tahay tan ugu badan ee keenta Gaastiriga Soomaalida ku dhaca, bakteeriyada oo dunidu ay cilmi baarisyo badan ku samaysay, taas oo la dawayn karo. Haddii daawadu wax ka tari weydo waxaa qofka gaastiriga qaba lagu sameeyaa qalliin kaas oo meshii lasoo gubayo. Sidaas daraadeed gaastirigu dawo ayuu leeyahay ama waa la daaweyn karaa.

Dhakhaatiir Soomaaliya joogtaa qofka uma sheegaan in uu cudurkaas qabo?

Anigu hadda Soomaaliya ma joogo, markii aan joogeyna cudurka Aidsna ma jirin, waxaan ogahay in dhakhaatiirta Soomaaliya jooga ay yihiin kuwo umadooda u shaqaynaya oo ixtiraam inaku leh, waxaana qiyaasayaa in dhakhaatiirta Soomaaliyeed ay qofkii cudurkaas qaba u sheegayaan marka ay xaqiijiyaan baaritaanka ka dib.

Waa maxay Cudurka Sonkorowga ee Type 1 iyo Type 2:

Cudurka sonkorowgu wuxuu ka yimaadadaa waxa loo yaqaan "insulin". Insulin-tu waa waxa sahlaya in cuntadu ay unugyada jirka gasho, haddii taasi kugu yaraato, haka timaado dhaxal (hiddo) ama in aad cayishey oo sidaas ay ku yaraatay, markaas waxaa jirkii ku badanaya sonkorta. Labada nooc ee sonkorowga waxay kala yihiin; type 1: carruurta ayuu badanaa ku dhacaa, insuliin ayaana lagu daweeyaa. type 2: wuxuu ku dhacaa dadka da'da weyn ee cayilan ama buurbuuran oo inta ay iska fadhiyaan wax iska cuna, noocan wuu kusoo batay soomaalida qurbaha inta ay casiir ka dhergeen oo iska cayileen ayey iska fariisteen sidaas ayuu ugu soo batay. Taasi waxay isoo xusuusisay in Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka uu sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cusurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga KA AKHRI HALKAN GUJI....

Waxaa hadalkii soo gabagabeeyey Cabdiqani Maxamed oo kamid ah dhallinta isku soo dubaridey barnaamijka, isla markaasna ahaa xiriiriyihii barnaamijka qaybinayey, waxana uu u mahad celiyey dhammaan intii kasoo qayb gashay kulanka, waxa kale oo uu Cabdiqani xusay kulan Islaami ah "Mutamar" oo aad u ballaaran oo dhammaadka bishan December 2003 lagu qaban doono Minneapolis, faahfaahin dheeraad ah oo kulankaas ku saabsan waxaa lagala xiriiri karaa emailka C/Qani oo ah: qardhaawi@yahoo.com

Waxaa qoraalkan isku soo dubaridey:
Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA

Faafin: SomaliTalk.com | December 1, 2003.  

..HABEENKII SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA

..GALABTII "BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA MINNESOTA

...Laba Halisood oo Soo Food Saaray Soomaalida Qarnigan

AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA
Faarax Axmed Muuse |  M.Sc Clinical Microbiology, University of Karachi

> Digniin Cudurka AIDS-ka
> Maxaa keeni kara AIDS
> PREVENTION OF HIV/ AIDS SPREAD IN SOMALIA

> cabsi AIDS afar sano ka bacdi

AIDS-2000... GUJ


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]