SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Feb 12, 2004  
Taageer Daryeelka Degmada Balcad

Taageer dhismaha daryeelka caafimaad iyo waxbarsho
ee Muqdishu iyo degaanka la xiriiro
Ururka Samafalka ee Daryeel


Dusiga Degmada Balcad

Walalaayaal, sida aan ka warqabno, Ummadda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa marxalado kala duwan oo aad iyo aad u qalafsan. Cid walbo oo Soomaaliyeedna waa ay ka damqaysaa dhibka isaga ah ee saameeyey Ummadda Soomaaliyeed nooc kasta ay leedahayba: sida Dadka Waaweyn (adults), Haweenka, Odayaasha, Dhalaanka iyo Dhalinyarada iyo dabcan qaybaha kale ee Bulshadu leedahay. Sidaas daradeed, waxaan Jaaliyadaha ku nool dalka dibaddiisa meel kasta aay joogaanba iyo qeybtay doonaan ha noqdeen, Waxgaradkooda, Aqoonyahanadooda, Rag iyo Dumarba, waxaan si naxariis leh iyo wadaniyad leh uga codsanaynaa inay soo taakuleeyaan Walaalahooda Soomaaliyeed ee degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa ee aan lahayn daryeel caafimaad iyo waxbarsho gaarsiisan degaanka oo dhan.

Sida qof walba ee soomaali ah ka warqabo, noloshada bulshada ka soo jeeda Muqdishu iyo degaanka Gobolka Banadir maanta nolol xumo ayaa haysata taaso saldhig ee uu tahay dhibaatda guud ee Dalka Soomaaliya hortaagaan. Wax adeeg caafimaad ama waxbarasho ee mujtamaca dega gobolka ee maanta heystaan ma jirto, marka laga reebo qeebo kooban oo ganacsi looga dan leeyahay.

YAA HOGAAMINAAYO ARRIMAHA LAGU HORMARINAAYO ADEEGGA CAAFIMAAD IYO WAXBARASHO EE DEEGAANKA?


Cisbitaalka Degmada Baclad ---------------- Dugsiga Degmada Balcad

DARYEEL waa urur samafal ee Soomaliyeed, xafiisyo ku leh Soomaaliya iyo Sweden, kana diiwaangashan dalka Sweden, islamarkaana caawiya Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir. Ururka DARYEEL ma aha urur siyaasadeed iyo urur xukundoon ah midna ee waa urur u shaqeeya kalsoonina ka haysta Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool degaankaas. Ka dib markii ururka DARYEEL aay soo gaareen baaqyo, cabashooyin iyo akhbaaro ka kala yimid Wax garadka, Odayaash, Aqoonyahaanada, Culimaudiinta iyo Masu’uliyiinta magaalada Muqdishu iyo degmooyinka kale ee degaanka, ayaa soo shaac baxdey arrinta daryeel la’aanta iyo dhibaatada heer nololeed ee


Webiga Shabbeele ee Degmada Balcad

Xoolo Dhaqato Aroor U Socoto

Taalo Ku Taal Degmada Balcad

ka taaagan maanta Degmada BALCAD, taaso ka tirsan Degaankaas, ayaa ururka DARYEEL wuxuu go`aansaday inuu Baaq degdeg ah u diro cid allaale iyo ciddii garab ka geysan karta in ey ku caawiyaan walaalahood ku nool degmadaas iyo nawaaxigeeda sidii waxbarasho iyo adeeg caafimaad ee xasaasi ah loogu heli lahaa carruurta iyo maatada kale, ee ay ku habsadeen cudurada iyo

waxbarasho la,aanta iyo dad la’anta ku dhacdey mushtamaca oo ay sabab u ahayeen dagaallada sokeeye ee muddada dheer ka socdey Dalka Soomaaliya. Muddo laba sano ah ayaa xaaladda nabadgelyo ee degmada soo roonaaneysay; maantana nabadgelyada iyo isusocodka shacbiga waa la sugay; nasibdarro xaalad aad uu liidata ayaa ka heysata dadweynaha dhinaca waxbarashada iyo adeeggga caafimaadka. Waxaa maanta mujtamaca hadal qabsi uu noqotey: In xabbad la qaybiyo waxaa ka fiican in abuur iyo daawo la qaybiyo!

Haddaba, ururka DARYEEL wuxuu mar walba xaq dhowarayaa, ee uuna ilaalinayaa jiritaanka ummadaas ee masiiboyiin kale duwan ku dhaceen, taaso ugu weyntahay in maanta ee yihiin mujtamaca ugu liita dalka ayago lagu yaqiin soo dhoweynta muwaadin walba ee Soomaali ah. DARYEEL wuxuu balanqaadayaa, haddii Alle yiraahdo, in wax alaale iyo wixii samafal ah ee la helo uu gaarsiini doono Degaankaas iyo dadkiisa wixii ay walaalahood Soomaaliyeed ugu deeqaan degaankaas. Ogow taariikhdu waa aay qori doontaa cidii ummadeeda wax u tarto Gobolka Banaadirna waa uu ku faani doonaa. Ilaaheeyna Ajar iyo xasaanaddna waa uu ka siin doonaa. Anagan si nabad buuxda loo helo waxaan Soomaali ku baraarujineynaa in hadal qabsi ka dhigtaan: Qoriga dhig oo buugga qaado!

Yaa la shaqeeynayo Ururka DARYEEL?

Ururka DARYEEL wuxuu dhowraaba waa deeqsinimadiina, naxariistiina: hadal yar iyo howl badan! Isla markaasna wuxuu idin balan qaadayaa mustaqablka dhow warbixino qaas ah ee ku saabsan arrimaha bulshada ee Gobolka Banadir. Ururka DARYEEL waxaa uu mahad gaar ah u soo jeedinayaa ururada hoos ku qoran oo wada shaqeeynta kala dhaxeyso, oo ayagana ku mashquulsan soo celinta adeega waxbarasho iyo caafimad iyo nabad raagta ee Muqdishu iyo degmada Balcad iyo dhammaan Gobolka Banadir, ururadaas oo kal ah: HOMDAS Association oo fadhigiisa yahay Waqooyiga Ameerika (Kanada), WAACID ee Saudi Arabia, HealthCare and Advocacy ee dalka Ingriiska, Jaaliyada Hurumarinta Banaadir ee Norway, Jaaliyadda ee Denmark, ururka KULAN ee Muqishu, kuwaas oo si daacad ah ugu guntadey ka shaqeynta arrimaha lagu horumarinayo degaankaas ee loolan siyaasadeed iyo dagaalo sokeeye aad uu saameeyeen; ururadaas waxey ka wada shaqeeyn doonaan hirgelinta nabad waarto, wada noolaansho, wax-wada qeybsi ku saleesan hab wada tashi leh (Demoquraadiyad) iyo dhowridda nolasha aas-aasiga ah.
Hadii aan rabno in aan taageerno howshaas ama maclumaad dheeri ah rabno, sidee ula soo xiriirnaa?
Wixii faahfaahin waxaad kala soo xiriiri kartaa adigoo tixraacayo iimeelada hoos ku qoran
:

Fadlan dooda iyo wax-qabdka ka qeyb qaado si tala wanagsan loogu shaqeeyo!!!

Maamulka Ururuka Samafalka ee DARYEEL!
ALLAA WAX OG!

Ururka DARYEEL (Sweden) ------------------------ -------- daryeel5@hotmail.com
Ururka HOMDAS Association (Kanada) ---------------------- homdasassociation@hotmail.com
Ururka WAACID (Saudi Arabia) ----------------------------- jiilaal146@hotmail.com
Ururka Somali Healthcare and Advocacy (England) ---------- info@somalihealthcare.org
Ururka Horumarinta-Banadir (Norway) ---------------------- horumar@hotmail.com
Ururka KULAN (Muqdishu) --------------------------------- oomaar60@hotmail.com
Ururka DARYEEL (Danmark) -------------------------------- haliyale@hotmail.com
Ururka NABAD (Balcad) ------------------------------------ maxamuud_xuseen@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 12, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]