SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA/USA

Febraayo 21, 2004  

Bahda SomaliTalk oo ku daba Jira Raadkii Qofkii Linkiga Khaldan Ku Hagey Bogga SomaliTalk.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


SomaliTalk.com (Feb 21, 2004): Ugu horayn bahda SomaliTalk waxay akhristayaasha u xaqiijinayaan in aan waxba ka jirin sheegashadii ku qorayd baal lagu xiriiriyey SomaliTalk taas oo ahayd in Somalitalk ay la wareegeen. Arintaas oo aan waafaqsanayd sharciga UK, Canada iyo USA, waxaan ku daba jiraa ciddii ka dambaysey.

Tan kale waxaan akhristayaasha SomaliTalk u xaqiijineynaa in macluumaadkii SomaliTalk ku kaydsanaa aysan waxba ka dhumin, waxa ay sameeyeena uu ahaa in ay link khalad ah ku hageen bogga laga soo galo website-ka. Macluumaadka SomaliTalk hore ayaan uga taxadaray meel ammaan ah ayeyna ku xafidan yihiin.

Hadda waxaa ugu muhiimsan ee aan ku daba jiraa raadka cinwaanka IP Addreska ama Internetka uu adeegsadey ama cinwaanka qofkii lahaa computerka loo adeegsadey in arintaas lagu fuliyo.

Akhbaartii maanta ee SomaliTalk waxaad kala socon kartaa SOMALIATALK.COM 

CINWAANKA

xxx 12 street, mpls, mn US 55403:
Wadada uu deggan yahay qofka leh VISAda loo isticmaalay in lagu leexsado cinwaanka SomaliTalk. Waxaan haynaa magaca qofka VISAda lagaa iyo cinwaankiisa oo buuxa, haddii loo baahdona gurigaas sawir ayaan kasoo qaadi doonaa.

Ilaa hadda waxaanhelay CREDIT CARD-ka qofkii qoraalka khaladan kusoo qoray bogga, VISAdiisa ayaana u gudbin doonaa hay'adaha ammaanka ee la dagaalama carqalada Internetka dadka u geysta. lambarada Visada qofkaas qaybteeda ugu dambaysa waa sidan VISA xxxxxxxxxxxx5509 , Visada oo dheceysa  bisha11 ee sannadka 2006, Visadaas oo ay Feb 20, 2004 u isticmaaleen in ay ku furtaan baalka ay ku hageen bogga somalitalk (eeg sawirka dhanka midig wadada uu qofkaasi deggan yahay), sidee durbadiiba taas  ku hesheen ayaa dhici karta in aad isweydiisaan, jawaabtu waa "[Waxaa Allah mahadiis ah in aysan wax aqoon ah u lahayn Internetka oo ay maqleen waxbaa HACKING lagu sameeyaa", waana u seeta dheerayneynaa ilaa caawa si ay bogga ugu soo laabtaan oo markaas loo helo cinwaankooda oo sax ah.

Bahda SomaliTalk waxay akhristaasha u sheegayaan in Saxaafada xorta ah ee adduunka aaney jirin cid is hor taagi karta, waxaana idiinku bishaarayneynaa in dad badan oo Soomaaliyeed ay cilmiga Internetka aad u barteen, kana gaareen meekhaan, taasoo aan u ogolaan doonin ciddii sidaan oo kale ah in ay ku guulaystaan riyadooda.

Akhbaartii somalitalk ee maanta kala soco SOMALIATALK.COM

Mahadsanidin

Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com |Feb 21, 2004   

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]