|
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya
waxuu ka koobanyahay.
- Ø Abaar ba`an oo ka dhacday Ogadeniya
Ø Baabuur lagu qarxuiyay duleedka magaalada Addis Ababa.
Ø Dad banaanbax samyanayay oo ciidamada Itoobiya ay Jidh dil ku sameeyeen.
Ø
Madwayanah Eritrea oo dunida ugu baaqay inay
tallaabo ka qaado Itoobiya
Ø Qayb ka mid ah riwaayadii xaftii waynaye xig ma maalaa iyo suugaan
halgameed.
Abaar ba`an oo ka dhacday Ogadeniya
Wariyaha Wakaaldda Wararka Ogadeniya u jooga
magaalada Jigjiga yaa sheegaya inay abaar ba`ani ka jirto 5 gobol oo ka tirsan
9ka gobol ee ay Ogadeniya ka kooban tahay.
Warku wuxuu intaa raaciyay in uuna roobkii
dayrtu si fiican uga di`in inta badan degmooyinka hoos yimaadda magaalooyinka
Wardheer, Qabridahare, Fiiq, Goday iyo weliba Dhagaxbuur. Waxaa kale oo uu warku
intaa ku daray in gobollada uu roobku ka da’ay ay ku soo qaxeen dadkii deganaa
gobollada ay roob la’antu ku dhacday.
Waxaana la filayaa inay biyo la’aan iyo raashin
yaraani ka dhacdo gobolladaas uuna roobka dayrtu sida fiican uga di’in, waxaana
loogu baaqay hay’adah samafalka ah inay isu diyaariyaan khatarta ku soo food leh
goboldaas.
Warbixin ay soo saartay haya’da badbaadada
caruurat ee Save the Children (UK) ayaa sheegtay in ay abaartii Ogadeniya ka
dhacady 1999kii-2000 ay ku dhinteen dad gaadhaya 100,000 oo qof. Waxaana lawada
ogsoonyahay inay Taliska EPRDF iyo kuwii ka horreeyayba ay abaaraha Ogadeniya u
isticmaalaan arrimo siyaasadeed oo ay kamid yihiin inay ku wiiqaan halganka
xornimo doonka ah ee lagula jiro.
Baabuur lagu qarxuiyay duleedka magaalada Addis
Ababa.
Maalintii talaadada ahayd waxaa duleedka
magaalada Addis Ababa lagu qarxiyay baabuur booyad ah oo nooca shidaalka lagu
qaado ah, waxaana baabuurkaas lagu dhex tuuray bambo yar, hase yeeshee daboolka
lagama qaadin in cidi wax ku noqotay iyo in kale.
Booliska taliska Addis Ababa ayaa sheegay inuu
baajiyay weerar kale oo la rabay in lala beegsado baabuur kale oo booyad ah, ka
dib markii loo soo sheegay in weerarkaasi la diyaariyay.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda weerarradan qiratay,
hase yeeshee xukuumadda Addis Ababa ayaa marar badan oo hore Jabhadda Oromada
OLF ku eedeysay inay weerarro ka fuliyeen magaalada Addis Ababa iyo magaalooyin
kale oo Itoobiya ka mid ah,iyadoo jabhada OLF ay ku gacan saydhay eedaymahaas.
Dad banaanbax samyanayay oo ciidamada Itoobiya
ay Jidh dil ku sameeyeen.
Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadeniya u jooga
magaalada Addis Ababa yaa sheegaya inay nabad sugida Tigreegu dhaawacyo xunxun u
gaysteen 120 qof oo ka qayb qaadanayay bannaanbax dhawaan ka dhacay magaalada
Addis Ababa.
Waxayna wararku sheegayaan in nabad sugigga
Tigreegu ay dadkaas bannaanbaxayay si xun u garaaceen, isla markaana qaar
badanoo kalana xabsiga u taxaabeen, sidaasna waxaa caddeeyay gudomiyaha ururka
Oromada ee layidhaahdo Meja Tulama Mudane Dhiriba Dhamise.
Warku wuxuu intaa raaciyay in dad ka badan
100,000 oo qof ay ka soo qaybgaleen bannaanbaxaas, oo lagaga soo horjeeday
raritaanka laga rarayo magaalada Addis Ababa maamulka Kililka Oromada oo lagu
qasbay in loo raro magaalada Naziret.
Mudane Dhiriba wuxuu sheegay inay dadkan
mudaharaadayay ay soo mareen marinkii sharci ee loo baahnaa, isla markaana ay si
nabadgelyo ah u bannaanbaxayeen, hasa yeeshee ay si ula-kac ah xukuumada
Itoobiya u laysay.
Madwayanah Eritrea oo dunida ugu baaqay inay
tallaabo ka qaado Itoobiya.
Madawayanaha waddanka Eritrea Mr. Isayas
Afwarki ayaa bishii Dec 24dii warqad u qoray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey
Kofi Annan, taasoo uu ku caddeeyay in xalka kaliya ee lagu maarayna karo
khilaafka ka dhex taagan Itoobiya iyo Eritrea uu yahay inay Itoobiya oggolaato
go’aankii soohdinta ee ka soo baxay guddiga soohdinta ee Qaramada Midobey u
saartay xallinta khilaafka Itoobiya iyo Eritereya.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in warqadan uu
Madaxweyne. Isayas kaga jawaabayay warqad uu u soo diray Mr. Koofi Anaan laba
bari ka hor taariikhdaasi, taasoo uu madaxwayne Afwarki kula socdsiinayay inuu
ergay khaas ah u soo magaacbay sidii khilaafkaas loo xallin lahaa. Eargayga
cusub ee loo soo magaacbayna waxaa weeye wasiirkii hore ee arrimaha dibada ee
wadanka Canada Mr Lloyd Axworthy.
Dhinaca kale Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobey ayaa arbacadii dawlada Itoobiya ugu baaqay inay oggolaato go’aanka
soohdinta ee guddiga Qaramada Midoobey ka soo baxay. Xubnaha Golaha Ammaanku
waxay sheegeen in loo baahan yahay in la fuliyo heshiiskii dagaalka lagu
joojiyay ee dalalka Itoobiya iyo Eritereya ay ku kala saxiixdeen dalka Aljeriya
sannadkii 2000.
Xubanaha Golaha Ammaanku waxay sheegeen inay ka
xun yihiin in Itoobiya ay diiddo go’aankii guddiga soohdinta ka soo baxay, isla
markaana ay ku gacan saydho inay wada-shaqayn la samayso guddiga ay Qaramada
Midoobey u xil-saartay xallinta khilaafka soohdineed ee labada dal. Dagaalkii
soohdinta ee labada dhinac dhex maray sannadihii 1998dii-2000, waxaa ku naf
waayay qiyaastii 70,000 oo qof, waxaana ku baxay adduun malaayiin doollar
gaadhaya.
09.01.2004
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad
ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|