SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Ururka YouthCARE oo Wardheere Xubin Kayahay Golhiisa Sare oo Billad lagu Gudoonsiiyey Xaflad uu Ka Qaybgalay  Martin Luther King III.
mlk iyo wardheere
Bidix: Martin Luther King III, Maxamuud Nuur Wardheere: Photo WQ: Maxamed Cali / SomaliTalk.com | Minneapolis  

WQ. Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Minnesota | Jan 17, 2003

Magaalada Minneapolis ayaa habeenimadii Khamiistu soo geleysey lagu qabtay shir ballaaran oo uu ka soo qayb galay Martin Luther King III, oo 10 jir ahaa markii ladiley aabihiis Dr. Martin Luther King, Jr. [waa nin uu dhalay halgamaaga caanka ah ee naftiisa u waayey la dagaalankii addoonsiga dadka madow ee Maraykanka]. Xafladaas waxaa billad sharafta loogu magac daray daryeelka aadamiga [Humanitarian Award] ee sannadka 2003 lagu guddoon siiyey urur dhallinyaro oo ka dhisan gobolka Minnesota. Hadaba xubin kasodey SomaliTalk.com oo goobta xaflada ka qaybgalay ayaa halkan idiinku soo gudbinaya warbixin kooban:

Maalin ka hor ayaa SomaliTalk lagu soo wargeliyey in xaflad uu ka hadlidoono Martin Luther King III lagu qabanayo bartahaha faras magaalaha Minneapolis. Xafladaas waxay bilaabatay 7:00 fiidnimo saacada bartamaha Maraykanka, waxaana fagaare aad u baaxadweynaa camiray dad isujirey midab kasta oo dalka maraykanka lagu arki karo, waxaana sidii la sugayey goobta yimid Martin Luther King III. Balse intii uusan khudbad dheer oo aad u kulul oo uu halkaas kasoo jeediyey bilaabin, waxaa bilad sharafta aan kor kuxusan lasiiyey ururka YouthCARE.

Picture 005.jpg (62554 bytes)
Bidix: Craig Lieberman  [Chair man YouthCARE], Maxamuud Wardheere

Ururka YouthCARE waxaa golihiisa sare xubin ka ah Maxamuud Nuur Wardheere oo ah xubin firfircoon oo kamida jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Maxamuud Wardheere waxa uu SomaliTalk u sheegay in sababta uu uga mid noqday ururka YouthCARE ay ahayd in uu uga faa'iido Soomaalida. Waxyaabaha uu ururkani qabto waxaa kamid ah in uu daryeelo carruurta da'doodu u dhexayso 7-18 oo ka dhashay qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan magaalooyinka mataanaha ah [Minneapolis/St.Paul]. Waxa uu Ururkaasi barnaamijyo u fidiyaa dhallinta xilliga xagaaga lagu jiro [sumer] barnaamij yadaas waxaa kamid ah dalxiis. Waxa kale oo ururkaasi tixgelin siiyaa dhaqamada kala duwan ee ay leeyihiin jaaliyadaha kala duwan ee ku dhaqan Minnesota, waxana uu dhalliinta yaryar baraa dhaqamada jaaliyadahaas kala duwan sidii ay u tixgelin lahaayeen. Ururkan YouthCARE  waxaa la asaasay sannadkii 1974 markaas oo uu ku bilaabmay barnaamij shaqo siin dhallinta xilliga ay iskuulka fasaxa ka yihiin. Ururkaas weeye kan biladdaas sidaas ku mutaystay ee halkaas lagu guddoon siiyey.

Waxaa kale oo habeenkaas billad daryeelka aadamino lasiiyey Dr. Reatha Clark King, oo kamid ah General Mill Foundation.

somalitalkBilladahaas kabacdi, intii aan la gaarin hadalkii Martin Luther King III goobta kasoo jeediyey, ayaa waxaa gabar xiriireye ka ahayd xafladda oo markii ay sheegeysey magacyada dadka marti sharafta ah aan ku darin magaca Martin Luther King III, waxa ay tiri: "Aabahay waxa uu ahaa ninkii madowga ahaa ee ugu horeeyey ee ka qalin jebiyey Jaamacadda kutaal gobolka Illinois, hooyadayna waxay ahayd sannadkii kaa kuxigey gabadhii madowga ahayd ee ugu horeysey ee ka qalin jebisey isla jaamacadaas, waxana ay guurkooda markale ku cusboonaysiiyey socdaal King", hadaba magaca sidaas iigu dheer ayaan caawa ilaawey ee dadoow ii dheha raali ka noqo gabadha, dadkii madasha fadhiyey ayaa halmar ku qayliyey "wey ka xuntahay ee raali ka noqo", markaas ayaa gabadhii markale hadashay oo waxay tiri waxaan codsanayaa in sawir aniga iyo Martin Luther King III nalaka qaado si an hooyaday iyo aabahay ugu diro [waa kan sawir koodii kamuuqda dhanka midig]. Gabadhan magaceeda waxaa layiraahdaa Rondah Kinchlow waana weriyey hore uga soo shaqaysay Radiyaha iyo telefishanka WCCO, hadana waxaa weriye ka tirsan TV-ga KARE 11 oo ka hadla Minnesota.

mtc
Bidix: Phillip L. Davis  [Madaweynaha MTC], Maxamuud Wardheere

Dadkii halkaas habeenkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa madaxweynaha MacHadka Minneapolis Community and Technical College [MTC] oo kuyaal bartamaha Minneapolis, Phillip L. Davis. MacHadkan waxaa dhiga Soomaali aad u tira badan, waxaana mar hore madaxweynaha MacHadkaas, Phillip L. Davis, laga soo xigtey in uu Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ku yiri wax kasta oo waxbarasho la xiriira ee aad uga baahataan macHadka MTC, machadkuna awoodo, diyaar ayaan idiinla nahay.

Ugu dambayntii waxaa goobta hadal dheer kasoo jeediyey Martin Luther King III oo siweyn uga hadlay dhibaatooyinka uu leeyahay midab kala faquuqa. Taas oo uu yiri waa in qofku naftiisa kala dagaalamaa midab nacaybka in uusan ku sifoobin. Waxaad arkeysaa ayuu yiri dad wadamo kabaxsan Maraykan deggan oo shaqsiyadoodu ilaashanaya, halka aad arkeysid in inaga deggan maraykanka ay taasi lumeyso. 

Martin Luther King III waxa uu sheegay in warbaahinta waa weyn ee maraykanka aysan xaqiiqada sheegin, taas isaga oo adkaynaya waxa uu yiri "runtu waxa ay kaa dhigeysaa xor", arintaas asagoo faahfaahinaya, isla markaana canaata kusoo daraya Booliiska Maraykanka, taas oo uu yiri boolisku mawada xuma, laakiin waxaa jiro qayb aan arimaha u miidan deyin, waxa uu yiri waxaa jirey wiil 12jir ah oo madow ah intaas oo xabadood lagu diley, oo aan warbaahintu u sheegin sidii ay u sheegeen ey reer cadaan ah lahaa oo boolisku diley. Waxa kale oo uu ka hadlay wadamada Ciraaq iyo Koriya oo uu yiri halka Kooriya woqooyi laga leeyahay arinta si dublamaasinimo ayaan u xalineynaa, tan Ciraaqna dagaal waa laba wajiile nimo ayuu yiri. Waxa maraykanku u baahanayihiin in ay indhaha kala furaan ayuu yiri. Waxa uu aad u canaantay madaxweynaah Maraykanka Bush oo uu yiri dad gooni ah oo keliya ayuu wax ka dhegeystaa. Waxa uu yiri dagaal xal ma keeno, nabad ayaana rabshad lagu qaboojiyaa. Si loo joojiyo argagixisada waa in dadka la xoreeyaa, la siidaaya ama aan la cadaadin. Inagaa beqeyna markaas ayaan rabnaa in aan dadkale boolis u noqono ayuu yiri. Aabahay wuxuu diidanaa dagaalkii Vietnam, wixii uu waagaas ka dagaalamayey ayaana hadda ka dagaalamaynaa ayuu yiri. 

mlk
Martin Luther King III oo wiil yar magaciisa warqad ugu saxiixaya, mid kamid ah waardiyaashiisuna uu fiirinayo wiilka yar.

Martin Luther King III waxa uu yiri aabahay waxaa la diley anigoo 10 sano jir ah, waxaana diley caddaan, dhawr sano kaddibna qof qoyskayga ah ayaa waxaa diley madow, marka yaan cadwonimo u qaadaa? waxana uu ku jawaabey hadal xeeshiisu ahay waa in aan la dagaalanaa midab kala faquuqa iyo nacaybka ku salaysan midabka kala duwan. Waxana uu yiri adduunka lagama dhamayn karo midab kala sooca, qaarad, waddan, gobol, magaalo, iyo xaafad lagama dhamaynkaro ilaa qofku naf ahaan tiisu uu isaga saaro ama naftiisa kala dagaalamo.

Martin Luther King III waxa uu sannadkii 1957 ku dhashay Montgomery, Alabama, waana wiilka labaad ee ugu weyn carruurtii Dr. Martin Luther King, Jr. iyo Coretta Scott King.

Dr. Martin Luther King, Jr., waxa uu ku dhashay Atlanta markay taariikhdu ahayd  January 15, 1929, halgan dheer  kaddib ayaa waxaa la diley April 4, 1968. 

Habeenkaas wadamadii Afrika ee la xusay waxaa ka mid ahaa Koonfur Afrika, gar ahaan waxaa la xusay xisbiga ANC.

-halkaas ayey ku dhamaatay xafladii-

WARARKA KALE EE XIISAHA KALEH MARAYKANKA:

NIN MADOW AH OO ISU SOO SHARAXAYA MADAXWEYNANIMDA 2004

Doorashooyinka madaxtinimda dalka Maraykanka oo dhici doonta dabayaaqada sannadka soo socda ee 2004 ayaa waxaa isu soo sharaxaya nin madow oo lagu magcaabo Al Sharpton. [eeg halkan si aad waxbadan uga ogaatid musharaxaas]

Waxaa beryahan muuqda in xisbiyada waaweyn ee Maraykanku ay ku dadaalayaan sidii ay usoo jiidan lahaayeen qowmiyadaha kala duwan, gaar ahaan dadka madow. Jaaliyaddaha Soomaalida ee deggan maraykanka ayaa qudhoodo taas waayadan dambe garwaaqsaday, arkayna in codkooda oo midaysan ay si buuxda ugu gorgortami karaan,  meelaha ay arintani ka muuqato waxaa ugu horeeya gobolka Minnesota oo Soomaalidu ay in badan ka duwan yihiin sidii ay dhawr sano ka hor ahaayeen, waxaa hadda muuqda in si kasta oo siyaasadii dalka Soomaaliya loogu kala duwan yahay hadana ay muuqato dan lagaga midoobi karo halkan [ Maraykanka ] si bulshooyinka kale wax loola qabsado, haddii kale waxay noqonayaan dad dhulkoodiina ka yimid, dhulkane aan wax ka qabsan.

SOOMAALIDA LAGAMA TARXIILI DOONO MARAYKANKA: QAREEN

Waxaa toddobaadkan qareen Maraykan ah uu xakumay in aan Soomaalida loo tarxiili karin dalkoodii hooyo ee Soomaaliya. Waa ilaa ay Soomaaliya ka dhalanayso dawlad muctarif ah, nabad buuxdana ka dhalato. [ faahfaahinta oo af ingiriisi ah

AMMAANKA GAWAARIDA

Wararka kale oo xiisaha badan waxaa kamid ah in sarkaal sare oo Maraykan ah uu ku baaqay in aan la iibsan gawaarida loo yaqaan SUV (laand kuruusar iyo biikaabka ay Soomaalidu u taqaan], waayo ayuu yiri waxaa aad u sahlan in ay si fudud ku qallibmaan ama is-rog-rogaan marka si degdeg ah loo weeciyo. Waxaa wararku intaas ku dareen in qofka gawaaridaas saaran uu saddex jeer halista u dhow yahay, waa marka la barbar dhigo qofka wagaarida yaryar saaran. Meealaha qaybtood waxaad arkeysaa warar sheegaya in lala dagaalamo isticmaalka gawaaridaas SUV maadaam ay qaataan shiidaal aad u farabadan, shidaalkaas lacagtiisuna ay aado wadamo kale. Tan dambe oo lacagta ka bexeysa wadanku waxay kusoo xusuusineysaa lacagta Soomaalida uga baxda Qaadka oo aada wadamo kale iyo sida aysan Soomaalidu taas ugu baraarugsanayn, kaba sii daran oo qaadku maanka ayuuba doorinayaa, halis ayuuna gelinayaa caafimaadkaaga iyo dhaqanka qoyskaaga, lacagna waa kaaga baxeysaa, weliba Soomalida joogta Nairobi waxaa u dheer in Qaadku ilkaha kag tuuro dadka Cuna kaddib marka ay isku ruugaan miirow iyo xanjo, qabowga Nairobina u dheeryahay. Malaha shirka Nairobi haddii uu kasoo bixilahaa hogaamiye isu taaga in qaadka uu ka mamnuucayo Soomaaliya ayaaba helilahaa codadka ugu badan.

WARARKA YURUB YURUB:

Carruurta Soomaaliyeed oo waa lidkood lacag badan ku bixinayaan sidii Yurub iyo Maraykan loo keenilahaa, sidaas waxaa faafisay warfaafinta caalamka oo soo xiganeyey hay'ado Afrikda bari jooga eeg halkan... [english]

WQ. Maxamed Cali
Minneapolis, Minnesota, USA
webmaster@somalitalk.com
SomaliTalk.com

Jan 17, 2002

I  I  D  H  E  H

Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso
MINNESOTA: Habeenimadii  Sabtida waxaa magaalada Minneaplis lagu qabtay shirweyne uu ka hadlay hormuud kasocda Jaamacada Boosaaso iyo aqoonyahano badan oo Soomaaliyeed, sidii uu u dhacay  KA.AKHRI.HALKAN 

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD