SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

WARARKA MAANTA: JULY 12, 2004

  • Dowladaha Argagixisada raadsada iyo argagixisada oo saldhig ay ku dagaallamaan looga abuurayo Muqdisho

  • Maxaa ka soo baxay kulankii shalay ee Beelaha Hawiye iyo Bathuel Kiplagat

  • Dhallinyaro Soomaaliyeed oo sheegay in ay dabagal ku hayaan kooxaha qandaraaska ku qaatay in Soomaaliya ay ku abuuraan argagixisada

  • BEESHA SHIIKHAAL OO SHEEGTAY IN AY QAADANAYAAN CAD LA MID AH KUWA AY QAATEEN BEELAHA HABAR-GIDIR IYO ABGAAL

  • Maxkamaddii cusbeyd ee dib looga furay Deegaanka Madiina oo billowday howlgalkeedii

Dowladaha Argagixisada raadsada iyo argagixisada oo saldhig ay ku dagaallamaan looga abuurayo Muqdisho

Warqad qoraal ah oo ay na soo gaarsiiyeen aqoonyahanno iyo dhallinyaro ayaa qoraalkooda waxa ay si aad ah uga hadleen arrimo la xiriira argagixisada, waxaana ay u qorneyd sidatan: “Waxaa Soomaaliya ku soo qul-qulaya rag badan oo qaarkood ka imaanaya dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, kuwaasoo raba in ay dhibaato ku abuuraan shacabka Soomaaliyeed ee iyagu ka soo daalay dagaallada sokeeye oo illaa iyo haatan taagan, Somalia waxa ay horey uga abuureen rag isku sheegaya ganacsato iyo mas’uuliyiin shacab, sicir barar, dagaallo sokeeye, qabiil qabiil dadka isugu dirid, haddana qandaraasyo ku soo qaatay in ay shacabka Soomaaliyeed ku dhex abuuraan argagixiso, waxaana tani ay horseedi kartaa dhibaato hor leh oo ka duwan tii 14-kii sano ee la soo dhaafay la soo maray, waxayna dhibaato wadeyaashaan horey uga shaqeeyeen dowlad la’aan waarta in ay ahaato Soomaaliya, si ay qandaraasyadooda u sii wataan, waxaana haatan ay u sii ciil qabaan in Muqdisho ay noqoto dhulal ay ku dagaallamaan dowladaha argagixisada raadiya iyo argagixisada, si ay danahooda iyo ujeeddooyinkooda gaarka ah ee gurracan ay u howlgalaan, dadka Soomaaliyeed ayay isaga hor keeneen qabiil qabiil, waxa ay isku hubeeyeen bulshada dhexdooda, iyagoo la damacsan dhib hor leh”, ragga qoraalkan na soo gaarsiyey waxaa ka mid ahaa Maxamed C/llaahi Cali Axmed (Shiino), Faarax C/rashiid Ciid Cabdi, Faadumo Gaagaale Sh. Ismaaciil Faarax iyo xubno kale.

Maxaa ka soo baxay kulankii shalay ee Beelaha Hawiye iyo Bathuel Kiplagat

Kulan shalay dhex maray Wakiilka Kenya u qaabilsan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Bathuel Kiplagat iyo ergooyin ka socday Beelaha Hawiye oo isugu jiray siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo ayaa looga hadlay sidii Beelaha Hawiye ay deg-deg ugu soo gudbin lahaayeen xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka.

Kiplagat oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu u soo jeediyey Beelaha Hawiye in ay dedejiyaan xubnaha Baarlaman-ka, isla markaana soo afjaraan wixii khilaafaad ah oo ka dhex jira.

“Hadda ka hor ayaad iga farxiseen oo waxaad noqoteen beelihii ugu horreeyey ee soo gudbiya liiska xubnaha Baarlamanka, balse taasi waxaa ka soo baxay khilaafyo iyo dul-duleello” ayuu yiri Kiplagat oo u soo jeediyey Beelaha Hawiye in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee soo gudbiya Liiska xubnaha Baarlamanka.

BEESHA SHIIKHAAL OO SHEEGTAY IN AY QAADANAYAAN CAD LA MID AH KUWA AY QAATEEN BEELAHA HABAR-GIDIR IYO ABGAAL

Waxgarad ka socday Beesha Shiikhaal ayaa waxa ay warqad qoraal ah u gudbiyeen Guddiga fududeynta shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyagoo kaga dalbanaya in aysan raalli ku ahayn qaabka qaybsiga xubnaha Baarlamanka.

“Beelaha Hawiye kalama sarreeyaan, kalamana tiro badna” ayay ku yiraahdeen qoraalkooda oo ay sheegeen in wixii la qaybsanayo si caddaalad ah lagu qaybsado. Beesha Shiikhaal waxa ay sheegtay in ay ka mid yihiin Beelaha HIraab, xaqna u leeyihiin wixii ay qaadato Beelaha Mudlood ama Habar-gidir in ay iyagana qaataan.

“14-kii sano waxyaabihii laga dagaallamay waxaa ka mid ahaa caddaalad darro, maantana qaadan mayno caddaalad darro” ayay yiraahdeen Shiikhaal oo sheegtay in ay soo dhoweynayaan wixii go’aanno ah ee ka soo baxa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda waddanka Kenya.

Maxkamaddii cusbeyd ee dib looga furay Deegaanka Madiina oo billowday howlgalkeedii

Waxaa maalintii shalay ahayd Deegaanka Madiina dib looga furay maxkamaddii islaamiga ahayd ee sanadihii 1992-kii illaa 1994-kii ka shaqeyneysay deegaankaasi, iyadoo qabanaysay howlo muhiim ah oo dhinaca nabadgel-yada ah. Ciidammo aad u xooggan ayaa shalay howlgal aad u ballaaran ka sameeyey deegaanka ay maxkamaddaasi ka dhisan tahay ee Dharkiinley, gaar ahaan aagga uu ka taliyo Cumar Finish, iyagoo ku soo qab-qabtay illaa iyo labaatameeyo burcad ah.

Dadweynaha deegaanka ayaa aad u soo dhoweeyey howlgalkan, waxayna sheegeen in arrintani ay keeni karto in deegaanka ay dib ugu soo laabtaan dadkii horey uga qaxay, waxayna ka codsadeen maamulka Maxkamadda in aysan maxkamaddaasi mar dambe bur-burin oo ay noqoto mid mar kasta shaqeysa.

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo sheegay in ay dabagal ku hayaan kooxaha qandaraaska ku qaatay in Soomaaliya ay ku abuuraan argagixisada

Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa si kulul u weeraray kooxaha danahooda gaarka ah fiirsada ee qandaraasyada ku soo qaatay in Soomaaliya lagu abuuro argagixiso. Waxay sheegeen dhallinyaradani in dabagal buuxa ay ku hayaan kooxaha noocaasi ah ee ka faa’iideysanaya waxa ay ugu yeereen dowlad la’aanta shacabku haysto, isla markaasna doonaya in uu waddanku sii ahaado dowlad la’aan, si ay u sii fushadaan danahooda gurracan.

            Waxaan ugu baaqeynaa kooxaha argagixisada abuuraya in ay ka digtoonaadaan oo ay ka waantoobaan inta aysan la kulmin dhibaato hor leh.  Maalmahaan waxaa soo baxay dad Soomaali ah oo shacabka Soomaaliyeed aan dhaqan u lahayn falalka argagixisada ah shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamaya in dalkoodu uu hoy u yahay argagixisada, waxaana kooxdan dhallinyarada ah ay sheegeen in raggan ay wataan qorsheyaal aad u fog oo ay ku doonayaan in Muqdisho iyo deegaannada kale ee Soomaaliya ay ku hardamaan kooxaha raadsada Argagixisada iyo kuwa argagixisada, waxaana dhallinyaradaasi ka mid ah Maxamed Shiino iyo Faarax C/rashiid,

amiin khasaaro <amiinkhasaaro@yahoo.co.uk>

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2004

 


Col: Cabdi Yasiin oo lagu wareejiyey Xilka  Dowlada Hoose Boosaaso
Abaanduulahii Ciidankii GBP ee Mucaaradka ku ahaa Maamulka uu hogaamiyo Col: C/lahi Yusuf ayaa lagu wareejiyey Guji  

Koffi Annan oo Booqday Shirka Soomaalida
waxana uu Noqday Xoghayihii ugu horeeyay ee QM.oo booqda shir soomaaliyed
Guji July9

"Maamulka Somaliland Shuruud waa inay soo daayaan dhalinyaro ku xiran Jeelka Haragaysa"
Sidaas waxaa yiri Waxgaradka Beesha Isaaq ee Magaalada Muqdisho
Guji July 9

Soomaaliya iyo Qabqablayaasha Dagaalka
Faaladii Toddobaadka ee Maxamed Xaaji (Ingiriis) Guji July 8

Waxqabadka PL iyo Waayaha Gobolka Sool
Warbixintii uu Laascaanood kasoo diray Asad Cadaani Guji

Kulan dacwadeed oo Lagu soo Gabagabeeyey Galdogob
Kulankaas oo loogu magac daray 'nolosheena ayaa ku jirta Islaamka' ayaa waxaa...  Guji July 8

» OGEYSIIS London:: Xaflad Lagu Soo Bandhigayo Buuga Xusuus

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD