SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

          

Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland oo Maanta Ku dhaartay Baarlamaanka Hortiisa

Sabti, July 10, 2004

Galkayo (Somalitalk)Waxaa goor dhowayd maanta la dhaariayay Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xashi inuu hayo xilka mudada lixda bilood ah ee lagu kordhiyay jiritaanka Golayaasha Dawladda.

madaxwayne kuxigeenka oo maal mahanba ka aamusnaa in uu dhaarto ama ku dhaarto xil u kordhinta DGPL ayaa barqadii maanta ka dhacday Hoolka baarlamaanka ayadoo lagu hor dhaariyay xubnaha golaha wakiilada hortooda.

Dhaartaan ka dib ayaa la filayaa in maalmaha soo socda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkuba ay soo dhisaan dawlad badasha midii horay xasaanadda uu ugala noqday Baarlamaanku, waxaana jira warar lagu kalsoonyahay oo sheegaya in isabadal sidoo kale lagu samaynayo maamulada gobolada iyo waliba kuwa degmooyinka

<><><>

Ururka Suxufiyiinta Puntland Oo Maanta Shirwayne Uga Furmay Garoowe.

Galkayo(Somalitalk) Sabti, July 10,2004

waxaa maanta ka furmay hoolka shirarka ee xarunta cilmi baarista Garoowe shirwayne ay isugu yimaadeen Suxufiyiin ka kala socday gobolada PL; ujeedada shirkan ayaa ah sidii dhidibada loogu adkayn lahaa shabakada PUMANET oo ay ku bahoobeen suxufiyiin jecel sidii ay kor ugu qadi lahaayenn sumcadooda gaar ahaaned iyo tan guud ahaaneedba ururkan cusub ayaa ah markii ugu horaysay ee ay yeeshaan kulan kadib asaaskii shabakada oo la asaasay 16kii June.

shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay,ada Cilmi baarista PL,ee uu madaxa kayahay Cabdirixman Cabdala (Shuuke) waxaana ka soo qayb galaya hay adaha caalamiga ah.

Sida Shuuke uu u sheegay Somalitalk shirkan waxa uu soconayaa illa 3,maal mood ku dhowaad waxaana furitaankii ka soo qayb galay wasiika wasaarada warfaainta Cabdikariin Cali Mahidi (Suldan) iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdishakuur Mire Adan, waxa ay soo dhoweeyeen wasiiradu sida wanaagsan ee ay isu xilsaartay hay,ada cilmibaarista PL wasiirka wasaaradda wrfaafinta Cabdikariin Cali Mahdi waxa uu u mahad celiyay sida wanagsan oo ay isu xilsaareen dhalinyarada ururka shabakada suxufiyiinta PL ee PUMANET waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in uu goob joog ka ahaa sidii lagu asaasay PUMNET iyo kalsoonidii ay ku midoobeen dhamaanba qaybaha kala duwan ee saxaafadda.

Maxamed Deeq C/qaadi oo ah xoghayaha ururka suxufiyiinta PUMANET ayaa sheegay in loo baahanyahay sidii loo asaasi lahaa laamo ama xarumo laga furo dhamaanba deegaanada PL ayna noqoto gobol walba xaruntiisa Garoowe oo ah xarunta wayn ee xafiisku kafuranyahay.

sahrasiglan siglan <sahrosiglan@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2004

KHATARTA INTERNETKA
Qiso la yaab leh oo soo martay Dahabo Ciise; waana digniin ku socota aabayaasha & hooyooyinka Soomaalida
Guji


Koffi Annan oo Booqday Shirka Soomaalida
waxana uu Noqday Xoghayihii ugu horeeyay ee QM.oo booqda shir soomaaliyed
Guji July9

"Maamulka Somaliland Shuruud waa inay soo daayaan dhalinyaro ku xiran Jeelka Haragaysa"
Sidaas waxaa yiri Waxgaradka Beesha Isaaq ee Magaalada Muqdisho
Guji July 9

Soomaaliya iyo Qabqablayaasha Dagaalka
Faaladii Toddobaadka ee Maxamed Xaaji (Ingiriis) Guji July 8

Waxqabadka PL iyo Waayaha Gobolka Sool
Warbixintii uu Laascaanood kasoo diray Asad Cadaani Guji

Kulan dacwadeed oo Lagu soo Gabagabeeyey Galdogob
Kulankaas oo loogu magac daray 'nolosheena ayaa ku jirta Islaamka' ayaa waxaa...  Guji July 8

» OGEYSIIS London:: Xaflad Lagu Soo Bandhigayo Buuga Xusuus

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD