SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Dec 13, 2003

Ciidamada Canada oo Taariikhda Markii ugu Horeysey Loo Sameeyey Wadaad Islaam ah

Daawo Halkan... ama  halkan  [Haddii kale eeg halkan]
[XUSUUS: si aad u daawatid marka hore soo rogo WindowsMedia Player]


Bisha ku dhegan jaakada Suleyman

Khamiistii (11/12/2003) ayaa markii ugu horeysey taariikhda ciidamada qalabka sida ee Canada waxaa loo magcaabay wadaad Islaam ah, kaas oo ah nin asalkiisu kasoo jeedo dalka Turkiga, magaciisana la yiraahdo  Suleyman Demiray, oo 37 jir ah, oo Canada yimid 1993. Aabihiis wuxuu Iimaam ka ahaan jirey Turkiga, Suleyman markii uu yimid Canada waxa uu iimaam ka noqday masaajidka Turkish Mosque ee  Ottawa.

Suleyman waxa uu xafladii ay ka qalin jebinayeen wadaada ku yimid asagoo ku lebisan calaamadda bisha oo ku dhegan jaakadiisa halka ay kuwa kale uga dhegan tahay calaamada istalaabta ah.

Waa tix gelin aad u weyn oo la isiiyey in aan dalkayga u adeego ayuu yiri Suleyman oo ka qayb galayey xafladda qalin jebinta oo lagu soo daray in la akhriyo Qur'aanka.


Suleyman Demiray

Riad Saloojee: Magcaabida (Suleyman) waa arin wanaagsan caircan.ca

Ciidamada Canada oo tiradoodu dhan tahay 60,000 waxaa muslim ka ah 200 oo qof oo keliya, laakiin sida ay sheegtay jariidada Tronto Star go'aanka in Suleyman lagu daro wadaadada ciidanka waxay ka tarjumeysaa sida ay ciidamada Canada u noqonayaan kuwo dadka ku jiraa ay kala gedgedisan yihiin (ama meelo kala duwan kasoo jeedaan).

Sida uu sheegay telefishanka CTV, ciidamada Canada waxay u badnaan jireen rag caddaan haysta diinta kirishtaanka, laakiin taas ciidamadu waxay rabaan in ay bedelaan. Waxana uu TV-gu intaas ku daray in ilaa hadda intii ka horeyey waxa keliya ee ay ciidanku lahayeen ay haayeen baadariyo kirirshtaan ah.

Waxaa la baabi'yey heestii qaybta wadaada ee ciidanka ee ahayd "Onward Christian Soldiers," waxaana lagu bedeley Beethoven's "Ode To Joy".

Suleyman waxa uu sheegay in xaaskiisa Emine, iyo labadiisa wiil Selman, oo 7 jir ah, iyo Numan, oo 6 jir ah, ay ku gacan siiyeen go'aanka ah in ay ka guuraan Ottawa oo ka shaqaynayey cisbitaal uu wadaad ka ahaa, halkaas oo ah meeshii uu kaga qalin jebiyey shahaadada master's degree  ee diinta oo uu ka qaatay Jaamacadda Carleton University, waxayna u guurayaan Edmonton oo ah meesha uu asagoo wadaad Muslim ah ugu shaqayno ciidamada Canada.

Muslimiinta Canada aad ayey arinta Suleyman usoo dhoweeyeen.

ISHA: Toronto Star | CTV
Tarjumadii SomaliTalk.com

<><><>

MA OGTAHAY: Shirkada Qibla Cola

Shirkada Qibla Cole oo Weydiisey in Shirkadaha oo Dhammi muujiyaan In ay Cabitaanada Caadiga ah kudaraan Khamri iyo in kale.

Qibla Cola waa shirkad soo saarta cabitaanka cola oo loogu talo galay dadka muslimiinta ah, waxaana shirkadaas asaastay gabar Muslimad ah oo deggan dalka Ingiriiska oo magaceeda la yiraahdo Zahida Parveen. Waxaa shirkadaas u dejisan in wixii faa'iido ee shirkada laga helo boqolkiiba toban (10%) ay ugu deeqi doonaan dadka tabalaaysan. Dadka cabey Qibla Cola waxay sheegeen dhadhan ahaan in uu dhexeeyo kooka koolaha iyo Biibsiga. Si aad wax badan uga ogaatid shirkadaas, soo booqo shabakada http://www.qibla-cola.com/

<><><>

Canada oo Ra'iisul Wasaare Cusub Yeelatay

Daawo Halkan....


Paul Martin

Shalay oo Jimce ahayd (12/12/03) ayaa la dhaariyey Paul Martin si uu u noqdo ra'iisul wasaarihii 21aad ee dalka Canada, taas oo k adambeysey kaddib markii uu jagadaas iska casiley ra'iisul wasaarihii hore ee Canada Jean Chrétien oo siyaasadda dawlada dhexe ee Canada kusoo jirey 40 sano, taas oo toban sano oo kamid ah uu ahaa ra'iisul wasaaraha Canada.

Paul Martin waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Liberalka ee uu ka tirsanaa ra'iisul wasaaraha hore ee jagada ka degey.

Paul Martin waxa uu ku dhashay magaalada Winsor ee gobolka Ontario sanadkii 1938.


ISHA: CBC CANADA
Tarjumadii SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2003

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD