SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  •       Madaxweynaha JWXO oo la kulmay wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Norway.

  •       Wararkii bisha December 2003 ee Ogaadeeniya:

  •       Burco oo dad u dhashay Ogaadeenya lagu xidh xidhay.

  •       Xukuumada Itoobiya oo hub u soo gudbisay hogaamiye kooxeedka Jawhar M. Dheere.

  •       Kililka Gambeelada oo lagu xidhay madax dhan ilaa 60qof.

  •       Janaraal Samoora oo sheegay in dagaal diyaar u yhiin ciidamada  Itoobiya.

  •       Shaqaale badan oo u shaqayn jiray shirkada diyaardaha ee Itoobiya oo  shaqadii laga eryay.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Madaxweynaha JWXO oo la kulmay wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Norway.

 

Maalinimadii Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 29, desember 2003 ayaa wafti uu hogaaminaya Madaxweynaha Jabahada Wadaniga Xorenta Ogaadeeniya uu ka soo degay gagaida dayuuradaha ee Magaaladda Oslo; dalka Norway. Waxaa waftigaas si diiran soo dhaweeyey xubno ka mid ah guddiga Fulinta ee Jaaliyadda  Ogaadeenya ee ku dhaqan dalka Norway.

 

Madaxweynaha oo uu wehliyo xogahayaha warfaafinta ee jabhada Mudane Cadaani Xasan Hirmooge ayaa socdaal ku kala bixinaya wadamo ka mid ah qaarada yurub iyagoo horey u soo marey dalalka Finland iyo Germany.

 

Madaxweynaha iyo wafdigii uu hogaaminayey waxay galinkii hore ee maalinimadii talaadada la kulmeen gudiga maamulka ee jaaliyadda  Ogaadeenya ee dalka Norway, iyaga oo ka dhageystey  warbixin ku saabsan waxqabadkii ay jaaliyadda ku talaabsatey.  Isla maalintaas galinkeedii danbane waxay waftigu  kulan la yesheen ururka haweenka ee jaaliyadda oo ay warbixin tafatiran ka siiyeen geedi socodka halganka iyo guulihii uu ururku talaabsadey.

 

Maalinamadii Arbacada oo ay taariikhdu ahayd 31ka December 2003, waxay waftigu la kulmeen madax sarre oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibada ee dalka Norway, xaafiiska u qaabilsan arrimaha Afrika.  kulankaas oo ahaa mid si heer sarre ah loo agaasimey ayey ku falaqeeyeen guud ahaan arrimaha ka taagan geeska afrika, gaar ahaan soomaaliya, iyada oo uu  madaxweynuhu  siiyey madaxadaas warbixin waafi ah oo ku saabsan dhibaatooyinka uu taliska Addis ababa ku hayo shacabka reer ogaadeenya iyo  nabada geeska afrika.

 

Ka dib kulankaas waxay waftigu la shireen odayaal ka tirsan jaaliyada  Ogaadeenya ee ku dhaqan magaalada Oslo, shirkaas oo ka dhacay hoolka xafiiska jaaliyyada ayey waftigu xog waran guud ku siyeen odayaasha iyaga oo ka jawaabey dhamaanba su'aalihii la weydiiyey.

 

Sidoo kale maalinimadii shaley oo ay taariikhdu ahayd  1. janaury 2004 ayey waftigu kulan balaaran la yeesheen jaaliyaddaha soomaalidda ee ku dhaqan cariga norway gaar ahaan magaaladda Oslo iyagoo si hufan sharax uga bixiyey ujeedooyinka aasaaska u ah ururka iyo cid ay khuseyso qadiyadda halganka oo ah soomaalida oo dhan.

 

Waxay waftigu si aad ah ugu nuuxnuuxsadey  in ay qadiyadu khuseyso dhamaanba soomaalidda oo  hadaan xal loo helina uusan dhamaaneyn qalalaasaha ka taagan gobolka geeska.

 

Shirakaas ka dib ayuu madaxweynaha Jabahadda wadaniga xoreynta Ogadeenya  Mudane Admiral Maxamed Cumar Cismaan salaan iyo bogaadin uu ku maamusayo sanadka cusub u direy dhamaanba naftood hurayaasha iyo shacabka ogaadeenya mintidka ah  waxaana ka mid ahaa hadaladiisii.

 

Socadaalkan uu madaxweynuhu ku marayo dalalka yurub ayey ujeedadiisu tahay inuu u gudbiyo shacabka ogadeenya ee dhaqan dibadaha fariin ku saabasan geedi socodka halaganka iyo xaalada aguud ee uu ku sugan yahay shacabka Ogaadeniya.

 

Wararkii bisha December 2003 ee Ogaadeeniya:

Dhacdooyinka joogtada ah ee ka dhaca Ogadeeniya ayaa ah mid maalin joogto ah oo ay dadka shacaka ee Ogaadeeniya weheshadaan, dhacdooyinkaas oo isagu jira dhib ay Ciidamada Gumeysigu ku hayaan dadka shacabka ah iyo dagaalada joogtada ah ee dhexmara Ciidamada xaq u dirirka Ogaadeeniya iyo kuwa tabaaleysan ee gumeysiga Itoobiya.

Hadaba dhacdooynkii ugu danbeeyey ee aan ka soo aruurinay bisha December ee 2003 ay waxay u dhaceen sidan.

09 December 2003:Goosalaleey oo ka mida Gobalka Jarar waxaa lagu xidh xidhay dad badan oo ay ka mid yihiin.

01-Barre Abdi Muumin
02-Khayro Ali Mataan
03-Faadumo Abdi Muumin
04-Mustafe Ow Mahamed Muuse
05-Cadaani Fure Ahmed Muumin
06-Rashiid Mohamed Abdulahi    
07-Rooda Molin Abdulahi
08-Abdi Goohe Sh.Mohamed
09-Xaashi Ow-Abdi Sh.Ahmed
10-Ahmed Xayi
11-Ahmed Abdulahi Yuusuf
12-Cismaan Ahmed Sh.Hassan
13-Siiko Ow Hassan Sheekh
Iyo Kuwo Kale

10 December 2003: Degmada Dhanaan waxaa lagu xidh dad ay magacyadooda naga soo gaadheen

01-Aden Omer
02-Bashiir Ismail
03-Abdi Khaliif Hassan
04-Omer Abdi Aden
05-Mohamed Hassan iyo
06-Muhumed Hassan Badal.

 14 December 2003:Qabri-Dahare waxay Ciidamada cadawga Itoobiya ku dileen Allaha u Naxariistee, Marxuum Xareed Adeec oo iyaga u shaqay jiray kadib markii ay ka shakiyeen in uu ka leexday hawlihii adeegsiga ee ay u xilsaarteen, waxayna ku dileen sun ay ay siiyeen.

15 December 2003: isla Magaalada Qabri Dahare, waxaa lagu xidhay Hassan Abdulahi Fure.

18 December 2003:Tuulada Cayuun waxay CCGI ku qabteen 2 nin oo aan ilaa iyo hada meel la geeyey laga war qabin

01-Abdiwali Garas iyo
02-Wali Khaliif


Dagaalada dhex mara CWXO iyo midka jabka weheshada ee Gumeysiga Itoobiya oo joogta ah ayaa waxaa oogu danbeeyey kuwan

Badhtamihii December 2003: Sagag oo ka mida Gobalka Nogob, dagaal mir ah oo ay CWXO ku qaadeen Saldhig Milatari oo ay leeyihiin ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa laga dilay 8 Askari, waxaana lagaga dhaawacay tiro kale oo badan, balse aanaan wali la xaqiijin, waxaana dagaalkaas ciidamada gumaysiga lagaga gubay xaruntii saadka.

Isla xiligaas dagaal ciidamada wadaniga xoraynata Ogaadeenya iyo kuway nacabka gumaysiga Itoobiya ku dhex maray Gasaangas oo ka tirsan Gobalka Nogob ayaa ciidamada cadawga lagaga dilay 5 Askari, waxaana lagaga dhaawacay 8 Kale.

14 December 2003: Banbaase, dagaal ka dhacay waxaa iyadana lagu dilay 6 ka mida Ciidanka Bahalka ah ee Gumeysiga Itoobiya, waxaana lagu dhaawacay 9 Kale.

17 December 2003:Galadiid oo ka mida degmada Shaygoosh ee Gobalka Qoraxey, waxaa Saldhigaas ka baxsatay iyagoo hubkoodii wata 5 kamida Ciidanka Gumaysiga Itoobiya, kadib markii ay niyab ka soo gaadhay dagaalada dhex mara iyaga iyo Ciidanka Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya.

21 December 2003: Mishinka oo ah Saldhig ku yaala Magaalada Dhagaxbuur ee Gobalka Jarar dagaal Gaadmo ah oo ay CWXO ku qaadeen ayaa waxaa digada lagaga dhigay kaydkii Rasaasta iyo saldhigii Saraakiisha ee Ciidamada cadawga Itoobiya, waxaana dagaalkaas laga dilay 9 Askari, waxaana lagu dhaawacay tiro badan oo aan wali la soo xaqiijin.

Kadib jabkii goobtaas ka soo gaadhay sidii caadada u ahayd waxay Ciidamada Itobiya ku gadoodeen shacabka Ogaadeenya ee Magaalada Dhagaxbuur iyagoo goobtaas ku dilay Allaha u Naxariistee Marxuum Shabiin Odawaa, waxayna xabsiga u dhaadhiciyeen dad shacab aah oo tiro badan.

Dagaaladaas joogtada ah ee lagu hayo ciidanka gumaysiga Itoobiya ayaa waxuu sababay in ay ciidamo badan isu dhiiban Jabhadaha dagaalka hubaysan kaga soo horjeeda ciidamada gumaysiga Itoobiya, waxaana ugu danbeeyay 8 Askari oo ka tirsanaa ciidamo ku sugnaa Tuulada gasaangas oo ka tirsan gobolka Nogob, waxayna isu dhiibeen dagaalyahamiinta Xoreeynta Oromiya.

 

Burco oo dad u dhashay Ogaadeenya lagu xidh xidhay.

 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ayaa sheegaya dad u dhashay Ogaadenya oo ay maamulka magaalada Burco xabsiyada u taxaabeen.

Dadkan la xidh xidhay ayaa waxay ahaayeen dad goobo ganacsi ku lahaa magaalada burco, qaar xoolo keensaday iyo qaar eheladooda dibadaha lacago ka sugayay. Ololahan dadka lagu xidh xidhayo ayaa waxuu ka danbeeyay culays ay xukuumada Itoobiya saartay maamulka gobolkaas, kadib markay la kulmeen saraakiil ka socota nabad sigida Itoobiya masuuliyiinta gobolkaas ka taliya.

 

Saraakiisha dhinaca Itoobiya ka socotay ayaa dhaliil u soo jeediyay maamulka gobolka Togdheer waxayna sheegeen in ayna ula shaqaynin sida maamulka magaalada hargaysa.

Si kastaba ha ahaatee maamulka magaalada Burco ayaa u dabcay xukuumada Itoobiya oo maray jidkii maamulka magaalada Hargaysa, taasina waxay keentay in dadkii magaalada ganacsiga ku lahaa ee ka soo jeeday Ogaadenya in xabsiyada loo taxaabo iyada oo ayna jirin wax lagu soo eedeeyay oo aan ka aheyn in ay ka soo jeedan gobolka Ogaadenya, waxaana laga shaki qabaa in gacanta loogaliyo dadkaas Taliska dhiigyacabka ah ee Itoobiya.

 

Xukuumada Itoobiya oo hub u soo gudbisay hogaamiye kooxeedka Jawhar M. Dheere.

 

 Warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaadhay gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay 30.12.2003 ka soo gudbeen gobolka Hooraan koox Baabuur ah oo sida Hub ka yimid dhinaca Itoobiya, una socda hogaamiye kooxeedka lagu magacaabo Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo gacanta ku haya maamulka magaalada Jawhar ee gobolka shabeelada dhexe.

Xukuumada Itoobiya ayaa wadanka Soomaaliya soo galisa hubka ugu badan ee loo adeegsado dagaalka Sokeeye ee ka socda gudaha wadanka Soomaaliya, kaas oo uu caalamku in badan isku dayay in ay xal nabad galyo u hekaan.

Talaabadan cusub ee ay Itoobiya ku hubaynayso kooxaha gacansaarka la leh ayaa laga cabsi qabaa in ay dib uga bilaamaan dagaaladii sokeeye ee sii qaboobayay, waana talaabo ay xukuumada Itoobiya dhagaha kaga furaysatay qaraarkii cuna qabateenta Hubka ee ay golaha amaanku ka soo saareen Soomaaliya.

 

Dhinaca kalana Ra` iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in ay qaar ka mid ah wadamada dariska Soomaaliya la ah ay ka dagi ladahay nabada Soomaaliya, kuwaas oo mar walba fashilinayaa dadaalka ay caalamku ugu jiraan sidii loo dhamaytiri lahaa dagaalka sokeeye ee ka socda Soomaaliya.

 

 Kililka Gambeelada oo lagu xidhay madax dhan ilaa 60qof.

 

Wararka naga soo gaadhaya gobolka Gambellaha ayaa sheegaya in la xidhay 60qof oo ahaa madaxdii kililkaas, kadib markii halkaas u dagaal ka dhacay, taas oo ay ku dhinten dad gaadhaya ilaa iyo 350 qof.

 

Dadka madaxda ah ee la xidhay waxaa ku jira xoghayihii guud ee kililka Gambellda Ugbaan Meedhin, Masuulkii xafiiska wasaarada caafimaadaka ee kililkaas Umadhi Ullu, Masuulkii xafiiska arimaha hooyooyinka Sister Oriyat Peter.

 

Xidhaygan ayaa waxa amray wasiir kuxigeenka arimaha fadaraalka Gabre-ab Barnabas, kadib markii u shir layeeshay masuuliyiinta aya u magacawdeen in ay sii hayaan maamulka gobolka Ganbeelaha oo ay xukuumada dhexe la wareegtay.

Waxuuna masuuliyiinta la xidhay ku eedeeyay in ay in ay iyagu kadanbeyeen nabad galyada faraha ka baxday.

 

Tan iyo intii Xukuumada gumaysiga Itoobiya ee dhexe ay la wareegtay xukunka gobolka Ganbeelaha ayaa waxaa faraha ka baxay amaankii gobolkaas, waxaana kacdoomo shacbi ah sameeyay dadkii gobolkaas ku dhaqnaa oo ka biyo diidsan in afduubka maamulkooda lagu sameeyay.

 

Dhinaca kale waxaa ka hadlay oo canbareeyay xasuuqii laxasuuqay qabiilka

Anyuwaak madaxwaynihii hore ee Itoobiya Dr. Nagaaso Gidhaadha, waxa uuna

intaa raaciyay in maxkamad la keeno dadkii xasuuqaa ka danbeeyay.

 

Janaraal Samoora oo sheegay in dagaal diyaar u yhiin ciidamada

Itoobiya.

 

Wariyhah wakaaldda wararka Ogadeniya u jooga magaalda Adis Ababa ayaa sheegay in u shir isugu yeedhay dhamaan janraaalda ciidamada Itoobiya taliyaha ciimdamada Itoobiya Janaraal Samoora Yonis.  Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in u shirkaasi dhacay intii u dhaxaysay 21-23kii dec. waxayna ka wada hadaleen xaalada ciidamada Itoobiya iyo sidii dagaal loogu diyaarin lahaa. Mr Samoora ayaa sheegay in ay ciidamada Itoobiya diyaar u yihiin dagaal ay ku qaadan wadanka Eritria 75%, halka ay Janaraalda shirkaas ka soo qayb galay sheegaya in ay ciidamda Itoobiya ayanan baryahan danbe wax mu shahar ah qaadanin, taasina ay keentay in muraalka askartu hoos u dhacdo, waxaa kale oo ay janaraaladu ka cawdeen tayada hubka ay haystaan marka loo eego hubka casriga ha ay dawlada Eritrea haysato.

Si kastaba ha ahaatee waxay u muuqataa in xukuumada Itoobiya ay ka go` antahay weerar ay ku qaado wadanka ay dariska yihiin ee Eritrea.

 

Shaqaale badan oo u shaqayn jiray shirkada diyaardaha ee Itoobiya oo

shaqadii laga eryay.

 

Addis Ababa Jan.1. ONA:-wariyaha wakaaldda wararka u jooga magaalada Adis Ababa

ayaa sheegaya in shaqadii laga eryay 35 qof oo u shaqayn jiray shirkada diyaaradaha ee Itoobiya.Wararku waxa ay intaa raaciyeen in ayna wali cadayn sababta shaqaalahan loo eryay, hasayeeshee dad ku dhadhaw maamulka taliska Itoobiya ayaa sheegay in u erigani ku sal leeyahay siyaasad, shaqada laga eryayo dadka ka soo horjeeda siyaasada fashilan ee kalgii taliye Meles Zenawi.

 

02.01.2004

C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]