SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

2004

USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen

Aden Mohamed 
adengas@hotmail.com

Dec 13, 2003

Waxaa si xawliya usocda ololihii lagu kasbanlahaa codka dadweynha ee ah doorashada madaxtinimada dalka maraykanka taasoo dhacaysa bisha Novemabar ee sanadka inagu soo aadan.

Haddaba labada xisbi ee jamhuuriga iyo dimnuqraadiga ayaa mid walba uu doonayaa in uu isagu hantiyo xafiiska ugu sareeya dalka maraykanka waa aqalka cadee looga arimiyo isutagga maraykankee.
xisbiga jamhiuurigu isagu malahan wax layiraahdi isreeb reeb sanadkan waayo hadda ayagaa ku fadhiya kursiga madaxtinimada oo madaxwene George W. Bush, cidina ku ciriirimayso magacaabidda xisbigiisa maadaama uusan dhamaysan labo jeer oo min afarsano ah marka waxuu sugayaa isreebreebka kadhaxeeya xisbiga dimuqraadiga oo ay isku haystaan ugu yaraan sida la ogyahay 8qof,waxaana dhici karta inay kusoo biiraan musharaxyo kale,waxaana aad carabka loogu hayay inay kusoo biiri doonto Senatar Hilary Rodham Clinton(marwada madexweynihii hore ee Bill clinton), balse shalay ayay meesha ka saartay inay damacsantahay inay isu sharaxdo oo waraysi ay siisay barnaamijka face the nation ee CBSka waxay tiri anigu waxaan taageerayaa musharaxii dimuqraadiya ee dadweynaha reer maraykan lasoo baxaan meeshana ka tuuraya xukunkaan hadda ee uu hormuudka ka yahayay George Bush balse anigu kuma talo jiro inaan isu sharaxo madaxweynimo.


Howard Dean

John Kerry

Is-reeb-reebka xisbiga dimuqraadigu waxay bilaabmaysaa bisha janawari 24keeda waxayna ka dhacaysaa gobalka New Hampshire, taasoo aad muhiim ugu ah tartamayaasha si uu uhigsado inuu isreebreebka baaqi kusii ahaado,waxa ay sheegayaan qolyaha khabiirka ku ah saadaalinta doorashooyinku inuu aad ugu horeeyo musharaxa lagu magacaabo Howard Dean oo ahaa ahaan jiray governatooraha gobolka Vermont, isagoo ka horeeya ugu yaraan 31% ninka kusooxiga ee John Kerry sanatoorka laga soo doorto goblka Massachusetts. doorashadaas kadib waxaa hadana lagu kala baxayaa gobalka kale Iowa oo xuduud la leh gobalka Minnesota ahna muhiimada labaad ee isreebreebka xisbiga Dimuqraadiga.

Asbuucii la soodhaafay ayuu sii laba lixaadsaday tartarnka (kaambaynka) loogu jiro in lahantiyo codka dadweynaha aydadoo qofwaliba uu isku dayayo inuu kusoo jiito waxyaalaha daweynuhu markaas xiisaynayaan sida caafimaadka,Waxbarashada, dhaqaalha, Arrimha dibada gaar ahaa tan ka taagan wadanka ciraaq. waxaana soo qaadanayaa waxuu qofwaliba kayiri arinta ciraaq,waayo qoraal kaliya laguma soo koobi karo ka hadalka arin walba muhiimadeeda marka bal aanu odorosno xagga arimaha dibada qof waliba waxuu lasoo shir yimmid.


Joseph Lieberman

Joseph Lieberman waa senator laga soo doorto gobalka Connecticut, waxuu ka mid yahay ragga ugu cadcad tartanka doorshadan,waa nin ah (Jewish orthodox) dadka ku mayal adag yuhuudnimada oo maruu ka hadlayay arinta ciraq waxuu yiri:Waa inaan kusii haynaa ciidamadeena wadanka ciraaq, isla markaana sii xoojinaa difaaca mandaqadda si aanu uga takhalusno kuwa ku dagaalamayaa diinta(Global Religion war),wariyiihii ayaa ishayn waayay oo lagu magacaabo Tony,oo waydiiyay senetar aduunka madagaal muslimiim iyo kiristaan amase yahuudnimo ayaa ka socda,intuu isyara celiyay buu yiri dagaal waxaa socda muslimiim mayal adag oo xag jira doonayan waxaan iyaga ahayn in ka takhalusaan,marka anigu waxaan kamid ahaa ragii taageeray in ciidamo loo diro ciraaq hadana sidii ayaan ku taaganahay oo waa inaan taageernaa kuwa la dagaalamaya asal raacnimada ka jrita aduunka muslinka.


Rev. Alsharpton

Rev. Alsharpton. waa hogaaamiya muddo dheer usoo dagalamayay xuquuqda daka dulman ee maraykanka,oo ay ugu horeyaan dadkiisa uu kadhashay ee maraykanka madow(african american),waxuu ka mid yahay dadka utartamaya musharxnimada madaxtinmada dalka maraykana,waa nin afkaartiisu cadahay markuu hadlana ku hadla wax qofka taabanaysa oo xaqiiqada (riyaalatiga) udhow,aadna dadku ujecelyihiin sida uu ugu hiiliyo danyarta;

waxuu yiri:madexwayne bush waa inaad si degdega noogu soo celisadaa wiilashayada iyo gabdhayaga aad udirto wadanka ciraaq oo gardaro ahayd inaad halkaas udirto,bushow markay kuu dagaalamayaan ciidamada maraykana waad jeceshay oo ay kuu dhicinayaan saliida aad rabto inaad ku naasnuujiso shirkadiina haloburt, laakiin markay ciidamdeenu yimaadaan dalka hooyo,dan iyo heelo kama gashid oo maleh caafimaad insurance,maleh hoy shelter,maleh waxbarasho oo lacagtii ma awoodaan,marka hanooga layn caruurteena dal aan khatar nagu hayn ee haddaan noqdo madexwene waa soo celin ciidankeena cadaaladna bariga dhexe waan kasamayn oo kii wax dulmiyana joojiya ayaan leeyahay kii la dulmiyana waan uhiilin.

Isagana waxaa la waydiiyay Rev.Alsharptonow mar walba dadka carabta ee bariga dhexe waad uhiilisaa, waligayano markaad jidadka Newyork,udagalamaysay xuquuqda dadka madow iyagoo kula socda lama arag oo xitaa hadaad eegto dadka kasoo jeeda carabta kana buuxa senetarada sida john sunuuno oo ah senetarka NH.una dhashay wadanka fallastiin,S.Abraham.xoghayaha quwada ee usa,una dhashay wadanka lubnaan, congressman D.Issa oo udhashay wadanka suuriya, jeneral Abizayn oo kasoo jeeda dalka siirya,iyo kuwa kaloo badan iskuma mashquuliyaan inay uhadlaan qadiyadda carabta ee adiga oo farac ka farac ku dhashay dalka maraykanka maxaa ku kalifay.

Alsharpton waxuu ka jawaabay wadanka maraykanka waxaa lagu soo dhibay oo lagu soo cabiidsaday awoowayaashay iyo ayeeyooinkayo,oo in kabadan 450sano ayaa silic iyo hoog ku dhexjirneen,marka madoonayo in xitaa shimbirna ha ahaatee wadankaan gudihiisa iyo dibadaba wax loogu gaysto wax nafi ku jirto,qofkii yaqaan dhibta ay leedahay xadgudub laga galo baniiadamka kuma dhiiradeen inuu wax nafi ku jirto la waxyeelo.


Gen.Wesley Clark

Gen.Wesley Clark, waxuu ka mid yahay isna ragga ugu cadcad tartanka xisbiga dimuqraadiga, marbaana lasaadaaliyay inuu ugu dhawyahay fursada ah kumaa bush ka guulaysan kara doorashada soo socota,waxuuna ahaa generaalkii hogaaminayay dagalkii balkanska oo ciidamadii NATO ee ka takhalusay gaboodkii lagu hayay muslimiintii aaggaas,tasoo sumcad fiican uu kakeenay walow markii dambe si wajigabax loo ruqseeyay,ayaa isna waxuu yiri;Bush waxuu naga faquuqay wadamadan saaxiibada ahayn oo cidla yuurar ayuu naga dhigay ciidankeeniinna bilaa saaxiibla,aan ayuu geeyay wadanka ciraaq sidaas awgeed waa qalad weyn inaan khilafno UNka oo kaligeen ku duulno ciraaq,marka waan kala soo baxaynaa ciidankeena oo saxiibadeen ayaan dib ujafjafan hadii la'ii igmado madaxtinamda wadanka qiimaha badan ee ameerika,isna wariyhii ayaa dib ugu soo jeestay oo way diiyay su,aal ahady goormaad ogaatay inaad tahay wiil yuhuud ah?(Malaha waa isha maanta lagu hantiyi karo kursiga hadii ay wax kuu galaan yahuudnimo,tiri saasa malahan dadka yuhuudu balse wadanka ilihiisa dhaqale ayay hagaanka uhayaan oo qof ayna uqaaraamin mahawaysto kursiga)

Gen.Clarka waxuu yiri aabahay waxuu dhintay anoo jira 4sano hooyadeena waxuu uga dhintay 420dolar kaliya markaas waxay ku noolaayeen magaalada Chicago. marka si ay ii koriso waxay dib ugu noqotay halkii ay ku dhalatay Arkansas, iyadu waxay ahayd qof masiixi ah oo maraykana,aabahayse waxuu ahaa nin yahuudiya, waxaana arintaas ogaaday anoo kabtan ciidamada ah sanadkii 1968dii. su,aal ahad adigu diintee ku dhaqantay waxuu yiri dabcan tii hooyaday oo waxaan ahay qof masiixiya.

Musharaxiinta kale qoralada dambe ayaan ku eegin waxyaalahay ka yiraahdeen arimaha ciraaq iyo guud ahaan dunida muslinka.

Maxaa Keenay Hoos u Dhaca Dollarka Mareykanka? Guji....

Gabagabadii asbuucii lasoo dhaafay waxay madexwyne bush u ahayd wiig aad ufiican oo waxuu marayay kalsoonida dadka wax doorta 61%,waxaana dadka falanqeeya arimahan sabab uga dhigeen dhaqaalaha oo ayaamahan soo kobcaya shaqo la,aantana ay hoos udhacday ,taasoo nafis siisay dadka oo waayadan ka walwalsanaa mustaqbalka shaqadooda iyo dhaqaalaha guud ahaanba wadanka maraykana .

Aden Mohamed 
adengas@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE ADEN


Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2003
 
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD