SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Febraayo 22, 2004

DAWLADA BRITIAN OO KA FIIRSANAYSA INAY WADANKEEDA KA SAARTO AFAR KA TIRSAN WADAADA MUSLIMIINTA UK 

Hassan Salahuddin
Global Media Group
Liecester Uk,
Tel: 00-44-7904226238
salahuddin100@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


     Ilaa wixii ka dambeeyey qaraxyadii Sep/11/2001, dunida waxa ka dhacay is badal si weyn u saameeyey guud ahaanba nolosha aadamaha, is badalkaas meelaha sida weyn looga dareemay xaga is dhexgalka dadyawga wata dhaqamada, diimaha iyo mabaadii’da kala duwan wadamada galbeedka, qaraxyadaas taariikhda galay ee gilgilay xaruntii gaashaandhiga maraykanka ee loo yaqaanay Pentagon oo ku taalay magaalada Washington iyo daarihii dhaadheeraa ee ganacsiga oo iyaguna ku yaalay xaafada Lower-Manhattan ee magaalada New-york waxay wax weyn ka badaleen aragtidii rayal caamku ka qabay diinta Islaamka, dadyow farabadan oo aan wax badan ka ogayn markii hore diinta Islaamka ayaa baadhitaan u galay bal sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xadaarada uu Islaamku wato ee sida muuqata ay gorada iskula jiraan ilbaxnimada ay reer galbeedku ku faanaan.

     Dhinaca kale laanta sirdoonka ugu qaabilsan dawlada maraykanka ilaalinta danaha uu maraykanku ku leeyahay dibada ee loo yaqanao CIA  oo kaashanaysa laanta kale ee ugu qaabilsan America badbaadada dawlada fadaraalka ee iyadana loo yaqaano FBI oo ay barbarkooda taagan yihiin(MOSAD) horyaalka sirdoonada caalamka ee ISRAEL iyo waliba M16 oo laga leeyahay dalkan BRITAIN waxay halgan hadh iyo habeenaba u galeen baadi goobka wax ay u bixiyeen argagixisada casriga ah, oo ay safka hore kaga jiraan dhaqdhaqaaqyada diinta Islaamku meesha ay doonaan ka joogeen dunidee.

     Hadaba meelaha waayadan dambe aadka diirada loo sii saaray waxa ka mida wadaadada muslimiinta gaar ahaana kuwooda codkooda badiyaa la maqlo kuna can baxay ka soo horjeedka mabaadii’da reer galbeedka.

     Maqaalkii kan ka horeeyey waxaan ku eegnay sheekada sheikh ABU-HAMZA AL-MISRI, qormadeenan maantana waxaynu ku eegaynaa sadex kale oo ka mida culimada muslimiinta oo ay dawlada ingiriisku gaar ahaana laamahooda sirdoonku ay inta badan isha ku hayaan, warbaahinta Britayna oo ay intooda badan gacanta ku hayaan yuhuudu ay si aada ugu ololaynayaan sidii looa saari lahaa wadankan ingiriiska, iyagoo ku andacoonaya inay yihiin shakhsiyaad khatar ku ah amniga Britan.

: Sheekh Cumar Bakri Mohamed: Waxa uu xidhiidh aad u dhaw la leeyahay shekeh Abu-Hamza Almisri, oo aynu ku soo qaadanay maqaalkii hore, wuxuu u dhashay wadanka Suuriya wuxuuna degan yahay xaafada Tottenham ee, waqooyiga London, wuxuu ku caan baxay khudbadihiisa ka soo horjeeda reer galbeedka, mar sii horaysaynay wuxuuba ku baaqay  in loo baahanyahay kacaan Islaami ah oo ka dhashay Britain!, isagoo yidhi(Daayeero ayaa dajiyey sharcigeena)

Anjen Choudary: Garyaqaan Anjen Choudary waa gacanta midi gee Cumar Bakri, waa 42 jir hogaamiya dhaqdhaqaaqa ISLAMIC GROUP AL-MUHAJIROUN, kuwaasoo qaraxyadii Sept/11, ka dib yidhi (Dadku waa inay dareemaan in America sii dumayso), wuxuu ku tilmaamay hawlgalkii ingiriiska ee CIRAAQ mid argagixiso ahaa.

  Sheikh Abdullah Al-Faisal: waxa lagu xukumay sagaal sanno oo xadhig ah bishii March eek al hore, isagoo lagu soo eedeeyey inuu kiciyey bulshada, wuxuu taageerayaashiisa u sheegay in la dilo kuwa aan ALLE rumay(Yuhuuda iyo Kiristaanka), waa 39 jir diinta Islaamka rumeeyey, kuna noolaa bariga magaalada London, wuxuu ku guubaabiyaa dhalinyarta muslimiinta ah inay ku biiraan goobaha uu ka socdo Jihaadku.

Waa Walaalkiin Hassan Salahuddin

Global Media Group.
Telephone: 00-44-7904226238
Leicester, United Kingdom.

salahuddin100@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |Feb 22, 2004   

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD