SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - 2004

Janaayo 30, 2004  

Usa:Tartanka Aqalka Cad oo Madaxa La Galay Is Gobalysi

Aden Mohamed
adengas@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka GUJI

USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen ... GUJI


 Isreebreebkii xisbiga Dimuqraadiga ayaa u gudbay dhanka Koofureed ee dalka mareykanka, kadib markii la iskala yimiid dhanka gobalda waqooyi oo kala ahaa isdabataaga Iowa loona yaqaan (Iowa Caucus) iyo Codaynta New Hampshire loona yaqaan (NH Primary) waxaana asbuuca soo socda ee Bishu tahay Feb 3, laga qabanayaa 7 gobal oo labo tahay Caucas, 5na tahay Primary, kuwaasoo kala ah gobalada Missouri, South Carolina, Delaware, Arizona, New Mexico(Caucus) North Dakota (Caucus) iyo Oklahoma.

Governor Howard Dean
H. Dean
Senator John Kerry
J. Kerry
Senator John Edwards
J. Edwards
General Wesley Clark (Ret.)
W. Clark

Haddaba iyadoo labada nin oo ugu cad cad doorashada ay ka soo wada jeedaan gobalada waqooyi bari loona yaqaan New England, kuwaasoo kala ah John Kerry oo reer Mass. iyo Dr.Howard Dean oo reer Vermont ah, ayaa qolyihii kale ee tartanka kula jiray hadda waxay iyana diiradda saareen sidii ay iyana u beer laxawsan lahaayeen reer tolkooda koofureed, waxaana haddiba bilaabay labada nin oo ka soo Jeeda koofur oo kala ah Sen. John Edwards oo ku dhashay South Carolina ahna gobalaka wali ay ka jirto calanka loo yaqaan co-federate kaasoo wali ka dul babanaya xarunta laga xukumo gobolkaas, iyadoo dadka madow ay sanad walba cabasho kamuujiyaan in calankaas laga siibo halkaas. Waxaa kaloo ka soo jeeda koofur Gen. Wesley Clark, oo ah nin reer Arkansas, waxaase udiidan oo muran ka keenay inuu reer koofureed yahay John Edwards oo yiri anigu waligay kama guurin koofur laakiin Gen.Wesley Clark si rasmiya uma degenayn koofur oo marba meel ayuu joogay igumana qabsan karo koofur.

Olalaha lagu jiidanayo dadka xagga isgobalaysiga waxuu gaaray meel xun markii John Kerry iyo Howard Dean ay Dadka reer NH. xasuusiyeen in madexweyne kasoo jeeda gobalada waqooyi beri(New England)ay ugu dambaysay sanadkii 1960kii oo ahaa John F. Kennedy-gii la dilay. waxayna yiraahdeen marakan waa inaanu helnaa haddanu nahay reer waqooyi bari talada aqalka cad ee lagaga arrimiyo wadanka aduunka uga dhaqaalaha iyo xooga badan.

Haddaba 7da gobal waxaa muhiimadda koowaad leh gobalka Missouri oo ah gobalka ugu wufuuda (delegate-ka) badan oo waxuu haystaa 74 xubin, ayagoo wiilkoodii uu waji gabax kala yimmid gobalka Iowa oo uu ku hungoobay riyadiisii ahayd inuu noqdo madexweyne waana Dick Gephardt, waxaana la isku haystaa ilaa iyo imika bal ciduu siiyo kalsoonida waayo waa muhiimada aad uweyn, 7daas gobal soomaalidu waxay aad u degantahay gobalada Missouri, iyo Arizona oo isna leh 55 xubin oo kuwa kale waa ku yar yihiin amase maba joogaan, waxaana durbadii la sheegay in soomaalidu u kala qaybsantay John Kerry, Dr.Dean iyo waliba kuwa ujanjeersaday maalmahan dhanka Edwards.


Sen. John Kerry, D-Mass., & Rep. Jim Clyburn

Waxaa muhiimadda seddexaad leh gobalka South Carolina oo isna leh 45 wufuud ah (ama delegate) aadna ugu badan yihiin dadka madow oo ah fursadda ugu horeysa oo ay ku muujin karaan codkooda kaasoo wakiilka aqalka congreska uu kalsoonida maantaba u gudbiyay Sen. John Kerry, waxaase la saadaalinaya in gobalkan ay isku haystaan Clark, Kerry, iyo Edwards oo la filayo inuu codad fiican ka helo maadaama uu ku dhashay gobalkaan walow uu markii dambe u guuray gobalka la deriska ah ee north Carolina. waxaana farta wadnaha ku haya madexweyne Bush oo haddii uu soo baxo nin reer koofureeda uu ka jiidan doono codad badan maadaama dadka reer koofureedku u badan yihiin dad ku dhegan dhaqankii hore iyo diintaba oo aan wax u oglayn dadka kale ee laga badan yahay.

Waxaad ogaataa sida loo kala dad badan yahay in loo kala wufuud (delegate) badanyahay oo tartamayaashu waxay awoodooda siiyaan gobalada dadka badan marka lama saadaalin karo kuwa kale maadaama ay wufuud yar yihiin sida Delaware oo leh 15 xubin, New Mexico 26, Oklahoma 40, gobalakan waxaa la sheegay in uu ku horeeyo Wesley Clark, sabatoo ah waxaa ku yaal saldhigyo ciidam oo halkaas waxuu ka helayaa jananku kasoo kow derisnimada tol ay isku ciidan yihiin.

Taariikhda maraykanku waxay sheegaysaa ninkii ku guulaysta labada gobal ee kala ah New Hamphsire iyo Iowa Badanaa inuu noqdo ninka usoo baxa tartanka xisbiga uu laga gelayo xisbiga kale, waxaana labadaa gobal kuwada guulaystay Jimmy Carter oo markii danbe taladii kursiga kaga guulaystay J.Ford, waxaana isna ku guulaystay labada gobal AlGore oo isna Bush kaga badiyay tirada dadka balse waxaa ciilay dastuurka oo oranaya wufuud (delegate) ayaa lagu helayaa doorashada, taasoo xitaa wufuudii dirqi iyo maxkamad looga helay AlGore, waxaa kaloo la xasuusan yahay Bill Clinton, iyo George Bush in looga badiyay gobalka New Hamphsire, haddana waxay guulaysteen aqalka cad waayo waxaa kaalmeeyay gobalada ku xigay oo ahaa kuwa hadda soo socdoo kale.

Sababaha labadaas gobal loogu hormariyo isreebreebka waxay sheegaan dadka dhaliila arintaas inay tahay gobaladaas oo aan lagu tarixin cadaan Anglo-Sekshan isla markaana haysta Mad-habta Protestant, oo waxay leeyihiin qolyaha wax dhaliilaya nimanka dhigtay qaanuunkaas waxay rabaan inaan nin aan ahayn asalkiisu British protestant u soo fariisan aqalka cad ee Maraykanka. Maraykanku intuu jiray niman ahayn Protestant oo noqda madexweyne mareykan waxaa ugu dambeeyay uguna horeeyay John F. Kennedy oo ahaa nin Katoologa balse waxuu ahaa isna Anglo-sekshan nasiib daro isna ma dhamaysan waqtigiisii oo waxaa lagu toogtay magaalada Dallas oo ah gobalka Texas kuwaasoo ka xun xuquuqda uu u ogolaa dadka laga tirada badan yahay.

Websiteyada:
Kerry, Edwards, Dean, Iyo Clark.
www.johnkerry.com

www.deanforamerica.com

www.clark04.com

www.johnedwards2004.com

Waxaa kaloo doorashada wadanka Maraykanka haga xagga dhaqalaha oo badi lagu bixiyo xayaysiin siiba taleefishinada oo qofkii ku guuldaraysta labada gobal ee ugu horeeya dadku waxay ka daysan lacagtii ay ugu deeqi jireen, oo qof walba waxuu isleeyahay maxaad ugu khasaarin lacagtaada qofaan la rabin, tusaale ahaan doorashadii gobalka Nh. halkii asbuuc Dr.Howard Dean waxuu ku bixiyay xayaysiin 1,150,000 dollar, John Kerry waxuu ku bixiyay asbuu caas 650,000, Wesley Clark nus malyuun, marka nimaan haysan dolar isagaaba iska harin markii laga xirto TVyada.

Waxaa laga dhursugin asbuuca soo socda maalinta Talaadada ninka hela doorasha gobalada Missouri, Arizona, Oklahoma iyo South Carolina oo la leeyahay waxaa rajada badan leh Kerry, Edwards, Dean, Iyo Clark.

Akhri: Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka GUJI


Aden Mohamed
adengas@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2004

USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka GUJI

SAWIRADA: Google search

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

»USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka Aden
»USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen [Aden]
»OLOLAHA XISBIGA DIMUQRADIGA MARAYKANKA [Diridhaba]

»USA: DOORASHADA XISBIGA DIMUQRADIGA EE  2004 [Diridhaba]
 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD