SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON, UK

Saaxiibkeen/walaalkeen Zenawi waa isagii safka hore ahaaye maxaa Safari Park Hotel looga arki waayey

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Waan jeclahay maahmaahyaha iyo suugaanta Soomaaliyeed laakiin madaxdooda (dagaal-oogayaasha) ma jecli. Murtida Soomaalidu waxay waafaqday diintii iyo fidradii. Diintu waxay tiri dhulka kiisa xun waxaan geedo xun ahayn ma soo saaro. Teeda kale bacaadka ma waxaan booc-booc ahayn baad ka filaysaa? Carabtoon isku dhaqan dhownahayna waxay dhahaan “hal talidu xayatun cusfuuraa” oo ah: abeesadu ma dhashaa shimbir? Waa meesha Soomaalidu ka tiraahdo: hal booli ahi nirig xalaal ah ma dhasho. Soow ma aragtid murtida Soomaalidu waa toos? Dagaal-oogayaal Nairobi jooga baa iigu horraysay cid tiraahda Xabashidu waa walaalaheen ama saaxiibbadeen. Haddaad siyaasi tahay waad dhihi kartaa waa deriskeen. Derisku wax kasta buu noqon karaa.

Sidii hal-abuurkii (ma aqaan qofkii tiriyey magaciisa) u lahaa: Guduudo-carwooy, gugii la arkaba, yaa gashaanti kaa dhiga. Yaa maalin kasta shirsiiya dagaal-oogayaasha oo Museveni u keena si ay gacmaha isu qabsadaan oo Soomaaliyeey toosoo u qaadaan. Waxaanan fahmin in dagaal-oogayaashu nagu diganayaan iyo inaysanba fahmin heestaas micnaheeda. Kollay digasho meesha kuma jirto oo shacabka Soomaaliyeed mar horuu dhintay marka qofka lagu digtaa waa qof meeli u bannaantahay laakiin meel digasho naga gasho ma leh. Sidaan mar hore u xusay, haddaan toosno oo dadkeena taagta daran taageerno, waa ayo cidda inta tunka la qabto, sharciga lala tiigsanayo oo xabsi loo taxaabayo haddaanba xabbad lagu tirin? Waa iyaga marka waxay ku heesayaan ma yaqaanaan?

Dagaal-oogayaashii caanka ahaa oo gacmaha is-haysta la arag! Boggaggii internetka oo nimankaas taageeri jiray inkastoon gacantoodu is-gaarin laakiin qolo kasta gacanteedii bay afka saaratay labo siyoodba:

1. Yaab baa kasoo haray oo waa u qaadan la’yihiin labo qof ooy nooga dhigi jireen inaysan isu imaan karin oo hadda kaftamaya.

2. Iyagoo garan la’ si ay wax u qoraan ilayn dagaal-oogahooda kama hor-dhici karaane. Marka maaddaama dagaal-oogayaashu galayaan waxaan anigu u aqaan isu-tiriis/isu-dhaamin (waa wadal hadal caay, faan iyo wax la mid ah ah), kuwa wax u qoraana waxay qaadanayaan fasax marka tobanka beri oo soo socota haddii Ilaah idmo ma aqaan waxay qori doonaan. Waa u cidla’ saaxadu qofkii awal wax iskula haray,. Marka hadalkii waa ka xirmay qorayaashii qabqablayaasha.

Marka gacmo haysashadu ma sidii Sangub u yiri baa:

· salaan aan niyo ahayn gacmaha la isa saaraayo?

· siday noqon?

Waxaan ku jawaabayaa seddex beyt oo Khaliif Shiikh Maxamuud lahaa:

· Rabbigay wuxuu maamulaa malo ka xoog weyne

· hadduu maago mirir bay biyuhu maran lahaayeene

· mucjisooyinkiisiyo ha gelin meherad kaa dheere.

Dhowrkaas beyt ee Khaliif waxaan uga danleeyahay labo arrimood. Midi waa kama jawaabi karo waxa gacan-qaadka dagaal-oogayaashu ku dambayn. Tan kalana waa gabyaagan oo laga soo bilaabo 1979 ilaa 1982 joogay dhulka Xabashida (Adisababa) ama Soomaali Galbeed. Gabyaagan wuxuu mucaarad ku ahaa Maxamed Siyaad oo dadka intiisa badan waa yaqaan, waxuu tirshay gabayo uu ku kicinayo qabiilooyinka Soomaaliyeed si ay taliskii Maxamed Siyaad u ridaan. Iyadooy Xabashidu taageeri jirtay SSDF iyagoo uga dan leh in Soomaalidu isku jabto haddana weli ma arag gabyaagaas oo Xabashi ammaanaya. Gabayadiisa mar waxaa ku jirtay isagoo Maxamed Siyaad u dan leh:

· Rabbi idanki goor dhow sidii Xayle wuu go’ine.

Xeylaha uu sheegayo ma Xeyla Salaasaa mise 1977 buu ka hadlayaa oo Xeyle Maaryam buu haystaa? Anigu waxaan u qaatay inuu Xeyle Salaaso haysto. Dhowr jeer baa rag gabyaa ahi ku eedeeyeen in Khaliif iyo SSDF ay Xabashida calalada u dhaqaan laakiin marna Khaliif ma oran Xabashidu waa walaalaheen ama saaxiibadeen sida dagaal-oogayaashu u dhahaan. Xattaa Khaliif marna ma xusin darisnimo. Bal wuxuu xusay inay Xabashidu gaalo yihiin, waxa uu meesha u joogana ay tahay halgan uu rabo inuu Maxamed Siyaad shacabka uga xoreeyo. Ilaah baan idin ku dhaarshee arka sida gabyaagaas oo Xabashi marti u ahaa uu isaga beri yeelay Amxaaro. Wuxuu yiri:

· inaanan gaalka madiidin u ahayn meelna uwada joogin

· ee aan ka maago siduu bahalku kuu maalo

· mashaa’iikhda Eebbiyo Allaa ii markhaatiyahe.

Bahalka wuxuu ka wadaa Maxamed Siyaad. Akhristayaal Khaliif Shiikh Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan SSDF oo uu ku jiro ninkii watay ciidanka SSDF ayaa Xabashidu waxay ku dishay Galdogob sanadkii 1982 iyagoo adeegsaday madfac taangi iyo qoryihiisa kale. Waxaa dadka intiisa badan aamminsanyihiin inay Xabashidu u dileen arrimahaas la xiriira gabayadiisa. Wey run sheegeen hal-abuuradii tiriyey heesihii ahaa:

· nin abeeso koriyoow adigaa u aayine

· axdi malaha Xabashidu lagu aamminaaye.

Sidoo kale waa tay dhaheen:

· Ninkii dilay walaalkeen

· Ina wuu noo dan leeyahay.

Soomaalidu waxay tiraahdaa jinni ninkii keenaa bixiyee waxaan dagaal-oogayaasha weydiinayaa meeye walaalaheen ama saaxiibadeen Itoobiya, Hotel Safari Park kama soo xaadirine? Dagaal-oogayaashu way ku runsheegeen markay dhaheen Itoobiya safka hore bay uga jirtaa shirkaas laakiin waa dhanka cadaawadda. Ninkii u qaba in Zenawi saas ku harayoow mar kale feker. Horta in uu Zenawi xanaaqsanyahay oo sida wax loo wado ka xunyahay waa muuqataa laakiin waxay ila tahay inuu isleeyahay sida Soomaalidu u tiraahdo geel carruuri qaaday ma dheera ama dhallaan qayladu waa qaboonada, ana (Zenawi) qayladu waa barqo iyo duhur. Waa tee qolada uu Zenawi u arki karo inay yihiin carruur caga weyn? Ma dagaal-oogayaashaa mise waa Musaveni iyo Musyoka? Inkastoon filayo inay Soomaalida u arkaan inay qab-qablayaasha yihiin laakiin ogaada Zenawi waa nin qabweyn oo qaaradda Afrikaba waxaan Xusni Mubaarak ahayn wax uma oga xattaa Qadafi wax weyn umuu arko. Koonfur Afrika iyada Afrika laguma tirayo oo siyaasadda waddanka waxaa gacanta ku haya caddaan.

Kaftankan yeysan dumarku run u qaadan. Nin guurdoon ahaa ayaa nin kale weydiiyey dumarka tee ku fiican in la guursado? Ninkii kale wuxuu yiri horta dumarku waa wada shar, marka markasta ood sharka yaraysid baa fiican! Wuxuu ka wadaa kollay biyo kulul caga waad la galaysaaye bal mid yar oo xoogaa ka sharyar fiiri. Waxay ku fiicantahay in la yiraahdo shisheeye oo dhan waa shar badan yihiin marka hadday noqoto in cid la soo dhowaysto waxaa la qaataa in kuwa dhibta yar la soo dhowaysto. Hadday siyaasaddu nala gasho inaan Musaveni iyo Zenawi mid soo dhowaysano, keen dooran lahayn? Waxay ila tahay inay caddahay cidda lasoo dhowaysanayo waana arrintaas midda keentay in Soomaalidii oo dhami ay sii jaleecayso shirkii 9/01/04. Musyokana waa ka sokeeyaa Zenawi marka loola kala baxo kaftankaas dumarka loo isticmaalay. Marka dagaal-oogayaashu hanoo sheegeen waxa ku dhacay Zenawi? Anigu waxaan Soomaalida khaasatan dagaal-oogayaasha kula talin lahaa inay qaataan saarkii Carays Ciise Allaha u naxariistee oo ahaa:

· wedeynimo kaama rabo

· waddankaas anaa iska leh

· aan kala weydaarannee

· waraaboow maalin wacan.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com |Jan 2, 2004

»C/waaxid oo Dafiray Beel Degta Puntland [DhegoCade]

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD