SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 24, 2004

BADHI CAB

Ismail A. Hassan (Khaliil).
Khalka1@aol.com

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya..
Guji...


Waabaa waxaa jiray nin odey ah oo dadka daaweeya, waxuuna ku caan baxay hal shay. Wuxuu wax ku daweyn jiray badhida idaha.
Qofku cudurkuu doono ha qabo ama meeshuu doono ha ka cawdee wuxuu siin jiray hal jawaab. Kii madaxu xanuuno, kii caloosha ka cabanaya, kii joonis qaba iyo kii meel kale laga hayaba wuxuu u hayay hal daawo. Waa badhida idaha, waxaanu ku oran jiray "badhi cab".

Maalintii dambe ayaa waxaa u yimid nin awrkiisii ka lumay markaasuu talo weydiiyay ninkii odeyga ahaa, odaygiina wuxuu siiyay taladii lagu yiqiin waxaanu ku yiri badhi cab!
Ninkii sidii odeygu kula taliyay buu yeelay oo badhi ayuu ka dhergay. Habeenkii markuu seexday ayaa waaberigii caloosha laga qabtay markaasaa intuu hurdadii ka soo booday uu u soo baxay meel reerka duleedkiisa ah si uu ugu soo xaajo guto. Ninkii intii uu dhexda ku sii jiray ayaa wuxuu mar keliya mudh ku soo yidhi awrkiisii oo geed iska hoos fadhiya! Ninkii odeyga ahaana Ilaah waa u ceeb asturay.

Waxaa hubaal ah in maanta qarankii Soomaaliyeed uu ku dhacay cudur.
Waa cudurka burburiyay dawladnimadii iyo dadnimadii Ummadda
Waa cudur asiibay mar hore maalinba maalinta ka dambaysana ku sii fidayay dawladnimadeena ilaa ugu dambaystii ay afka dhulka darto dibna uga soo kici weydo. Waa cudurka beelihii Soomaaliyeed ee deriska ahaa kala dhexdhigay xuduud, ku abuuray isnacayb iyo shaki ugu dambaystiina sababay inay kala aamin baxaan. Waa cudurka 14ka sanno daawadiisa la raadinayay ilaa hadana aan la hayn.

Xilligii xukuumaddii milateriga ahayd wadanka ka talinaysay oo caddaadiskii ay shacabka ku haysay ka dhasheen dagaalo sokeeye oo mucaarid qabiil ku salaysani wadeen ayaa dadka badankiisu xalka dhibaatada waagaas jirtay u arkayeen mid ku iman karta Maxamed Siyaad oo xukunka ka daga ama xoog lagag tuuro.
Sidii keligii taliye lagu yiqiin Maxamed Siyaad xukunkii dhiibi waa ilaa xaruntiisii loogu soo galo oo uu lafihii dirqi kula baxsado.

Maxamed Siyaad xukunkii laga qaad nasiib darrose taasi daawo umay noqon qaranimadii dhiig baxaysay balse xaalku waaba ka sii daray.
Waxaa bilaabmay dagaalo sokeeye oo si naxariis daran qabiilooyinku isugu gumaadeen. Waxaa is bililiqaystay dad 30 sanno ka badan deris walaalo ah ahaa, waxaana la galay marxalad cusub oo taariikheed.

Hadaba waxay arrintani keentay in dib loo eego daawadii la isticmaalay, waxaana la xaqiiqsaday in loo baahanyahay daawo cusub maadaama tii hore waxba tari weyday.

Waxaa la isla gartay in dhibaatada hal meel ka soo burqanayso. Markan waxaa farta lagu fiiqay Jenaraal Caydiid, waxaana loo arkay in cudurkan qaranka ku jira uu isagu sabab u yahay.

Wuxuu ahaa nin isaga iyo mooryaantiisu ay u tafo xayteen dagaal, aaminsanna in dagaal keliya wax lagu xalin karo.
Inkastuu isugu habar wacday qabiilkiisii iyo intii kale ee ay bah wadaag noqon karayeen si loo gumeeyo beel kale oo Soomaaliyeed oo uu u arkayay cadawgiisa koowaad hadana nasiib darro waxaa xabbad wadnaha kaga dhuftay kuwii dad u xigay.
Maanta waxaa la sheegaa inuu janankaasi sababtooda lahaa dad ilaa saddex boqol oo kun tiradoodu kor u dhaaftay dhimashadooda.

Caydiid meesha ka bax hase yeeshee taasi daawo uma noqon dawlanimada burburtay.
Haddii caydiid khaatiyaan laga taagnaa markan waxaa soo baxay tobanaan caydiid oo dardartooda qaba, xaaladda Soomaaliyana waxay noqotay mid sii murugta.

Hadaba shacabka Soomaaliyeed waxay markan garawsadeen in dhibaatada Soomaaliya ka taagani ka weyntahay mid hal shaqsi ama dagaal ooge loo nisbeeyo inkastoo ay weli jiraan dad tiro yar oo aaminsan fikirkii ahaa in haddii hebel la iska qabto wax weliba hagaagi doonaan.

Dadka fikirkan hebel ha la iska qabto weli aaminsan waxaa ka mid ah ninka lagu magacaabo C/waaxid Khaliif sida aan qoraaladiisa ka dhadhansaday. Waa nin aad u qoraalo badan oo si joogto ah wax ugu soo qora bogagga internetka ee Soomaalida dhawaana uu bog u caleemo saaray qoraagii sanadka. C/waaxid wuxuu had iyo jeer qoraa in xalka dhibaatada ummadda Soomaliiyeed haysataa yahay kornayl C/lahi Yuusuf oo la iska qabto.
Waa yaryahay qoraal uu ninkaasi leeyahay oo aanu ku xusnayn magaca C/laahi yuusuf.

Dhibaato kasta oo wadanka ka taagan hadday tahay Xamar, Baydhaabo, Kismaayo, Gedo, laas caanood intaba wuxuu u arkaa kuwo C/laahi ka dambeeyo.
Sidoo kale caqabadaha hortaagan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayuu mas'uuliyaddeeda dusha ka saaraa korneylka, haddii la wweydiin lahaa xalkeedana wuxuusi shlan ugu jawaabi lahaa C/lahi ha laiska qabto sidii ninkii odeyga ahaa ee badhida wax walba ku daawayn jiray oo akle.

Waxaa jirtay in C/waaxid mar sii yara horeysay uu wax ka qorey arrin uu ku sheegay xal u helidda mashaakilka gobolka Banaadir. Xalka meel fog kama doonin sidii caadada u ahayd oo wuxuu u soo jeediyay beelaha Xamar ku muransan inay Xuseen Caydiid iyo Maxamed dheere ka reebaan Kornaylka, dagaal oogayaaasha Muqdishona lagu abaal mariyo xilal looga dhiibo gobolka banaadir siiba meelaha dhaqaalaha laga helo!
Wuxuu isna maqaalkii uu dhawaan kaga hadlayay xaaladda kacsan ee gobolka Sool uu iyana xalkeeda ku soo koobay in C/laahi la iska qabto reer Somalilandna raali gelin laga siiyo arrintan.

Hadaba sida aanay badhidu cudur oo dhan daawo ugu noqon karin ayaanay dhibaatada Soomaaliya hal shakhsi ama dagaal ooge oo la iska qabto ugu xalismayn
Waa dhici kartaa marka hal dagaal ooge laga takhaluso in laga yara nasto dhibtiisii hase yeeshee taas macnaheedu maha in mashaakilkii la xaliyay,waxaana markiiba madaxa la soo kaca dhawr dagaal ooge oo markii hore dalladiisa isku hoos dhabarinayay.

Maxay tahay xikmadda ka dambaysa in dagaal ooge la iska qabto halka mid kalena abaal marin laga siinayo?

Ma qabo inuu jiro dagaal ooge dagaal ooge kale ka fadli badan dhammaantoodna waa dambiilayaal goor ay noqotaba ummadda Soomaaliyeed la xisaabtami doonto.
Dhanka kale shacabka soomaaliyeed laftoodu waa ka badh dhibaatada wadanka ka taagan waaayo sida kalluunku aanu biyo la'aan u jiri Karin ayaa dagaal ooguhuna taageerada qabiilkiisa la'aanteed aanu u jiri Karin.

Dhibaatada maanta Soomaaliya ka taagani waa mid aad u kakan kana dhalatay qaab dhismeedka bulshada iyo dabeecadahooda reer guuraanimo oo siyaaasad munaafaqnimo, hunguri iyo fara gelin shisheeye lagu barxay, daawadeeduduna waa mid sanado badan la raadin doono oo shir ay dagaal oogayaal horboodayaan iyo shaqsi la iska qabto midna aan lagu helayn.


Ismail A. Hassan (Khaliil).
Khalka1@aol.com

 QORAALADII HORE EE KHALIIL

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2004

ISKU DIYAARINTA XAJKA
Guud ahaan sidee xajka loo gutaa.. Guji...

.. QORAALADA DADWEYNAAH

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD