SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - 2004

Febraayo 6, 2004  

USA:Tartanka Aqalka Cad oo La isla soo Galayo Xayndaabka Muslimiinta

Aden Mohamed
adengas@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

Usa:Tartanka Aqalka Cad oo Madaxa La Galay Is Gobalysi GUJI

USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka GUJI

USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen ... GUJI


Ka dib markii laga soo gudbay 9 Gobal isreebreebka Xisbiga Dimuqraadiga oo lagu jiro wadada loo maro gacan ku dhigidda aqalka cad ee looga arrimiyo wadanka maraykanka, ayaa hadda waxaa loo soo gudbay gobalada ay ku badan yihiin Muslimiintu, kuwaasoo tiro muuqata ku leh cadadka dadka maraykanka laakiin aan ka muuqan golayaasha sida Seneterada, wakiilada, governatoorada iyo xitaa wakiilada hoose ee stateyada.

Dadka Muslimiita ah ee ku nool dalka maraykanka waxaa lagu qiyaasaa tiro u dhaxaysa 7 ilaa 10milyan,waxayna door muhiima ka qaadan karaan halka loo hagayo siyaasadda wadanka maraykanaka ,waa haddii ay noqdaan ul iyo diirkood oo ay muujiyaan cududooda kaasoo ah inay ku gorgortamaan codkooda.si ay uga badbaadaan dhibaatooyin la soo gudboonaada mujtamaca muslimiinta oo wixiii ka dambeeyay dhacdadii September11,2001dii indho dheeraada lagu eegayay ummadda muslimiinta ee ku nool wadanka mareykanka iyo guud ahaan caalamka reer galbeedka.

Maanta waxaad arkaysaa muslimiin badan oo ka shalaynaya doorashadii ay doorteen madaxweyne Bush oo leh haddaanu dooran lahayn ALGORE sida hadda lanoo dhibo naguma dhacdeen oo John Ashcraf Isma aragneen hagardaamadiisa (Ashcrafe waa xeer ilaaliyaha guud ee dalka.waxaana dad badani u arkaan inuu yahay nin cunsuriya oo ciqaab badan), waxaan xasuustaa maalmihii lagu jiray doorashadii Bush iyo Algore in hormuudyada islaamka ay ka ololeenayeen masaajidada oo ay lahaayeen yaan loo codayn Algore waayo waxuu wataa oo madexweyne ku xigeen u noqon nin yahuudiya oo haddaanu nahay muslimiin aan ka hortagno inuu Joe lieberman wadankaan madexweyne ku xigeen ka noqdo,iyagoo sanadkaas waa 2000-ye ay muslimiintu ka leexdeen xisbigoodii ay u badnaayeen ee Dimuqraadiga una codeeyeen waagaas xisbiga Bush ee GOP.

Aan usoo noqonee meelaha Muslimiintu ugu badan tahay waxaa ka mida Gobalka Michigan oo sabtida soo socota laga qabanyo doorashada isreebreebka xisbiga Dimuqradiga, waxuuna noqonayaa gobalka ugu wafuud(Delagate)badan tan iyo inta la isla gaarayo California iyo New York, oo Michigan Caucus waxuu haystaa 128 wafuud (delegate)waxaa kaloo sabtida doorashada ka dhacaysaa gobalka Washington oo isna leh 76delgate,waxaana ku nool muslimiin ay soomaalidu ka mid tahay waxaana haddiba ka bilaabay ololaha dhammaan musharixiinta si ay usoo jiitaan indhaha dadka waana doorashada loo yaqaan Caucus, waxaa ku xiga Maine oo isna laga qabanyo Axadda waxuuna leeyahay 24wafuud waana Caucus.


Virginia Primary

Markaan shaqadii ka soo baxay galabta ayaan waxaan ku yara hakaday meelaha soomaalida isugu timaado sida maqaxwaha Sturbucks, waxaa dhamaantood hadal hayeen doorashada nagu soo fool leh maalinta Talaadada ee bishu tahay Feb,10 taasoo ka dhacaysa gobalkan Virginia oo ay ku noolyihiin muslimiin iyo soomaali badan oo waliba soomaalida degan halkan(Washington Metropolitan)waxay soo galeen badidoodu dalka wixii ka horeeyay dagaalka sokeeya waxaana ku arkaysaa dad soo galay 35sano ka hor,iyadoo aad moodid ayaamahan in diiraddu ka leexatay hadal hayntii Shirka Nayrobi oo soomaalidu iyo muslimiintu waxay il wayn ku eegayaan doorashada soo socota,waxayna ubadnaayeen hadalkoodu waxaanu soo dhawayn musharixii u muuqda inuu kursiga kala wareegi karo George Bush, kadib waxaan usoo gudbay xaafada Soomaalidu ku badan tahay.waxaana dhawr su,aalood ku boobay asxaab aanu sanado badan ku wada tukanaynay masjida washington DC. waxaana waydiimahayga ka mid ahaa xagge ubadanahay? ,waxaana iiga soo baxay dadku inay uyara janjeereen markii hore Dr. Howard Dean laakiin u muuqda in faraskiisi gaabinayo,ayadoo loo aanaynayo inuu eersaday hadal mar uyiri oo ahaa*Haddaynu nahay maraykan waa inaanu qadiyadda bariga dhexe dhexdhexaad ka noqonaa oo aynu uxaglin dhinaca israaiil* kadibna qolyaha saxaafadda oo ay ubadanyihiin yuhuuddu ay daba dhigteen iyagoo dadka utusay inaan lagu aamini karin aqalka cad, marka muslimiintu waxay immika isugu biyo shuban kii usoo baxa xisbiga dimuqraadiga inay siin doonaan codkooda oo aad moodo inay leeyihiin waanu ku qasaarnay doorashadii Bush. Virginia ma laha kala soocid labada xisbi oo doorashada isreebreebka waad codayn kartaa haddaad tahay dimuqraadi amase jamhuriga, waxaana ay leedahay 82 wafuud,iyo 20yo Unpledge,waxaana haddiba isku hujuumay labada nin ee reer koofureedka ah John edwards iyo Gen.Wesley Clark,oo mid walba rabo inuu ka xigsado maadaama Virginia ay ahayd hooyadii reer Koofureedka oo caasimadeedu Richmond u ahayd Caasimadii Goonigoosadkii reer koofureedkii la jebiyay dagaalkii sokeeye 1861-1865kii.walina cag sooma dhigin wiilka hogaaminaya tartanka ee reer waqooyi bari(New Englander)waa seneterka Massachutts John Kerry isagoo u muuqda inuu is-hubo oo aan la gaari karin ,waxuuna bilaabay durbadiiba inuu taagsado ololihii uu kula tartami lahaa Bush,waa degdeg baa la orankaraa maadaama ay dhiman yihiin gobaladii ugu wafuudda badnaa.


Ragga tartamaya sidaan bay ukala delegate(wafuud)badan yihiin


John Kerry ......... 177 (Delegate)
John Edwards ..... 84 ,,,,,,,,
Wesley Clark .......50 ,,,,,,,,,
Howar Dean ........ 23 ,,,,,,,,,,,
Alsharpton ...........2 ,,,,,,,,,,,
Dennis Kucinich ......  0,,,,,,,,,,,,,,
Joe leiberman, Richard Gephard(with drew)

Waxaa kaloo talaadada doorashu ka dhacaysa Gobalka Tennessee oo ah qaybta loo yaqaan "primary" waxuuna leeyahay 69 wafuud ah, waana gobalada somaalidu iyo muslimkuba joogaan oo codkoodu muuqan karo,waxaa la eegayaa bal xisbiga dimuqraadigu ninkay soo xushaan,iyadoo dhawaan qiyaas la sameeyay xagga codadka dadwaynaha uu kerry Bush kaga horeeyo 47% Iyo 46% haddi maanta la qaadin lahaa doorashada madexweninimada, waxaase ka soo horeeya howlo badan oo wax walba ku xiran siduu noqdo jeebka dadka maraykanka, waxuu ku dambeeyo dagaalka ciraaq iyo kuwa kaloo badan,waxuuna Bush u qoondeeyay lacag ka badan 240milyan oo doollar inuu ku bixiyo xayaysiin iyo wixii la halmaala.

F.G.Haddii aad ku nooshahay Virginia ,waxay cod bixintu bilaamaysaa 6.00subaxnimo ilaa 7.00 Fiidnimo(East Coast Time).waxaad codayn kartaa haddaad iska diiwaangelisay Virginia janaayo 12dii, waxaad ku arkaysaa warqadda aad ku codaynaysay magcaanta hoos ku qoran ee kii aad is tiraahdo dantaada waa ku jirtaa u codee oo ha xariiqin labo magac:

Joh kerry, John edwards, Howard Dean, Wesley Clark, Lydon H.La Rouche jr, Dennis Kuchinich, Alsharpton. Joe Lieberman(with drew), Richard Gephardt(with drew)

 Usa:Tartanka Aqalka Cad oo Madaxa La Galay Is Gobalysi GUJI

Aden Mohamed
adengas@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Febraayo 6, 2004

USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka GUJI

SAWIRADA: Google search

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

»USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka Aden
»USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen [Aden]
»OLOLAHA XISBIGA DIMUQRADIGA MARAYKANKA [Diridhaba]

»USA: DOORASHADA XISBIGA DIMUQRADIGA EE  2004 [Diridhaba]
 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD