|
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu
ka koobanyahay.
- Ø Askar
ka baxsatay Ciidamada Itoobiya
- Ø
Tareenka u kala goosha Jabuuti iyo Itoobiya oo la qarxiyay
- Ø Ardayda magaalda Ziway oo mudaharaaday.
- Ø Ciidamo maraykan ah oo tababar u furay
ciidamo kenyan ah.
- Ø Xukuumadda Suudaan oo xidhxidhay xubno ka
tirsan jaaliyaddii Eritereya.
- Ø Shir ay rabtay xukuumada Itoobiya in ay ku
dhisto gudiga sufiyiinta oo fashilmay.
- Ø Dagaal culus oo dhex maray ciidamada OLF
iyo askarta wayaanaha.
- Ø Barnaamujii aragtida halgamaaga iyo waliba
suugaan halgameed.
Askar ka baxsatay Ciidamada Itoobiya.
6/01/04, ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku
sugan deegaanka Dhagaxbuur waxaa ka goostay 9 askari oo hubaysan, kuwaasoo
dhinaca Soomaliya u baxsaday, isla markaana aan war loo haynin meel ay ku
dambeeyeen.
11/01/04, waxaa isku dhacay ciidamada shacabku
u yaqaano dabaqoodhiga ee ku sugan Gasaangas iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ee
gobolka Nogbeed, waxayna isku diidan yihiin habka ay u wada shaqaynayaan ee ku
aaddan cabudhinta dadweynaha. Waxaa isku dhacaas ka dhashay inay 12 askari oo ka
mid ah kuwa loo yaqaano Dabaqoodhiga ay la goosteen hubkoodii.
Dhinaca kale 13/01/04, meesha lagu magacaabo
cadhood oo u dhaw tuulada Gudhis waxaa miino lagu qarxiyay gaadhi ay ciidammada
wayaanuhu saaranaayeen, waxaana halkaas ku bas-beelay gaadhigaas iyo wixii
sarnaa oo dhan.
15/01/04, Dagaal ka dhacay meel u dhow
Gosolaley oo gobolka Dhagaxbuur ku taalla waxaa cadowga lagaga dilay, 5 askari,
tiro kalana waa lagaga dhaawacay.
Tareenka u kala goosha Jabuuti iyo Itoobiya oo
la qarxiyay
Lix qof oo rakaab ah ayaa ku dhaawacmay, ka dib
markii Axaddii la qarxiyay tareenka u kala goosha Jabuuti iyo Itoobiya, waxayna
arrintaasi keentay in la hakiyo tareenkii u kala socon jiray Jabuuti iyo
Itoobiya. Qaraxani wuxuu dhacay aroornimadii axadda ahayd, wuxuuna ka dhacay
meesha lagu magacaabo Daasbyo, oo 75 km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada
Jabuuti.
Booliska dalka Jabuuti ayaa sheegay inuu
gacanta ku hayo dhawr qof oo Itoobiyaan ah oo ka shaqaynayay tareenka, kuwaasoo
qaraxan lagu tuhmay. Xukuumadda Addis Ababa ayaa marar hore Jabhadda Oromoda ee
OLF ku eedaysay inay ka denbaysay qaraxyo marar hore loo gaystay tareenka u kala
shaqeeya Jabuuti iyo Itoobiya, hase yeeshee Jabhadda OLF ayaa eedaymahaas
iyaduna ku gacan saydhay.
Ardayda magaalda Ziway oo mudaharaaday.
Wariyaha wakaalada wararka Ogadenya u jooga
magaalda Addis-Ababa ayaa soo tabiyey in kumaankun oo arday Oromo ah ay
banaanbax aad u balaadhan ka dhigeen magaalada Ziway,ardaydaas ayaa banaanbaxaas
ku muujiyey siday uga soo hor jeedaan siyaasada taliska TPLF iyo go’aamadii
lagaga rarayay xafiisyada Ismaamulka Oromada magaalda Addis.Ababa.
Ardaydan oo ku dhawaaqaysay eryo ay ka mid
ahyeen "Addis-Abab anagaa leh" iyo ha dhoco taliska Meles ee ka ligii taliska
ah" ayaa waxay u jeediyeen xukuumada wayaanaha in ay si deg deg ah uga noqoto
go’aankan dulmiga ku salaysan , banaanbaxaas oo ahaa mid nabadgalyo ayaa
boliskii magaaladaasi xoog u adeegsaday laguna kala caydhiyey si jujuub ah oo
aan sharciga banaanbaxyada waafaqsanayn.
Wararka ayaguna naga soo gaadhay meelo kala
duwan ayaa shegay in ay jaaliyadaha dibada ee Oromadu soo qabanqaabiyeen
mudaaraadyo ka dhan ah taliska TPLF ee talada wadanka Ethiopia haya waxayna
mudaahardayadaasi ka dhaceen magaalooyinka kala ah.
- Stockholm
- New York
- Minnesota
- Toronto
- Alberta
- Settle
- Iyo xero qaxooti oo ku taala wadanka Kenya.
Banaaxbyadaas ayaa waxaa kasoo qayb galay dad
aad u tiro badan oo shucuurtoodu aad ay u kacsanayd kuna dhawaaqayey hal ku
dhigyo lid ku ah taliska Addis-ababa.
Dhinaca kalana ismaamulka Oromada ee laga raray
magaalada Addis-Ababa ayaa guryo ladajiyo looga la yahay maaglada Naziret.
Taasoo keentay in xaafadaha magaalada laga raro dadkii daganaa si looga dhigo
xafiisyo.
Ciidammo maraykan ah oo tababar u furay ciidamo
kiinyaan ah.
Cutubyo ka tirsan ciidammada badda ee dalka
Maraykanka ayaa xuduudda u dhaxaysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya tababarro uga
furay ciidammada millatariga ee waddanka Kenya.
Tababarradani waxay ka furmeen magaalada xeebta
ah ee Lamu, oo ku taalla soohdinta Soomaaliya iyo Kenya u dhaxaysa dhinaca Badda,
waxaana ciidammada Kenya la barayaa qaabka loola dagaallamo argagixisada, waxaa
kaloo lagu tababarayaa qaabka loo isticmaalo hub lagu farsameeyo dalka
Maraykanka oo soo galay gacanta ciidammada Kenya.
Wasiirka nabadgelyada gudaha ee dalka Kenya
ayaa sheegay inuu Maraykanku dalka Kenya ka caawinayo sidii loola dagaallami
lahaa argagixisada caalamiga ah, oo uu sheegay inay ku dhuumaalaysanayaan
soohdinta Kenya iyo Soomaaliya u dhaxaysa.
Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya ayaa
isaguna cadeeyay in ciidammada dalkiisu ay tababar noocaas ah u fureen
ciidammada Kenya, wuxuuna saadaaliyay in ciidammada Kenya ay si wayn uga
faa’iidaysan doonaan tababarkaas loo billaabay.
Xukuumadda Suudaan oo xidhxidhay xubno ka
tirsan jaaliyaddii Eritereya.
Ciidammada nabagsugidda ee dalka Suudaan ayaa
13-kii bishan albaabada u laabay labo xafiis oo Jaaliyadda Eritereya ay ku
lahayd magaalada Khartuum, waxay kalo xabsiga u taxaabeen labo ka mid ah
shaqaalihii xafiisyada Jaaliyadahaas la xidhay.
Sidaas waxaa lagu sheegay bayaan jimcihii ka
soo baxay wasaarada arrimaha dibada ee dalka Eritereya. Waxaa kaloo bayaankaas
lagu sheegay in ciidammada nabadsugidda ee Suudaan ay sheegeen inay xukuumadda
Suudaan ka heleen amar lagu xidhayo xafiisyada Jaaliyadaha Erietereya.
Wasaarada arrimaha dibada ee Eritereya waxay
bayaankaas si wayn ugu canbaaraysay tallaabada ay xukuumadda Suudaan kula kacday
dadka eritereyaanka ah ee ku dhaqan Suudaan, waxayna xukuumadda Suudaan ugu
baaqday inay sida ugu dhakhsaha badan u soo dayso dadka rayadka ah ee ay
xabsiyada dalkeeda ku hayso. Waxay kaloo sheegtay in xukuumadda Suudaan ay
masuuliyad buuxda ka saaran tahay nabadgelyada dadka eritereyaanka ah ee
dalkeeda ku dhaqan.
Shir ay rabtay xukuumada Itoobiya in ay ku
dhisto gudiga sufiyiinta oo fashilmay.
Wariyaha wakaaladda wararka Ogaadeenya u jooga
magaalda Adis Ababa ayaa sheegaya in ayna cidina u soo xaadirin shir ay isugu
yeedhay wasaarada cadaalada ee xukuumada Itoobiya. wariyayaasha madax banaan ee
wadanka Itoobiya ( Ethiopian Free Journalists association) ayaa sheegay inay
wasaarada cadaaldu ugu tala gashay shirkaas in ay u magacawdo gudi maamula
suxufiyiinta Itoobiya.
Ururka wariyayaasha caalamiga ah ee EFJA, oo ay
xubno ka yihiin ururada xaquuqal-insaanka ee aduunka, ururada xoogsatada aduunka
iyo ururada bulshada ee rayidka ah ayaa dhamaantood canbaareyn dusha kaga tuuray
xukuumada Itoobiya , islamarkaana ku tilmaamay talaabadan mid ka soo hor jeeda
dimoqraadiyada iyo xuquuqda bulshada rayidka ah , cabudhinaysana xaqa xubnaha
ururku u leeyahyihiin in ay doortaan maamulkooda u gaarka ah.
Dagaal culus oo dhex maray ciidamada OLF iyo
askarta wayaanaha.
Radiyaha Oromada ee Sagalee Bilisumaa Oromo
ayaa sheegaya in uu dagaal aad u culus dhexmaray ciidamada Jabhada Xoraynta
Oromiya (OLF) iyo askarta wayaanaha halkaasna looga dilay 43askari ciidamada
cagajiidka ah ee Itoobiya, lagana dhaawacay 18 askari.
Warku waxa uu intaa raaciyay in uu dagaalkani
dhacay bishan horaanteedii oo uu ka dhacay tuulada Erer-Goda.
Warku waxa kale oo uu intaa raaciyay in
khasaare aad u balaadhan lagaadhsiiyay ciidamada xukuumada u wakhtigeedii
dhamaaday ee uu madaxda ka yahay Meles Zenawi.
20.01.2004
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad
ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|