SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 24, 2004

Afrikaa waxay tidhi Xuduudaha sidii isticmaarku kaga tegey ha loo daayo

Cawl Mareero
cawl_mareero@hotmail.com

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya..
Guji...


Xilligii gumaystuhu joogay Gobolada Waqooyi, wax qaybsiga beelaha waxaa qayb libaax markasta lahaa Qabiilka Isaaqa, wax kasta oo la qaybsadana waxay heli jireen in kabadan 60%.

Sababtoo ah ka tiro badnindooda inta kale, dhanica Britishkana uga far dhuub-dhuubnayeen, kana Aqoon iyo Hanti badnaa kuwa kale.waayo dhowr iyo labaatanakii sano ee Hartigu la balanbalayey Darwiishkii iyagu wax bay baranyeen.

Markii gumaysigu baxayna sidaas ayey ahayd, Balse Reer Sheekh Isxaaq qaybkoodaas Libaax waxay ku doorsadeen midnimadii ay koonfur kula midoobeen, Midowgaas ayaana kala wanaagsanayd qayb libaaxa ay ku helayaan somali kala maqan amase burkaba bahal kama ay filan.

Nasiib Darro Qabaa'ilkii British Somaliland ka yimid Shuruud la'aantii ay ku midoobeen iyo ayagoo aan ahyn dad wada socda oo soo xeer samaystay oo hal ah ayaa sababtay in ay qoloba qoladii xigtey xulafaystaan. Tusaale ahaan markiiba Hartigii waqooyi waxay xulafo la noqdeen Daaroodkii kale ee ay Koonfur ugu yimaadeen. Waxaa ugu xoog weynaa isbahaysiydaa sida kii Muddolood iyo Harti,Carabsaalax iyo Baho(Tanade iyo Yusuf).

Dawladdii u horreysey oo somali midaysani yeelatana Cigaal oo noqon lahaa madaweynaha Somaliland haddaan midowgu dhicin waxaa laga dhigay wasiirka waxbarashada kuwii ka sii hooseeyeyna daa hadlkood.

Markiibana qabaa'ilka Isaaqu waxay arkeen in ay bad dhexgaleen oo ay noqdeen kuwo laga tiro badan yahay.

Dad badan ayaa arrinta dareensanaa, doorashdii saddexaad ee Madexwenye loo Doortay Cabdirashiidna iyadoo ay jirtey in dad badani kulka taliyeen in uu Ismaciil Jumcaale u magcabo Ra'iisul wasaare haddadna wuxuu go'aansaday in uu dheellitir sameeyo Cigaalna Magcaabo.

Waa tii Khaliif dhirbaaxo-jin ugu jawaabay.

  • Adigoo maruuryio iyo ciil wada madoobaaday
  • Adigoo Martabadaad lahayd galab lagaa meershey
  • oo meel Cidla ah taagan baan maandhow kaa naxaye
  • Ministeerka waataanka dhigay Habar magaadlaaye
  • waataan mas'uul kaaga dhigay ma hurtadaydiiye
  • Dadka magaca weynliyo Hatraan kaala dhigay meele.

Dawladdii Ccabdirashiid waa tii aanay waarin oo markii Cabdirashii la dilay askartii

xukunkii boobtay.Cigaalna xabsiga loo taxaabay.

Waxaa dad badan ka fajicisay Markii Cigaal Xabsiga la dhiagy, Yaasiin Nuur oo ahaa ninka saadexaad ee waddanaka ugu awood badan lama xidhin waxaana la sheegay in lacag faro badan inta la siiyey bannaanak llo diray.

  • Yaasiinna waadiga waddacay baankana u wadhaye'
  • Maxaa ina cigaal ka wataa oo keligii loo waayey.

Saraakiisha Ciidamada oo ahaa wakhtigaa dadka kali ah ee aqoontoodu heer jaamacadeed gaadhsiisantahay ayay ahaayeen kuwii ugu harreeyeyee arrintaa ka dhiidhiyey waana kuwii 1961kii inqilaabkii dhicisoobay oo waddanaka dib ugu kala gooyaan isku dayey.

Wakhtigaa laga soo bilaabo reer Sheekh Isxaaq waxay u qalab qaateen goor aya ahaataba in ay mar uu midnimadii dub uga baxaan,siday donataba ha ku timaaddee.

Haddii ay bilawgiiba inqilaabkii ku fashileen isku daygii labaad wuxuu noqday in ay sixir adeegsadaan, waxayna qorsheeyen in ay dadka Daaroodka oo ay nacabka koowaad ugu yeedhaan bal Sixir iyo Fal ku dayaan.

Markii Bile Rafle Badhasaabka ka ahaa Gobolka Waqaayi Galbeed ayey Culimo sixir isugu yeedheen Raashin aad u badan yaa la kariyey,dabadeed arrantii waxaa ka war helay Bile Rafle,ciidamo ayuu kaxaystay oo goobtii tegey rashinkii iyo wixii la guntaayeyba ciidda ku daray wauxuuna u sheegay hadday wax garanayaan in ay isaga sxiraan.aartaasi waa arrin Hargeysa caan ka ahayd.

Waxaan kaloo garanayaa annaga oo Hargeysa guriga hor fadhina in aan maqallay xaafaddii oo isugu qaylinaysa ""Bariis cad,Bariis cad hala wada karsado"".dabeed mid yar oo walaalkay ah ayaa Hooyadaya Ku yidhi Waar Hooyo annakana Bariis cad noo kari, markaasay Hooyo ku tidhi """Waar Hooge idinkaa la idinka karsanayaa"".....sow yaab ma aha.

Haddaba inkastoo aanu Sixirkaasi sidii la rabay u wada shaqayn haddana waxaa cad in aan laga wada badbaadin. sowkan Fuaad Aadan Cadde sacsacay ma aha, sow kan Qaybe sawaabay ma aha, sow kan Saciid Maxamed Gees Dhaan-dhaamay ma aha.

Markuu shaqayn waayey waa kuwii aakhirkii dagaalka u guntaday, kuna guulaysatay dhulkoodiina gacanta ku wada dhigay cidina aanay ugu arrimin maanta.

Haddii ay dhulkooda ku ekaan lahaayeen waxba ma dhaceene waxay usoo guntadeen in ay dhul iyo dad anaay lahayn u arrimiyaan iyagoo ku andacoonaya hal gumaysi baa inna wada gumaysan jiray. waxaan aad ula yaabaa markay yidhaahdaan Xudduudda caalamiga ah iyo afrikii waxay go'aamisay in xuduudaha sidii uu Isticmaarku kaga tegey loo daayo. waxaa ka maqan in Ururka Midawga afrika ee arrtintta go'aamiyiey la asasy 15 May 1963 halka isku darka Soomaliduna uu ahaa 1 luulyo 1960 kii. Haddaba iyadoo la ogaa sababta iyo cidda go'aankaas keenatayba haddana haddii la yidhi xudduddaha sidoodii ha loo daayo lama odhan kuwii isku darsamay dib ha loo kala celiyo. waan ogahay in inta aqoonta lihi arrinkaa ogyihiin waxaase mushkilo ah dadka cawaanta ah ee afka loogu tiray Afrikaa sidaa tidhi.

Waxaas oo dhan waxaa ku kallifay ka carar ay ka cararayeen in ay wax la qaybsadaan dad ka badan. shilse wuxuu ka dhacayaa wixii ay iyagu ka cararayeen ayay rabaan in ay dad kale geliyaan. sow ma doonayan in qolona Somaliland(waqooyi) Laga badane ku ahaato qolona Samaliya(Koonfur) laga badane ku ahaato. haddaba siday u niyaysteen in aan waxaa ka aqballo. waar yaan waxaan suurto gelihayn wakhti iyo tacab lagu lumin. waxaad ka cararayso cid kaa liidato oo aad ku reebaysaa majirto. sow wax la waayey Geellow ninkii waalan bay duda maaha....

Nasiib darose waxay ka joogtaa maanta oo dagaal reer Puntaland iyo guud ahaanba beesha loogu mici lisanayo in dad badan oo aan xilkas ahayn arrintaba fahmiwaayaan.

oo ay cadowga dacaayado u samaynayaan.

waxaad maqalaysaa Websityo(web sites) reer Puntland Sheeganaya oo Cabdillaahi Yusuf dacaayadaynaya iyagoo kala garan waayey Puntland iyo Madaxweyne Cabdillaahi oo yidhaahda Maamulka Cabdillaahi Yusuf oo wakhtigii sii dhaammaaday, ciidamada Ka amar Qaata Cadde Muuse, dawladda madaxa ka nool ee Cabdillaahi IWM maxay kaga duwan yihiin kuwa Isaaqa ee caadaystay in ay Punatland ugu yeedhaan Maamulka Majeerteen. Xaggayse joogaan Ciidamada Cadde Muuse ka amr qaataa?

Dadkaasi waxay weli taageeraan Jaamac Cali jaamac. waxaan kuwaa xusuusin lahaa bal malee haddii maanta Jaamac madaxweyne Puntland ahaan lahaa maxaa dhici lahaa. sow markii Daahir Rayaale u hanjabo intaanu weli xabbad soo ridin sidiisii durduro xaf iskuma siiyeen, sahalna la innakuma qabsadeen oo col jabay oo madaxweynihii cararay ma noqonneen.

waxaan u malaynayaa in qolyahaasna sixirkii wax ka soo gaadhay.

Haddii aad neceb tahay in Yusuf yey, maxaad beddelkiisa haysaa, sowtii inta shir la isugu yimid oo wixii caqli iyo cilmi aynu haynay la isu geeyey Jaamac Boodda dheere la keenay ma aha. Isagaa Rayaale ka fulaysnaa oo Rayaale markuu Laaska ka cararay meel u dhow buu tegeye sow tii Jaamac orodkii Djibouti fadhiisatay ma ahayn

Haddaba Anigoo an taageraasha Cabdillaahi ka mid ahayn ayaan waxaan arkaa ama u haystaa maanta in uu yahay askarigu mid xaaladda taagan ku habboon.

  • Nin Baraar Gabraartaa mar buuu gaasa bixiyaaye
  • Giirow nin maala mar buu Galax ka giigaaye
  • Gablan weeye meeshuu ka tegey guud caddaw odaye
  • Iga gawrac guriguu ka baxay waw gablamayaaye.

Iiddaaya odayga maalinkaas maanta ah. waan u baahanahye.

Caanteynkaygaas

Cawl Mareero
cawl_mareero@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE CAWL

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2004

ISKU DIYAARINTA XAJKA
Guud ahaan sidee xajka loo gutaa.. Guji...

.. QORAALADA DADWEYNAAH

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD