SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Janaayo 26, 2004  

Xubno Soomaaliyeed oo ka Qayb Qaatay Maamuuska Dhalashada Hogaamiyahii dadka madaw ee Maraykanka Dr. Martin Luther King Jr.

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

 


Afartan sano oo keliya ayaa ka soo wareegatay markii madawga si sharci ah loo takoori jiray oo ay meelaha biyaha laga cabo ama musqulaha u kala duwanaayeen maraykanka. Shineemooyinka derbiyada kala midab ayay ahaayeen si dadka loo kala sooco. Gaadiidka iyo waxwalba waa uu u kala soocnaa oo dulmiga lagu hayay dadka madaw halkan kuma soo koobi karo. Minnesota tii ugu xumayd waxay ahayd in magaalo la yiraahdo Duluth oo ka tirsan Minnesota lagu dal dalay saddex nin oo madow ah oo xabsiga ku jiray maxkamad la’aan ka dib markii ay gabar cadaan ahi tiri waa i kufsadeen dadka habsiga soo jabsaday ayaa gaarayay boqolaal qof oo caddaan ah si xoog ah ayay kula baxeen dhalin yadadii musaafurka ahay ka dibna fagaare ku dal daleen ayagoon weli maxkamad la saarin!.


US Senator Norm Coleman

Socodkii 19ka January 2004 ee Minnesota

Waxay ahayd Subax Isniin ah oo aad u qabow 19ka January 2004 Saacaddu markay ahayd 09:00 subaxnimo ayaa Dad u badan madow oo ay weheliyaan cadaan iyo Asian iyo Latinos ayaa isugu yimid dugsiga sare ee St. Paul Central si ay u sameeyaan socod banaan bax oo astaan u ah hogaamiyaha la xusayay oo caan ku ahaa banaan bax uu kula dagaali jiray cadaaladda darada ku habsatay dadka madaw ee maraykanka.

Saacad ka dib bannaan bax socod ah oo ay horkacayaan Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha madow ee Minnesota, US Senator Norm Coleman, iyo Mayorka St. Paul Kelly ayaa bilaabmay dadka waxaa lagu qiyaasi karay ilaa 600 oo qof dadkaas oo ku dhawaaqayay kelmadda ah “We shall overcome someday” oo ay macnaheedu tahay maalin uun baan ka bixi doonaa dhibta na haysata – waa ereyadii uu dhihi jiray halgamaa Martin. Ugu danbayntii dadkaasi waxay soo gareen garoonka isboortiga ee Jaamacadda Concordia halkaas oo ay qudbadaha ka bilwdeen. Markii la kala tegayay ayaa loo mahadceliyay ka soo qaybgalayaasha oo dhan umadihii loo mahadcelinayay waxaa ka mid ahayd Soomaalida.

Isla 15ka january 2004 waxaa ayada sandkii 14 soo qaban qaabisay xuskii halgamaaga oo sida dhabta ah maalintaas ku aadan Collage-ka la yiraahdo Minneapolis Community and Technical Collage. Soomaali badan ayaa ka qayb galay sodoo kale habeenkaas. Xafladda waxaa furay madaxweynaha Collage-ka Phillip Davis laakiin waxaa qudbada badankeeda ku qornaa oo ahaana marti sharaf ka yimid caasimadda Mudane Kweisi Mfume oo ah madaxweynaha Ururka ugu da weyn ururada u dooda xuquuqda dadka aan caddaanka ahayn inkastoo uu ururkan hadda u doodo xataa caddaanka. Ururka waxaa la dhahaa The National Association For The Advancement of Colored People (NAACP) wixii faahfaahin ah oo ku saabsan ururkan ka eeg www.naacp.org.

Hadaladii uu Mudane Mfume ka yiri meesha waxaa ka mid ah “halgankii cadaaladda ee uu Dr. Martin u istaagay weli ma dhama inta dhaqaalaha bulshooyinka America qaarna kor u kacayo qaarna hoos u dhacayo, inta weli dagaal xal lagu raadinayo ama inta weli dad la dulmayo” Waxaa kale oo uu yiri “ haddii aan nahay dadka madaw ee America siyaasiyiinta Republicanku col nooma wada aha kuwa Demoqraadigana saaxiibo nooma wada aha mana ah in aan qofka hadal macaani ku qiimayno ee waa in aan waxqabadkiisa ku qiimaynaa” .

Taariikh kooban oo ku saabsan Dr. Martin Luther King Jr.


Martin Luther King, Jr

Wuxuu ku dhashay Atlanta Georgia 1929. Waxbarashada waxaa uu ka gaaray heerka Ph. D asagoo bartay diimaha. Waxaa uu safar ku tagay dalka India 1959 asagoo la kulmay Gandigii India oo uu la dhacsanaa nooca halganka oo uu ninkaas waday. Sandkii 1963dii waxaa uu ka qudbeeya bannaanka taalada Lincoln ee Washington DC asaga oo hor istaagay 250,000 oo qof. Sanadkii 1964 ayaa la siiyay biladda Nobel Peace Prize, isla sanadkaas ayaa dalka maraykanka la ansixiyay Civil Rights Act of 1964 waxaa qalinka ku duugay Madaxweyne Lyndon Johnson. Sanadkii 1965 waxa uu aad uga shaqeeyay xaqa codbixinta dadka madaw ee Maraykanka. Waxaa la dilay 1968 asagoo yimid magaalada Memphis si uu u taageero shaqaalaha nadaafadda oo samaynayeen cabashooyin xuquuq darro ah oo lagu hayay. Madaxweyne Ronald Reagen ayaa qalinka ku duugay in laga dhigo maalin feysto qaran sanadkii 1983 laakiin ma dhaqan gelin ilaa laga soo gaaray 1986.

Ma keligiisaa u soo halagamay xuquuqda dadka madaw ?

Jawaabtu waa maya oo waxaa la mid ahaa nin muslim ahaa oo asagana la dilay oo la dhihi jiray Malcom X. Mudane Malcom X ma aha nin taariikhdiisa la duugi karo waayo door aad u weyn ayuu ka soo qaatay halganka dadka madaw oo loo yaqaan “civil rights movements” Waxaa kale oo jira halgamayaal badan oo aanan halkan ku soo koobi karin.

Hadaladii Dr. Martin Luther King Jr maxaa ka mid ahaa?

“Cadaalad darrada meel kasta ka dhacdaa waxay qatar ku haysaa nabadda”

“Waxaan ku riyooday in maalin la arki doono madow iyo cadaan isla fadhiya iyo ayadoo aanan qofka lagu qiimaynayn midabkiisa ee lagu qiimeynayo aqoontiisa” iyo murti badan oo aanan soo koobi karaynin weliba ilaa 5 buug ayuu qoray.

Cadaaladda iyo dulmiga:

mlk iyo wardheere
Bidix: Martin Luther King III, Maxamuud Nuur Wardheere:


Muhammed Ali  

Dad xeel dheerayaal ah oo u kuur galay sababta ay diinta islaamku u tahay diinta ugu fididda badan diimaha addunka ayagoo dalalka islaamka maanta aanay gumaysanin dadyow kale oo aanay ku horayna farsamada iyo dhaqaalahaba waxaa ay jawaab ka dhigeen in diinta islaamka xoogga saarto cadaaladda iyo sinaanta oo ay soo jiidan karto qofwalba oo la dulmiyay si ka dheer diimaha kale.

Waxaa aan muran ka jirin in qofwalba oo bani adam ah uu u baahan in uu helo cadaalad asagana laga helo. Dagaalo badan iyo dulmi badan oo addunka ka jiraa waxa ay u badan yihiin wax badsi iyo iimaan la’aan iyo jahli oo haddii uu caqliga iyo aqoonta shaqayso dhib dbadan ma dhaceen. Dr. Martin iyo Mudane Malcolm X waxa ay u istaageen oo naftoodana u hureen danta xuquuqda dadka madow ay xaq u lahaayeen oo xoogga looga qaaday markaasna la dulmin jiray inkastoo aanan la dhihi karin dadka madow dulmigii waa laga wada qaaday 100% haddana waxaan shaki ku jirin in halgankooda guul gaaray.

Hore Shacabka Soomaaliyeed waxay u muujiyeen kartidooda markii ay iska xoreeyeen ayagoo isku duuban istimaarkii Talyaaniga iyo Ingriiska oo guushaas waxaa dhaliyay geesiyaal Soomaaliyeed.

Maanta dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dulman caruurta aan waxbarasho haysanin waa dulman yihiin, dadka aan daryeel caafimaad haysan waa dulman yihiin, umadda nabad gelyo la’aanta iyo qaxa la baday waa dulman yihiin xata xoolaha iyo dhirta iyo wadanka waa dulman yihiin su’aasha waxay tahay waa kuma geesiga u istaagu doona dabaqabashad iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed? Waa kuma Malcom X ka Soomaaliyeed ama Dr. Martin ka Soomaaliyeed?

Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2004

QORAALADII HORE EE WARDHEERE

  • Habeenkii Sharfidda iyo Aqoonsiga Muwaadiniinta Wax u qabtay Bulshada Minneapolis Guj....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri




XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]