SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Febraayo 21, 2004  

War-1-21-Febraayo,04,Nairobi.
36-saac ayaa dib loo dhigay Marinta iyo u codeynta Qoddobadii ...........

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Maanta ayaa madasha shirka nabada soomalida lagu balansanaa in 3da-galabnimo la horkeeno ergada shirka 8-dii qodobad ee ka mid ahaa qoraalka buuga axdiga iyo dastuurka oo ay hogaamiyayasha soomaalida ku saxiixeen guriga madaxtooyada kenya 29-janaayo ee sanadkan.

Qoddobadan ayuu dhawaan si furfuran ugu fasiray wasiirka arrimaha kenya kooxda SRRC-da oo ku doodey in la hoos galiyey lana khiyaameeyey. qoddobka wasiirka uu si furfuran u qeexay ayaa waxa uu ahaa xulida xubnaha baarlamaanka waxa uu ku sheegay in ay soo xulayaan siyaasiyinta jilib-beeleedyada qabiilada soomaalida ee ka kooban shan koox ee ka qaybgashay kulankii safri Park hotel ,waxayna kala yihiin A-Golaha samata bixinta ,B-Dawlada KMG,C-(SRRC-da +TGN/SRRC,),D-kooxda G-8,E-Ururada bulshada rayidka.

Qodobkan ayaa kolkii hore ahaa tirada xubnaha xulaya 39-qof,ka dib markii ay diideen ayaa wasiirka ku fasiray tiradii ka qayb gashey kulanka safari Park hotel ee 9-Janaayo,04 iyo siyaado.
kooxda SRRC-da oo taagney tirada 24-hogaamiye + Cabdiqasim ayaa u cuntami waayey qoraal saxaafadeedkii uu 17-kii bishan wasiirka arrimaha dibada oo qoraya 39-qof iyo siyaado tirada xuleysa xubnaha baarlamaanka.

War ay soo fareen hogaamiyayaasha ku maqan Jawhar ayaa sheegay in ayana ogoleyn in la ansixiyo maanta, waxaa kaloo ay sheegeen in hadii maanta (la ansixiyo) iyaguna shirka ka baxayaan ,hadalkan ayaa beesha caalamka,IGAD iyo hogaamiyaasha kale ee soomalida ku abuuray welwel cusub kasoo ay keeni karto in shirka burburo.

Dhan kale hogaamiyayaasha kooxda SRRC-da ayaa iyaguna ku andacoodey in maanta la aasayo avv.Ibraahim OSSO oo ka id ahaa ergada soomaalida ee shirka nabada ka qayb galaya oo doraad ku geeriyoodey cusbitaalka Nairobi.

3-galabnimo kolkii ay ergadaii iyo beesha calamka la isu yimid ayaa guddoomiyaha shirka Bathuel A. Kipligat u sheegay ergada in dib loo dhigay maanta isniinta soo socota, taasoo uu gudoomiyaha sheegay in ay ka codsadeen hogaamiyaasha SRRC-da kuwa maqan iyo kuwa joogaba.

Ambasator Kipligat ayaa sheegay in maalinta isniinta 2-duhurnimo la ansixin doono si kasta ha noqotee.
dhamaad.

abdikarim hussein
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |Feb 21, 2004   

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD