SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI

 DIRAASAD KU SAABSAN QAADKA  IYO WAXYEELLOOYINKIISA BADAN

Waxaa soo diyaariyey

Prof. Yuusuf Xirsi Axmed
Bare Sare ee Kulliyadda Caafimaadka
ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed,
Hormuud hore ee kulliyaddaas iyo
Xubin Guddiga Af-soomaaliga
Islamabad, Pakistan
2002

Gololada

  • 1. Arar
  • 2. Geedka qaadka
  • 3. Sida uu Soomaaliya ku soo galay
  • 4. Tillaabooyinkii laga qaaday
  • 5. Magaca cilmiga ee qaadka iyo culimmadii baartay
  • 6. Dhiska kiimiye ee qaadka
  • 7. Sababta loo cuno
  • 8. Waxyeellooyinka qaadka
    »»Caafimaadka
    »»Bulshada
    »»Dhaqaalaha
    »»Ujeeddooyinka guud ee sharciga
  • 9. Aragtida sharci ee qaadka
  • 10.Gunaanad/dardaaran

Arar

Qodobbada diraasaddaani waxay in badan ku salaysanyihiin natiijooyinkii ka soo baxay cilmibaaristii heerka qaran ahayd oo ay aqoonyahanno xayn ahi qaadka ku sameeyeen markii ay Dawladda Soomaaliyeed mamnuucday, bishii Maars 1983kii.

Intii waqtigaas ka dambeysey waxaa socdey dhammaystir, dib uhabayn iyo qeexid qoraalkaan. Waxaa kale oo suuro galay in muxaadarad ku saabsan natiijooyinka diraasaddan laga jeediyo goobo dadweyne Soomaaliyeed isugu yimid, sida xeradii qaxootiga Soomaaliyeed ee Utange, Mombasa.

Waxaan halka eray abaal hayn ah uga soo jeedinayaa Shiikh Maxamed Cartan Cabdi (Reer Burco), oo ka mid ah culimmida Soomaaliyeed uu muuqata,dalka gudihiisa iyo Pakistanba, kaasoo igu biiriyey fikrado qiimo leh oo isugu jira kuwo diimeed iyo kuwo kaleba.

A. Geedka qaadka


Qoraaladii hore ee Qaadka

Geedka qaadku waa geed meel dhexaad ah oo dhererkiisu u dhexeeyo dhawr mitir ilaa mitirro badan. Wuxuu ka baxaa dhul buuraley ah oo hawadiisu qabowdahay, roobkuna ku badanyahay.

Taariikhda qaadku waa mid soo taxnayd qarniyaal badan. Meelihii ugu horreeyey oo lagu arkay waxaa ka mid ah dalka Yaman iyo dalka Xabashida oo ah meelaha ugu badan oo qaadka laga guro lagana ganacsado. Wuxuu kale oo ka baxaa dalka Keenya iyo meelo kale oo Afrika ka mid ah. Ilaa hadda ma maqashiisni meel kale oo dunida ka mid ah oo uu ka baxo oo aan ahayn meelaha kor ku xusan.

Isticmaalkiisu wuxuu ka bilawday meelaha uu ka baxo, cuniddiisuna waa mid aad u fac weyn, inkastoo aan la xaddidin goortii ay bilaabatay. Dalalkii uu taariikh ahaan ka bixi jirey isticmaalkiisu si tartiibtartiib ah ayuu uga gudbey isagoo ku fiday dalalka deriska la ah, sida Soomaaliya.

B. Sida uu Soomaaliya ku soo galay

Waxaa la weriyaa in markii ugu horreysey ay cuniddiisa bilaabeen qaar ka mid ah culimmada Soomaali Galbeed oo u adeegsan jirey inay habeenkii ku soo jeedaan si ay u cibaadaystaan. Markaas kaddib, waxaa isticmaalkiisu u gudbey baabuur wadayaashii wadi jirey baabuurta xamuulka oo isaga gooshi jireen dalka Xabashida iyo Woqooyiga Soomaaliya, markii ay labadaas dalba gacanta Ingiriiska ku sugnaayeen, bilawgii afartamaadkii. Woqooyiga waxaa iyaguna isticmaalkiisa bilaabay kooxo odayaal ah oo u adeegsan jireen inay ku sheekaystaan waqtigooda firaaqada ah iyo markii ay shirayaan.

Isticmaalka foosha xun oo fisqigu la jiro wuxuu bilawday markii ay cuniddiisa bilaabeen fannaaniinta iyo dhallinyarada oo labada jinsiba leh. Cunidda qaadku waxay si muuqata ugu gudubtey Koofurta Soomaaliya xoroobiddii iyo midowgii kaddib.

T. Tillaabooyinkii laga qaaday iyo sababta fashalkooda

  • - Ingiriisku wuxuu qaadka Woqooyiga ka mamnuucay mar ama labo goor afartamaadkii iyo kontomaadkii.
  • - Talyaanigu wuxuu Koofurta, oo uu istimaalkiisu aad ugu yaraa, ka mamnuucay 1952kii
  • - Dawladda Soomaaliyeed waxay ay dalka oo dhan ka mamnuucday bishii Maarso 1983kii

Tillaabooyinkaas laguma gulaysan sababaha soo socda awgood:

  • 1. Inaan ladagaallanka qaadka loo adeegsan wacyi gelin habboon, siiba mid diimeed oo dadka dareensiisa in sababta loo xarrimay ay tahay waxyeellooyinkiisa dhinacyada badan leh.
  • 2. In dadweynaha Woqooyigu u arkeen in mamnuucidda qaadka loola jeedey ciriiri gelin xorriyadda qofka iyo dhaqdhaqaaqii gobannimadoonka.
  • 3. In markii Dawladda Soomaaliyeed qaadka mamnuucday aan madaxdii iyo ciidammadii arrintaas hirgelinteeda ku hawllanaa ayan daacad ka wada ahayn fulinteeda.

J. Magaca cilmiga ee qaadka iyo culimmadii baartay


Cathinone: (C9H11NO), waa nooc aalkolo ah (alkaloid) oo laga soo dhex saari karo qaadka, taas oo meelaha qaarkood looga yaqaan Catha edulis Forsk.

Magaca cilmiga ah oo qaadka loo yaqaan waa “ Catha edulis Forsk” oo micneheedu yahay qaadka la cuno ee Forsk. Forsk wuxuu ahaa nin aqoonyahan ah oo ka tirsanaa dalalka Iskandinaavia, noolaana qarnigii siddeed iyo tobnaad, kaasoo qaadka diraasad ku sameeyey. Hase ahaatee, cilmibaarista qaadka waxaa ninkaas in badan uga sii horreeyey culimmadii Islaamka oo uu ka mid ahaa Al-Maqriisi iyo kuwo kaleba oo sugeen waxyeellooyinkiisa faraha badan iyo falalkiisa maandoorinta.

Dalkeenna waxaa qaadka diraasad qodda dheer ku sameeyey aqoonyahanno isugu jirey culimmo diimeed, taqaatiir, daawoyaqaanno, dhaqaaleyahanno iyo kuwo kale. Culimmadii diinta oo ka qayb galay cilmibaarista qaadka waxaa ka mid ahaa Shiikh Aadan Shiikh Cabullaahi, Alle haw naxariistee, oo arrintaas ka soo diyaariyey diraasad xeel dheer oo muujinaysa aragtida Shareecada Islaamka ee cunidda iyo ka-ganacsiga qaadka. Aqoonyahannadii kale oo cilmibaaristaas ka qayb galay waxaa ka mid ahaa:

  • 1. Prof. Yuusuf Xirsi Axmed (Taqtar)
  • 2. Prof. Khliif Bile Maxamuud (Taqtar)
  • 3. Prof. Cabdullaahi Shiikh Cilmi (Daawoyaqaan)
  • 4. Prof. Maxamed Siciid Samantar (Dhaqaaleyahan)
  • 5. Prof. Maxamed Bullaale (Bulshoyaqaan)
  • 6. iyo kuwo kale

X. Dhiska kiimiye ee qaadka

Qaadka waxaa ku jira labada maaddo oo ah Katiin iyo Katinoon oo ku abtirsada qoyska maandooriyeyaasha ee Amfitamiinka.

KH. Sababta loo cuno

Waxaa la cunaa caleenta iyo laamaha curdanka ah ee qaadka, sababta loo cunaana waa falkiisa maandoorinta. Iyadoo taas la xiriirta, inta uu jirka ku jiro qofku wuxuu dareemaa raaxo iyo firfircooni jir iyo aroor fikrado khayaali ah oo aan dhaafin raad waxtar leh. Marka uu jirka ka baxo qofku wuxuu dareemaa daal iyo habbiso.

Qaadyahannadu waxay u qaybiyeen waqtiga qofka qaadka cuna afarta marxaladood oo socda: xaraarad oo ah marka uu sida mamman u raadinayo, waqtigaasoo markii uu yimaado dadku xaggiisa u yaacaan iyagoo ku qaylinaya “soo dhacyeey”; marqaan (sarqaan) oo ah marka uu dhiiggiisa ku jiro oo uu xiddigaha la cayaaro; qaadiro oo ah marka uu jirka ka baxo oo uu qofku habbisaysanyahay oo uu hamhamaansanayo, iyo dubaabo oo ah mar uu dareemayo in bahallo jirkiisa jaranayaan ama dabada ka gelayaan. Calaamooyinkaasi waa kuwa lagu yaqaan maandooriyeyaasha. Qaadku wuxuu la wadaagaa mukhaadaraadka kale waxyaalaha soo socda:

  • 1. Raadin mintid ah oo wax walba loo huro, qofkana xishoodka ka qaadda
  • 2. Ubarasho oo qofka ku sii jiidda inuu cuniddiisa kordhiyo, ilaa u ka gaaro heerka loo yaqaan “qaadqabaxa”
  • 3. Kuxirnaan oo ah in qofku ka maarmi waayo cuniddiisa, taasoo gaarsiin karta inuu subixii shaqada tegi kari waayo haddii uusan qaad ku quraacan, kaasoo loo yaqaan “jabbane”.
  • D. Waxyeellooyinka qaadka

    1. Caafimaadka

  • a) Dhimirka
  • Saamaynta ugu muhimsan ee qaadku waa tan dhimirka, taasoo la xiriirta awooddiisa maandoorinta. Qofka cunidda qaadka badsada waxaa lagu yaqaan caro badan iyo ilaalin la’aan tebinta fikradaha iyo dhqdhaqaaqa jirka, kuwaasoo sabab u noqon kara dagaal iyo shilal, siiba markii uu qofku baabuur wado. Cunidda badan oo raagta ee qaadku waxay iyadu keeni kartaa waalli dhab ah.

    • b) Dheefshiidka

    Maaddooyinka katiinka, katinoonka iyo tanniinyada ee qaadka ku jiraa waxay dhabqiyaan hawlaha dheefshiidka, taasoo keeni karta hamuundarro, yabuusad, caloolholoc (gastritis) iyo beerqolfow.

    • t) Afka

    Wuxuu burburiyaa ilkaha iyo cirridka, taasoo dhibaato u keenaysa hawsha calalinta iyo caafimaadka afka.

    • j) Cudurrada faafa ee dhiska dheefshiidka

    Cudurradaasi waxay ku soo duggaalaan sida nadaafad xumada leh oo qaadka loo iibiyo, isagoo gacmo badan oo aan nadiif ahayn soo mara, busta iyo cayayaankana aan laga xafidin.

    Cudurrada habkaan ku iman kara waxaa ka mid ah cagaarshow, daacuun, shuban, dabadhiig, tiifow, ameeba, iwl, oo ah kuwa laga qaado nadaafadxumada cunnada iyo biyaha.

    • x) Cudurrada faafa ee dhiska neefsadeenka

    Faafidda cudurrada noocaan ah waxaa kaalmeeya jawiga cabbursan ee goobaha qaadka lagu cuno, iyadoo dariishadaha la xiro, sigaar badan la cabbo, muddo dheerna laysku neefsanayo. Maadaama habka laysu qaadsiiyo cudurrada faafa ee neefsadeenku uu yahay in uumanka cudurradaas keenaa ay soo raacaan neefta uu qofka jirrani soo saarayo oo usoo gudbaysa dadka fayow waa la wada garan karaa sida jawiga cabbursan ee aan soo sheegnay u kaalmayn karo kala qaadidda cudurrada noocaan ah. Bal maleeya khatarta weyn oo ay u ban dhiganyihiin dadka qaadka cunayaa haddii uu ku dhex jiro qof qaaxo sambab qabaa.

    Cudurrada saabka ee qaadka cuniddiisa ku soo gabban kara waxaa ka mid ah: qaaxada, qaarjeexa, ifilada, hargabka, iwm.

    • kh) Cudurrada bulshada (cudurrada fisqiga)

    Sida la ogsoonyahay qaadka cuniddiisa waxaa marar badan la xiriira is-dhexgal aan bannaanayn ee rag iyo haween oo keena xiriir jinsi oo xaaraan ah. Cudurro xunxun ayaa sidaas lagu kala qaadi karaa oo ay ka mid yihiim: jabto, waraabow, AIDS iyo kuwo kale. Waatii uu yiri ninkii qaadka ka gabyey:

    Qalbi kacay qalab aan lahayn qaadow adigaa leh
    Labo qaawan oo aan is qabin qaadow adigaa leh
    Qol ciriiriyoo qaac lagu iltiray qaadow adigaa leh

  • d) Nadaafadda guud
  • Dhibaatooyinka caafimaad ee qaadka waxaa ka mid ah qashinkiisa oo meel walba lagu daadsho iyo kaadi iyo saxaro aan loo meel deyin ee xagga dadka qaadka cunaya.

     

            2. Bulshada

    Dhibaatooyinka bulsho ee qaadku way badanyihiin waxaana ka mid ah kuwa soo socda:

    • a) Khilaaf iyo kala tag qoyska dhexdiisa ah
    • b) Dayicid daryeelka iyo tarbiyadda carruurta
    • t) Dhaqanxumo (xishoodarro, dhillaysi, iwl)
    • j) Sigaarcab
    • x) Khamrocab (3% dadka qaadka cunaa khamradana waa cabbaan)
    • kh) Uhorseedid xumaan dadka kale, siiba dhallinyarada  Iyadoo arrinta lagu xusay qodobka ugu dambeeya la xiriirta, ayaa Nebiga, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene, waxaa laga weriyey inuu yiri: “Qofkii jideeya jid san wuxuu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka qofkii ku camal falay, qofkii jid xun jideeyana waxaa korkiisa ah dambigiisa iyo dambiga qofkii ku camal falay”

    3. Dhaqaalaha

    Keenidda qaadka waxaa ku baxda lacag adag oo waxyaalo kale oo faa’iido leh lagu keeni kari lahaa. Waagii Dawladda Soomaaliyeed qaadka mamnuucday (1983kii) waxaa la qiyaasay inay keeniddiisa ku bixi jirtey lacag gaaraysa US$ 47 malyan. Joornaal carabi ah oo dhowaan soo baxay wuxuu sheegay inay Xamar maalin walba ku soo degaan 12 dayuuradood oo qaad sidaa. Isugeyntooda kharajka maalmeed oo ku baxa waxaa joornaalku ku qiyaasay US$ 87,771. Marka kharajka sano ee qaadka ku baxa, Xamar oo keli ah, wuxuu noqonayaa (US$ 87,771x365=US$ 32,036,415). Haddaba, haddii laysu geeyo kharajka qaadka ku baxa dalka gudihiisa oo dhammi intee buu noqonayaa? Waa lacag fooqal caqli ah. Lacagtaas tirada badani waxay gashaa labo dal oo aan xinif  leennahay, taasoo xoojinaysa awooddooda dhinac kasta ah. Sow arrintaasi muujin mayso fiiro gaabni dhaqaale iyo ficilo yari qarannimo ?!

    Xagga kale, dhibaatooyinka dhaqaale oo ina haysta awgood, waxaan in badan u qaylo dhaansannaa gargaar hey’ado ama dawlado shisheeye ah. Haddaba, mar haddii aan innaguba si micno darro ah u gubeynno dhaqaaleheenna, sidee baan u fili karnaa in laynooku garaabo?.

    4. Ujeeddooyinka guud ee sharciga

    Cunidda qaadku waxay si buuxda uga hor imanaysaa ujeeddooyinka guud ee dhawriddooda sharciga loo soo dejiyey, kuwasoo ah:

    • a) Dhawridda diinta
    • b) Dhawridda nafta.
    • t) Dhawridda caqliga
    • j) Dhawridda hantida
    • x) Dhawridda sharafta
    • kh) Dhawridda dhasha

    Haddaba, bal aan midmid u soo qaadno lixda danood oo kor ku xusan si aan u aragno sida cunidda qaadku ay mid walba wax u yeelayso.

    • a) Diinta

    Cunidda qaadku waxay dhabqisaa gudashada waajibaadka diinta oo ay salaaddu ka midka tahay. Sida cunidda qaadku ay u dhabqiso gudashada salaaddu waxay noqon kartaa:

    - In qofka salaaddu ka tagto inta uu qaadka cuniddiisa ku mashquulsanyahay ama hurdo la tagto soojeedka badan kaddib.

    - In minadu si sahlan uga qubato oo markaas dahaaro la’aani ku dhacdo oo uu sababtaas awgeed salaadda la gudan waayo.

    Cibaadooyinka kale oo cunidda qaadku dhabqin karto waxaa ka mid ah bixinta sakada iyo sadaqada kale iyo gudashada xajka, taasoo ka imanaysa kharajka badan oo qaadka ku baxa oo haddii uusan jiri lahayn lacagta isaga ku baxda looga faa’iidaysan kari lahaa gudashada waajibaadkaas diimeed

    Waxaa yaab iyo amakaag leh in dadka qaarki u maleeyo in kharajkii kaga baxay dadkii uu qaadka u qaaday uu la mid yahay sidii sako uu bixiyey oo kale!! Haddeed, qofka noocaas ah sow arrintiisu noqon mayso “kaaf iyo kala dheeri iyo kaan u dhigtayba maaha”, marka meeshii uu ajarkii sakada ka filanayey lagu soo oogo dambi hanti baatulid.

    Ilaahay wuxuu yiri: “Dhab ahaan shaydaanku wuxuu doonayaa inuu idinka dhex rido colaad iyo caro, khamrada iyo khamaarka awgood, iyo inuu idinka jeediyo xusidda Ilaahay iyo salaadda ee ma tihiin kuwo reebtoomaya”? (Suuratul Maa’idah, aayad 91)

    Ilaahay wuxuu kale oo yiri: “Halaag wuxuu u sugnaaday kuwa salaaddooda moogaanaya”. Kuwaas waxaa lagu fasiray inay yihiin kuwa salaadda waqtigeeda dib uga dhiga, iyagoo wax kale ku sii jeeda (Suuratul Maacuun, aayado 4,5).

    • b) Nafta

    Cunidda qaadku waxay wax yeeshaa nafta, iyadoo sabab u noqon karta dhimasho, taasoo ka iman karta shilalka cunidda qaadka la xiriira iyo cudurrada dilaaga ah oo cuniddiisa ku

    soo duggaala. Xataa haddii uusan qofku dhimannin wuxuu u ban dhiganyahay jirrooyin iyo nafaqodarro ka imanaya cunidda qaadka.

    Ilaahay wuxuu yiri: “Naftiinna ha dilina maxaayeelay Ilaahay waa kii idiin naxariis badan” (Suuratu Al-Nisaa’, aayad 29)

    • t) Caqliga

    Cunidda qaadku waxay wax yeeshaa caqliga, taasoo noqon karta waxyeello degdeg ah oo ah inta uu qofku marqaansanyahay, kana imanaysa falka maandoorinta ee qaadka, iyo mid dambe oo keeni karta waalli dhab ah.

    • j) Hantida

    Cunidda qaadku waxay wax yeeshaa hantida, iyadoo sabab u ah bixid kharaj badan oo aan khasaaro mooyee faa’iido u lahayn qofka geliya.

    Ilaahay wuxuu yiri: “Sii qofka qaraabada ah xaqiisa iyo miskiinka iyo masaafirka, hana baatulin hantida baatulid. Dhab ahaan kuwa hantida baatulaa waa walaalaha shayaadiinta, shaydaankuna waa kii rabbigiis ku kufrin badan” (Suuratul Israa’, aayad 27).

    x) Sharafta

    Cunidda qaadku waxay wax yeeshaa sharafta, iyadoo ah dhabbe loo sii maro xishoodarrada, sinada, khamrocabka iyo sigaarcabka, kuwaasoo dhibaatooyin kale oo badanna leh.

    Ilaaay wuxuu yiri: “Dhab ahaan Ilaahay wuxuu farayaa caddaalad, samofal iyo in qofka qaraabada ah wax la siiyo, wuxuuna reebayaa sinada, munkarka iyo dulmiga; Ilaahay wuu idin waaninayaa si aad u waano qaadataan” (Suuratu Al-Naxal, aayad 90).

    • kh) Dhasha

    Cunidda qaadku waxay wax yeeshaa dhasha, iyadoo sabab u ah dayicid xannaanadooda iyo tarbiyaddooda, kuwaasoo ah waajibaad waalidka dusha ka saaran.

    Nebiga, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene, waxaa laga weriyey inuu yiri: “Kulligiin raaceyaal baa tihiin, kulligiinna waa laydin weydiin doonaa wixii laydin raaciyey; imaamku waa raace waana la weydiin doonaa wixii la raaciyey, ninku waa raace arrimaha qoyskiisa waana la weydiin doonaa wixii la raaciyey, haweeneydu waa raacdo arrima guriga ninkeeda waana la weydiin doonaa wixii la raaciyey, adeeguhu waa raace arrima hantida madaxdiisa waana la weydiin doonaa wixii la raaciyey. Kulligiin waxaad tihiin raaceyaal kulligiinna waa laydin weydiin doonaa wixii laydin raaciyey”

    R. Aragtida sharci ee qaadka

    Faallahaas dheer oo ku saabsan waxyeellooyinka qaadka kaddib, waxaa is weydiin leh: horta hore qaadka cuniddiisa iyo ka-ganacsigiisu ma xaaraan baa mase waa xalaal?

    Jawaabta su’aashaas waxaa ila habboon in loola noqdo quraanka kariimka ah iyo sunnada dahiran.

    Quraanka

    1. Ilaahay wuxuu yiri: “Kuwa raacaya Rasuulka, Nebiga ummiga ah oo ay agtooda ka helayaan, isagoo ku qoran Tawraadda iyo Injiilka, kaasoo faraya waxa san kana reebaya waxa xun, una xalaalaynaya waxyaalaha wanwanaagsan kana xarrimaya waxyaalaha xunxun” (Suuratul Acraaf, aayad 157).

    Haddeed, qaadku, markii laga eego xagga dhibaatooyinkiisa tirada badan, sow kama mid aha waxyaalaha xunxun ?

    2. Ilaahay wuxuu yiri: “Waxay ku weydiinayaan, Nebiyow, waxa loo xalaaleeyey.

    Waxaad ku tiraahdaa waxaa laydiin xalaaleeyey waxyaalaha wanwanaagsan” (Suuratul Maa’idah, aayad 4). Haddeed, qaadku ma ka mid yahay waxyaalaha wanwanaagsan oo la xalaaleeyey?

    3. Ilaahay wuxuu yiri: “Cuna waxa aan idinku arsuqney iyagoo xalaal ah oo wanaagsan” (Suuratul Maa’idah, aayad 88).

    Sida muuqata, labada aayadood oo dambe waxay isku xireen xalaalnimada shayga iyo wanaaggiisa, taasoo laga fahmayo inaan waxa xumi xalaal ahayn.

    Axaadiista

    Nebiga, naxariis iyo nabadgelyo kor kiisa ha ahaadeene, waxaa laga weriyey

    axaadiista soo socota oo arrinta aan ka hadlaynno ku saabsan:

    1. “Wax kasta oo wax sarqaamiya, habbisana keenaa waa xaaraan”. Haddaba, qaadku labadaas dhibaatoba wuu keenaa.

    2. “Wax kasta oo wax sarqaamiyaa waa khamro, khamro kastaana waa xaaraan”. Sida muuqata, xadiiskaani mukhaadaraadka oo dhan wuxuu soo hoos gelinayaa xugunka khamrada, sababtoo ah inay kulligood wadaagaan falka maandoorinta

    3. “Wixii intooda badani wax sarqaamiso intooda yarina waa xaaraan”. Xadiiskaani wuxuu inoo caddaynayaa in xaaraannimada maandooriyeyaasha ayan shardi u ahayn in wax badan laga qaato ee ay intooda yarina xaaraan tahay.

    S. Gunaanad/dardaaran

    Bandhiggii waxyeellooyinka qaadka oo aan soo aragnay waxaa inooka soo baxay in qaadku, xaggii aad u eegtaba uu yahay “halaag xulantidiis”. Fikraddaas, oo ku salaysan natiijoonkii ka soo baxay cilmibaaristii wajiyada kala duwan lahayd oo qaadka lagu sameeyey, waa mid laysku raacsanyahay. Haddaba, mar haddii arrintu sidaas tahay waa in lays weydiiyo maxaa ina kala gudboon aafada qaadka? Jawaabta su’aashaani waxay ku jirtaa xadiiska soo socda:

    “Qofkii idinka mid ah oo fal xun arkaa gacantiisa ha ku dooriyo, haddii uu awoodi waayana carrabkiisa, haddii uu taasna awoodi waayo qalbiga ha ka diido, taasoo ah iimaanka heerka ugu taag daran”

    Haddaba, ladagaallanka qaadku waa arrin xil ka saaranyahay qof kasta oo Soomaali ah, siiba madaxda siyaasadeed, culimmada diinta, aqoonyahannada iyo qof kasta oo wax garad ah. Xaaladda maanta dalka ka jirtaa ma filayo inay oggolaan karto in arrintaas tillaabo wax ku ool ah laga qaadi karo. Hase ahaatee, iyadoo laga shidaal qaadanayo weertii Cali-Dhuux oo lahayd “Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abade”, waa in wax uun lagu dhaqaaqo, iyadoo loogu hor marinayo wacyi gelin habboon oo dhinac kasta ka abbaarta mashkalda qaadka.

    Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu ina waafajiyo wixii danteenna adduun iyo middeenna aahiroba ku jiraan.

    Waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey
    abdul hakim
    Email: hakimmsm@yahoo.com

     SAWIRADA QAADKA... GUJI

    Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2003

    Shuruuda Qoraalada Kusoo Baxaya SomaliTalk.com

    .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

    Powered by www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
     kaah
     

    Faransiiska iyo sharciga Khimaarka: Gaar ahaan Khimaarka gabdhaha Muslimiinta ah ku xirtaan Iskuulada.. Guji


    18 Soomaali ah ayaa Qaba AIDS-ka
    MINNESOTA: 18 qof oo Soomaali ah oo layaqaan oo deggan gobolka Minnesota ayaa qaba cudurka dilaaga ah AIDS-ka Guji Dec. 1


    MARAYKANKA MA KASOO BAXDAY LACAG TAARIIKHDEEDU TAHAY 2004
    "Waxaa Soomaaliya Soo Gaartey Lacag Ciiro leh oo aan la garanayn" Sidaas waxaa yiri Ganacsade Soomaaliyeed oo... Guji 12/6


    Ciidamada Canada oo Loo Sameeyey Wadaad Islam ah
    waa markii ugu horeysey taariikhda ciidanka Canada oo loo sameeyo wadaad muslim ah, waxaana laga dhigay nin lagu magcaabo Guji


    Taariikhda Muhammed Ali Clay


    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri


    Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


    Singapore:
    500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
    Guji


    USA: Dacwadii Aba Sheikh
    Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


    London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    daroogada lagu beero soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay maraan labada webi


    Dal Biyo La'aan ah Degaan ahaana La Qurmiyey
    Jamhuuriyada Soomaaliyeed waa hooyga budcada
    Cabasho Shaneemooyinka Xamar iyo aflaamnta Jinsiga

    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD