Janaayo 24, 2004
KA FAAIIDAYSO MAALINTA CARAFO
mustaf yasin
mustafyasin@hotmail.com
Maalinta carafo baa waxa ay ka dhigaysaa 10ka
u horeeya bisha Dilxija kuwo ka fadli badan maalmaha kale ee sanadka waa
maalin ka mid ah maalmaha eebe kuwooda ugu waawayn waxaa lagu dhaafaa
dambiyada sidoo kale waxaa lagu aqbalaa ducooyinka.
Maalinta carafowaa maalintii loo kamilay
muslimiinta diinta iyo nimcada Waxaa laga weriyay Cumar ibnu khadaab in uu ku
yiri nin yuhuudi ah ‘amiirkii mu’miniintoow aayad ku taal kitaaabkiina oo aad
akhrisaan haddii ay ahaan lahayd mid anaga yuhuuda ah nagu soo dagtay waxaan
ka dhiganlahayn maalintaas ciid “, markaas buu waydiiyay Cumar ibnu khadaab
RC :- waa aayadee ? ninkii yuhuudiga haa wuxuu ku jawaaabay (اليوم أكملت لكم
دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا) maa’ida aayada (3)(manta
ayaan idin dhamaystiray diintiina idiina taamyeelay nimcadeyda waxaan
idinkaga raali noqday islaamka diin ahaan) markaas buu yiri Cumar Ibnu
khadaab “waan garanayaa malintaas iyo meeshii nebiga NNKH lagula soo dejiyay
waxaa lagu soo dejiyay isaga oo taagan banka carafomaalin jimco ah” , Nebiga
NNKH waxaa ka sugnaatay in uu yiri “Majirto maalin uga badan maalin u ilaahay
uga xoreeyo adoomada naarta maalinta Carafo’
Haddaba yaa ka qiima badan maalinta
maalintaas?Maxaa inoodiiday in aynu ka faaiidaysano ? Qof kasta oo uu
damackaga jiro in uu in uu ilaahay janada maalintaas qiimaha badan waa in uu
ku dadaalaa asbaabaha u sahli kara in ilaahey ku guulaysiiyo darajadaas aadka
u saraysa waxaana ka mid ah asbaabahaas:-
In aad ka ilaaliso dhamanubnaha
jirkaada xuman iyo wixii keeni kara macsi waxaa laga wereyay Ibnu cabaas RC
in nabiga NNKH uu ku yidhi wiil kadib markii uu dhawr mar ka soo jeediyay
isaga oo eegaya haween ka ajnabi ah “Walaalkeey wiilkiisiiyoow manta wa
maalain qofkii milkiyaa Maqalkisa, aragiisaiyo carabkiisa loo dambi dhaafo”.
Sidoo kale waxaala suneeyaa
maalinta soon nebiga NNKH waxa uu yiri”soonka maalinta carafo waxaa loo
dhaafaa dambiyadii sandkii hore iyo sanadka soo socda”soonka malinta carafo
waxa loo suneeyaa qofka aan xaajiga hayn balse xaajiga isaga looma jideyo
soonka kudayasho nabiga lagu dayano awgeed maxaa yeelay nebiga NNKH waxa uu
katagey soonkiisa maalinta carafo waxa uuna reebay soonka maalinta carafo
lagu soomo carafo si uu ugu xoogaysto baryada iyo xuska eebe .
Waxaa kamid ah waxyaaba u sahli
kara qofka in uu ku guulaysto dambi dhaafka iyo raxamada eebe maalinkaas
aadka ugu qiimaha badan umada muslimiinta ah in uu badiyo ducada iyo xuska
eebe gaar ahaan Ashahaatinka eebe NNKH waxa uu yiri”
(خير الدعاء دعاء يوم
عرفة، وخير ما قلت أنا والنبيون من قبلي: لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له
الملك وله الحمد، وهو كل شيء قدير) [رواه الترمذي وحسنه
(الألباني
“mida ugu khayrka badan
ducooyinka waa ducada maalinta carafo waxa uug khayrka badan ee aan dhahnay
aniga iyo nebiyadii naga horeeyayna wax ay ahyd ilaah majiro ilaaheey
mooyaane waana kaligiis wax lala wadaajiyo cibaadadiisan am jiraan waxaa u
sugnaaday mulkiga iyo mahada waxa waliban waa uu awooda” waxaa weriyay
TIRMIDI
qofkasta oo kamid ah
walaalaheena muslimiinta ah waxaa waxaa ku waajib ah in uu ka faaiidaysto
malintaas kana fogaado waxyabaha ka hor istaagi kara dambi dhaafka maalintaas
sida isaga oo ku adkaysta dambiyada wawayn (Kabaairta),beenta,xanta iyo
iskudirka dadka IWM.
ugu dambayntiina waxan
eebaha awoodiisu sarayso ka ka baryayaa in uu naga mid dhigo aniga iyo dadka
walaalahayga ah ee muslimiinta ah kuwa ka faaiidaysta maalinkaas ee loo
dambi dhaafo.
Wasaalaamu calaykum
waraxmatulaahi wa barakaatuhu
mustaf yasin
mustafyasin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2004
FADLIGA 10KA HORE EE BISHA
CARAFO
Sideese uga faa'iideysan karaa 10kan
maalmood?...
GUJI
ISKU DIYAARINTA XAJKA
Guud ahaan sidee xajka loo gutaa..
Guji...
..
QORAALADA
DADWEYNAAH
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|